SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY
Ha lagaa sugo  

Gabaygan waxa curiyey Khadar Cabdillaahi Badeed, waxanu kaga jawaabayey gabay uu Maxamed Xirsi Guuleed tiriyey oo uu ku magacaabay Layga sugi maayo. Wuxu yidhi:

 

  1. Same ina xirsaw max/edow midhaha suugaanta
  2. Adigaa ilaah kuu sakhiray kala sifayantiiye
  3. Inta lagu sarriigtee xushmada lagu sabaaleeyo
  4. Siinadeeda adaa max/edow saatir kaa dhigaye
  5. Sadex erey ayaan kula damcee saani u dhagayso

 

  1. Waxa gaalku saanyaday inaad suuqa ku mushaaxdo
  2. Iyo tay inaad sudhata ood sawir xumaan qaado
  3. Suudh laysku dhuujinahayiyo weelka saqajaanka
  4. Sida aad u tidhi weeye oo yaan lagaa sugine

 

  1. Siliciyo maryaadkiyo waxaa saaka ina haysta
  2. Sabadii udgoonayd waxaa salawgu aafeeyay
  3. Magaceeni soomaaliyeed cidiba soo qaadin
  4. Sumcaddeeni waxa saa u galee sabanka waydaarshay
  5. Sannaceena weeyaan haddaan lays sasabahayne
  6. Anigaa sideeriyo anaa kaa sinjiyad fiican
  7. Sannahaabadeedaan khalqigu kuba salaamayne
  8. Sida aad u tidhi weeye oo yaan lagaa sugine

 

  1. Dalka siman intaad sheegatee sahu ku qaadsiiyay
  2. Inta sugan inaad leedehee soohdin lagu jeexay
  3. Iyo qayba aad seegtayoo sayma lagu ooday
  4. Ee sadarku kaa dhaafayee sida turaabkaasa
  5. Seddexdaba adaa loo raxmaan seeska kuu dhigaye
  6. Ha yeeshee ragbaa saxal qaboo seegay hilinkaase
  7. In siday rabaan loo sir-siro waa midnimo seege
  8. Allaylehe sidaad tidhi ayaan taa lagaa sugine

 

  1. Soddohaad tilmaantee ka tagay sabada baydkooda
  2. Sahankoodi ceebuu ku dhacay sabadh-xumaantiiye
  3. Sedkii eebeheen siiyaybay badi saluugeene
  4. Doqontaba cadkii loo suntee ciidda lagu saydhay
  5. Garan wayday sida loo galoo seegtay marinkiiye
  6. Waa dhabe hadday saa yihiin yaan lagaa sugine

 

  1. Kuwa saawa-saawaha la baday laga sad roonaaye
  2. Kuwa salabka lagu tiiriyee laga san taagaayo
  3. Iyagays dulleeyee sarkaal kuma safaadeene
  4. Sandulaynta waad necebtehee yaan lagaa sugine

 

  1. Ina walan-wal murtiduu salimay uu sahra u dhiibay
  2. Sirta nolosha weeyoo runbay sees ku leedahaye
  3. Adiguna sarreeyow dhabii saani ugu toostay
  4. Hilinkaa saxdaabaa naflaa saami loo dhigaye
  5. Surmaseegto layskuma ogee yaan lagaa sugine

 

  1. Intaasoo sifaa raganimaad siinka ka cadaysay
  2. Iyadoo siday tahay dhamaan saalim laga yeelay
  3. Waxa jira midaad seegtayoo nala sugnaan wayday
  4. Waa sulubka reenkiyo fardaa salaw dhaqaaqooda
  5. In la qaato saymaa markay seeftu libin keento
  6. Salaamaade warankiyo ridada sumuca wiidiisa
  7. Kaaraa silsiladiisa iyo beebe iyo suuga
  8. Kuwa samada heehaaba ee soo ganbiya hawda
  9. Gumucyada sabeeyiyo birtiyo soodhka iyo teeri
  10. sabaraynka laysula bixiyo seefta halacdeeda
  11. inta lagu samaadee midnimo lagu saraysiiyo
  12. ee salawga maadhiin yaruu sugo hanaankeeda
  13. sunta baase maajeenta iyo beerray kala soocin
  14. bal ogow ragbaa loo suntoo loona soo rogaye

 

  1. xabbadana marbaa saxalka jira lagu sanceeyaaye
  2. nabadduna marbay sahayataa kuman samaanoode
  3. mabda,aagu saran-seer haddaan gacani suurayne
  4. hadday dunidu sida dooratoo suluxba loo diiday
  5. sinba-dhigadaka waayaa haddii lagu san-saan gooyay
  6. lagu seexan maayoo sunnaa meel la sii dhigaye
  7. ma cirkaad salaan dhigan arligan samaha loo diidye
  8. saymaha ku daashaday sardhada sumucu kaa jiidhay
  9. sifeheena weeyaan inaad selesho dhawr jeere
  10. waaba lagula saayiray haddaan seeme kula haadin
  11. sabo nabada dumar iyo dhalaan sogobka waayeelay
  12. saddexdaa ayaa loo ogaa inay ku seexdaane
  13. hadal soo dhawayntaa wax badan lagaga soortaaye
  14. inlagaa sugaabaan jeclahay ereyga aad seegtay

 

khadar c/laahi badeed

04/10/2003

Hargaysa

 

Afeef: Fikradda qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 22, 2003  
 

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD