SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Muxuu Ina taray Kacankaankii maxuuse inoo Dhimay?

Qore: A. Waaberi
Awaaberi@yahoo.com

Oktoobareey adaa lahaa!

  • Sodon sanaba (Afartan)Qaran baan ahayn calan u saaraaye
  • Waa maxay sawaxankiyo hadba salowga yeeraayo
  • Sal ka kaca qabiiliyo maxaa ololka soo saaray
  • Soomaali wada ilbixi baan lahaa nacab ha suuxeeyo
  • Saldanadiina adkaysta baan lahaa yaan la saabiline
  • Sumcadooda Toosaan lahaa way isa saamixiye
  • Sareedada Barwaaqada baan lahaa ha u sinaadeene
  • Saqiir iyo kabiir baan lahaa way isa saamixiye
  • Soomaali sidaan la rabay diiday samihiiye
  • Saluugtay oo midnimadii nacday, hoog ma wada saaqay.

‘Nuux Saciid Naxar’

  • Oktoobareey ahlan Wasahlan.
  • Oktoobar waa tee waa tumaa
  • Towrada tan barakaysan..
    Oktoobar waa daruur hilaacday oo Soomaali u da’day..
  • Oktoobar waa teeniyo.

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Dhamaan erayadaas iyo kuwo kaloo badan waxay ka mid ahaayeen qaybo ka mid ah Suugaanta lagu soo dhawayn jiray Maalinta ku aadan maanta oo kale oo bishu tahay 21ka Oktoobar. Waa maalintii uu curtay Kacaankii Oktoobar ee dalka ka hana qaaday 1969, ayna talada la wareegeen Ciidanmdii Xooga dalka Soomaaliyeed. Hadaba waxaa Mudnaan mudan in aanu dib u jaleecno Malintaas oo maanta ka soo wareegatay Afar iyo Sodon sanadood. Akhristoow Saraakiishas Kacaanak dhalisay Darajadooda iyo Magacyadooda waxay kala ahaayeen sidan:


1. Maj. Gen. Maxamed Siyaad Barre (Militeri)
2. Maj. Gen Jaamac Cali Qorsheel (Boolis))
3. Brig. Gen. Maxamed Ceynaanshe Guuleed (Militeri) )
4. Brig. General Xuseyn Kulmiye Afrax (Boolis))
5. Brig. Gen. Salaad Gabeyre Kediye (Militeri))
6. Brig. Gen. Maxamed Cali Samatar (Militeri) )
7. Brig. Gen. Cabdalla Maxamed Faadhil (Militeri))
8. Col. Cali Mataan Xaashi (Militeri) )
9. Col. Axmed Maxamuud Cadde (Boolis))
10. Col. Maxamuud Mire Muuse (Boolis))
11. Lt. Col. Ismaaciil Cali Abokar (Militeri) )
12. Lt. Col. Axmed Suleymaan Cabdalla (Militeri))
13. Lt. Col. Maxamed Sheekh Cusmaan (Boolis) )
14. Lt. Col. Maxamed Cali Shire (Militeri))
15. Lt. Col. Maxamuud Geele Yuusuf (Militeri))
16. Lt. Col. Faarax Waceys Duule (Militeri))
17. Lt. Col. Axmed Maxamuud Faarax (Militeri))
18. Lt. Col. Axmed Xasan Muuse (Militeri))
19. Maj. Cabdirisaaq Maxamed Abuukar (Militeri))
20. Maj. Bashiir Yusuf Cilmi (Militeri))
21. Maj. Cadulqaadir Xaaji Maxamed (Militeri))
22. Maj. Maxamed Cumar Jees (Militeri) )
23. Maj. Cusmaan Maxamed Jeele (Militeri) )
24. Maj. Muuse Rabiile Good (Militeri) )
25 Maj. Cabdi Warsame Isaaq (Militeri).)

