OOHIN YAXAAS
Ibraahin Yuusuf Axmed
Hawd99@hotmail.com
“Dad badan oo soomaaliyeed oo meel walba jooga
ayaa caadaystey in ay damacooda shakhsiga ama qabaliga ah u sahaydaan
Soomaaliya.”
Sidaa wanaagsan ee kor ku qoran waxaa ku
bilowday maqaal dheer oo aan dhowaan ka akhriyey mid ka mid ah bogagga
inter net-ka. Afeeftaa afgobaadsiga ahi waa booddadii u horraysey
maaratoon dheer oo shan boqol oo sano dib loo ordayo. Shan boqol oo sano
oo ah ilaa casrigii Axmed-Gurey! Sahayduna intaa waxay ahayd caaddifad
iyo xamaasad si ba’an nafsadda uga soo go’ayey. Caqligu in yar ayuu
hawsha ku lahaa.
Waan ogaa in la taagan yahay goortii ay
iskeed u furmi lahayd dood siyaasadeed oo ka duwan maansadii Cali-Dhuux
iyo Salaan-Carrabey. Shakina igagama jirin in la maqli doono dhawaaq aan
ahayn muranka dagaalyahanka. Waayo? Taliskii askarta ee lagu hoogey ka
dib qaddar xorriyad feker ah ayaa la helay, qurbaha ilbaxnimo aan yarayn
ayaa laga urursaday, xeedhadii xafiiltanka qabiilkana gunteedii waa la
soo taabtay. Sidaas darteed qoraalkan aan faallada ka bixin doonaa
saadashayda wuu rumayn kari lahaa, waanse ku hungoobey. Marnaba waxaanan
xisaabta ku darsan faraskii ilbaxnimo ummadeed loogu sahan tegi laha in
loo sadqayn doono xuska awoow shan boqol oo sano hortood dhac geel lagu
diley. Laakiin waan qaldanaa, dawladnimadiiba sow odaygaa baas qudhiisa
looma sadqayn?
Aqal weynaha soomaaliyeed maanta wuxuu u
baahnaa cid qaniinka iyo qorijabka ka gurta, laakiin armay halaqyo cusubi
gogosha inoo galaan?
Arrintu waa sidan.
Qof sabab inaga dahsoon magaciisa u
qariyey ayaa dhowaan qoraal dheer faafiyey. Magaciisa wuxuu ku gudbey
tabbeelle uu ku qoray XDGA (Xarunta Daraasaadka Geeska Afrika) oo ah wax
sidiisa inooga dahsoon. Mar haddii aynaan magaciisa iyo rag iyo duma, iyo
xataa soomaali iyo shisheeye, mid uu yahay aqoon, aynu u bixinno ”Qof”,
imika ka dibna sidaa isula garanno.
”Qofku” wuxuu damcay in uu si cilmi ah
uga doodo qadiyad muhiim ah oo ina wada khusaysa iyo wax kasta oo taa ku
gudo jira ama ku meegaaran. Aragtidiisa wuxuu u soo gudbiyey heer
akaademi oo u qalma in la akhriyo, waxaana ka muuqda qaddar aqoon ah.
Qodobbada uu ka hadlayo wuxuu u habeeyey una qaybiyey si wanaagsan. Af
soomaaliga uu wax ku qoray waa heer sare marka laga reebo arrimo yar yar.
Adeegsiga ereyo nool iyo rogrogista hadalku waxay marag u yihiin ”Qofku”
in aanu afka sabool ka ahayn. Waxayse saboolnimo ka haysataa shibbanaha
aan laba laabmin ee uu laba laabayo, sida x (xattaa) iyo q (xaqqa). Waxay
kale oo qaddar dhibaato ahi ka haysataa kala saarista af soomaaliga iyo
ereyada qalaad ee ku soo baadiyoobey. ”Sukhriyad”, ”miqyaas”, ”mandiq”,
”bal”, ”asbaabo”, intuba waa carabi engegan oo akhristaha aan carabida
aqooni ku merganayo. Sidaas oo kale wax xil ah iskama uu saarin
ingiriisida badan ee uu meel walba ka soo urursaday in uu soomaaliyeeyo,
mar haddii cidda qoraalku ku socdaa soomaali tahay. Laakiin luqadda wax
badani kama gelin arrintan ina hor taal. Waxaa ina hor taal masiibo ku
dhacday feker soomaaliyeed oo haddii kale wanaagsanaan lahaa.
Haddaba ”Qofku” muxuu ka dooday, sidee
ayuuse u dooday? Ujeeddadiisu xaggee ayey ka timid, xaggee ayeyse ku
socotaa?
Wuxuu si mug leh u falanqeeyey arrin uu
ku sheegay “Somaliland-nimada” iyo waxa ay u taagan tahay ama ka taagan
tahay. Wuxuu aad isugu dayey in uu taa xaqiiqadeeda baadi doono, oo
xididdadeeda iyo laamaheeda raadiyo, ama sidaas ayuu isu keen tusay.
Wuxuu inoogu afeeftay:
“Markaan ka hadlayno ra’yiga ‘somaliland-nimada’
kama hadlayno qabiil. Waxaan ka hadlaynaa ‘ra’yi kooxeed’.”
Markaa sow masiibo noqon mayso haddii uu
wax aan qabiil ahayn meesha kaga hadli waayo? Haddii aynu aragno isaga oo
qabiil qaawan eryanaya oo jeedal kulul dhabarka kala dhacaya? Haddii uu
inoola soo baxo xagjirnimo aad u fog oo aan fursado badan ina siinayn?
Dedaal badan oo uu “Qofku” taa u galay,
oo ilaa casrigii Axmed-Gurey dib ugu celiyey, waxii uu guul iyo guuldarro
dooddiisa uga soo helay dib ayeynu kaga hadli. Waxaanse u qirayaa in
magaca “Somaliland” la faroxumeeyey, oo ujeeddo aanu u oolli karin loo
dhigay. Taasina haddii ay isaga fahamkiisa ku cusub tahay anigu lix sano
hortood ayaan kaga dooday maqaal lagu daabacay Somali Electronic Journal.
”Qofku” wuxuu u dooday si ka bilaabata
kuna dhammaata ciil iyo cadaawad uu qabiil gooni ah u qabo. Ciilkaas iyo
cadaawaddaas oo sabab shakhsi iyo mid qabiil lahaan kara, laakiin aan
marnaba sabab qaran lahaan karin. Waayo qof qaran jeceli qabiil gaar ah
ma necbaan karo. Waa laba mustawe oo aan isdabooli karin iyo laba dareen
oo aan qalbi qudh ah ku wada kulmi karin. Markii uu halkaa silloon maray
ayuu hadafkii uu dood wadaag habboon ugu tegi lahaa ka ambaday ama iskii
uga leexday: Waa tii aan lahaa “waan ku hungoobey”.
Haddii uu “Qofku” u dhashay mid ka mid
ah beelaha dega Somaliland, si buuxda ayaan uga garaabayaa cabashada iyo
diidmadiisa Somaliland ku saabsan, qofnimo, qabiilnimo iyo qarannimo mid
uu ka duulayaba. Haddiise uu yahay soomaali kale oo aan dhulkaa degaan u
lahayn, waxaan u garaabayaa oo keliya haddii uu qarannimo ka duulayo.
Labada xaaladoodbase waxaa shardi ku ah in la hayo waxa la caayayo wax
dhaama. Laakiin sinaba uga garaabi maayo weerarka uu “Qofku” qabiil gooni
ah ku qaaday iyo fallaadhaha afka mariidka ku wada leh ee uu ku ganay.
Kuma sheegi karo jaahil, waayo dooddiisa cilmi kama maqna: Ugu yaraan
taariikhda qabiilka uu maagayo saddex luqadood ayuu ku soo baadhay oo
kala ah carabi, ingiriisi iyo soomaali. Dabcan taa wuxuu ku bixiyey waqti
iyo tabar aan yarayn, waana arrin in la qaddariyo mudan.
Aynu isla aragno qaar ka mid ah
dhacdooyinka iyo fekerka qabiilka la neceb yahay ku abtirsada ee uu
“Qofku” qoraalkiisa ku soo urursaday dabadeed xumaan iyo xaaran ka wada
dhigay.
Wuxuu xusay dhacdo shan boqol oo sano
jir ah, taas oo uu dalmareen carbeed ka soo xigtey, oo ah in uu reer
qabiilkaas ka mid ahi jidgooyo sameeyey dabadeed Axmed-Gurey ciidan ku
bixiyey. 130 sano hortood in uu qabiilkaasi hanti ka dhici jirey qabiil
kale oo galbeedka deris kala ah. Qabiilkaasi in uu daraawiish colaadiyey
oo Ingiriis gacan siiyey. Jabkii daraawiishta qabiilkaasi in uu bililiqo
iyo kufsi geystey. Soddonaadkii iyo afartanaadkii qarnigii tegey,
qabiilkaasi in uu si aad ah ugu ololeeyey in ay soomaalidu gumeysigii
Ingiriiska ka hesho xuquuq u dhiganta ta ay helaan dadka reer aasiya, oo
ka sarraysa tii afrikaanka kale. Isla beryahaas qabiilkaasi in uu diidey
in af soomaaliga lagu daro manhajka waxbarashada, si aan afrikaannimo ugu
soo dugaalin. Qabiilkaasi furista ururkii gobanimada ee Somali National
Leage (SNL) in uu ka lahaa dan qabiil. Xilligii Jamhuuriyadda Soomaaliya
qabiilkaasi in uu wadey fadqalallo. Ururkii Somali National Movement (SNM),
ee taliska Ina Siyaad la dagaallamay, in uu ahaa qarandumis qabiilkaas u
taagan. Sannadkii 1988 hooggii iyo halaaggii qabiilkaa ku dhacay waxaa u
sabab ahaa oo keliya SNM. Ururkaasi wuxuu xasuuq u geystey qabiilooyin
kale. Ururkaasi wuxuu caawin jirey ururkii koonfurta ka dagaallamayey ee
United Somali Congress (USC), wuxuuna kala talin jirey, kuna dhiirri
gelin jirey, falal xasuuq ah. Xasuuqii iyo burburintii uu Maxamed Siyaad
qabiilkaa ugu geystey Hargeysa sannadkii 1988, kama duwana dagaalkii
qabiilkaa ku dhex maray Burco sannadkii 1994. Qabiilkaasi waxaa uu ka
dafiray xuquuqda aayo ka tashiga Soomaaligalbeed. Qabiilkaasi weli wuxuu
ku farxaa hoog kasta oo soomaalida kale ku dhaca.
Bal haddaba igala feker “Qofka” oo
garsoore maxkamadeed ah una xilsaaran in uu kala saaro dad soomaali ah oo
isku mashaqoobey?
Meesha waxaa ka maqan xilkasnimo, taas
oo “Qofka” ku eryaysa kuna khasbaysa laba arrimood:
1) Ciil iyo nacayb ba’an oo uu qabiil
gaar ah u qabo.
2) Isku day ah in uu qabiilkaa aadamiga
oo dhan cadaawad uga helo.
Wuxuu soo qodayaa, urusanayaa,
buunbuuninayaa, dhanka xun u rogayaa, oo aad ugu mashquulayaa, wax kasta
oo qabiilkaasi ku eedoobi karo. Xataa kama muuqato rabitaan ah fashilinta
gooni isu taagga Somaliland. Waayo doonis sidaas ahi waxay geyeysiin
lahayd dood qancin iyo sababayn ku dhisan, ee aan ku dhisnayn dagaal
oogid iyo col abaabul. Ta hore natiijo cusub ayey dhali kartaa, tan
dambese wax hore ayey soo celinaysaa.
Haddaba aniga oo dareemaya, isuna aqaan,
in aan khilaafka soomaalida daacad iyo dhexdhexaad ka ahay, weligayna aan
aqoonsan dawladnimada Somaliland, kana qayb gelin fal iyo talo qabiil
kale wax lagu yeelayo, sidan ayaan u arkaa qodobbada uu “Qofku” dooddiisa
cuskiyey, oo uu giddigood qabiilkaa cadaawad ugu qaadhaamayo:
Jidgooyada ay dad qabiilkaas ahi
xilligii Axmed-Gurey sameeyeen kama duwana bulshadii waqtigaa ee dhaca ku
noolayd. Maantaba dhaca iyo jidgooyadu waa ay jiraan.
Xoolaha beesha reer galbeed 130 sano
hortood la dhacay kama duwana dhacii beelaha soomaaliyeed weligood ka
dhexeeyey, wax nuxur ahna doodda siin mayso. Soomaali Galbeed aayo ka
tashi u wada socotaana maanta ma jirto, qabiilkaasina ma leh awood uu
aayo ka tashiga cid kale isku hor taago. Waase isku day uu “Qofku”
doonayo in uu qabiil kale colaad geliyo.
Isku dayga “Qofka” ee ku saabsan
cadaawad abuurku kuma ega oo keliya dhacdooyinkii bulshada soo kala maray
iyo xuduudda gudaheeda, wuxuuse u gudbiyey heer caalami. Qabiilka wuxuu
ka dhigayaa cunsuri afrikaanka kale oo dhan yasa oo iskala weyn. Taana
wuxuu u daliishaday ololihii xuquuq raadinta ee xilligii gumeysiga ee
Afrikada Bari. Laakiin berigaa fog in loo ololeeyo soomaalidu in ay hesho
xuquuqda ugu sarraysa ee suurtogal ah, waa karti dadnimo leh oo ay tahay
soomaali waliba in uu ku faano.
Qabiilkaasi in uu baaqii Ina Cabdulle
Xasan bilowgii lafdhabar u noqday, markii uu horor ku noqdayna iska
celiyey, wuu ku ammaanan yahay. Sida wax la isaga celinayaana cid walba
iyada ayey u taalley. Maantaba shisheeye kaashigu wuu inagu wada jiraa.
Laakiin sida uu qabiilkaasi daraawiish isaga celiyey “Qofku” wuu ka macne
duwey iska celintii ay qabiilooyin kale sameeyeen. Maxaa taa Ingiriis
loola garabsaday, ayey eeddu tahay, waase eed rakhiis ah oo aan caqli ku
fadhiyin. Ujeeddadu waa in uu si uun u takooro fal kasta oo qabiilkaasi
ilaalinta jiritaankiisa u door biday. Ha ogaado falsafadda dagaalku in ay
ahayd:
“Rag haddaad colaad leh dihiin,
ciidanse u weydo Hadba waxaad ku ciil bixi kartaa, kuu cawo adduun ah.”
Taageerayaasha Ingiriiska in uu qabiil u
badnaa, taageerayaasha Maxamed Cabdulle Xasanna qabiil kale, sababo iyo
duruufa jirey dartood, waa mid aynu wada og nahay. Haddaba “Qofku” taa in
uu soo qaado muxuu dan ah ee ka yeelan karaa, aan ahayn in uu sheego
labadaa qabiil midkood in uu xumaa ka kalena fiicnaa? Maxayse macne leh
dahay in uu taa gaal ka soo xigto, aan ahayn wax uu isagu dhihi rabey in
uu cid kale afkeeda ka soo qaado?
Dadkii uu Ingiriisku haystey in ay
samaystaan hoggaan xornimo iyo siyaasadeed (SNL) oo aan ahayn hoggaankii
qolada Talyaanigu haystey (SYL) waa fikrad dabiici iyo muhiin ah oo aan
xumaan iyo qabyaalad loo aanayn karin. Xilligii Jamhuuriyadda Soomaaliya
waxgarad qabiilkaas ka tirsani in ay dib u goosasho isku dayeen
fadqalallo ma ay ahayn, waayo in dulmi weyni dadkaa ku yuururey waxaa
qiray siyaasiyiin waaweyn oo reer koonfur ah.
“Qofku”. Isaga oo cabbiraya fekerka
ururkii SNM wuxuu ku meteley:
“Mar haddii qabiilkaygu awood u helay in uu
khasaare weyn u geysto qabiil kale, taasi waa xornimo, waxyeellada dhow
iyo tan cawaaqibkuna ma aha kuwa aniga xisaabta iigu jira.”
Runtii arrintu ma sidaas ayey ahayd?
Maya, waayo ilaa maanta lama oga qabiil ay SNM qabiil ahaan ugu duuleen.
Waxaa la ogaa in ay la dagaallami jireen talis dalka xabbad iyo xaqdarro
ku haystey. “Qofka” ayaa iigu horreeyey cid aan ka maqlo SNM in ay shacab
xasuuqeen, haddii ay dhacdayna waxaan si buuxda u taageerayaa in dacwad
lagu oogo.
Laakiin si ay tahayba, ”Qofku” in uu
sidaa u fekeraa sow caddayn uma aha in uu maamulkii Maxamed Siyaad u arko
qabiil? Dabadeed sow ma ahaan karto halka uu ciilka ka soo qaaday? Ma
taas baa sababta uu xaqiiqada xagga kale u rogayo. ee meesha uga saarayo
in uu taliska ahaa kii isagu shacbiga xasuuqay? Loojikada foorortaa waxay
rabtaa in ay inaga raariddo: kuraygii hooyadii Hargeysa lagu hor kufsaday
ee qoriga qaatay ayaa ka gardarnaa kii wax kufsaday! Caqliga ku
andacoonaya: SNM maxay dalka u qabsadeen, muxuu ugu andacoon waayey:
markii ay qabsadeen talisku muxuu ugu dayn waayey? Ma wuxuu ku joogey
sharci iyo doonista dadka? Mise isagu waa quus oo xukun akhlaaqeed ma
qabto?
Ururkii SNM qabiil ha metelo ama qaran,
waxaase hubaal ah in uu ka tarjumayey dareenkii ka gilgilashada taladii
bahalnimada ahayd ee Afkudhiigle. Khasab ayeyna ahayd in taliskaa lala
dagaallamo, waayo isaguba xoog iyo xaqdarro ayuu xukunka ku haystey,
dadkana ku gumaynayey. Haddiise ay SNM Xabashi gacan ka heleen, talisku
isaguba carab, Maraykan, Talyaani iyo shisheeye badan ayuu taageero uga
helayey cadaadinta iyo dilka bulshada. Shisheeye miyuu shisheeye kaa
xigaa? Xabbadise miyey xabbad kaaga macaan tahay?
SNM haddii ay taageero siiyeen ururkii
ka da’da yaraa ee USC, iyaguba bilowgii waxay taageero ka heleen ururkii
ka da’da weynaa ee SSDF, waana dabiici haddii isku dan la yahay.
Masiibooyinka Koonfurta Soomaaliya ka
dhacay waxay lahaayeen xasuus argagax leh oo aan weligeed maskaxda
soomaalida ka bixi doonin. Haddaba ”Qofku” waa in uu qabiilka uu neceb
yahay denbigaa meel ka soo geliyaa. Wuxuu qoray:
”SNM waxaa la ogsoon yahay in ay USC ku dhiirri gelin jirtey
falalkeeda burburinta ah.”
Yeynaan illaawin ”Qofku” SNM in uu
qabiil ka wado. Runtuna waxay tahay, inta uu awoodda qabiilkaa
buunbuuninayo oo ka baqayo, in la’eg ayuu USC iyo qabiilka uu ugu
abtirinayo xaqirayaa. Taa waxaa u marag ah sida uu ugu soo celceliyey USC
in ay ahaayeen wax liita oo maskaxda iyo xafiisyada SNM laga xukumo.
Halaaggii uu taliska Maxamed Siyaad
geystey sannadkii 1988, iyo dagaalkii ay laba reer Burco isku dileen
sannadkii 1994, waa ay kala duwan yihiin. Ka hore wuxuu ahaa talis awood
qaran ku gawracay qayb qaranka ka mid ah, ka dambena wuxuu ka mid ahaa
legdankii beelaha ee weligii soo jirey. Laakiin ”Qofku” wuxuu ka dhigayaa
isku mid, si uu jariimad ka mid ah kuwii ugu foosha xumaa ee dunida soo
maray u daboolo.
Ma ogi in ay run tahay qabiilkaasi in uu
dhibaatada soomaalida kale ku farxo, haddiise ay run tahay waxaa khasab
ah in ay jiraan xanuun iyo waayo-aragnimo xun oo abuuraya baqdin laga
qabo hoog mar kale xaggaa ka soo noqda. Wuxuuse ”Qofku” rabaa in uu taa
ku fasiro qabiilkaasi in uu yahay dad damiir xun oo xaasid ah.
Wuxuu qoray in uu qabiilku ka xanaaqay
in kulankii Carta ra’iisal wasaare la siin waayey, sababtaana kula
colloobey Cabdiqaasim. Iyaduna waa loojiko foororta, waayo waxaa la ogaa
in qabiilka uu sheegayaa sidiisaba, shakhsiyaad mooyee, shirkii Carta ka
soo hor jeedey, inta aanba la gaadhin natiijada. Isku dayga “Qofka” ee
taa ku saabsani waa in uu qabiilka uu Dr Cali Khaliif ka dhashay ku diro
qabiilka uu colaadinayo.
Sidaas ayey u wada foororaan fikradaha
“Qofku” oo ay xaqiiqada, caddaaladda iyo akhlaaqda suuban uga wada fog
yihiin. Mushkiladda koowaad ee meesha taal waa yoolka toogashada oo aad
uga leexsan qadiyadda la hadalhayo ee ”somaliland-nimada”. Haddiise
”somaliland-nimada” sideedaba loo celiyo qabiil, denbi intee la’eg ayaa
laga gelayaaa dadka badan ee aan qabiilkaa ahayn ee nadaamkaa ku jira una
ololeeya? Mar kale haddii ”somaliland-nimada” loo celiyey qabiil,
qabiilkaasi xaq intee la’eg ayuu u leh yahay in la raadiyo xanuunka uu la
fiigayo? Miyey dadnimo iyo anshax wanaag tahay in nabar kasta oo ciddaa
ku dhacay la duudsiyo ama eedda isla isaga lagu soo celiyo?
Marjaca iyo maragga ugu badan ee
xumaanta qabiilka la maagayo loo cuskanayaa waa fikrado shisheeye.
Laakiin akhlaaq ahaan iyo wacyi ahaan toona ma habboona in aragti
shisheeye marag looga dhigto qaddiyad sokeeye. Ma aha in E R Turton,
Marguerite Mecheals iyo kuwa la midka ah hadalkooda kalsooni sidaa u weyn
la siiyo marka laga hadlayo khilaafka gudaha. Dadkaasi ma aha malagyo
dhawrsan, sida uu ”Qofku” moodayo, ee dabcan waa danley yeelan karta
maslaxad shakhsi, mid shaqo iyo mid ummadeed, ama intaba. Xigashada badan
ee feker shisheeye waxay inagu xoojinaysaa tuhunka ah “Qofku” in uu
gacanyare u ahaan karo quwad maleegaysa in ay soomaalida awelba kala
fogeyd sii kala fogaato. Maxaynu haddaa ku fasiri karnaa in loollankii
geela iyo biyaha lagu sheego aydoolajiyad siyaasadeed oo daraasad lagu
dejin jirey laguna fulin jirey? Miyey geyigeenna ka jiri kartaa koox
abaabulan oo wada leh feker siyaasadeed oo ilaa Axmed-Gurey soo taxnaa?
Maya, waxaase jira qabiil ilaa berigaa soo taxnaa, taas ayaana ah danta
uu ”Qofku” u socdo.
Laakiin ”Qofku” sidiisaba muxuu isu
qarinayaa? Muxuu qarsanayaa? Aragtida uu doono ha qabo, cidda uu doonana
ha u ciil qabo, sidee ayaanse ku garan karaa in uu yahay soomaali jira?
Qoraalku sow ma ahaan karo tarjumid laga soo qaaday sirdoon shisheeye oo
dabaqadda waxgaradka ah ee doodda fayoobi dhowaan u furantay ka
dhabqinaya? Haddiise uu yahay qof jira, sow ma noqon karo mujrim bulshada
denbi hore ka galay oo aan doonayn in la garto?
Weydiimahaa kama jawaabi karno, waayo ma
nihin uurkubaalle. Waxayse u dhow dahay ”Qofku” in uu qabo arrimahan ama
qaarkood:
1) Meesha ugu fog ee uu wax ka arki karo
ayaa ah “innaga iyo reer hebel”. Taasi ka dhigi mayso jaahil iyo maangaab
midna, waxayse ka dhigaysaa qof wacyi liita, taas oo uu bulshada
badankeeda la wadaago.
2) Sidii aan sheegay in uu ciil la buko,
taasina ay garashada iyo anshaxa ka dhaawacday. Dabadeed uu isku dayayo
qabiilka uu neceb yahay in uu cadow badan u abuuro.
3) In uu yahay hadoodil waxa uu u muuqdo
wax aan ahayn u taagan. Tusaale ahaan wuxuu ahaan karaa cadow isku dayaya
in uu qabyaaladda badownimada ku sal leh u gudbiyo heer akaademi.
Tuhunkan u dambeeyaa inagu ridi maayo ”baaranooya”,
wuxuuse ina siinayaa digtooni ka soo maaxaysa waayo-aragnimo hore.
Berigii uu dagaalka sokeeye Lubnaan ka socdey, mid ka mid ah wargeysyada
xagga fekerka ugu af dheer ee dalkaa ka soo baxa waxaa si qarsoodi ah u
yeelatay Hay’ada Sirdoonka Maraykanka (CIA), si fikradaha Maraykanka ee
ku jeeda Lubnaan iyo guud ahaan Bariga Dhexe halkaa looga fidiyo. Goor
dambe ayaa taa la ogaadey. Sidaas ayaa meel walba ka dhacda, innagana
shaki la’aan inagu dhacda. Haddii ay sidaa noqotana, dood kasta oo
“Qofkan” xaggiisa inooga baxdaa, nasiib darro, waa waran inagu soo
noqonaya.
Ugu dambayn, dood waxaa ugu liidata ta
waxa lagu doonayo la isku diidsiiyo. Waxay noqotaa daacad darro, khatalid
iyo madalhufin. Tanna iyada oo ay abbaarteeda iyo ubucdeeduba xin
qabyaaladeed yihiin, in isla qabyaalad lagu hiifo ama cid kale lagaga eed
sheegtaa, waa oohin yaxaas. Waa halka ay maahmaah qalaadi ka tidhi
”Keegga in aad cuntid iyo in aad isla markaa haysatid iskuma heshid”.
Qoraalkuna ma aha, haba yaraatee, isku day lagu ifinayo xaqiiqada
”Somaliland-nimada” ee waa abaabul colaad hor leh iyo durbaan dhiillo.
Waa maansadii ”Guba” oo weji cusub la timid.
Falcelintu waxay noqon kari lahayd qalin
iyo warqad lala boodo oo qabiilka uu “Qofku” ka dhashay xumaan badan laga
qoro. Laakiin xaasha, waxay sii dheerayn lahayd uun waqtiga dalluunta
lagu jiro lagu sii jirayo. Taas garashadeeda iyo ka joogisteedu waa
xilkasnimo uusan “Qofku” lahayn ama dan ka lahayn.
Ibraahin Yuusuf Axmed
Hawd99@hotmail.com
Waa qoraa ku nool dalka Iswiidhan.
Qoraalladiisa waxaa ka mid ah:
“Soomaaliya: qaran iyo qabiil”.
Faafin: SomaliTalk.com | October 6, 2003
Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
..
WARAYSIGII ABDULLAHI NUUR SALXAAN UU SIIYEY SOMALITALK
.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com