بسم ألله ألرٌ حمن ألرٌ
حيم
Mu’asasada Waxbarashada ALMANAAR
Bayaanka furitaanka saminaarka 1aad ee macalimiinta dugsiyada
ahliga ah
Maanta oo Arbaca ah 12/8/1424 oo ku
beegan 8/10/2003 waxaa laga furay dugsiga Cumar ibnul Khaddaab ee
magaalada Hargaysa siminaar loogu tala galay sare u qaadista xirfadda iyo
aqoonta barbaarineed ee macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada ahliga ah ee
magaalada Hargaysa.
Ujeedooyinka siminaarkan waxaa ka mid
ah:
1. Sare u qaadista xirfadda
barbarineed ee macalimiinta
2. In la dareensiiyo macalimiinta
waajibka ka saaran in ay si wanaagsan u barbaariyaan ardayda ay gacanta ku
hayaan
3. In laysku xidho macalimiinta
dugsiyada iyo culimada/ducaadda ku hawlan islaaxinta bulshada
4. ka hortagga duullaanada halista
ah ee ku wajahan tacliinta islaamiga ah.
5. Midaynta dadaalka dacwadeed ee
dugsiyadu sida gaar-gaarka ah u wadaan
6. In la daboolo baahida dacwo ee
dugsiyadu u baahanyihiin, iyada oo la ogsoonyahay inay dugsiyadu kaalin
muhiim ah kaga jiraan dacwada islaamiga ah xilligan.
Siminaarkan waxaa soo qabanqaabiyay
mu’asasada waxbarashada ALMANAAR oo ay hoos yimaadaan 12 dugsi oo ay wax ku
bartaan qiyaastii 9000 oo arday iyo ardayad, waxaana siminaarkan ka
faa’iidaysanaya 105 macalin oo dugsiyada Hargaysa wax ka dhiga, waxaana
duruusta bixin doona 7 macalin oo aqoon dheeraada u leh tarbiyada, duruusta
siminaarkan lagu qaadan doono waxaa weheliya dood cilmiyeedyo lagu qaadaa dhigi
doono mawaadiic barbaarinta la xidhiidha.
Maamulka Mu’asasada Waxbarashada
ALMANAAR
October 08, 2003
LIFAAQ:
Waxaa warkan soo diraya Sh. Xasan Maxamed Ibraahim (Abuu
Xasaan) oo beryahan nala joogay, isaga ayaana halkan ka qabanqaabiyey
siminaarkan.. waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu ka aqbalo dadaalka uu wado isaga
iyo ragga kale ee walaaladii . .
Waxaa Siminaarkan ka qayb qaadanaya culimo badan oo ay
ka mid yihiin:
- Sh. Yuusuf Aadan (from Abu Dhabi)
SH. Maxamed Cumar Dirir (Shiikha Hargeisa)
Sh. Xasan Maxamed Ibraahim (Abu Xasaan)
Sh. Mustafe X. Ismaaciil (Hargeisa + Norway)
iyo rag kale oo badan ..
Jama A. Aidid
Hargeisa
Jamyare@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 8, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|