Akhriste waxaan intaas ugu tala galay in aanu ogaano shaqsiyaadkii lagu sheegi jiray Galahii sare ee kacaanka. Hadaba waxaan iswaydiin leh muxuu Ina taray Kacankaas maxuuse inoo dhimay? Waa su’aal aad u weyn oo an is leeyahay hadii loogu tala galo in laga jawaabo ay u baahanayso waqti badan iyo baarid qoto dheer, balse aniga waxaan is ku dayayaa Caawa bal inaan wax ka yara xuso arimaaha intii karaamkayga, Ogaadana Soomaalida waxay ku maah-mahadaa Ilaahow Eexna ha inooga tegin aqoon la’aana ha inagu cadaabin. Marka qoraalkaya waxaan masdar ugu dhigaya arinkaas..

Sideedaba Shay waxaa la ogaan karaa nafcigiisa marka uu kaa maqan yahay oo aad u baahato, oo maanta waxaanu ognaay Nafciga ay leedahay Qaranimada iyo Dowlad nimada oo waxaanu la’nahay Mudo ka badan Dhowr iyo toban sannodood. Waxaan shaki ku jirin in qof kasta oo inaga mid ahi uu maanta dareen san yahay Micnaha Dowlad nimada ay leedahay ee aanu lahaan jirnay in ka badan Afartan sanadood..Hadaba anoonan jeclayn in an u boodo meel kale aan taariikh yar xuso Waxa ka jiray Wadanka Kacaanka ka hor,

Sanadihii 1960-1969 dowladihii jiray waxaa loogu yeeri jiray Dowladaii Rayidka oo loogu jeedo in ay ka marnaayeen Ciidamada, waloow hadana Bulshad aay ugu yeeri jirtay Xiligii MUSUQ MAASUQA, oo waxy ahayeen kuwo ku dhisan in mar walba danaha qabiilka laga hormariyo tana guud ahaned midaasoo sii kala fogaysay xasiloonida iyo mid-nimada ummadda Soomaliyeed., waxaa meesha ka baxay in wax loo qabto Bulshada iyadoo ay noqotay in Maamul xumadii iyo muqus maasuqii dlaka ka jiray ay keentay in maalin Cad la dilo Madaxweynihii Jamhuuriya Soomaluya Dr; C/rashiid Cali Sharmarke.

Wadanka dhamaantiis waa ay saamaysay maaul xumadaas, maalin kastan xumaanta iyo dhibaatada waa ay sii kordhaysay, taa oo ay dadka ku taamayeen in ay Ciidamada Qalabka sida wax ka qabtaan MUSUQ- MAASUQAAS iyo baa ba’aas wadanaka naafeyey, iyagoo ku taamayey shacabka in mar un ay wadanka ka dhacaan is badel oo ay la wareegaan Ciidmada qalabka sida.. Dowladii Rayidka ahaa dadweynihii waa uu nacay arimaha ay ku eedeeynayeena waxaa ka mid ahaa qaarkood: Himadii iyo rajadii loo qabay oo la waaye, dhibaatooyinka Siyaasadeed, Dhaqaale iyo Bulshadeedba oo sii kordhay, Xaqdaradii oo noqotay wax lagu faano, iyadoo uu nin waliba waxa uu doonayo iyo sidii uu doono wax u maamulo, Sharcigii wadanka lahaa oo u muuqday wax meel la iska dhigay, maslaxadii Guud oo la laabay, loona guntaday tan gaar ahaend..Waxaa la tiriyey Suugaano badan oo ay ka mid ahaayeen:

  • Dab iyo dhagax la iskuma dhuftee kala dhowraay
  • Dowladnimada Qabiil dhexgashee kala dhowraay
  • Waan is dhinac wadnaa kala dhowraay

‘Cali Sugule’

Akhristoow Bulshada Soomaliyeed meel kasta oo uu joogba waa uu soo dhaweeyey Kacaankaas ay hogaaminayeen Ciidamada Qalabka Sida oo uu Hormuudna u ahaa Jenraal Maxmed Siyaad Barre. Waxaa Xaqiiq ah in maamulkas ay Soomaali ka dhaxashy Maamuus iyo Magac maamulkaas Kacaanka ahaa waxa uu goaaminyey in ay xididada u siibayaan cadowyada is biirsaday ee naafeeyey ummadda Soomaliyeed oo ay ka mid ka ahaayeen Gaajada, Cudurka, Jahliga iyo Qabiilka.

Kacaankii Oktoobar ee dalka Hogaaminaye in ku dhow 21 snadood waxa uu wadanka Soomaliya gaarsiiyey Guulo waaweyn oo la taaban karo iyadoo aysan Cidina dafiri karin Guulahaas, hadaba akhristoow waxaa guulahaas ka mid ahaa ;mashaariicda degdega ahaa ee uu kacanak Markii uu dhashay qabtay waxayka kala ahaayen: Wadada isku xirta magaalooyuinka Beldweyne ilaa iyo Burco, taasoo uu dherekeedu ahaa 1070km., warshada hilinka ee kismaayo oo qorsho loo sameeyey, warshada baakadaha ee Jamaame, Warshada Kaluunka ee Laasqoray, Dekeda Cusub ee Magaalada Muqdisho, Warshada Badarka ee Muqdisho, Degeda Cusub ee Magaalada Ber bera, Garoomada Dayuuradaha ee Caalamiga ha ee Muqdisho, hargaysa, Iyo Kaalgacyo. Waxaa sidoo kale isla sanadahaas la abuuray ururada Iskaashatooyinka, iyo kuwa Shaqaalaha iyo kuwa dhalinyarada iyo Haeenkaba, Bangiga Horumarinta Soomaliyeeed, Wakaaladii Xooga korontada ummada Soomaliyed, Wakaalda Gaadiidka Ex FIAT, Wakaalda Daawooyinka, Ex SPIMA, Wakalada Batroolka Ummadda Soomaliyeee, Wakaalda Caymiska Soomaliyeed, Mashaariicda Faaanoole iyo Dooxada Jubba qaybihiisii Koowaad, Waxay kaloo Dhistay Kacankaas Warshado badan oo ay ka mid ahaayeen Warshdii Hargaha iyo Saamaha magaalooyinka Hargaysa, Muqdusho, Kismaayo, Warshadii Sifeynta Batroolka , warshadii Shamiintada ee Berbara, Warshadii Sigaarka iyo taraqa ee Xamar, Warshadii Saliida ee Muqdisho, warshdii Labanka iyo qudaarta ee Afgooye, warsgadii Birta ee Xamar, warshadii Salabka Ciidamada ee Muqdisho, hargaysa, iyo Gaalkacyo.Degada cusub ee Kismaayo, Boosaaso, iyo kuwo kale, dhisida garoonka Cayaarah ee Muqdisho satdium, dhisidii Iskuulad waxbarshada ee tiro iyo tayaba lahayd..

Waxaa kaloo wax qabadkiisa ka maid ahaa kacankaas

  • 1- Qorista Afka Soomaaliga oo maanta laga isticmaalo 5ta Soomaaliya.(Israc)
  • 2-Dajintii dadkii Soomaaliyeed ee ku tabaaloobey Abaartii Dabadheeer.
  • 3-Horumarinta iyo Wacyigalinta Bulsha weynta soomaaliyeed.
  • 4-Dhiirigelintii ka bixida ma shaqeystenimada.
  • 5-Xoreyntii Soomaligalbeed. oo aaheyd gool weyn.
  • 6-Ka mid noqoshadii Jaamicadda Carrabta.
  • 7- Ka qeybgalkii Ciidamada Soomaaliyeed Xoriyo gaarsiinta dalalka Africa.
  • 8-Ololihii Iskaa wax u qabso ee dalka lagu dhisay.( Alow yaa noo soo celiya)
  • 9-Horrumarinta Arrimaha Bulshada.
  • 10 Abuursitii Jaamicadaha.
  • 11-Dhismaha Dugsiyo (School) farabadan
  • 12- Baahinta Waxbarshada
  • 13-La dagaalka Jahliga.
  • 14- Dhowrista Bee'ada (Envioronment)
  • 15-La dagaalanka Akhris-qorid la'aanta.
  • 16; Bacaad celintii Shalanbood

Akhristoow anigoo og inuu jiray qaladaad badan hadana waxaan indhaha laga qarsan karin heerka aanu gaarnay iyo heerka aanu maanta naalno, inay san ahayn kuwo la isla meel dhigo karo, waxaana idiin soo gudbin doonaa qaybtiilabaad ee ahayd WAX QALADKII KACAANAKA! waxaana qoraalkayga ku soo koobayaa Tixda uu tiriey Allah u naxariiste C/laahi Suldaan Tiama Cade waxuu yidhi;

Dix Dhagaxeed

Dabuubtiisa gabay waan ka tagay dihashadiisiiye
Dubaaqayga waataan ka jaray waa fog dabadeede
Shin kastood daleed uga baxdoo nabar is-diidsiiso
Dibnahaagu shaygay bartaa waad ku dayataaye
Haddii gole dabbaaldeg iyo farax loo dalbado maalin
Oo loo duddeeyoo khalqigu daawasho u joogo
Uu mid aan daryeelini xakame daamanka u geliyo
Uu duulin orodkuu lahaa dalacsi siin waayo
Uu cidhibta darrandoorriyuu duubo madaxiisa
Debcin maayo oo wuxuu ka baqan inuu ka duulaaye
Haddaad adigu daacuun ku tahay dooddan iyo baacin
Gacmaha waa ka daayaa ninkii fuulmo daashade
Jeeroon direyska u gashoon dibeda soo taago
Daleen aniga iigama tagee waa dig siin jiraye
Waxaan gabayga deelka iyo laftiyo diirka uga qaaday
Dadka waxaan ogaysiinayaa dowgu suu yahaye
Soomaaliday dayaya wanaag idinka doorsoonye
Docda bari, dorooriga baddiyo Seylac deriskeeda
Dusha koonfureed iyo ilaa wabiga daaciisa
Degmadeena oo iil haddaan dayey abwaankeeda
Nimaan duubiyadu naafo noqon deelka laga waaye
Dul iyo hoosba waan ugu dhigay waa dixdhagaxeede
Anuunbaa damqanayee dhaguhu uma daloolaane
Dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane
Bal inay dalfoof tahay caqliga dooni laga saaray
Wixii hore usoo daashaday bay degashanaysaaye
Doc hadday u wada jeedsatooy dhowrto danaheeda
Ooy duul walaala ah tahay ooy duunka ka heshiiso
Dadka kama yaraateene ways dabar jaraysaaye
Dubba madaxa wayskala dhacdaa daa'in abidkiise
Goortay is wada dooxatay baa daad u soo geliye
Ubadkiinii waad daadiseen waana dubateene
Dubaaxdiisii waad wada cunteen duhur dharaareede
Dariiq toosan Soomaaliyey waa lagaa deyeye
Darajada Ilaahay ninkii doonayaa hela e
Nin ka duday distoorkioy waxyiga diinti ka carrowye
Dugsi malaha qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo daynin kala qaadka
Dibaddaan ka joognaa sharciga daacadda Ilaahe
Danbarkeedu waa Jahannama iyo dogobkii naareede
Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Dir dir la isu laayiyo intaan weerar daba joogno
Ooy dumarku weerkii sitaan danabadii waayey
Uu sida dureemada u yaal meydku dibaddiinna
Wallee doogsan maysaan haddaad dunida joogtaane

Cabdullahi Suldaan "Timacadde

A Waaberi
Awaaberi@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk Oct 23, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD