Maxaa
ku soo celiyey Puntland safarkiisan hada ah kornayl C/laahi Yusuuf?
Qore: Osman Ahmed Sheikh
isxaaq@yahoo.com
Waxaan marka hore ka cudurdaaranayaa qoraalkan oo aad udheer sababtuna tahay
waraysiyo kala duwan oo aan dad badan kala yeeshay arintan iyo dacwad
maxkamadeed oo aan qaybo ka soo qaatay.
Waxaa dad badan isweydiinayeen indhawaydba sababta kornayl C/laahi Yuusuf uu
dib ugu soo laabtay Puntland, iyadoo shirku weliba marayo meel aad xasaasi u’ah.
Waxaa markii hore lagu sheegay in mudadii dastuurku ogolaa inuu dalka ka
maqnaado ay dhamaad tahay. Waxaa kaloo la sheegaa in khilaaf xooglihi soo kala
dhexgalay maamulkiisa xubnihii ugu sareeyey iyo kornaylka. Hadaba waxaa soo
shaacbaxay asbuucii hore in sababta dhabta ah ee uu shirka uga soo tegay oo uu
Puntland dib ugu soo laabtay inaysan ahayn sababahaas kore ee ay arintu intaas
ka duwan tahay.
Waraysiyo aanu la yeelanay ilo xogogaala oo
aad ugu dhaw kornaylka ayaa xaqiijiyey in wax ka jiraan in ay qayb ka tahay
safarkiisan heshiis uu la bilaabayo beesha Suldaan Axmed Hurre. Hadaba
waxaan baaritaan dheer kusameeyey arimaha marxuumakaas dilkiisii kadib iyo
dacwad qoyskii marxuumku ka wado dalka dibadiisa iyo sidii loo dilay
marxuumkaba.
Suldaan Axmed Maxamed Maxamuud oo loo
yaqaan Hurre wuxuu ahaa nin aqoon yahan ah kuna takhasusay cilmiga
dhaqaalaha. Suldaanku wuxuu muddo ku noolaa isaga iyo reerkiisaba dalka
Ingiriiska halkaasoo uu markii danme qaatay dhalashada Ingiriiska.
Suldaan Hurre wuxuu dalka dib ugu soo noqday
xiligii dagaalada sokeeye ay dalka ka socdeen, waxaana loo doortay Suldaan
beesha Maxamed Cumar. Suldaanku wuxuu dhashay sannadku marku u ahaa 1957,
waxaana uu geeriyooday Aug 17, 2002 xiligaasoo dil toogasho ah uu ku
dilay mid ka mida ilaalada khaaska ah ee kornayl C/laahi Yuusuf, tuulada lagu
magacaabo Kalabayr oo ka tirsan Gobolka Nugaal. Suldaanka ayaa sida la
sheego isagoo ku jira gaarigiisii waxaa soo dul istaagay ilaaladaas kornayl C/laahi
Yuusuf mid ka mida oo isagoon wax hadal ah aysan dhexmarin uu baas ku furay
suldaanka, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ahaa.
Hadaba si aan wax uga ogaado arinta suldaanka
iyo dacwad la sheegay in laga diiwaan galiyey dalkaasi Ingiriiska, ayaa waxaa
ii suuragashay inaan xiriir la sameeyo qareenka gacanta ku haya dacwad ay
kornayl C/laahi Yuusuf ku soo oogeen caruurtii Suldaan Hurre . Hadaba
dacwadaas oo laga diiwaan galiyey maxkamada lagu magacaabo High Court of
Justice (Queen’s Bench division) galka loo furay numbarkiisuna yahay
HO02X03221. Qareenka gacanta ku haya oo lagu magacaabo Mr Hanley
ayaan
weydiiyey inuu marka hore ii xaqiijiyo in dacwad ka dhan ah kornayl C/laahi
Yuusuf uu faraha ku hayo, wuxuuse ka gaabsaday inuu wax faahfaahina ka bixiyo.
Waxaa hadaba ii suuroowday inaan helo
qoraalkii dacwada ahaa ee lagu soo oogay kornaylka, iyo markii qoraalku soo
gaaray kornayl C/laahi Yuusuf jawaabtii uu isku difaacay una diray maxkamada
London, UK.
Dacwadan waxaa diiwaan galiyey magacayada hoos
ku qoran.
- Sahra Abdullahi
- Ibrahim Ahmed Mohmud
- Amal Ahmed Mohmud
- Idris Ahmed Mohmud
- Sumeya Ahmed Mohmud
Dacwada waxay dadkani ku oogayaan .
Kornayl Abdullahi Yusuf Ahmed
Defendant’s Replies to the Request further
information
Made on 19th
May 2003.
1-Request:-
The names and ranks of the members of the
security forces sent to apprehend Ahmed Mahmud Mohamed in Kala-beyr on
17-08-2002 and the name of rank or office of the person who issued the
instructions to apprehend Ahmed Mahmud Mohamed.The names and ranks of the
individuals who shot and killed Ahmed Mahmud Mohamed. Details of the number or
rounds fired by the members of the security forces in the exchange of fire.
Details of any individual alleged to have exchanged fire with the members of
the security forces. Datails of the where about of any weapon(s) alleged to
have been used against the number of the security forces.
Koobi
kamid ah waraaqaha dacwada ee Maxkamada London, UK |
Hadaan idiin dul maro su’aalaha la weydiiyey
waxay ku saabsanayeen.
Ugu horayn waxaa la weydiiyey magacyadda
ciidamadii loo diray inay ka soo qabtaan Suldaan Axmed, tuulada Kalabayr
17-08-2002 iyo magaca sarkaalka ama qofka amray in la soo qabto Suldaan Ahmed.
Waxaa kaloo la weydiistay faahfaahin ku saabsan tirada ciidamada amaanka ee ka
qayb galay ridida xabadaha iyo sidoo kale faahfaahin ku saabsan cidii kale oo
ka qayb gashay xabadahaas ay ciidamada amaanka is dhaafsadeen. Waxaa kaloo
laweydiiyey hadii ay hayaan wax hub ah oo lagala horyimid ciidamada amaanka.
Su’aalahaas waa uu ka soo jawaabay kornayl C/laahi
Yuusuf waana tan marka hore jawaabtiisii oo English ku qoran.
Reply:-
i-The police investigation into this matter is
not yet concluded.
ii-The release of incomplete information would
be prejudicial to any future prosecution and would be inappropriate in a case
where peaceful relations between two or more clans might be effected.
iii-The police investigation was stayed after
a request by clan elders who are conducting their own investigation. The
request was granted on the understanding that should the elders fail to resolve
the issue within a reasonable time the police investigation would resume and
matter would be referred to the appropriate court.
iv-Islan Bashir Islan Abdulle and Abdiwahab
Mahmood Gurey of the Omar Mahmud clan are among the elders carrying out the
investigation.
v-The clan elders’ investigation has yet to be
concluded.
Waatan anoo soo koobaya jawaabtii kornayl C/laahi
usoo diray maxkamada Queens’s Bench Division oo aan afsoomaali ku soo koobay.
i-Baaridii ciidanka booliska wali ma aysan
dhamaan.
ii-In la sii daayo baaritaan aan dhamaystirayn
waxay dhaawici kartaa mustaqbalka in waxyeelayso qabaa’ilo deris wanaag ku wada
noolaa.
iii-Ciidanka booliska ayaa baarida waday ilaa
ay isimada qabaa’ilku ay warsadeen inay iyagu arintan baaraan. Kadibna waa laga
aqbalay codsigooda ayadoo la fahamsanyahay hadii isimadu ku guuldaraystaan inay
xaliyaan arintan wakhti xadidan in ciidanka boolisku hawsha dib ugu celin
doonaan maxkamadaha ku shaqada leh.
iv-Islaan bashiir Islan Cabdulle iyo
Cabdiwahaab Maxamuud Gurey oo ka mid ah isimada Cumar Maxamuud ayaa hawsha
qaatay inay soo baaraan.
v-Baaritaankii Isimada qabaa’ilku wali ma soo
dhamaystirmin.
Waa tan codsi kale ee ku socda Kornayl C/laahi
yuusuf isagoo ku qoran English.
2-Request:-
Full details of any forensic examination of
the scene of the killing.
Faahfaahin ku saabsan baaridii lagu sameeyey
maydka(waa qaliino lagu sameeyo maydka siduu udhintay iyo waxyaaba la xiriira)
Reply:-
See Reply 1 above. The deceased’s body was
buried on the day of his death in accordance with the requirements of his
religion and for customary reasons.
No post mortem examination was carried out.
Jawaabtii kornayl C/laahi su’aashaas kore ka
bixiyey aan idiin dulmaro.
Maydii marxuumka waxaa la aasay isla maalintii
uu dhintay ayadoo la tixraacayo sida ay qabto diintiisa iyo dhaqankiisu qabaan.
Mana lagu samayn wax baarid ah maydka.
Waakan codsi kale:
3 Request:-
Full and particularized details of the
allegations contained in the defense that Ahmed Mahmud Mohamed was responsible
for waging war on the state and causing the death of a number of people.
Waxaa la weydiistay faahfaahin dhamaystiran oo
khaas ku ah dacwadiisa waa kornayl C/laahiye inuu soo bandhigo wax cadaynaya in
marxuum Axmed Maxamuud Maxamed (Suldaan Hure) uu masuul ka ahaa in la qaado
dagaal gobolka dagaalkaasoo sababay dhimasho tiro dad ah.
Reply:-
i-The Puntland State of Somalia was created in
1998. The vast majority of the population are displaced persons who were removed
from their homes in Mogadishu and other regions of Somalia when the former
government of Somalia was overthrown in 1991.
ii-The rules of Mogadishu have been trying to
undermine the Puntland State of Somalia since its inception.
iii-In the summer of 2001 Colonel Jama Ali
Jama rejected the decision of the Council of Elders and the House of
Representative of the Puntland State Somalia to extend the mandate of the
Puntland State.
iv-Colonel Jama Ali Jama paid fourteen members
of the Council of Elders to elect him as president of the Puntland State of
Somalia. Colonel Jama Ali Jama mobilised a private army and waged war on the
regular army of the Puntland State of Somalia. The deceased was one of the
elders paid by Colonel Jama Ali Jama to support him.
Jawaab
celintii kornayl C/laahi Yuusuf oo aan
af Soomaali ku soo koobay waa tan.
i-Gobolada Puntland ee Soomaaliya waxaa la
aasaasay 1998 ka dib markii dad badan ay ku dhacday degaan la’aan oo
aqaladoodii Muqdisho laga soo barabixiyey iyo gobolo kale oo Soomaliya ka mida, markii
ay dhacday dawladii hore.
ii-Madaxda Muqdisho ayaa isku dayayeen inay
daciifiyaan Puntland State ee Soomaaliya ilaa intii la aasaasayba.
iii-Xagaagii 2001 Colonel Jama Ali Jama ayaa
diiday go’aan ka soo baxay gudi odayaala iyo wakiilada aqalka baarlamaanka ee
Puntland State in la kordhiyo wakhtiga maamulka dawlada Puntland.
iv- Colonel Jama Ali Jama ayaa lacag siiyey
afar iyo toban (14) xubnood oo ka mida gudiga odayaasha si ay isaga ugu
doortaan madaxweynaha Puntland State. Colonel Jama Ali Jama wuxuu qortay ciidamo
ugaara, wuxuuna ku qaaday dagaal ciidamada joogtada ah Puntland State. Marxuumku
wuxuu ka mid ahaa odayaasha uu Jaamac lacagta siiyey si uu u taageero.
Hadaba intaas ayaan ku soo koobi lahaa
qoraaladii ay is dhaafsadeen maxkamada iyo jawaabihii uu ka bixinayey Kornayl
C/laahi Yuusuf oo uu usoo marinayey qareenkiisa.
Qoraalada dacwada oo ka koobnaa lix bogg oo
su’aalo iyo jawaabihii uu kolba ka soo bixinayey ayaan intaas kala soo dhex
baxay.
Markaas kadib ayaa waxaa iyana ii suura gashay
inaan helo nuqul ka mida qoraal kii ay maxkamadu ka qaaday markhaatiyaasha oo
aan ku qoraa English ayadoo isku wada mida hadalada markhaantiyaasha ayaan halkan
idiin ku soo koobay. Waxaan ka cudurdaaranayaa inaan la ii golaan inaan
qoro magacyada markhaantiyaasha oo dhamaystiran sababo nabadgalyo awgood.
Magacadoona waan soo gaabinayaa .
Waxaan waraystay dadka kala ah.
1-hirsi xxxx 2-Mohmed xxxx 3- Abdisalan xxxx
4-Mohamed xxxx 5-Amina xxxx
Dhamaan dadkaasi waxay isku raaceen sidan. "Waxaan
ku sugnayn tuulada Kalabayr, Aug 17,2002 saacaduna waxay ahayd 11:00
subaxnimo. Waxaa wadada soo maray gawaari fara badan oo galbinayey kornayl C/laahi
Yuusuf waxaa gawaaridaas oo ka yimid dhanka magaalada Garoowe kuna socday
dhanka magaalada Gaalkacyo ka horyimid gaari nooca Land cruiser ka loo yaqaan
oo uu Suldaanku watay. Gaariga suldaanku wuxuu ka yimid dhanka magaalada
Gaalkacyo oo wuxuu ku soo jeeday jihada tuulada Kalabayr. Markii ay iska
horyimaadeen gawaarida kornayl C/laahi iyo gaargiii Suldaan Axmed ayaa waxaa
gawaaridii kornayl C/laahi galbinaysay ka soo laabtay laba gaari intay
hareeraha ka galeen gaarigii uu watay suldaan Hure ayey joojiyeen markiiba, waa
uu istaagay gaarigii Suldaan Hure isla markiiba waxaa soo degtay mid ka mida
ilaalada khaaska ah ee kornayl C/laahi. Ninkaasi wuxuu ooda uga qaaday rasaas
aan kala go lahayn isagoo suldaanku saaran gaarigiisii."
Dad kale oo aan ku jirin markhaantiyaasha
maxkamada hadana ku sugan Puntland oon la xiriiray ayaa ii sheegay in ninka
Suldaanka toogtay lagu magacaabo, xxxxx xxxxx xxxxxx. [sababo nabadgelyo awgood
ayaa qoraagu uqariyey magacan]. Waxaa
kaloo ay sheegeen markii Suldaanka la dilay jeebkiisa lagala baxay lacag dhan
$500 doolar, saacadii suldaanku xiraana laga furtay isla markaana laga qaatay
taleefankii gacanta ee uu sitay. Ninkaas alaabtaas ka qaatay maydka suldaanka
ayaa lagu sheegay magaciisa xxxxx xxxxx.
Markii intaasi dhacday labadii gaari ee la
socotay gawaarida kornayl C/laahi waa ay ka bexeen magaalada oo gawaaridii ay
la socdeen ayey ka daba tageen. Waxaana dad magaalada ka soo galay dhanka
Gaalkacyo sheegeen inay arkayeen in ay dhoobnaayeen gawaaridii kornaylka waday
banaanka tuulada Kalabayr oo ay sugayeen labada gaari ee Suldaanka loo soo
diray soo noqoshadooda, markii ay soo noqdeena ay arkeen gawaaridii oo isla
dhaqaaqay hal mar.
Hadaba si aan u helo dhanka kornayl C/laahi
waxa ay ka leeyihiin arintan iyo sida ay usheegayaan sida wax udhaceen ayaan
isku dayey inaan la xiriiro kornayl C/laahi Yuusuf, waxaase la ii sheegay hadaan
kala hadlayo arinta Suldaanka inaan la ii gudbinayn ee aan ka joogsado wax ka
weydiinta arintan. Sidaas ayeyna iigu suuroobi weyday inaan dhanka kalana wax ka
weydiiyo arintan.
Si aan wax uga ogaado sababaha kalifay in hada
ay Isimada Puntland isku soo urursadaan magaalada Gaalkacyo oo u sarakacaan wax
ka qabashada iyo xalinta arinta dilkii Suldaanka oo hada laga joogo mudo sannad
kor udhaafaysa, ayaan waxaan la xiriiray gudoomiyaha beesha suldaanka ujooga
North America oo lagu magacaabo C/rashiid Barre Muuse. Wuxuuna
waraysigii aan la yeeshay udhacay sidatan.
Su’aal:
C/rashiid Barre wax ma iiga sheegi kartaa sababta
keentay dilkii suldaan Hurre, iyo siduu udhintay in wax wada hadal ah lagala
yeeshay beesha Suldaanka?.
Jawaab:
Horta siduu udhintay waxay ahayd uun wax dadkoo dhan ay hal mara ka argagaxeen,
faahfaahin badan uma baahna hadaanse kuu soo koobo waxay ahayd sidan. Suldaanku
oo ka mid ahaa Isimadii ka horyimid in si aan sharciga waafaqsanayn xukunka
loogu kordhiyo kornayl C/laahi Yuusuf. Suldaan Hurre wuxuu ahaa nin aqoon yahan
ah, suldaanku wuxuu ahaa dadkii faraha badnaa ee aaminsanaa in sharciga la
ilaaliyo, in doorasho xalaala la qabto, inaan wakhtiga la iska kororsan waana
taasoo qura mida keentay dilkiisa. Yaa dilay hadaad ka wado oo aad afka kala
xishoonayso waxaa dilay waa cadaan mana qarsoona waa kornayl C/laahi Yuusuf si
bareer ah ayuu udilay. Gaari uu saaraa markii u ka hor yimid ayuu ka daba diray
qaar ka mida ilaaladiisa kuna amray inay soo dilaan. Isagu wuxuu meela badan
kaga andacooday in ciidamo soo qabanayey si ay su’aalo uweydiiyaan ay is
rasaaseeyeen oo uu sidaa ku dhintay, taana wax ka jiraa ma jirto. Suldaan Hure
labo wiil ayaa la saaraa gaariga qori lagu ilaalinay Suldaanka ayaa amray in ay
iska dhiibaan markuu arkay ciidamada ku hareeraysan, wuxuuna u sheegay in uusan
doonay in cidi dartii u dhimato, hadana waxay ku jiraan labadaasi wiil
markhaatiyada dhabta ah ee la hayo. Intaas markii ay dhacday ayaa kornayl C/laahi
Yuusuf wuxuu sii maray tuulada lagu magacaabo Xarfo oo uu deganaa Islaan
Bashiir Islaan Cabdulle oo ay kornayl C/laahi isku jifo yihiin hore ayuuna usii
kaxeeyey Gaalkacyo ayuuna geeyey. Taasi waa arin dhaba oo jirta oo aan ciduna
ka qarsoonayn in Isina uu soo dilo kiisiina uu yiri meesha isaga soo tag Isin
baan soo dilaye.
Hadaan ka jawaabo wax wada hadala in beesha
lala yeeshay ilaa markii uu dhintay Suldaanku waxaa jirta in uu kornaylku soo
dirsaday dad isaga ka socda hase yeshee marna ma dhicin wada hadal toosa oo
dhex maray kornaylka iyo beesha suldaan Hurre, ama beesha kornayl C/laahi
kadhashay iyo beesha suldaan Hure midnaba.
Su’aal:
Waxaa jirta in beryahan aan maqlayno in waan waan
laga dhex wado kornayl C/laahi iyo beeshii marxuum Suldaan Hure maxaad nooga
sheegi kartaa arintaas ?.
Jawaab:
Waa jirtaa arintaas waxaana sababay culays kornaylka kala soo gudboonaaday
maxkamad London ku taal oo laga dacwaynayay kornaylka, kuna saabsan
dilka suldaanka. Dacwadii oo mudo soo socotay ayaa hada waxaa C/laahi oo
marakan isu sharaxay inuu madaxweyne dalka ka noqdo la soo gudboonaatay
dhibaato ku sabasan su’aalo laga weydiinayo dilkii iyo weliba codsi maxkamadu
marakan ka codsatay inuu hor yimaado maxkamada, ayadoo laba goor oo horena dib
loo dhigay maxkamadaas iyadoo markii ugu dambaysay dib loo dhigay maxkamadii uu
lahaa Oct 24, 2003 10:00AM. Qareenkiisii ayaana codsaday in dib loo dhigo waa
arintaas iyo cambaarayn dilkii uu geystay ay ku dhaleecaynayaan siyaasiyiinta
Soomaaliyeed ee ku sugan shirka Kenya. Waxaa taas sii dheer sannad guuradii ka
soo wareegatay dilkii suldaanka oo dhawaan lagu dhigay xarunta shirka
Soomaalida uu ka socdo ee Kenya oo xuskaasi wuxuu soo jiitay indhaha
dimlomaasiyiin ku sugnaa halkaas.
Su'aal: Yaa
waan waanta hada wada ma kornayl C/laahi naf ahaantiisa mise cid kalaa is
xilqaantay oo wada waanwaanta?.
Jawaab:
Waxaa wada ololahan ma oran karo waan waan, waayo
waan waan waa qof wanaag doonaya oo wanaagu daacad ka yahay, laakiin tan waxaan
oran karaa waa olale uu rabo inuu kaga dhuunto maxkamada ku furan, wuxuu ku
bixiyey dakhligii dawlada oo idil siduu dacwadaas uga badbaadi karo inuu uga
badbaado. Wuxuuna uyeertay Isimo reer Puntland ah si ay arinta ugalaan.
Su’aal:
Ma markii ugu horaysaybaa oo Isimada Puntland ay galaan arintan mise hore ayey
hada ka hor ugaleen?.
Jawaab:
Isimada reer Puntland waa Isimadayada waxaan
uhaynaa dhamaantood xushmad, waxaanse filaynay markii xaqdarada lagu dilay nin
Isim ah oo reer Puntland ah inay usarakacayaan arintaas oo wax ka qabanayaan,
nasiib daro madhicin oo ma jiro Isim wax ka qabtay arintaan ama kornaylka kala
hadlay. Markastase xushmad baan uhaynaa waxaanse aaminsanahay mar walba hadii
si daacadimo iyo geesinimo ku jirto ay ugalaan inay wax ka oran karaan
arintan.Waana markii ugu horaysay oo arintan ay Isimo galaan.
Su’aal:
Maxaad ku qanacdaan hadii waan waan hala galo la
yiraahdo, mase laga yaabaa in la tirtiro dacwada ka dhanka ah ee London uga
furan kornaylka hadii uu heshiiskan hada uu ku hawlan yahay kornayl C/laahi
hirgalo?.
"...Hadii cadaalad la falo waxaan filaa in la wada hadli karo
waxna la isla gorfayn karo."
C/rashiid Barre Muuse |
Jawaab:
Horta anigu hada ku oran mayo waxaasaan ku qanac naa iyo waxaasaan ku qanacnaa,
laakiin cadaalada wax ka fiican oo qofka dhibanaha ahi uu ku qanci karaa ma
jirtaan filayaa. Hadii cadaalad la falo waxaan filaa in la wada hadli karo
waxna la isla gorfayn karo.
Su’aal:
Maxaad uga jeedaa cadaalad hadii la helo, ma waxaad leedahay in maxkamad la soo
taago cidii ka dambaysay maahee si kale kuma qanacno?.
Jawaab:
Horta hadaanu Soomaali nahay arimaheena siyaabo badan ayaan ku dhamaysan jiray
xitaa waayadii aysan jirin maxkamado la isku dacweeyo, waxaan qabaa sida ugu
haboon oo wada hadal loo furi karo waa iyadoo marka hore dadka garta galaya ay
raali kawada yihiin labada dhinac.
Marka xigta in kornayl C/laahi qirasho iyo
qoordhiibashaba sameeyo, inuu isagu dusha urito dambigaas markaas waa suuro gal
in heshiis yimaado ama wax meel laysla dhigo. Laakiin hadaan qirasho iman
lamaba wada hadli karo ayaan qabaa marka horeba. Arinta aad tiri maxkamada ma
la hakinayaa ma la laalayaa dacwada waxaan filayaa in taasi aysan u’oolin
beesha oo qura ee ay utaal caruurtii iyo xaaskii uu ka geeriyooday marxuumku
iyagaana cafiyi kara tan maxkamada London ka furan. Beeshuse talo soo jeedin
waa ay ku darsan kartaa hadii gudaha heshiiskaas aan sheegay laga gaaro.
Su’aal:
Hadii kornayl C/laahi Yuusuf uu ku adkaysto
diidmadiisa ah inuusan dilin shaqana ku lahayn maxaad yeelaysaan?.
Jawaab:
Waxaan ku jawaabi lahaa Liibiya imisa sanno ayey diidanayn inay qirato qaraxii
diyaaradii Loker bill ku dul burburay iyo meelo kale diyaarado lagu
qarxiyey,ugu dambayn dhawr iyo toban sanno kadib ayey dawlada Liibiya qiratay
dilkaas. Hada C/laahi haduu is leeyahay ummada baahan ku indha sarcaadi
dhaqaalihii iyaga canshuurta looga qaaday oo xaqooda ku dulmi oo ku kala qaybi
oo kala gado waxaan leeyaahy maruu qirtaba waa qiran, waxaase uroon in hadii
heshiisku dhab ka yahay uu qiraal la yimaado si dawo waarta loo helo.
Su’aal:
Maadaama loo fadhiyo shirkii Kenya lagana yaabo inuu dhawaan dib ufurmo, malaga
yaabaa in wakhtigu ku yaraado oo kornaylku dib ugu laabto shirka oo dadkale
uwakiisho heshiiskan maadaama ay adkaan karto in dhakhso wax loo dhameeyo?.
Jawaab:
Sababta ugu weyn ee kornayl C/laahi Yuusuf ku soo celisay dalka ayaaba ah
arintan, isagoon dhinac uridana ma filayo inuu shirka ku noqonayo. Inkastoo
dadka loogu shekeeyo sheekooyin badan oo ku saabsan soo noqoshadiisan hada ah,
xaqiiqduse waa culayska arintan ay ku hayso darteed iyo codsiga maxkamada
London uga furan ay codsanayso inuu soo galo dalka Ingiriiska oo horyimaado
maxkamada,waana sababtaas tan uu hada dalka dib ugu soo laabtay .
Intaas kadib ayaan waxaan si gaar gaara ula
xiriiray aqoonyaho iyo odayaal iyo wax garad kale oo degaanka Puntland ka soo
jeeda waxaana weydiiyey sida ay u’arkaan heshiiskan hada laga dhex wado beeshii
Suldaan Hure iyo kornayl C/laahi Yuusuf.
Waxay dadkaas badankoodu isku raaceen in
kornayl C/laahi aysan daacad ka ahayn heshiiskan ee uu doonayo oo qura inuu
dadka Soomaaliyeed maqashiiyo inuu yahay nin heshiis doonaya. Waxay kaloo
intaas raaciyeen in heshiisku yahay wax fiican oo dadka isku soo
dhawaynaya, laakiin loo baahan yahay in labada dhinacba ay soo xulaan xubnaha
dhexdhexaadinaya, hadase sida muuqata waxaa qabanqaabada iyo xulidaba gacan weyn
ku leh kornayl C/laahi.Taasi waxay keeni kartaa in heshiiska aan beeshu uwada
dhamaan oo kornaylku sida caadada u'ah uu had iyo jeer dadka lacag ku kala
jebiyo oo inta koox isaga taageersan wax ka ansaxsado yiraahdo waxaa ila
heshiiyay beeshii. Waan jeclaan lahayn beelaha Puntland oo dhamaantood nabad ku
wada nool dhameeyana khilaafkoodii hore ayey raaciyeen duqaydaas iyo waxgaradkaas reer Puntland, waxayse ka digeen in shirka haatan Isimadu
ufashiyaan Magaalada Gaalkacyo inuusan noqon heshiis udaneeya kornayl C/laahi
oo qura. Waase in uu noqdaa heshiis ay kuwada qancaan dhamaan dhinacyada ay
khusayso oo idil, waxaana illaahay uga baryaynaa ayey yiraahdeen in cadaalad
waarta ay halkaas ka soo baxdo.
Wabillaahi tawfiiq.
Waxaa isku soo duba riday, waraysiyadana qaaday
.
Osman Ahmed Sheikh
isxaaq@yahoo.com
Allaa weyn ninkii aaminaa awoodleh.
Faafin: SomaliTalk Oct 27, 2003
Afeef: Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
..
FOGAANTA U DHEXAYSA
MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|