SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA

MINNESOTA: Judge Tunheim ku Dhawaaqay in Keyse Jaamac aan Caawa La Dhoofin Karin

Sharci yaqaan Sh. Xasan jaamici
October 26, 2003 | Minnesota, USA

Mardhoweyd waxaa ila soo xiriirtay Michele McKenzie oo ka mid ah qareenada u doodaya Keyse Jaamac waxay ii sheegtay in si ku meel gaar ah dib loo dhigay dhoofintii caawa lala damacsanaa in la dhoofiyo Jaamac.  In  subaxdan Oct. 26,2003 ay dowladda ama immigrationka iyo qareenada Keyse ay hortageen Judge Tunheim hortiisa  iyadoo loo qabtay Maxkamadda dhageysi deg deg ah (Emergency Hearing of Stay off deportation) oo dhamaatay  qiyaastii 1da duhurnimo oo maanta Oct. 26,03 (waqtiga Minnesota, USA) si loo baajiyo dhoofitaanka Jaamac ee caawa loogu talagalay in loo dhoofiyo Soomaaliya.  Waxaa haddeertan sidoo kale laalan go'aankii  ugu dambeeyey ee lagu soo deyn lahaa Keyse Jaamac oo ay rafcaan ka qaateen dowladda ama immigrationka. 

Waxaa la filayaa in Maxkamadda  Federaaliga ah waaxdeeda 8aad (eight circuit court) ay si deg deg ah u go'aamin doonta sii deynta Keyse Jaamac inta laga go'aaminayaa dacwadda  dhoofinta ku saabsan ee hortaala Maxkamadda buuxda (full 8th circuit court).  Waxaa kaloo muhim in la ogaaday in uu Keyse Jaamac shakhsiyan uu ula hadlay Judge una sharxay dhibaatada heysata ee ku saabsan xabsiga immigration oo uu ku jiray 29 bilood isagoo sugayo dhoofin.  Jaamac hadalkiisa ayaa waxay noqdeen qeyb asal u ah go'aanka u qaadiga gaaray oo ah in caawo la dhoofin  karin Keyse.

Tani waa jab ku dhacay qareenada dowladda iyo dowladda oo isku dayeysay inay Jaamac dhoofiyaan iyadoo fasaxa usbuuciga lagu jiro oo ay maxkamaduhu xiran yihiin  islamarkaana iyadoon qadiyadiisa oo ku xiran Soomaali badan ayan weli dhammaan.

Wixii faah faahin oo qadiyaddan la xiriirta waan idin soo gudbin doonaa sida ugu dhaqsaha badan.  Ogaada qadiyadda Jaamac waxay taabanaysa qadiyadaha soomaalida ee la xiriira arimaha Immigration.

Warbixintan waxaa diyaariyey:
Sharci yaqaan Sh. Xasan jaamici
Hmohamud@midmnlegal.org

Faafin: SomaliTalk | Oct 26, 2003

GALABTII "BARO XUQUUQDAADA" IYO SOOMAALIDA MINNESOTA.. GUJI

Warkii saakay ee kusaabsanaa dhoofinta Keyse hoos ka akhri...


MINNESOTA: Keyse Jaamac oo Caawa Loo Dhoofinayo Somalia haddii....
October 26, 2003 | Minnesota, USA

Mudane  John Tunheim, qaadiga Maxkamadda Federalka ee Degmada Minnesota (Federal District Court) ayaa wuxuu amray  in si deg deg ah  Keyse Jaamac laga sii daayo xabsiga  immigration Minnesota.  Warqadda Amarka maxkamadda waxaa ku qoran in Jaamac la sii daayo ugu dambeyn maalinta Isniinta ee ay bishu tahay Oct. 27,2003.  Si kastaba ha ahaato, dowladda Maraykanka ama immigrationka oo iska dhega tiraya go'aanka Maxkamadda ayaa waxay go'aamisay inay dhoofiso Keyse Jaamaca, cawada, ama maanta Axada Oct. 26,03 ee habeenka Isniinta soo gelaysa. Waxay dowladda Maraykanka ay Keyse halkan (Minnesota) ka saari doontaa dayuurad ugu dambeyntii geyn doonta magaalada Hargeysa. 

Haddii Keyse garyaqaanadiisa ay go'aan ku gaaraan inay arintaa dhoofinta ka dagaalamaan, waxay Keyse ku kalifeysaa inuu kala doorto in loo dhoofiyo Soomaaliya ama uu xabsiga sii joog muddo aan la ogeyn (indefinite time jail) waayo immigration ama dowladdu waxay  rafcaan ka qaadan doontaa go'aanka siideynta keyse Jaamca.  Intuu rafcaanka socdana, Keyse waa inuu xabsiga ku jiraa.

Maxkamadda Federaaliga ee degmada Minnesota waxay hore u xukuntay in Keyse Jaamac la dhoofin karin waayo Soomaaliya waa waddan aan dowladda rasmi laheyn isla markaan nabad aanan ka jirin.  Haddii ay dowlad jiri laheyd ma jiro wax heshiis ah ee dowladdaasi iyo Maraykanka ee la xiriira dhoofinta soomaalida.

Ka dib dowladda go'aankaasi waxay ka qaadatay rafcaan ay dhegeysteen 3 qaadi ee Maxkamadda Rafcaanka ee Federaaliga ee loo yaqaan Eight Circuit, waxaynka u xukumeen Dowladda oo ay leeyihiin waa la dhoofin karaa qofka soomaaliga.  Ka dib garyaqaanada Keyse ayaa codsaday in Maxkamadda buuxa loo hordhiga qadiyadda Keyse.  Sidaa darteeda  qadiyadda  Keyse waxay ku laalan tahay maxkamaddaasi horteed.  Ugu dambeyntii ayaa mudane Tuhheim go'aamiyey in la sii daayo Keyse intay qadiyadda laalantahay. Laakiin Immigration ama dowladda waxay rabaan inay Keyse ku dhoofiyaan go'aanka maxkamadda rafcaanka oo weli laalan.  Keyse qadiyadiisa waxay u dhamaan doontaa maxkamadda ugu sareysa ee waddanka Maraykanka (US supreme Court) si ay u kala saarto dowladda iyo Keyse, isla markaana u sharaxda qaanuunka la xiriira dhoofinta Soomaalida. 

Haddii arinta aad daneyneyso ama rabto inaad la socoto ama caawiso fadlan la xiriir sharci yaqaanada haya qadiyadda Keyse:

Sharci yaqaan: Michele Garnett Mackenzle  (612)978-7257
Sharci yaqaan: Kevin Magnuson (651)208-2508.

ama ka soo qeyb gal shirkan:

Shirka Immigration Law ee lagu qaban doono:
Oromo Center ee ku dhegin masjid Imaami Shaafici,
1505 South 5th street-15th Aveneu South
Minneapolis,MN  55454
Arbacada, Oct. 29,03  saacadda 1:30pm ee duhurnimo

Waxaa ka hadli doona Sharciyaqaanada kala ah:
Sh. Xasan Jaamici
Karen Ellingson
Peggy Russell

kana jawaabi doono su'aalaha la xiriiri immigration law iyo diiwaangelinta 50,000 sharciga green card ee dowladda US bixin doonta sanadka 2003-2004.   Faahfaahinta shirka ka akhri halkan... Guji

Warbixintan waxaa diyaariyey:
Sharci yaqaan Sh. Xasan jaamici
Hmohamud@midmnlegal.org

SomaliTalk | Oct 26, 2003

GALABTII "BARO XUQUUQDAADA" IYO SOOMAALIDA MINNESOTA.. GUJI

5 Soomaali ah oo Seattle laga dhoofin lahaa Nov 2002 oo la baajiyey

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD