SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

ILIG-DAL-DALA
[
Sannadguuradii Boqolaad]
Qore: Gure S
Somali40@hotmail.com

  • Aabbow Indhaxaraarow

  • Dadka Ilaahiisow

  • Anigana aabbaheeyow

  • Aadami ka badanee

  • Alle yare ma noqonaa?

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Ka hor inta aynaan soo dhirin-dhirin sooyaalka dhacadadii Ilig-dal-dala, waxaa habboon inaan xuso gabay ama buraan-bur taariikhi ah oo ay tirisay islaan ka dhalatay beesha xasuuqa ku dhacay.

Sida aan dersay, ka dib goortaan la sheekaystay dad badan oo waayeel ah, una dhashay gobalada kala duwan ee Soomaaliya, waxay dadka badankood aamminsan yihiin in xasuuqii Ilig-dal-dala ay sal u tahay suugaan aanay dadku jeclaysan, iyadoo si buuxda dareenkeeda ugu cabbiraysa haweenaydaas. Buraanburka ay tirisay aftahanadaas, wuxuu ahaa, sida ay qabaan, dadka aamminsan waxyaabaha ay ka midka yihiin: ”habaar, inkaar, il, iwm.” inuu sal u yahay dhibkii ka dhacay degmada Ilig-dal-dala (anigu shakhsiyan ma qabo sidaas).

Horaantii Sanadihii 1900 waxaa beesha halkaas dega ay is badeen kibir, isla-weyni, iyagoo, sida la wariyey, isku darsaday tayo,tiro xoola badni. Sida la ii sheegay geyigaas in muddo ah dagaal iyo abaar ba’an kama dhicin, taas oo keentay inay badatay barwaaqadii,nimcadii berigga iyo baddaba, sidoo kale waxaa kordhay tirada dadkii.

Haddab sida la wariyey, inkastoo aan laheyn sanad iyo taariikh sax ah, waxaa la sheegay in haweenay ka dhalatay beesha halkaas dagta inay maalin ku buraanburtay, buuran-bur, sida la sheegay laga raacay. Islaantaas oo ku hadal qabsanaysa aabbaheed Indha-Xaraare, islamarkaana muujineysa qab-weyni, faan iyo nimcadii Eebbe oo ka badatay ayaa dharaar cad ku buraan-burtay:

  • Aabbow Indha-xaraarow
  • Dadka Ilaahiisow
  • Anigana aabbaheeyow
  • Aadami ka badanee
  • Alle yare ma noqonaa?

Waxaa haddaba haatan laga joogaa in ku dhow boqol sanadood goortii uu dhacay xasuuqii foosha xumaa ee ka dhacay degmada Eyl, gobalka Nugaal. Xasuuqan oo loo gaystay beesha degta deggaanka Eyl wuxuu dhacay qiyaastii, sida uu qoray buugga ”Divine Madness” ee uu dhigay dr. Abdi Sheikh Abdi sanadku markuu ahaa 1903, wuxuuna ka dhacay magaalada taariikhda weyn leh ee eyl.

Jawaab: Qoraagii ku Talaxtegey Sayid Maxamad Cabdille [Miicaad]

”About the middle of August (of 1903?) the Mullah, who had been sitting down in the southeastern Nogalm oved with a force amounting, according to report, to 3, 000 mounted men, on Illig and absolutely cleaned out the place. Over 600 Mijarten are said to have been killed, 150 rifles captured...the whole of the very numerous flocks and herds of Issa Mahmud taken away…” sidaa waxaa qoray buugga dr. Abdi Sheikh

Xasuuqii ka dhacay Ilig-dal-dala waxaa ku dhintay dad fara badan oo Soomaaliyeed, iyadoo si bina-aadanimada ka baxsan dadkaasi badda loogu guray,ka dib goortay ka soo horjeesteen dhaqdhaqaaqii Sayid Maxamed Cabdulle.

Waxaa habboon in la xuso, lana xasuusto, madaama, qiyaas ahaan, haatan laga joogo qarni ku dhawaad.

FIIRO GAAR AH: ujeedada maqaalku ma aha in looga soo horjeedo halgankii xaqa ahaa ee Sayid Maxamed. Hadafku waa mudnaan iyo tixgelin boqol sano ka dib dhacdadii Ilig-dal-dala

Gure S

Somali40@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | October 5, 2003  

.. WARAYSIGII ABDULLAHI NUUR SALXAAN UU SIIYEY SOMALITALK

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD