Umadda somaaliyeed e lagu aqoon jiray is jacayl iyo isu
tanaasul iyo in lagu dhameeyo dhib kasta o dhaca geed hoostiis, waxaa jiray
dagaalo dhex mara bulshaddi somaaliyed ee reer miyiga ahayd waxa lakala qaadi
jiray xoolo oo geelu mudan u ahaa, haddaba akhristow markasta waxa jiray xeer
beegti u xilsaaran xalinta dhibaatooyinka dhex mara beelaha somaliyeed ee ab
iyo isir iyo islaanbimo intaba wadaaga, waxa xusid mudan inuu jiray xeer
hoosaad lagu kala saaro bulshadda xeerkaas o ay dejiyeen boqolaal sano ka hor
gar yaqaano soomaliyeed.
Gumeysigii wadankeena qabsaday qarnigii 19aad ayaa si
hurriyey xurguftii soo tiilada ahayd ee somaaliddi hore u dhexeyn jirtay wuxu
isku dayey gumeystihi inu saaxiibo ka dhex samaysto bulsho waynti soomaliyeeed
isagoo ku fushanaya dantiisa gaarka ah, wuxu dhici jiray geela iyo
gamaanka(fardaha) labadan meesi oo ahaa gaadiidka ugu qaalisan wakhtigaas
isagoo beelana ka qaadaya beelaha ay gacansaarka leeyihiinna ku abaal marinaya.
Sida qoraayaal badan oo soomaali ah aaminsan yihiin
dhagarihii gumeysigu la maagana somaliya iyo isku dirki beelaha walaalaha ah ee
soomaliyeed si buuxda uma hirgelin waxaana wiiqay xeer beegtida oo wakhti kasta
u taagnaa suluxa iyo heshiisiinta beelaha soomaliyeed waxay ahaayeen
xeer-beegtidu marjaca loo noqdo.
Akhristo waxan la yaabay markaan taariikhda
indha-indheeyey qiimihi soomaliddi hore iyo isu tanaasulkii inuu meesha ka
baxay, waxaa igu adkaatay inaan is bar bar dhigo somalida maanta iyo tii hore
waxa ku so baxaya inay ad u kala duwan yihiin marka laga fiirsho dhinacyo badan
waxa dareemeysa in uu dhacay dulmi weyn oo beelaha soomaliyeed is dulmiyeen,
waxa lawada ogsoon yahay dawladdi ugu danbeysey waxay soomaali dhex dhigtay oo
xumaan ah.
Waxa so baxay qab qablayaal dagaal o dantooda gaarka ah
ka hormariya tan guud waxay gumaadeen shacab weynihi somaliyeed ee walaalaha
ahaa laga bilaabo Raas-casayr ilaa Raas-kabooni, waxa ku daatay dhulki
soomaliyeed xinjiro badan oo an waxba galabsan, waxay sababeen dagaalo macno
darro ah iyago ku ilaashanaya kuraastooda qab-qablayaashu waxay heshiis la
galeen shirkado maafiyo ah kuwaaso ku aasay sun dhulkii soomaliyeed waxay
jireefeen baddii waxay ku guuleysan waayeen inay heshiiyaan o talada wadanka
qaybsadaan, waxay fashiliyeen 14 shir oo loo qabtay somalida, taladdi soomalida
waxa gacanta ku dhigay qabqablayaan an la dooran, kuwaaso u horseeday wadanka
dawlad la'aan, bur-bur, dhiig macno darro loo daadiyo, dhac dadka laga tabar
roon yahay, maroorsi taladdi somali ka dhexeysey, waxaa isweydiin leh goormuu
shacab weynaha soomaliyeed la xisaabtami doonna nimanka dhiigooda ka ganacsada.
Culumaddi, Indheergaradki, Aqooyahankii iyo intii wax
uun samo ah ku hartay waxaa ka codsanayaa in soomali la bad-baadiyo cadowgu wa
badan yahay, waxa iman doonta in magaca soomaali la waayo hadi an wax laga
qaban meesha la marayo, waxa xusid mudan odayaddi xeer beegtidii meeye xagee ka
dheceen, waxa maran kaalintoodi waxa laga rabay inay somali heshiisiyaan oo
wanaaga ka shaqeeyaan siddi looga bartay.
Bulshada qayb ayaa qabta in odayadu in yar oo ilaah u
naxariistay mooyee ay dhibka jirra qayb ka yihiin iyagoo la kala saftay
beelehooda gacan saarne la leh qab-qab layaasha.
Waxaan mar labaaad ku celinayaa gabagabaddi inta samaha
iyo nabadda jecel, indheer garadka culimadda, aqoon yahanka siyaasiyiinta
daacadda ah waxaan ka codsanayaa inay u kacaan wax ka qabashadda arimaha
cakiran 13-ka sano iyagoo la kaashanaya ilaah si looga xoroobo qab qaylayaasha
laguna so celiyo talada umadda soomaliyeed si ay u dhistaan dawlad loo dhan
yahay o cadaalad ku salaysan haddi kale sida cinwaanka korre ku xusan Somaliya
Ceelna uma qodna Cidna uma maqna!!!
Sharma'arke Abdi-Risaq Ilmi
shsugulle@hotmail.com
Cairo, Egypt