SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - SWEDEN
Gabdhihii soomaalida Sweden ee xijaabkooda muranka dhaliyey ayaa weli xiran indho shareerkoodii iyadoo wasaarada Waxbarashada Sweden ay soo saartay go'aan ka dhan ah arintaasi.

Sida uu maanta qoray wargeyska maalinlaha ah ee Gothenburg Post ayaa shaaca ka qaaday in labadii gabdhood ee soomaalida reer Sweden ee xijaabkooda muranka dhaliyey ay weli xiran yihiin xijaabkoodi indho shareerka ahaa kadib markii ay heysashada xijaabkooda isku afgarteen maamulihii iskuulka Burgården Gymnasium (Burgarden high shool), iyadoo weliba ay wasaarada waxbarashada Sweden ay soo saartay go'aan ay gebi ahaanba ku mamnuucday xijaabkaasi.

Heshiiskan dhexmaray maamulaha iskuulka iyo labdiisa arday ayaa ka danbeysay markii cabasho xoog leh oo ay ka muujiyeen gabdhahaasi go'aankii lugu diiday xijaabkooda, sidaas daraadeedna uu calool dabacsanaan u muujiyey maamulahii iskuulka.

"Cadaadis xoogan ayaa labada gabdhood saaran, sidaa daraadeed ayey iga codsadeen inaan fasaxo oo ay guryahooda iska joogaan si ay uga nastaan buuqa hareeyey" ayuu yiri Staffan Hallström oo sheegay inuu aqbalay codsigii labdaasi gabdhood ee soomaalida ah ee iyagu baryahan danbe cadaadis xagga saxaafada ah saarneyd.

Mr: Staffan oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray in heshiisha ay gaaraan isaga labadaasi gabdhood ay tahay xitaa mid kujirto in marka tabarbar loogu dirro xaruumaha carruruta aysan xiran karin xijaabka ay iskuulka la yimaadaan, taasina buu yiri ay si diiran u soo dhaweeyeen gabdhahaasi.
"Iminka waa Falis iyo Ismahaan oo qura ardeyda xiran xijaabka noocan ah, haddiise ay xeyn kale oo gabdho ku soo darsoomaan ay in markaasi arintu tahay waa mid halis ku ah goobaha waxbarashada, waxaana qaadi doona talaabo aan kaga hortageynoo" ayuu yiri Staffan Hallström, oo ka jawaabayey su'aal aheyd Sideed yeeli doontaan hadey gabdho kale ay xijaabkan soo xirtaan ama ay ku soo bataan iskuulka.
Haweeneyda la yiraahdo Noura Halawie oo iyadu ah gudoomiyaha "la taliyeyaasha ardadeyda" ee iskuulkaasi ayaa sheegtay iney aad ugu faraxsan tahay sid uu u maareeyey maamulahu arin caqabad aheyd, islamarkaasina isagoon jebin qawaaniinta dalkanu degsan ee la xirriirta diimaha .

Noura waxaa ay sheegtay ineysan aqoon u laheyn hablahaasi oo aysan weli wada sheekeysan, sidaas daraadeedna aysan jirin wax ay ka sheegto marba haddii gabdhuhu yihiin kuwo aan la sheekeysan ardeyda qaar taasina ay igu noqoneyso magac xummo hadaan wax ka sheego, waxaana ku qasbanahay ayey tiri inaan aqbalno dooqooda iyo dharka ay iskuulka la yimaadaan.

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Maalintii jimcaha ayaa wasaarada waxbarshada Sweden waxey soo saartay go'aan deg deg oo wax looga qabanayo xijaabka indho shareerka ah ee ay gabdho soomaaliyeed soo xirteen.
Go'aankii ay soo saartay wasaarada waxbarashada ayaa gebi ahaanba mamnuucay xijaabka Niqaabka loo yaqaan, kaasoo ay ku sheegtay inuusan aheyn mid la aqbali karro oo aan ku habeeneyn goobaha waxbarashada. Balse ay fasaxday xijaabka caadiga ah ee madaxa lugu xirto.

Sidoo kale haweeneyda ugu ah dalkan wasiirka isdhexgalka Mona Sahlin ayaa aad u soo dhaweysay go'aankii ay gaartay wasaaradu, waxaana ay sheegtay in xijaabka noocaas ah uu yahay mid aan la aqbali karrin islamarkaasina aan u baahneyn in iskuulka lala yimaado "Sumado diimo", waxaana ay ku boorisay iney xijaabkooda caadiga ah qaataan.

Tan iyo intii ay soo shaac baxday muranka ku saleysan xijaabka ay soo xirteen gabdho soomaaliyeed oo wax ku barta mid kamid ah dugsiyada sare ee magaalada Gothenburg ee dalkan Sweden, ayaa aad u dhalisay dood aad u dheer oo ku saabsan sidii arrintan ay dadka swedhish-ka ahi u aqbali lahaayeen, ugu danbeyntiina ay wasaarada waxbarashada ka soo saartay go'aan ka dhan ah xijaabka Niqaabka ee indho shareerka soomaalidu u taqaan, balse muranka iyo dooda xijaabku ay weli halkeedii taagan tahay.


Isha warka: Gothenburg Post.

Waxaa isku soo duwday,
Ikraam Cali-kaar
ikraam@journalist.com 

SomaliTalk | Oct 26, 2003

Saxaafada Sweden oo Weli hadal haysa gabdhihii Soomaaliyeed ee Xijaabkoodu Muranka Dhaliyey
Warbixintii Ikraam.... Guji...  Oct 8

Gabdho Soomaali ah oo Xijaabkooda Muran Dhaliyey
Labo gabdhood oo ah ardey soomaaliyeed oo . Guji... Oct 7

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD