Baaq
Ku Jeedo Golaha Samatabixinta Soomaaliya Oo Ka Soo Baxay Xoghaynta Guud
Ee GMM.
Waxaay madaxda Golaha Midnimada Mudullood iyo
xubnihiisa dhamaan iyaga oo aad uga mabsuuday sida quruxda badan ee loo
soo agaasimay shir ku dhex maray ururo soomaaliyeed ee isku bahaystay
gole ay ugu magac dareen golaha samatabixinta Soomaliya kana dhacay
degmada Balcad ee gobalka shabeelada dhexe shalay oo taariikhda ahayd
30/09/2003 loona doortay Gudoomiyaha golaha Mudane Muusa Sudi Yalaxow in
ay ka digtoonaadaan in golahan maro waddooyinki caadada u ahayd
habadhaqanki ururadi sidaa oo kale u abuurmay waddanka Soomaaliya
gudihiisa iyo dibadiisa saddex iyo tobanaki sano ee u danbaysay ee
waddankeena ku jiray jahwareer siyaasadeed iyo kala danbayn la’aan
saamaysay nolasha ummadda Soomaaliyeed guuda ahaan.
Waxay GMM ka digayaan in uunan ururkaan ahaan mid ka
saan qaaday dareen dhiifoon ee ku aadan in siyaasada ururada ku bahoobay
golaha samatabixinta Soomaaliya arkeen Qatar ku soo fool leh ee wax u
dhimo karto jiritaankooda siyaasadeed iyo gacan ku lahaanshaho danbe ee
talo goynta arrimaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed balsa ay ahaato mid ka
ambaqaaday garasho garaad siyaasadeed ee ku soo kordhay ururadan ku
bahoobay golahan ee ku aadan xaalada cakiran ee ka jirto waddanka guud
ahaan iyo shir walbo oo lagu qabto waddanka dibadiisa in uunan ahayn mid
ka tarjumi karo gaarista himilada ay tiigsanayaan ummadda Somaaliyeed oo
ah in waddankeena dib ugu soo noqdo sharciga oo lagu dhaqmo iyo kala
danbaynti lagu tuntay iyo in shaqsi, koox ,gobal kasto iyo reer kasto
gaaraan xuquuqda ay leeyihiin si kalsooni, is xildhowr iyo ixtiraam la is
dhaafsado ku jirto.
Waxay GMM siddoo kale baaq u soo jeedinayaan ururada
kale ee Somaliyeed ee ku shirsan Dalka Kenya magaalada Nayroobi iyo
ururadaan xagana jirin intana aan jiran in aynan abuuritaanka golahan u
arkin cadowtooyo looga soo horjeedo iyaga balsa ay u arkaan tilaabo wacan
oo horay loo qaaday ee ku aadan samata bixinta ummadda Soomaliyeed abuuri
kartana in ay goor dhow timaado shir lagu qabto dalka gudihiisa kana
madaxbanaan faragelin shisheeya loogana hadlo ayaatiinka ummadda sidi
meel la isula dhiga lahaa guulna looga soo hoyn lahaa.
Mar kale waxaan golaha Samatabixinta Soomaaliyeed u soo
jeedinaynaa in ay u dhaqaaqaan kordhinta wacyiga ururada ku bahoobay
golahan ,horumarinta golaha dhisma ahaan dhinac walbo leh, doonista iyo
ka shaqaynta balaarinta ururada ku bahoobay golahan iyo doonista in ay
xiriir la sameeyaan cid kasto oo soomaaliya si ugu danbayn u abuurmo jawi
abuuro karo soomaali oo gudaha dalkeeda ku shirto meelna isla dhigto
aayatiinka waddankeena iyo dadkiisa.
Waxaan dhamaan ummadda Soomaaliyeed iyagana ugu
baaqaynaa in ay golahan garab ku siiyaan tilaabada ay qaadeen si ay u
noqoto mid loo dhamaado soona gabagabeyso dhibaato ummaddeena ku
dabadheeraatay tan iyo inti reer walbo oo soomaaliyeed ku hamiyay in uu
wiilkooda ku fadhiisto kursi ay qabiil ka danbeeyaan ama hogaamiyaha
kursigaa ku fadhiisto u dhaqmo nidaam xumadi iyo qabiil ku dhaqanki
xukuumadi aan ka gaddoodanay kursigana ka tuurnay ee uu hogaminayay
madaxweyne Maxamed Siyaad Bare iyada oo badankeena aynan ku fikirayn in
aan booskeedi ku beddelno xukuumad caadil ah oo dadka Soomaaliyeed
sinaan,cadaalad iyo wax wada qeybsi ku dhaqdo.
Ugu danbeyn waxaan mar kale golaha Smatabixinta
Soomaaliyeed u rajeynaynaa in uunan noqon mid ku tunto rajada ku soo
noolaatay inta badan ummadda Somaaliyeed oo ah in laga badbaaday khatar
ay gadaal kaga jiraan dalal shisheeyo oo doonayay in uunan waddankan mar
kale dib ugu istaagin lugihiisa isaga oo ka maarmo faragalintooda
siyaasadeed, dhaqaale iyo milatariba.
Gudoomiyaha ku Meelgaarka GMM
Xoghayaha guud ee Golaha Midnimada Mudulood
Abdallah Moalim Mahamud(siyaasi)
moallem10@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | October 2, 2003
Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan
.. WARAYSIGII ABDULLAHI NUUR SALXAAN UU SIIYEY SOMALITALK
.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|