SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAHADNAQ
 JAWAAB--- KULANKA ARDAYDA MINNESOTA

Ilaah baa mahad iyo xamdi usugnaatay, naxariis iyo nabadgalyo rasuulkeena "muxamad" dushiisa ha,ahaato aamiin aamiin

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Sida kucad xadiis saxiixa oo laga wariyey suubanaha (scw) ruuxii ummadda shay waag uhorseeda isna wuxuu heli dhamman wixii wanaaga oo gadaashiisa lasameeyo oo ajir ah iyagoon waxna laga naaqusin dadka sameeya wanaagaas dhanka ajirka, sidoo kale xumaana waa lamid ruxii jideey shartiisa ayaa lagu abaal marin maalinta jisada.

Waxaan bogaadin iyo hanbalyo udirayaa dhamaan ardayda Minnesota wanaagga ay inoo horseedeen oo ah in dad loo gargaaro iyagoo loo eegin heebtooda, balse wax qabad kooda shardi uga dhigay aqoon.iyo qood yari. Run ahaantii nina loomo dhaamo dadkiisa maadamo aan soomali nahay wax qabadkeenu wuxuu kusaleesan yahay waa lawada yaqaan, balse wado cusub oo nadiifa ayey inoo jeexeen ardayda walalaheen minnesota. Runtii ku,amaani maayo gunada yar ee deeqda ay bixinayaa balse waxaa kamuhiinsan wadajirkooda ay wada jiraan, sababtu waxay tahay qudheeda arday ayaan ahay waxna kabarta dal shisheeye oo Somali kubadan tahay sidaa ay tahayna wali dhaayo masaarin urur arday soomaliyeed oo shaqeeya, sida saxda hadaan inyar dib ugu laabto dalkeena gudihiisa iyo meelo kaloo aan tagayba waxaa hubala inaan lakulmay dad sheegan inay madax uyihin urur arday somaliyeed balse aysan daacad ka,aheen waxa ay sheegay ama ay hayaan.

Waxaa goobjoog u,ahaa anigoo wax kabaran dalka gudihiisa in ruux fikrad inoosoo jeediyey oo ah inaan urur arday dhisano halkaas ayaa lagu falanqeeyey waana laysku raacay in ladhiso fikirkaas wuxuu ahaa mid saliimaa balse dhibku waxay kataagneed maalintii layiri gudoomiye ayaa ururka loo magacaabi ruux kasto wuu isa soo sharaxay sida iminka kursiga madax tinimada layskugu sharaxaayo waxaaba moodaa in soomalida kursi qaabku doono ha,ahedee il iyo aragti kaladhaxeeso xataa haddii uu yahay mid naar lagu mutesanayo loomo aabo yeelo in laqabto masuulid aan lagudan karin.

Waa Qaaraan aan Qabiil iyo Qadarin-Qoys toona ku Qotomin": Kulankii ardayda Soomaaliyeed ee Minnesota ayaa waxaa.. Guji..

Waxaan soo xasuustay sheeko cajiib badan oo kusaab saneed jiirar (dooliyo) badan oo kunoolaa god, maalin kasto bisad(mukulal) ayaa dhoor xabo kadili jiray,kana yeeli jirtay waxay cunto iyo waxay kuciyarto, maalin ayey katashadeen jiirarka dhibka daran ee bisada kuheso iyo sidii looga bixilahaa, waxay go,aansadeen oo talo fiican lanoqotay in halshay lasameeyo si,looga nabad galo shidada bisada oo ah in qoorta ganbaleel loosuro kadibna iyada carari maadaamo ay dhawaaqa iyo shanqarta necebtahay, taladii ayaa lagu wada farxay oo loo codeeyey lagu duceestay in sida lasameeyo,balse subixii markii waagu baryey oo lagaaray xiligii loosuri lahaa ganbaleel qoorta bisada ayaa talo hor leh kucagaraay waxaa lays waydiiey! waa kuma qofka kartidaa leh oo bisada qoorteeda suri kara ganbaleel ileen geesino iyo naf hurid ayey rabtaaye ,sidaa ayaa fikirkii kudhicisoobay . lagu kalataga iyadoo nin walbaa iyo xeeshuu kubadbadi karo sameesto .

waayaabe waxaa isi soo sharaxay dad badan waxaa ugu danbeen go,aan lagu gaaray in loo codeeyo musharixina jagada godoomiyo nimada ururuka ardayda, waxaa la,iixilsaaray inan kamid noqdo dadka wax agaasimaayo oo soo dajinaayo qaabka uu noqon ruuxa qaban jegada maadaamo aan kamid ahaa dadka arimahaaas hirgalintooda ugu firfircoon waxaan ka,koob need ilaa 16 qof dadka hooshaas looxil saaray waxaa nalasiiyey tlaba toddobaad inaan soo sheegno! calaamadaha ruuxaas looga baahan yahay, kadib waxaan isku waafaqnay wax dadku kuqancaan kadib dad ayaa doorashadii lagalay sida caadiga ruux ayaa nasiib uyeeshay balse isla goobta ayaa dad isku urur sadeen iyagoo dhisan gudoomiye arday oo cusub isla goobtaas ayaa laysla dhexmaraayey hooshaan siyaasadaa kadanbeeso, waayaabe siyaasada jaan ee la,arkeen maxay tahay kadib sida ururada kooxaha ayaa waxaa dhismay ururo badan oo ardayaa school kastaa ama fasalkasaa urur gaaraa ayuu sameestay waloow ay jireen dad badan oo niyad iyo daacad ka,ahaa hooshaas hirgalinteeda balse dad maagabaa ayaa dhicisiyey hoowshii ardayda, waxa dadku kujecel yihiin tafaraaruqa waan garan la,ahay.

Waxaa xusid mudan markii reer banii isra,iil dhibkii kasoo baxeen oo fircoon bada lagu qarqiyey in nabi muuse (sw) uu Alle bari ubaxay uuna qoomkii uga tagay walalkiis nabi haroun, balse uu fidneeyey muuse saamiri una sheegay inay caabudan dabka, kadib ayaa Alle uwax yooday nabi muse in gadashiisa qoomkii halaabeen wuxu uyimid qoomkiisii uu ag fadhiyo nabi haroun wuxuu warsaday maxaad fidnadan uga celin weesay maadaamo aad ag,joogtid wuxuu ugu jawaabay “ inii qashiitu an taquula faraqtu baynii wabayna isra,iil” kala tafaraaruqa reer banii israa,iil ayaa kabaqanayey oo waxaan ilaalinaaye midnimadooda. marka sidaa ayuu nabi haroun u,ilaalinaaye midnimada iyagoo fidno samen, marka umada somaliyeed waxay ! tafararuqa ku,kalifa waa shay cajiibaa oo baarid ubaahan , wax kastoo wanaagsan waxaa ceeb looga dhigaa siyaasadaa kadanbeso.

Baribaa labo nin oo reer baadiyaa isi sooraaceen iyagoo dhaan raadisaa waxay dhexda kasoo kaxeestay oor(rati) si ay biyaha reera hooda usoo dhaan shaan, kadib ayey arkeen labo doofaar oo kala midabaa mid kamidaa labadii nin ayaa kuyiri kii kale doofarkaas foosha xun waa kiina reer fulaan kii kalaa caroodoo kuyiri maya keena waa kaas ee kiinaa sidaa ufool xun halkii ayuu dagaal kudhemaray ilaa dagaalkii gaaray dhamaan goobaha reeraahooda deganyihin waa danbe ayaa ladamcay in laheshiiyo waxaa lays kugu yimid geed hoostiisa sida caadiga ahed si,arinta looga wada hadlo waxaa lays weediiyey cidda sababtay dagalka nimankii ayaa looyeeray si,dada hortooda uga cadeeyaa waxa sababay diritooda waxay shee! geen in diritooda sababtay doofaar wax arin lawada faqo aaqirkii waxaa go,aan lagu gaaray in lakeeno doofaarkii fidnadan dhaliyey waa yaabe yaa aqoon doofaaraas waase kuma doofaar ruuxa gacantiisa la,adaayo dadka garta goonaayey qaar kood waxay sheegeen in dagaalkooddu siyaasad kadanbeeso soo wax lalayaabo maahan siyaasada iyo doofaarka nijaastaa waxa isku kenay wax kasto oo lamucaadi waxaa lagu oran siyaasadaa kujirto ama kadanbeeso,yaab badanaa

Sidaa si,lamidaa ayaa wadankaan aan wax barashada ujoogo ayaa arday joogto soo qaban qaabiyeen qorsho ardayda lagu mideen karo iyo qaab lays kugu keeni karo waqtiyada farxadaha iyo fasaxyada waxaa laqabtay ciyaaro sports qaasadan kubadda cagta halkaas ayaa qilaaf horleh horseeday ciyartii kubada halkii laga filaaye isku soo dhaween kala fogasho ayaa bilaamatay waa ardayda dhexdooda iyagoo mucaarad uga dhigi koobka laqabtay in siyaaso kujirto ama kadanbeeso maxaa is kaga shan iyo tobanaa kubad laciyaaro iyo waxa dalka gudihisa kajira siyaasadan jaan ee doofarka, kubadda, iyo wax kastoo umada wanaag uhorseedi soo dhex gali oo wanaag kasto joojin maxay tahay,waa yaabe yaabkiise. Waxaa ilaah mahadiis mar hadii siyasadan guracan oon la,arkeen ka,gudbeen walaala heen ardayda minneapolis waxaan sigaraa uga codsan ardayda mimmeapolis inay inoo sheegaan qaabka wanaagsan ay uga gudbeen siyaasadaas aan lagaraneen halka ay usocoto iyo halka ay katimid toona .

Ugar gaaridooda ay ugar garayaan walalahood qeer iyo barako Alaha kasiiyo aamiin aamiin xadiis ayaa oran “wallaahu fii coonil cabdi maakaanal cabdu fii cooni aqiihi” gargaarka dadka iyo gargaarka eebe waa isku xiran yihiin laga yaabe dadka qaar inay is,yirahdaan haday sadaqo iyo gar gaar labaxayaan maxay war baahinta iskugu shaacinayaan waxooda sadaqo maahan laga yabee inay aayadaha sadaqada qeebta hore aqriyaan iyagoo gaarin dhamaadka aayadahaas ay jawaab kabixin --macnaa sadaqada sir iyo bayaan waa loobixiyaa, sadaqada noocaan waxay kamid tahay mida lala jahro si,loogu daydo oo dadka baqiiliinta umaseeraan ama dadka sida xun wax usadaqeesta ay xoo! lahoda ubixiyana iyagoon u,egin rabitaan kooda iyo siday jecel yihiin ardayda iyo dhamaan bahweenta kaqeeb qaadatay ugargarid ardayda talaableesan ilaah wax kaqeer badan ha,ugu badelo xoolahooda ,fikirkooda aaamiin.Wax kawanaagsan in ruux aadamiya maal galin lagu sameeyo majiraan marka hooshiina haka cajisina ilaahna ha,idinla garab galo walaalaheed kale eer ardaydaa oo dalalka kale joogo waxaa ugu yeeri inay raacaan tubta walaalaheed ardayd minnesota.

taqibashiir@hotmail.com

Dr.Taqi Bashiir

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 9, 2003


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD