Madasha shirka dib u heshiisiinta Soomaalida oo haatan
ka socota Mbagathi ayaa saakey warsaxaafadeed lagu qabtey xafiiska
warfaafinta iyo dhaqanka lagu sheegay in la isticmaaley magacyadooda
iyagoo aan ogeyn qaar ka mid ah Ergadda Somali land ee ka timid Magaalada
Muqdisho.
Tiradda Ergadda loo casuumay Somali land ee shirka uga
qayb galeysa waa 24-ergo oo u dhalatey Somali Land laakiin ka timid
magaalada Muqdisho.
10-Ergo oo ka mid ah ayaa magacoooda loogu darey oo
lagu saxiixay in ay raali ka aheyn ansixinta Axdi Qarameedka Soomaaliya
oo lagu wado in lagu dhaqo Dawlada ka dhalan doonta shirkan dib u
heshiisiinta Soomaalida oo haatan ka socda Mbagathi.
24-Ergo ayaa taageero buuxda siiyey Axdi Qarameed ka
dib markii ay akhristeen maalmo ka dib imaashahooda.
Qoraallo loo qoray dhamaan goobaha iyo cidda ay
khuseyso shirkan dib u heshiisiinta Soomaliya ayaa la geeyey xafiiska
guddoomiyaha shirka dib u heshiisiinta, taasoo ka hadleysay in magacyadda
ku qoran warqadan iyo saxiixyada sheegayaan in aan loo dhameyn Ansixinta
Axdi Qarameedka iyo in shirkan loo dhameyn oo ay ka maqan yihiin beelo ka
mid ah soomaalida oo culeys weyn ku leh shirka dib u heshiisinta
Soomaalida ee Mbagthi.
Madaxa Ergada Suleymaan Yuusuf Cilmi ayaa ka cosdsadey
dawlada Kenya iyo Ergada Soomaalida ee shirka ka qayb galeysa cidda ka
danbeysa in ay ku takri falaan magacyadood iyo saxiix been abuurka ah oo
ku qoran in ay ka soo horjeedaan ansixinta Axdiga Dastuurka. Anagu wajiga
3-aad ayaan nimid waxaana na loo keenay in aan qeyb ka qaadano isu
keenida koonfur iyo Somali land,horey ayaana u ansixiney dastuurka taana
hadda ma taagna ayuu yiri mudaha.
Magacya iyo saxiixa been abuurka waxa ay kala yihiin.
1-Suleymaan yuusuf cilmi
2-Maxamed Xasn qalinle
3-Cali maxamed Abdi.
4-Cabdulahi Cabdi Cigaal.
5-Cabdirisaaq Axmed Cali.
6-Maxamed Axmed Gaheyr.
7-Muuse xuseen cali.
8-Xuseen Nuur Cabdi.
9-Cali Cabdullaahi Cabdi.
10-cabdi Meyrane Aaden.
dhamaad.
Abdikarim Aden Hussein.
Mbagathi,Nairobi.
abdikarimhussein@hotmail.com