بسم ألله ألرٌ حمن ألرٌ
حيم
QAAR KA MID AH WAX QABADKA
MARKAZ AL-IMAAM AL-BUKHAARI EE MUQDISHO

Markazka oo muddo yar furnaa
imkaaniyaadkiisana ey yaraayeen hadana waxa uu gaaray guulo wax ku ool ah
oo la taaban karo waxaana ka mi ah
1- waxaa laga furay MARKAZKA dowro loogu magac
daray taasoo la furay 9/7/1424-H oo
waafaqsan 6/9/2003-M dowradaan ayaa waxa ey socon doontaa muddo lix bilood ah
waxaana loo furay arday ka badan 130 qof kuwaas oo isugu jiray arday ka kala
timid gobolada wadanka iyo kuwo ka yimid gobolka banaadir ardaydaan ayaa ah
kuwo si gaar ah loo soo xulay isla markaana ah dadkii ducaada ahaa ee ku
dhexjiray dacwada qeyb weyna ka qaatay fidinta iyo faafinta dacwada islaamka
isla markaana loogu tala galay in lagu kobciyo aqoontooda korna loogu soo qaado
wax qabad kooda dhinaca dacwada ayadoo ey wax u dhigayaan macalimiin aqoon
dheer u leh maadooyinka ey dhigayaan.
dowradaan ayaa la filayaa in ey kasoo bixi
doonaan dad badan oo ka kororsaday aqoon fiican inshaa allaah furitaankii
dowrada waxaa ka soo qeyb galay dad badan oo ka kala socday hey adaha wax
barashada kuwa sama falka dallada culumada soomaaliyeed iyo shakhsiyaad kala
duwan ayadoo dhamaan dadkii ka hadlay xafladdii furitaanka dowrada ey wada
tilmaameen baahida loo qabay qabashada dowrooyinkaan oo kale iyo muhiimada ey
leeyihiin dowrooyinkaasba waxaana si gaar ah mudnaan u lahaa maamulaha
jamciyadda AL-MANHAL oo tilmaamay kaalinta ey jamciyada ka qaadaneyso hir
galinta mashaariicdaan oo kale ayadoo ey jamciyaduna qeyblixaadleh ka qaadatay
hir galinta dowradaan.

Waxaa sidoo kale markazka laga bilaabay
15/9/2003-M casharro loogu tala galay dumarka kuwaasoo bilow u ah koorsooyinka
ama dowrooyinka loo qaban doono gabdhaha waxaana loo bilaabay kutub yar yar oo
loogu talagalay in lagu dhameeyo inta aanan lagaarin bisha ramadaan aydoo ey
isu qoreen ilaa 50- gabdhood sidoo kalana waxaa wax u dhigo macalin loo soo
dooray lana filaayo in uu wax badan uga faaiideeyn doono hadii ilaahay idmo.
- Bayaanka furitaanka Xarunta Imaam Al Bukhaari
Guji...
- Siminaarka Wacyigalinta gabdhaha
aradayda ah ee Jaamacadaha & Dugsiyada sare
Guji.....
Macuumaad dheeraad ah waxaa lagala
xiriiri karaa
Abuukar yaasiin abuukarsom@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 8, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|