Allah ayaa mahad iska leh, naxariis iyo nabadina ha huwanaato Rasuulkii
suubanaa, ehelkii iyo asxaabtiisii iyo dhamaan intii raacday jidkooda.
Intaas ka dib.
Halkaan waxaan intii awoodayda ah oo rabbi ii garto wax ka sheegi doonaa
qoraal uu Somalitalka-ga ku qoray nin la yiraahdo Mahamud samatar oo uu cinwaan
uga dhigay Qofka iyo Diinta. anigoonan run ahaantii waqtiba u ahaynin inta
badan inaan wax ku qoro websites ka, hadana waxaan waajib u arkay inaan ka
jawaabo article kan aan kor ku soo sheegay.
Ugu horrayn diinta Islaamka waa diinta kaliya ee ilaahay lugu caabudi karo
oo uu san ka aqblaynin cidna waxaan ayada ahayn, Allah wuxuu ku yiri
suratu-Aala cimraan aayadda 19aad ( Diintu Allah agtiisa waa Islam). sidoo kale
Allah wuxuu yiri ( Qofkii Jecleysta diinta Islamka mid aan ahayn lagama aqbali
doona, Aakhirana wuxuu ka midyahay kuwa Khasaaray), nabi Muxammed na s.c.w
wuxuu yiri ( Wallaahi hadduu nabi Muuse noolaan laahaa uma haboonaateen inuu i
raaco maahee). Sababtuna waxay tahay rususha Ilaahay xaggiisa ayaa laga soo
wada diray, ismana beeniyaan ee way is rumeeyaan isna raacaan, laakiin waa
dadka waxa wax baddala oo runta inkira kana dhiga inay rusushu is diidanyihiin.
tan kale diin walba tii ka horraysay ayay nasakhdaa oo shareecadii hore ayay
booskeedii gashaa, midna waa ka simanyihii oo ah tawxiidka ama midaynta Allah,
iyo arkaanta iimaanka.
Diinta Islaamku waa ay rumaysantahay diimihii ilaahay soo dajiyay, waliba
qofka muslimka ah waa inuu rumeeyaa nabinimadii muuse, ciise, ibraahiim iyo
kuwa kaleba, haddii uusan saas u ramayninna muslim noqon maayo, oo hal nabi
ninkii ku gaaloobo oo yiraah nabi ma ahayn wuxuu la midyahay inuu ku gaaloobay
nabiyada oo idil. Allah wuxuu ku yiri Suuratul-Baqara asagoo amraya Muslimiinta
aayadaha 136-137aad (Waxaad tiraahdaan waxaanu rumaynay Allah, wixii naloo soo
dajiyay, wixii lagu soo dajiyay Ibrahim, Ismaaciil, Isxaaq, Yacquub Iyo
Asbaaddii iyo wixii la siiyay Muuse, Ciise iyo nabiyadii oo laga siiyay xagga
rabigood, mana kala saar saarayno, anaguna Allah ayaan u hogaansannay. Haddii
ay rumeeyaan dadku sida aad u rumayseen way hanuuneen, haddiise ay sii
jeedsadaan waxay ku jiraan baadi wayn, Allah ayaana idinkaga filan, waana Allah
wax maqlid badan oo wax arkid badan). laakiin dadka Ahlul kitaabka ah waa
badaleen diintoodii oo wax ku dareen waxna ka gooyeen ayagaana qirsan taas
ayada ah oo cidina kuma doodi karto. Diinta Islamkuna inay tahay diin aan la
badanlin, oonana la farafaraynin cidkastaa og, Qur'aan ka Indonisia yaalla iyo
midka Nigeria yaalla waa isku mid, laba Addition iyo Saddex Additionna makala
laha ee waa isku mid, arrintaas ayada ah inaan halkaan ku faahfahiyana ma aha
goobteedii.
Tan labaad, Maadaama Islaamku yahay diinta kaliya ee xaqqa ah ee maanta ka
jirta aduunka, ilaahay agtiisana kaligeed diin ahaan looga yaqaan, laguna
nasakhay diimihii hore oo dhann tu ka danbaysana aysan jirin, kitaab kale iyo
rasuul kale oo imaanayana uusan jirin ilaa qiyaamaha, waxay la gooni tahay
waxyaabo badan, waxaana lugu faah faahiyay dhamaan wixii na khuseeya
nolosheenna aduun iyo aakhiraba. tusaale ahaan Rasuulka s.a.w wuxuu umaddiisa
baray markay musqusha galaan siday u fariisan lahaayeen, marka ma kula tahay in
nala baro sida xaajada loo gutto oo nala bari waayo sida dadka loo kala xukumo
oo cadaadaladdu ku jirto, taa waxaa ku dooda nin jaahil ka ah diinta Islaamka
ama cadaw ku ah oo si kas ah u inkira.
Tusaale ahaan maraka xukunka Islaamka laga hadlayo shan sheey ayay diinta
Islaamku aad u xoojisay oo shantuba xuquuq yihiin waxaana la yiraahdaa
Kulliyaad Alkhamsa oo ah shanta Guud oo ah in Qof ka loo badbaadiyo
- 1. diintiisa oo an lagu khasbin diinna
- 2. naftiisa oon aan loo dilin si xaq darro ah
- 3. sharaftiisa oo aan laga fara xumaynin ehelkiisa ama laga
aflagaadeeynin ama naftiisaba
- 4. inaan caqligiisa la doorinin asagana aan laga yeelin inuu dooriyo oo
uu isticmaalo maandooriye
- 5. inaanan xaq darro lugu qaadanin xoolihiisa, dhac ama xatooyo toona.
shantaas mid walba axkaam ayay leedahay lugu dhowro waana axkaamta islaamka
ugu waa wayn, waana midda asaaska u ah in la xaaraan yeelay dilka qofka si
xaq darro ah, sinada ama gogol dhaafka nin iyo nagba, khamrada iyo
maandooriyayaasha, dhaca, jidgooyada, laaluushka iwm. marka ninka yiraah
diinta iyo nolosha ha lakala saaro Islaamka kama hadlayo ee diin kale ayuu ka
hadalayaa waayoo Islaamku waa hab nololeed dhamaystiran.
Allah wuxuu ku yiri suuratu-Naxl aayadda 89aad( Waxaan kugu soo dajinnay
kitaab caddaynaya wax kasta oona u ah hanuun, raxmad iyo bishaaro muslimiinta).
waxaase jira waxyaabo badan oo caqligeenna loo daayay mana aha inuu Rabi jawaab
u waayay ee waa naxariis naloo naxariisanayo, waxyaabahaasna waan ku dadaali
karnaa oo Allah wuxuu na faray naguna dhiirri galiyay inaan si wanaagsan u
adeegsanno caqligeenna, waxaase waajib ah inaanan marnaba ka boodin aayad ama
xadiith rasuul oo aanan r'ayigeenna u tallaabsanin ayadoo amarakii Alle iyo kii
rasuulka meesha yaallaan arrintaasna waxaa ku soo arooray aayado iyo axaadiith
faro badan.
Hadaba dadka leh diinta iyo nolosha ma wada socon karaan, diinta iyo
siyaasadana ma wada socon karaan laf cad ayay toobin ku hayaan hadday ula
jeedaan diinta Islaamka. wax yar haddaan ka iraahdo fikradda ah hala kala saaro
diinta iyo nolosha ama siyaasadda, fikirkaas waxaa qaba dadka loo yaqaan
diinlaawe, Athiest, libral, calmaani, laa'alki iwm. Assal ahaanna waxay
fikradaan ka timid qarniyadii dhexe ee reer yurub u yaqaanniin qarniyadii
mugdiga ayay wadaaddada kiritaanku ku xukumi jireen dadka diintooda oo ay
badaleen oo caqli iyo wexey jecelyihiin u badan, taas oo keentay dulun fara
badan inuu ku dhoco dadkii oo dhan gaar ahaan dadkii science ku fir fircoonaa,
taas oo iyaduna dhalisay inay dadkii nacaan diinta, markii isticmaarku yimid
dhulalka muslimiinta ayay ku beereen fikradaas dad muslimiin ah ayakoo u haysta
inay diinteennu la midtahay midda ay baddaleen, waxaana fikraddaas qaattay dad
jaahiliin ka ah Islaamka iyo kuwa qalbiga ka jirran oo xukun jeceyl u geeyay
inay fikkirkaas qaataan, waana mawduuc madax bannaan oo aan waqti kale wax ka
qori doono insh-Allah.
Tan saddexaad Allah kaliya ayaa wax janneeya waxna cadaaba qiyaamaha, cid la
qabsan karto ama kula doodi kartana ma jirto, naxariistiisa ayuu wax ku
janneeyaa, cadaaladiisana waxbuu ku cadaabaa.Hasse ahaatee Allah wuu noo
sheegay cidda uu cadaabi doono iyo cidda uu jannayn doono nooca ay kala yihiin,
taasna quraan ka intiisa badan ayay ku jirtaa oo qur'aankaaba u badan inuu
arrintaa ka sheekeeyo. qof kasta oo ay diinta Islaamku soo gaarto, si cadna u
soo gaarto, oo qaadan waaya kuna dhinta sidaas Allah wuxuu u ballan qaaday
cadaab, ballanta Allaah na way fushaa. Taasina waxay waafaqsantahay cadaaladda
Allah oo Rabbi dad ma cadaabo mana halaago ilaa uu rasuul ama dige u soo diro
Allah wuxuu ku yiri suuratul-Israa aayadda 15aad ( Qofkii hanuuna naftiisa uyuu
u hanuunay qofkii baadiyoobana naftiisa ayuu baadiyeeyay, nafina naf kale
danbigeeda ma qaaddo, mana cadaabayno ilaa aan rasuul u soo dirno). dadka aysan
diintu soo gaarin waxaa la yiraahdaaa Ahlul fatra ama dadkii xilliga kala go'a,
Allah ayaana og waxa uu ka yeeli doono.
Gabagabadii waxaan Samatar ku leeyahay Allah ka cabso oo towbad keen, aqoon
darri kaa haysata diinta Islaamka yaysan kuu gaysanin inaad meel uga dhacdo,
dad aad is af dhaafteen iyo dad aad muranteenna yaysan kugu qaadin inaad xaqqa
daba martid, haddii aad rabtid inay wax kuu kala caddaadaan wax su'aal oo wax
baro, laakiin waxaadan aqoonin ha dabaalanin, waxaadna ogaataa rabbi inuu ka
aarsan doono cid walba oo ku gaaloowda.
waxaan gafay waa naftayda iyo sheeydaan waxaan saxayna Rabi ayaa mahad ku
leh oo xaggiisa ayay ka ahaadeen.
w.calaykum w.w
waxaa Qoray Yuusuf Cabdi gaab
Islamnimo@yahoo.com