SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
KENYA DAACAD MA KA TAHAY HESHIISIINTA SOOMAALIDA!

Raage Osman (Raage cadde)
Cairo, Egypt

somtaariikh@hotmail.com

Sir fakatay: hadalkii Madaxweyne Moi “somaliya waxay ka degi la’adahay …………

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Bishii ina dhaaftay ee September qaybteedii dambe ayaa hadal uu si daayey madaxwaynihii hore ee Kenya Danial arab Moi mar uu ka hadlayey jaamacad ku taal dalka Maraykan (American Defence University, Washington) ku sheegay hadal ah in dalalka deriska la ah somaliya ee Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti ay yihiin caqabadda hortaagan xal u helidda Somalia,, waxa u sheeegay Moi in dalalkani cabsi ka qabaan Soomaliya oo dawlad heshaayi ay dhib u keeni karto ammaankooda, ayaaa markaas ka cabsi qaba in Soomaaliyadda mustaqbalku sheegan doonto gobollada NFD,Kililka shanad, iyo Jabuuti.

Hadalkan oo marka aad ka eegta dusha kula macno yaraan kara ayaa haddana marka aad ka fiirisid dhanka siyaasadda ay ku soo ifbaxaysaa macnaha weyn ee ay xanbaarsan tahay.

Markii uu Moi yiri hadalkan ayey saxaafadda maraykanku isla markiiba la booday isla markaasne si aad ah loogu qoray wargeysyadda Maraykanka sida ay ku warantay warbaahintu, taasi waxay ku tusinaysa muhiimadda uu hadalkani ku fadhiyo iyo in uu yahay sir fakatay!

Hadaba haddii aynu dib u jaleecno taarikhihii iyo siyaasaddihii hore ee ka dhaxayn jiray dalalkan iyo Somaliya.

Waxa aysan shaki ku jirin in dalka Itoobiya ay tahay caqabadda siyaasadeed ee hortaagan Somalia.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden. Guji...

Itoobiya iyo Somalia sida la wada ogsoon yahay waxa ka dhaxayn jiray khilaaf dhul iyo diineed kuwaaso soo jiitamayey qarniyo, dhulka ay soomaliddu degto ee loo yaqaan kililka shanaad aya gacanta u galay dawladda itoobiyo wakhti ku aadan xiliyaddi loo yiqiin “wakhtigii qaybsiga Afrika’’ 1884.

Engiriiska oo ka mid ahaa gumeystayaashi Somalia ayaa sida taariikhu sheegtay gacan weyn ka geystay in dhulkaasi ka mid noqdo Itoobiya, sidoo kale talaabooyinkii naxariis daradda ahaa ee ay Itoobiya kula kacday dhulal ka mid ah Somaliya sida luuq ayaa ku tusinaysa heerka cadaawadda itoobiya ee ay u qabto Somaliya!!.

Dagaaladdi 1977 ee dhex maray Itoobiya iyo Somalia ayaa markay somaliddu dharbaaxo xoog leh ku dhufatay dalka Itoobiya, waxay itoobiya qaylo dhaan u tagtay wadamo ka mid ah aduunka sida midowgii sofiyetkii ayadoo markaas waydiisatay in wax lagala qabto dagaalkan u dhaxeeya Itoobiya iyo Somaliya, hadalladdii siyaasadeed ee ay Itoobiya adeegsatay ayaa waxaa ka mid ahaa in u dagaalku u dhaxeeyo dal muslim ah iyo dal christan ah, isla markaasne ay mudan tahay in lagu garab galo dagaalkan, halkaas oo u markii danbe uu so galay dagaalki Midowgu asagoo Somalia ugu hanjabay ina wakhti yar kaga baxdo, taaso markii danbe sababtay in uu go’o xirirkii u dhaxeyn jiray labadaas dal ee Somalia iyo Soviet Union, kaaso xilliyaddi hore ahaa mid heer sare ah, oraahdan ay itoobiya adeegsatay ayaa la mid ah oraahdii ay adeegsatay Raysal wasaarihii ! Israel xilliyadii u socday dagaaladdi u dhaxeeyey carabta iyo Israa’iil mar ay gar-gaar ciidan ka doonaysay Maraykanka.

Dalka Jabouti ayaa la oran karaa xaaladdiisu way ka duwan tahay sidda u sheegay Moi, Jabouti o dhowr jeer dadaal u gashay xal u hellidda arimaha somaliya ee sida hagar la’aanta ah ugu gontatay ayaa la oran karaa waxay ku tusinaysaa in Jabuuti aysan wax cabsi ah ka qaban Somalia o hesha dawlad, Jabuti aya la oran karaa waxay iyadda lafteedu baahi u qabtaa dawlad ay yeelato somaliyadda weyni, dadaalkii shirkii carta ee ay jabuuti u qabatay somalidda aya la oran kara wuxu ahaa shir kii ugu daaacad iyo hanaan abaabul wanaagsan dhamaan shirarkii hore ee lo qabtay soomaalidda kaaso markii danbe dhaliyey in uu qabsoomo shirkan haatan ka socda Kenya ee rajadda wayni ka qabaan in badan oo soomaali ahi.

Mar uu guddoomiyaha sirka soomaalidda haatan uga socda dalka Kenya Mr kibligat uu u waramayey rag aqoon yahaniin ah oo kula kulmay mar uu socdaal ku marayey wadamadda yurub waxa uu si cad ugu sheegay in shir kasta oo loo qabanayo somaalidda ay lagama marmaan tahay in ay raali ka tahay Itoobiya, sababtoo ah buu yiri haddi aan sidaas la yeelin Itoobiya waxay fashilanaysa wax kasta o ka so baxa shirarka somaalidda siddi ay u fashilisayba shrkii carta ee TNG-da!!

Dalka Kenya ayaa isna la oran karaa inuu dhibaatooyin badan u geystay soomaalidda NFD, xilliyaddii u xukunka hayey Moi ayuu xasuuq kula kacay dadka somalidda ah ee dega degaamadaas xiliyaddii sideetamaadkii taaso xiisad siyaasadeed oo xun ka dhex dhalisay labada dal ee Somaliya iyo itoobiya.

Waxaan sheki ku jirin in maskaxda soomaali kasta ay ku jirto in gobolladaasi yihiin dhul soomaaliyeed lagama maarmaane tahay inay dib ugu so noqdaan ciidda kuna so biiray walaalahooda kale ee Soomaalidda.

Xilligii ay dhacday dawladdi soomaaliya 1991 ayey gobolladaasi lo so gudboonaatay dhibaatooyin iyo xad gudubyo uga imanaya dawladdaha ay ku dhex nool yihiin.

Iyadoo an qoraal iyo labo iyo sadex toona lagu so koobi Karin khiyaanooyinka ay itoobiya la damacsan tahay soomaalidda ayey su’aashu tahay, soomaalidu ma ku waano qaadan doonaan khiyaamooyinkaas cad cad ee ay Itoobiya u dhigayso?.

Raage Osman (Raage cadde)

Cairo, Egypt

somtaariikh@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | October 6, 2003

Col. QADDAAFI WAA KUMA?...  

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

.. WARAYSIGII ABDULLAHI NUUR SALXAAN UU SIIYEY SOMALITALK

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD