SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

 WARARKA SHIRKA: OCT 2

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

war-03.OCT,Mbagathi,Nairobi.
Qoraal ay maanta  soo sareen hogaamiyayaasha ku sugan madasha dib u heshiisiinta soomaalida oo haatan ka socda  Mbagathi ayaa ka hadlaya talo soo jeedintii IGAD iyo IPF ,taa soo aheyd :-

1-in shirka dib loo dhigo muddo 3-toddobaad ah.
2-in hogaamiayaasha soomaalida la geeyo ama loo qaado goobo kale oo ay kali kali iyagu isugu arkaan.
3-in la doono hogaamiayaasha ka maqan shirka .
4-in la doono Dawlada jabuuti si ay shirka uga qaadato kalinteedii iyadoo laga raali galinayo qalaadkii horey looga galay.

Qoraaladda jawaabaha hogaamiyayaasha ayaa ku kala duwan :-

TNG-da iyadu horey ayey u ogolaatey qoddobada ay soo jeediyeen IGD iyo IPF.
maanta ayaa SRRC,Ururada Bulshada iyo G-8 waxa ay soo saareen qoraal kaas oo aan lahayn saxiix iyo astaan itaba, waxaana ka xaqiijiyey Mowliid Macaani iyo, Cumar Maxamuud Maxamed Filish oo labaduba G-8, halka Hilowle iman cumar oo hadda ah guddoomiyaha wareega ee SRRC ii sheegay in ay qoraalkan iyaga soo saareen ka dib markii ay wadatashi iyo talo isweydaarsi ku jireen muddo 3-maalmood ah oo ay harey u soo saareen kuwa kale tanina ay tahay tii ugudanbeesay iyaga oo eegaya danaha Shacabka Soomaaliyeed.
Qoraalkii waxa uu ku bilawdey: ka akhri halkan (English version)-
[LIFAAQ: Qoraalka wuxuu ku qoran yahay afka ingiriisiga si kenya loogu dhaqaaleeyo lacagta tarjumaada ee ay qaadan lahaayeen Soomaalida labada luqadood garanaya - dadka lala hadlayo waxaa qoraalka loogu qoraa Afkooda......].

war-2-03,Oct,Mbagathi,Nairobi.
Kipligat oo shaley u socdaaley Dalka Koonfur Afrika.
Socdaalka gudoomiyaha shirka bethwel kiplagat uu ku tagay dalka koonfur afrika galinkii danbe ee shalay waxaa uu la xiriiraa in uu ka qayb gallo shirka ay leeyihiin Ururka kobcinta dhaqaalaha ee qaarada afrika marka lasoo gaabiyana loo yaqaano NEPAD oo uu ka yahay kiplagat xubin fir fircoon.

Shirkaani oo ay isugu imanayaan mas’uuliyiinta ururkan ee ka kala yimid qaarada afrika ayaa kiplagat la filayaa in uu ka warbixiyo xaaladda shirka dib u heshiisiinta soomaaliyeed xiligan shirku uu hakaday ilaa 21ka October oo hogaamiyayaashu ay ku kala qaybsameen aragtida ay ka muujinayaan hakinta shirka oo qaarkood ay aqbaleen halka kuwa kalana ay kabiya diideen.

Shirka NEPAD oo maanta ka furmay Koonfur afrika waxaa uu kusoo beegmay xilli xubnha beesha caalamka ay ku hawlanyihiin dar dargalinta shirka iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha hareeyay in shirku uu socda oo ka dhashay is faham la’aanta u dhexaysa kooxaha siyaasadda ku loolamaya ee qaarkood ay joogaan shirka halka kuwa kalana ay ka bexeen 4maalin kadib markii qaynaha shirka jooga ay ansixiyeen axdiga kumeel gaarka ee 4ta sano.

Kiplagat waxaa uu dib ugu soo noqon doonaa dalka maalinta isniinta ee 6da october iyadoo ilaa iyo haatan gudoomiyuhu uunan qaban shir jaraa’id si uu warbixin u siiyo warbaahinta oo uu uga hadlo hakinta shirka iyo talaabooyinka lagu dhaqaaqayo.

Dhinaca kale wasiirka arimaha dibadda ee kenya Mr. kalonzo musyoka oo haatan ku sugan magaalada new york ee dalka maraykanka oo uu kaga qaybgalayo kulanka guud ee qaramada midoobay isugu yimaadaan sanad walba mar waxaa uu kaga hadlay dib u heshiisiinta kenya ay ka wado dalalka sudan iyo soomaaliya, marka uu dib ugu soo noqdo dalakana waxaa uu ka hadli doonaa shirka dib u heshiisiinta soomaalida ee 11ka bilood ka socda kenya.
sidoo kale Madaxweynaha Dalka Kenya Muddane Mwai Kibaki ayaa isagana saakey u ambabaxey dalka Mareykan ,isagoo tagi doono magaalada Washington D.C ka dib kula kulmi doona madaxweynaha dawlada mareykanka George W.Bush ,kulankaasi labada madaxweyne ayaa loga hadli doona arrimo ku saabsab argagixisada gobolka Afrika bari sidii loo baabi`in lahaa iyo habkii looga hortagi lahaa ,Mareykan ayaa dawlada kenya waxa uu siiyey qandaraaska ka hortaga Argagixisada caalamiga waxaa kenya la siiyaa 80% kharashka dawlada mareykanka ku bixiso la dagaalanka Argagixisadda, Ciidan tiradood aan ka yaren kumaneeyo ayaa waxaa horantii bishii hore la soo dhoobey ama lagu daadiyey xuduudaha ay dawlada kenya la wadaagto Soomaaliya sida wajeer iyo gaarisa iyo mandheer ciidan aan ka yaren 5-kun kuwaasoo ilaalinaya socotada isaga talaabaya xuduuda kenya iyo soomaaliya.
Muslamiin kenyan gaarey ilaa 700-oo qof ayaa lagu xirxiya xabsiyo kala duwan ee dalka kenya iyagoo lagu eedenayao in ay ka danbeeyeen qaraxyadii ka dhacay dalkan kenya 2-badii sanad ee ugu danbeysay,Booliska ayaa ayaa waxa lagu siyaadiyay ciidan sita shaati tuuto ah iyo surwal gariin ah oo wadooyinka magaalada iyo xaafada daqiiqadiiba dhinac kuu dhaafaya 3-askari oo sita qoriga G-3,ciidamadaasi oo iyaga baaraya boorsooyinka la dhex marayo magaalda gudaheeda ciidamadan oo qayb ka ah arrimaha la dagaalanka Argagixisada ,waxaa kaloo dawlada kenya furtay dugsiyo lagu tababarayo ciidamo loo diyaarinya habka loo baaro iyo habka looga hortago Argagixisadda

 

 

Faafin: SomaliTalk.com | October 3, 2003

.. WARAYSIGII ABDULLAHI NUUR SALXAAN UU SIIYEY SOMALITALK

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD