w w w . s o m a l i t a l k . c o m
|
SOMALITALK
- FAALLO
|
FAALO: MAXAA HOOS U DHIGAY RAJADII LAGA QABAY
SHIRKA SOOMAALIDA?
W.Q. C/shakuur Cali
Mire
Qoraa iyo weriye goobjooge u ahaa shirka halkii sano ee uu
socday.
Email
shakuur111@hotmail.com
Dadka Soomaalidda ah ee ka qaybgalaya shirka Soomaalida ama
sida fiican xog-ogaalka ugu ah arrimaha shirka dib-u heshiisiinta Soomaalida
iyo heerka uu marayo, markii ay arkaan cinwaanka qormadaan waxaa dhici karta in
ay si deg deg ah u-fahmaan ujeedada qoramadan, balse si ay dad badani wax uga
ogaadaan heerka uu marayo shirkii Soomaalida mudada halka sano ah uga socday
dalka Kenya, ayaan waxaan qormadaan ku eegaynaa sababahii ugu muhiimsanaa ee
hoos u dhigay rajadii laga qabay shirka Soomaalida, waxaan soo bandhigaynaa
xogo iyo warar aan soo uruurinay oo intooda badan quseeya shirka, gaar ahaan
waxaan faaladaan la beegsanay wax yabaabihii dhacay wixii ka dambeeyay
15,September 2003 oo ahayd maaliinkii uu danjire Kipligat ku dhawaaqay in la
meelmariyay Axdigii KMG ahaa ee lagu dhaqi lahaa Soomaaliya afarta sano ee soo
socota. Go`aan kaas oo la rumaysan yahay inuu ahaa go`aankii godka dheer ku
riday rajadii lagaqabay in ay shirka kasoo baxdo dowlad loo dhan yahay oo
kulmisa dhamaan kooxaha siyaasada Soomaaliya, War-bixintan waxaa dhici karta in
dadka qaar u arkaan in ay dhinac u xaglinayso, balse waxaa ay ka turjumaysaa
xaalada rasmiga ah ee uu shirku ku sugan yahay.
Dadaalkii lagu soo celiyay madaxdii shirka ka maqnayd.
Dawladda Kenya iyo guddiga farsamada IGAD-ba waqti dheer
ayay ku qaadatay in ay shirka dib ugu soo celiyaan madaxdii horay shirka uga
carootay ama iskaga baxday-ba markii ay saluugeen sida loo maareeyay arrimaha
qaarkood. Arrintaasna waxaa ay keentay in dowladda Kenya u dirto Soomaaliya
Safiirkeeda u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afeey si uu ugu soo
qanciyo hogaamiyayaal ay ka mid ahaayeen C/qaasim Salaad Xasan , Barre Adan
shire, Muuse Suudi Yalaxow, Cusmaan Caato iyo kuwo kaleba in ay shirka dib ugu
soo laabtaan.
Dadaal kaas ayaa guulaystay kadib markii ay
hogaamiyayaashaasi, shir ay Muqdisho ku yeesheen ku go`aan sadeen in ay shirka
dib ugu laabtaan, ayagoo ka jawaabayay codsigii iyo dadaalkii ay dawladda Kenya
muujisay. waxayna markaas qabeen niyadsami ay dowladda Kenya ka haysteen,
niyadsamidaas oo ahayd in wax laga qabanayo arrimihii ay ka cabanayeen ee ay
shirka markii horeba uga baxeen, taas oo qaar kood ku tilmaameen in ay
balanqaad rasmi ah ka haysteen dowladda Kenya, balanqaadkaas oo tilmamayey sida
qaar ka mid ahi sheegeen in wax laga qabanayo arrimihii ay ka gadoodeen.
Waxaa ay ahayd 14Sep2003 maalinkii ay soo gaareen magaalada
Nairobi wafdi balaaran oo ka koobnaa dhinacyadii Muqdisho baaqa ka soo saaray,
go`aansadayna in ay shirka dib ugu soo laabtaan, waxayna kala ahaayeen
dhinacyadaas, Madaxwayanaha Dowladda KMG ah C/qaasim Saalad Xasan, Gudoomiyaha
Isbahaysiga Dooxada Jubba Col: Barre Adan Shire, ku xigeenada Muuse Suudi
Yalaxow, oo kala ah Eng Cadow iyo C/raxmaan Shifti, Hogaamiye Kooxeedka Cusmaan
Xasan Cali Caato iyo Cabullaahi Black oo ah ku xigeenka xaabsade, soo noqoshada
hogaamiyaashaas ay shirka dib ugu soo laabteen ayaa waxaa ay ahayd tilaabo ay
soo dhaweeyeen wakiilada beesha caalamka gaar ahaan dowladdaha arrimaha
Soomaaliya daneeya iyo Soomaali badan oo jecel in uu shirku guulaysto si loo
helo dowlad loo dhan yahay oo dhibaatada ka saarta shacabka Soomaaliyeed ee
13-ka sano dowladd la`aantu halakaysay.
Haddaba markii ay hogaamiyaashaas soo gaareen magaalada
Nairobi oo ahayd galabnimadii 14Sep2003 waxaa ay subaxnimadii 15Sep2003
bilaabeen shirar iyo wadahadalo ay la yeesheen madax ka socotay dowladda Kenya,
sida uu sheegay C/qaasim Mar uu la hadlayay dad Soomaaliyeed oo ku shirsanaa
Hotelkii uu daganaa waqtigaas ee Grand Regency, waxaa uu sheegay in markii ay
hamayn baryeen subaxnimadiiba lagu wargaliyay in uu jiro shirkii guud ee
ergooyinka Soomaalidda ee lagu ansixin lahaa Axdiga KMG ah. C/qaasim oo
arrintaas ka hadlayay ayaa waxaa uu yiri
“ waxaa noo yimid Wasiir kuxigeenka arrimaha dibada Kenya iyo Danjire
Kipligat iyo saraakiil kale oo dowladda Kenya ka socday, waxayna noo sheegeen
in uu maantay jiro shirkii lagu ansxin lahaa Axdiga KMG ah, waxayna naga
codsadeen in aan ka soo qaybgalno shirkaas, waliba waxaa uu Kipligat si gaar ah
noogu sheegay in uu u-safrayo dalka Biljam oo uu midowga Yurub warbixin ka soo
siinayo heer-ka uu shirku marayo, waxaan ugu jawaabnay, marka hore anagu shirka
maantay tagi mayno, waxaana soo jeedinaynaa in la joojiyo, xalay ayaan nimid
waxaan ubaahanahay in aan waqti u helno sidii aan anaga Soomaalida ah iskaga
afgaran lahayn khilaafaadka naga dhexeeya, gaar ahaan in aan isla meel dhigno
Axdiga KMG ah , sidaas darteed waxaan codsanaynaa in shirka labo ilaa sadex
casho naloo hakiyo, Kipligat waxaan ku iri safarkaaga aad oo markaad soo
laabato kadib ayaan isku imaanaynaa, shirkana hala joojiyo, sidaas ayaan ku
heshiinay oo waxaan ku kala tagnay in shirka la joojiyo sadex casho, hase
ahaatee saacado kadib ayaa waxaa noo yimid dublumaasiyiin ay ka mid ahaayeen
xoghayaha guud ee IGAD ninka lagu magaacabo Attala Bashiir iyo Safiirka
Talyaaniga Carlo Ungaro iyo sarkaal ka socday Wasaarada Arrimaha Dibada Kenya,
waxay noo sheegeen in aan maantay shirka dib loo dhigi Karin, sidaas darteed
waxaan idinka codsanaynaa in aad shirka timaadaan, waliba safiirka talyaanigu
waxaa uu moodayay in Axdiga KMG ah qodob qodob looga doodi doono ee muusan
moodayn in ay halmar sacab ay ku ansixnayaan sidoodii, qoladaas dambana waxaan
u sheegnay hadii la doonayo in shirka ay ka soo baxaan wax loo dhan yahay waxaa
lagama maarmaan ah in waqti aan uga baaran degno Axdiga iyo arrimha shirka oo
dhan nala siiyo, waqti badan maanan codsan ee sadex casho ayaan codsanay,
markii ay qolyahaas naga tageen galabkii waxaa naloo sheegay in la yiri waxaa
la meelmariyay Axdiga KMG ah oo waliba dad isku dayay in ay aragtidooda
dhiibtaan meesha lagu garaacay oo wax yeelo loo gaystay, halkaas ayayna
ruwaayadoodii ku dhamaysteen ileen awalba ruwaayad ayaa waxaa dhiganayay hal
koox ah oo iswadatay”.
Sababihii suurta galiyay in la meel-mariyo Axdiga KMG ah.
Bal dhanka kale aan eegno haddii ay C/qaasim iyo
saaxiibadiis sidaas la kulmeen, waxaa ayana iswaydiin mudan, muxuu yahay xooga
jiiray hoogaamiyaashaan? oo suurta galin waayay in la maqlo codsigooda ay ku
dalbanayeen in sadex casho shirka loo hakiyo, kuwaas oo mudo dheer laga
shaqaynayay sidii ay shirka dib ugu soo noqon lahaayeen, ayagoon maalin joogina
lagu dhawaaqay in la meelmariyay Axdigii KMG ahaa,
Su`aashaan jawaabteeda dadka qaarba meel ayay ku dhufanayaan,
qaar waxaa ay leeyihiin waxaa jiray shirqool iyo kutalagal ahaa in sidaas loo
la dhaqmo hogaamiyaashaas, qaar kale waxaa ay leeyihiin Danjire Kipligat ayaa
aad u doonayay in uu midowga Yurub la tago go`aan ay soo dhaweyn karaan, kaas
oo ah in Soomaalidii isku raacday Axdi KMG ah loona gudbay wajigii awood
qaybsiga, ama wajigii ugu dambeeyay ee shirka, sida heshiiskii5/7/2003ee ay
gaareen hogaamiyaasha xiligaas oo uu danjire Kipligatna kaqaybgalayay shir
madexeedkii Midowga Afrika oo uu latagay heshiiskaas, si uu madaxda Afrika uga
dhaadhiciyo inuu shirku meel wanaagsan marayo, balse heshiiskaaa ayaan waxba ka
fulin, dadka qaar waxaa ay leeyhiin Itoobiya ayaa arrimahaas oo dhan falkisay,
hase ahaatee anigu haddii aan eego sidii wax u socdeen waxaa ay iila muuqataa
sidatan.
Marka laga soo bilaabo waqtigii ay hogaamiyaashaas soo
gaareen magaalada Nairobi ilaa lagu dhawaaqay Axdiga KMG ah in la ansixiyay,
waxaa socday dadaal weyn iyo dhaqdhaqaaq badan oo ay wadeen kooxda SRRC iyo
qaar ka tirsan TNG gaar ahaan garabka Xasan Abshir iyo Cabdalle Deerow, waxaana
dadaalkaas ku weheliyay hogaamiye kooxeedka Maxamed Qanyare Afrax oo ay asaga
kala boodeen inta badan madaxdii kooxda G-8 oo uu horay gudoomiye ugu ahaa ,
balse ay siyaasadu kala leexisay. dadaal-kaan ayaa waxaa lala beegsanayay in
aan marnaba la ogolaan qorshe kasta oo lagu doonayo in dib loogu dhigo kulanka
guud ee ergooyinka ee lagu meelmarinayo Axdiga KMG ah, Danjire Kipligat ayaa
isku dayay subaxnimadii hore ee maalintii 15Sep2003 inuu ku qanciyo madaxa
kooxaha doonayay in la furo shirka in ay siiyaan sadex casho madaxda kale ee
shirka dib ugu soo laabatay oo dadaal dheer loo galay sidii ay shirka ugu soo
noqon lahaayeen, hase ahaatee soo jeedintaas Danjire Kipligat waxaa uu kala
kulmay diidmo adag iyo in loogu hanjabay haddii uu shirka baajiyo in ay shirka
ka baxaayan dhamaan gollaha S.R.R.C. iyo qolyaha ay isku aragtida yihiin,
waxayna isla markiiba kooxda SRRC-du ka abaabuleen bartamaha Xerada Mbagathi
mudaaharaad aan saas uweynayn oo lid ku ah in la joojiyo shirka. Wararka qaar
ayaa waxaa ay sheegayeen in ay kooxda SRRC jabisay albaabka Hall-ka shirarka oo
xirnaa iskana buuxiyeen guddaha Hall-ka si ay umuujiyaan rabitaankooda,
tilaabadaas oo ka mid ahayd tilaabooyinkii ay culayska ku saarayeen gudoomiyaha
shirka danjire Kipligat si uu u-furo shirka.
Haddaba arrimihii u ahaa udub dhexaadka in madaxdii
Soomaalida iyo kooxihii Soomaalida oo aan u dhamayn shirka ama ansixinta Axdiga
KMG ah, laguna dhawaaqo in la meelmariyay Axidiga KMG ah, ayadoo ay banaanka ka
joogaan hogaamiyaal iyo ergo badan oo muhiimad u lahaa shirka sida aqoonyahano
iyo siyaasiyiinka soo jeedo gobollada waqooyi ee Soomaaliya oo aan fursad loo
siin in ay aragtidooda ka dhiibtaan, ayaa waxaa lagu soo koobi karaa qodobadan.
Kooxda S.R.R.C. oo markasta ku dadaasha in ay qaadaan
tilaabooyin ay kaga soo horjeedaan kooxaha kale ee ay siyaasadda isku diidan
yihiin, waana wax markasta laga dareemo shirka Soomaalida heerka adag ee uu
gaarsiisan yahay garabootanka siyaasadeed ee ka dhexeeya hogaamiyasha
Soomaalida, taas oo maalinkaas S.R.R.C. ku qasabtay in ay qaadaan tilaabo kasta
oo lid ku ah hogaamiyaasha ay ka mid yihiin C/qaasim,Barre, Cusmaan Caato,
Muuse Suudi iyo inta la aragtida ahba oo ay siyaasad ahaan aad ukala fogyihiin
kooxda S.R.R.C. Xubin sare oo ka tirsan gollaha S.R.R.C. ayaa waxaa uu yiri“
Danjire Kipligat waxaa
maalinkaas qabsatay labo daran mid dooro anaga go`aan ayay naga ahayd in aan ka
dareerno shirka
hadaan maalinkaas
la ansixin
Axidiga KMG ah” ma shaqsiyaad ayaan u
xayirnaanaynaa ayuu is waydiiyay” inkastoo ay jiraan qodobo muhiim ah oo ka mid
ah Axdiga KMG ah ayna dhici kartay hadii ay C/qaasim iyo raga weheliyay ay
fursad u heli lahaayeen aan la meel mariyeen oo ay ka tuuri lahaayeen Axdiga
KMG ah, in aan madaxdaas fursad loo siin in ay dib u eegid iyo talaba ku
yeeshaan Axdiga KMG ah, ayaa waxaa uu ahaa qodob ay ka midaysnaayeen gollaha
S.R.R.C.da iyo dowladda sida weyn u-taageerta golahaas, taas ayaana kaliftay in
ay ku dhaqaaqaan talaabadaas, isku soo wada duuboo qodobkaas ayaa ahaa qodobka
ugu muhiimsanaa ee cararka keenay.
Xasan Abshir iyo Cabdalle Deerow ayaa maalintaas ka mid ahaa
madaxdii geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay in la meelmariyo Axdiga KMG ah,
waxaana jirtay sabab muuqatay oo labadaas hogaamiye ku riixaysay in ay
tilaabadaas qaadan, sababtoo ah shuruudihii uu Madaxweyne C/qaasim uu shirka
ugu soo laabtay ayaa waxaa ka mid ahaa in aysan Xasan Abshir iyo Deerow matalin
ergada dowladda KMG ah, haddaba si uusan C/qaasim ugu hirgalin shardigaas, oo
labadaas hogaamiye ka dhigilahaa xubno caadi ah oo shirka kaqayb galaya ayay
waxay door bideen; si ayasan taasi u dhicin in la meelmariyo Axdi aan loo
dhamayn si ay u beegsadaan wajiga sadexaad ee shirka oo hogaamiye kasta u
celinaya gudaha beeshiisa taas oo aan C/qaasim u ogolaalayn inuu ka aarsado
labadaas hogaamiye ee ay kala fogaadeen kadib markii ay isku jiireen siyaasada
Soomaaliya ee jiha la`aanta ah. Qodobkaasna waxaa uu ahaa qodob kaalin weyn ka
ciyaaray meelmarinta Axdiga maalinkaas, waxaanad ogataa in ay mowqifkaas ay
labadaas hogaamiye taageero uga heleen kooxda S.R.R.C. iyo qaar ka tirsan
dowladdaha safka hore oo ayagu markasta hortaagnaa in uu C/qaasim kaalin mug
leh ku yeesho shirka.
Ergada PuntLand ee hogaamiyo Col Cabdullahi Yuusuf ayaa
ayagu waxaa ay ka cararayeen in hogaamiyaashaas yimid faragalin dambe ku
sameeyaan Axdiga KMG ah taas oo ay uga cabsi qabeen in la hor istaago qodob-ka
tilmaamaya jiritaanka dowladd Goboleedyo oo ay reer Puntland aad ugu
dhagnaayeen, balse markii dambe la yiri waxaa laga gaaray heshiis meel dhexe la
iskugu yimid, taas oo ay qolayaha dhaliilsan Axdiga KMG ah ku tilmaameen in aan
qodob-kaas wax badan laga badalin ee kaliya siiqadii hore wax laga badalay
laakiin uu macnihii wali meesha ku jiro haddaba reer Puntland ayaa maalinkaas
dhankooda ugalay dadaal iyo orad sidii loo meelmarin lahaa Axdiga KMG ah si ay
uga baxsadaan dood markale lagu hor-istaagayo qododbka ay sida wayn
udanaynayeen.
Maxamed Qanyare Afrax ayaa asagu maalinkaas aan kaalin yar
ka qaadan meelmarinta Axdiga KMG ah ee ilaa hadda lagu muran sanyahay, ayadoo
ay Qanyare qaar ka tirsan kooxda G-8 in mudo ahba ku xamanayeen inuu balan
hoose lagalay kooxda S.R.R.C. iyo dawladda Itoobiya. Arrintu si kastaba ha
ahaatee Qanyare waxaa ay maalinkaas dani biday in uu fagaaraha ka cadaysto
mowqifkii in muddo ahba lagu xamanayay, waxayna si cad u kala leexdeen
saaxiibadiis, ay in ka badan halsano ka wada tirsanaayeen kooxda G-8 oo asagu
gudoomiyaha u ahaa waxayna asaga iyo Barre Hiiraale siiyeen waraysiyo aad u
kala fog Idaacada BBC-da. dadka sida rasmiga ah u la socda shirka Soomaalida
ayaa waxaa ay leeyihiin Qanyare maalinkaas waxaa uu taageero muhiim ah u
fudiyay kooxda S.R.R.C. oo raadinaysay cid ku taageerta mowqifkooda oo kooxaha
kale ee Soomaalida ah sababtoo ah Qanyare waxaa uu huwaanaa magicii kooxda G-8
oo ay si aad ah isaga soo horjeedeen kooxda S.R.R.C. waxayna tilaabadaas uu
Qanyare qaaday u noqotay kooxda S.R.R.C. daliil ay markasta adeegsadaan in
kooxda G-8 go`aanka wax ka gaartay, inkastoo la’og yahay in inta badan kooxihii
ku midaysnaa kooxda G-8 ay diideen go`aankaas.
Qodobaka shanaad ayaan waxaan oran karnaa waa taageeradii
iyo dadaalkii ay dowladda Itoobiya la garab istaagtay go`aan kaas , xubinimada
guddiga fasamadaIGAD ee ay Itoobiya ka mid tahay ayaa u suurtagalisay in ay
kaalin firfircoon ka ciyaarto meelmarinta Axdiga KMG ah ee maalinkaas.
In dheergarad ku xeel dheer arrimaha Soomaaliya ayaa waxa ay
leeyihiin waxaa jira qorshe siyaasadeed oo ay ku shaqaynaysay dowladda Itoobiya,
kaasoo ah in shirka aan lagu dhisan dowladd loo dhan yahay oo ay dhamaan
kooxaha Soomaalida ku midaysan yihiin ama ay wada aqoonsan yihiin, taas oo
shaki badan galin karta dano badan oo ay dowlaada Itoobiya ka leedahay
Soomaaliya. Sidaas darteed ayaa dowladda Itoobiya waxaa ay beegsatay tilaabo
lagu wiiqayo in ay shirka ka soo baxdo dowladd loo dhan yahay, ayadoo ka
doorbiday in lagu dhawaaqo Axdi ay aqoonsan yihiin hal koox oo kamid ah kooxaha
Soomaalidda , kaa soo u diidaya kooxaha kale ee diidan Axdigaas in ay ka
qaybqaataan dowladaas maadama aysan aqoonsanay dastuurkii lagu hagi lahaa
dowladaas.
Jawi ku dheehan sacab, alalaas, xamaasad aan xaqiiqi ka
dambayn iyo caadifad, ayaa lagu meelmariyay Axdigii KMG ah intii sacabka
tumanaysayna waxaa ay aaminsanaayeen in aysan jirin Soomaali ka dambaysa ama
kamaqan madasha lagu meelmarinayo Axdiga KMG ah waxayna adeegsanayeen hal ku
dhagyo ay ka mid ahaayeen “Cid Fariin ka loo qabanayo lama arko, cidna loo
joogsan maayo”
Ugu dambayntii waxaan anigu u arkaa in heshiiskii lagu
ansixiyay Axdiga KMG ah 15Sep2003 ay ugu muhiimsanaayeen sababihii suurta
galiyay arrimaahaas aan kor ku soo sheegay, inkastoo ay indheegarad badan oo
siyaasadeed oo arrimaha shirka il gaar ah ku fiiranayay ay masuuliyada
arrintaas dusha ka saareen danjire Kipligat oo ay ku eedaynayaan inuusan
dhex-dhexaad ka ahayn siyaasada ay isku hayaan kooxaha Soomaaliya iyo dowladaha
ay ka shidaal qaataan. Hase ahaatee anigu waxaan aaminsanahay kaalinta danjire
Kipligat uu ku lahaa dhacdadaas wiiqday rajadii laga qabay in la helo dowladd
loo dhan yahay oo u dhalata Soomaaliya, waxaa ka weynayd kaalinta iyo culayskii
kaga imaanayay dhanka Soomaalida, waxaana la cadeeyay in uu isku dadyay in uu
dib u dhigo shirka balse uu diidmo adag iyo khatar ah in ay hogaamiyayaal
cusubi shirka ka baxaan kala kulmay dhanka Soomaalida, sida Maxamed dheere oo
ku hanjabay in uu dalbaday diyaaradii qaadi lahayd.
Isku soo wada duuboo dhamaan intii ka qaybqaadatay
heshiiskaas god-ka dheerna ku riday rajadii laga qabay in ay shirka Kenya ka
dhalato dowlad loo dhan yahay, ayaa waxaa ay intooda badani iska indha saabeen
baahida ay shacabka Soomaaliyeed u qabaan dowlad loo dhan yahay ayagoon
tixgalinayna dhibaatada iyo dagaalada sokeeye ee ka dhalan kara dowlad ay hal
kooxi dhistay. Waxaana inta badan dadka Soomaaliyeed u muuqda meeshii ay ku
dambaysay dowladdii lagu soo dhisay dalka Jabuuti oo ahayd dowlad aan loo
dhamayn, ayna ka soo horjeesteen dagaal ogaayasha intooda badan kuna kaliftay
in ay dhaafi waydo xaafad ka tirsan magaalada Muqdisho.
Jawaabihii laga bixiyay go`ankii lagu meelmariyay Axdiga KMG
ah.
C/qaasim, Barre Hiiraale iyo kooxihii kale ee weheliyay
ayaan ladaahin arag-tidooda ku adaan ku dhawaaqida meelmarinta Axdiga KMG ah,
shir jaraa`iid oo isla habeynkii-ba ay ku qabteen Hotelka ay daganaayeen ayay
ku sheegeen in aan go`aan-kaas waxba ka jirin, waxayna ku tilmaameen shirqool
lalabeegsanayo shacabka Soomaaliyeed, ayagoo cambaarayn kulul dusha uga tuuray
dowladda Itoobiyo iyo danjire Kipligat, waxayna sheegeen in ay Soomaaliya dib
ugu laabanayaan, maadama aan laga talagalin shirkii iyo arrimihii loogu yeeray
intaba, waxayna intaas ku dareen in aysan marna aqoonsanayn go`aan-kaas lagu
dhawaaqay.
Wakiilada Beesha Caalamka ee goobjoogayaasha ka ah shirka,
gaar ahaan dowladdaha daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa ayagu isla markiiba
waxaa ay qaadeen tilaabooyin ay ku doonayeen in ay ku badbaadiyaan shirka kuna
xaqiijiyaan sidii ay hogaamiyaashaas ku gacansayray meelmarinta Axdiga KMG ah
in aysan shirka ka bixin dibna ugu noqon Soomaaliya, si uu shirku ku noqodo mid
loo dhan yahay, waxayna kulan deg deg ah la yeesheen hogaamiyaashii
boorsooyinka u xirxirtay in ay Muqdisho dib ugu laabtaan kadib markii ayagoo
goob joog ah dushooda looga dhawaaqay go`aan aysan raali ka ahayn aysana ka
qaybqaadan ansixintiisa.
Kulankii ugu horeeyay ee ay goobjoogayaasha caalamiga ah la
yeesheen madaxdaas oo ka dhacay Hotel Grand Regency oo ahaa goobtii ay
daganaayeen wufuudaas, ayay waxaa ay u soo jeediyeen madaxdaas in ay joojiyaan
qorshaha ay ku doonayaan in ay Muqdisho dib ugu laabtaan, ayna waqti siiyaan in
lasaxo qaladaadka jira, C/qaasim Saalad Xasan oo ka hadlayay kulankii dhexmaray
ayaga iyo wakiilada beesha caalamka shirka ka jooga oo ay ugu muhiimsan yihiin
UN-ka, Jaamacada Carabta, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Dawladda Maraykanka ,
Talyaaniga, Ingiriiska , Masar, iyo kuwa kalaba ayaa waxaa uu yiri
“ Waxay naga codsadeen in
aan joogno, Anaguna waxaan u sheegnay inaan meesha uusan oolin shir aan waqti
dheeeraad ah ku bixino, waxaa ay noo sheegeen in aysan doonayn in uu shirku bur
buro sababatoo ah ayay yirhaadeen 11 bilood ayaan shirka dhaqaalihiisa
bixinayay dowladdahayaguna naga yeelimaayaan dhaqaalahaas meel cidla ah ayuu ku
baxay, waxaana doonaynaa in shirka uu noqdo mid loo dhan yahay. Hadalkaas waxaa
si gaar ah u yiri wakiilkii dawladda Ingriiska Devid Bell, waxaan ku irri
waxaan kuugu jawaabayaa, jawaab aan hadda ka hor siiyay gabadha wakiilka ka ah
maraykanka oo hadalkaan oo kale igula hadashay, waxaanan waydiiyay dawladdaadu
ma waxay shirka dhaqaale ugu bixisaa in Soomaaliya lagu kala goo-gooyo oo
dagaalo hor leh looga abuuro, mise waxaad u bixisaan in shacabka Soomaaliya
lagu samatabixiyo, waxaa ay iigu jawaabtay waxaan ku taageeraynaa shacabka
Soomaliyeed, sidaas markay itiri waxaan ku iri haddaba ka joojiya lacagtiina
iyo taageradiin, meeshaan shir Soomaaliyeed ma yaalee hada adiga sidaa oo kale
ayaan kuu sheegayaa hadaydan Soomaaliya dhibaataynay ka joojiya lacagtiina
shirkaan, waxaan kale oo aan u faah-faahinay sababihii aan ku nimid iyo
niyadsamidaan lanimid waxaanan u cadaynayay masuuliyada burburka shirka in ay
qaadayaan Kipligat iyo dowladda Itoobiya, anagu aan aduunka tusno in ay naga
dhab tahay in Soomaaliya loo helo dowlad loo dhan yahay, dhankooda waxaa ay noo
sheegeen in aysan beesha caalamku marnaba taageerayn go`aan kasta oo aysan
Soomaalidu u dhamayn”
Intaas uu C/qaasim sheegay ka sokow waxaa ay ilo xog-ogaal
ah ii sheegeen in ay C/qaasim iyo saaxibadiis u sheegeen wakiilada beesha
caalamka waxa kaliya ee ay ku baaqan karaan in ay tahay ayadoo laga laabto
go`aankii lagaaray 15Sep2003 oo gabi ahaantiisaba ay gaashaanka ku dhufteen.
Wasiirka arrimaha dibada dalka Kenya Kolonzo Musyoka ayaa
asagu waxaa uu labo goor kulan la yeeshay hogaamiyaashaas ku dhawaaqay inuu
shirkii Soomaalida uga socday dalka Kenya burburay, ayna Soomaaliya dib ugu
laabanayaan, xubno ka qaybgalay kulankii dhexmaray Wasiirka arrimaha dibada iyo
hogaamiyaashaas ayaa waxaa ay ii sheegeen in uu Wasiirku ka codsaday
hogaamiyaashaas in ay joogaan, asagana siiyaan waqti uu ku arko dhinacyada kale
si loo helo xal dhexe oo looga gudbo ismariwaaga soo wajahay shirka, balse sida
uu ii shegay kaqayb-galahaas waxaa ay madaxdaas hor-dhigeen Wasiirka arrimaha
dibada labo shardi oo ay ku xireen joojinta safarkooda iyo kabixida ay shirka
ka baxayaan, shardiga koowaad ayaa waxaa uu ahaa in uu Wasiirku ku dhawaaqo in
aan waxba ka jirin go`aankii lagu ansixiyay Axdiga KMG ah iyo inuu shaqadda ka
Eryo danjire Kipligat oo ay ku eedeeyeen inuu mas`uul ka ahaa waxa dhacay.
Arrintu si kastaba ahaatee Wasiirka arrimaha dibada iyo
wakiilada beesha caalamkuba waa ay ku guulaysan waayeen in ay wax ka badalaan
go`aaankaa ay qaateen hogaamiyaashaas.
Sidaas ayayna C/qaasim, Barre Hiiraale iyo raggii kale ee
weheliyayba ay uga baqooleen dalka Kenya ayagoo kala tagay caro iyo niyad jab
ay la kulmeen afartii casho ee ay joogeen dalka Kenya.
Soomaali badan oo aad u quud daraynaysay in ay shirka Kenya
ka soo baxdo dowlad loo dhan yahay ayay naxdin iyo amakaag ku noqotay ka bixida
ay hogaamiyayaashaasi iskaga baxeen shirka, waxayna samajeclayaashaas
Soomaaliyeed ay eed dusha kaga tureen, kuwa iska dhigaya in ay talo ku
leeyihiin masiirka Soomaaliyeed isla markaasna u dulqaadan waayay in ay sadex
casho siiyaan hogaamiyayaal talada la wadaaga la`aantoodna ay adag tahay in la
meelmariyo go`aan aysan ku jirin.
Dhawr casho kadib ayaa waxaa hal mar magaaladda Nairobi ku
dhex-meeraystay warqad ay soo saareen wakiilada dowladdaha daneeya arrimaha
Soomaaliya gaar ahaan kuwa loo yaqaan I.P.F. warqadaas ayaa waxaa ay ka
hadlaysay mowqifka wakiilada beesha caalamku ka qabaan heerka uu marayo shirkii
Soomaalidda uga socday dalka Kenya oo 11 bilod jirsaday, waxaa ay ku sheegeen
in ay lamaga maarmaan tahay in shirku noqdo mid loo dhan yahay, beesha
caalamkuna aysan taageeri doonin Go`aan kasta oo aan loo dhamayn, waxayna ku
nuuxnuuxsadeen in ay lagama maarmaan tayahay in la qaado tilaabo kasta oo
shirka lagu badbaadin karo.
Warqadaas oo ay Idaacada BBC-da laanteeda Af-Soomaaligu
siidaysay ayaa niyad jab ku noqotay qolyihii ka qaybqaatay go`aankii lagu
meelmariyay Axdiga KMG ah, waxayna qaar ka tirsan hogaamiyaashaas Soomaalida ah
ee taageersanaa heshiiskii 15Sep2003 ay ku tilmaameen warqadaas mid been abuur
ah waxayna camabaarayn dusha uga tureen wariye Yuusuf Xasan, balse mar aan
anigu kala sheekaystay mid ka mid ah weriyayaasha BBC-da u jooga Nairobi meesha
ay ka heleen warqdaas iyo warkii ay siidaayeen-ba ayaa waxaa uu iigu jawaabay “
marka hore kooxaha Soomaalida ee warkaan nagu
haysta ma ayagaa Af-hayeeno u ah goobjoogayasha caalamka ee warqda qoray,
haddii warqadu been abuur ahayd waxaa ka jawaabi lahaa qolyihii ay ka hadlaysay
oo markastaba aan is aragno”
Arrintaa uu cuskaday weriyehaas ayaa waxa ay tahay sabab
muuqatay sababtoo ah warar-ka iyo qoraalada shirka ku saabsan si taxadar leh
ayay wakiilada beesha caalamku ula socdaan mana dhacdeen intii laga faafiyo
mowqif been abuur ah in ay ka aamusi lahaayeen, sidaas darteed waxaa ay dadka
la socda siyaasada Soomaaliya tibaaxayaan in ay warqdaasi ahayd mid jirta balse
aysan ahayn mid loogu talagay in ay faafto, ayna ahady mid si kadis ah
Soomaalida ugu soo gacan gashay, arrintu si kastaba ha ahaatee warqadaas ayaa
waxaa ay ahayd dharbaaxadii labaad ee uu la kulmo go`aankii 15Sep2003 lagu
dhawaaqay..
Garabka ka mid ah labada garab ee ay u qaybsameen ergada
bulshda rayidka uga qayb-galaysay shirka Soomaalida oo ay ugu muhiimsanyihiin
xubnaha kala ah Prof: Maxamed Cabdi Gaandi, Jamaac Maxamed Qaalib, Cabdiladiif
Afdhuub, Caasho Xaaji Cilmi, Dr Qamar Adan Cali iyo xubna kaleba oo ayagu ka
mid ahaa dadkii maalinkii la meelmarinayay Axdiga KMG ah isku dayay in ay
aragtidooda ka dhiibtaan balse laga hor istaagay ayaa go`aankaas kadib waxaa ay
bilaabeen olole iyo dadaal ay ku diidan yihiin wadada la marsiiyay shirka Prof:
Maxamed Cabdi Gaandi oo ka hadlayay arrintaas mar aan waraystay ayaa waxaa uu
leeyahay “
ee markaan isku daynay in aan arragtidaanada ka dhiibano sida wax u socdeen
waana la dardaray dad lasoo diyaariyay ayaana qaylo iyo dagaal nagala horyimid
taasna waxay kaliftay in aan xubnahaanagii bulshada rayid ka ahayd isaga soo
baxno Hall-kii shirka lagu hayay, hadaan dib ugu laabto sidii loo meelmariyayna
Axdiga KMG ah waxay ahayd si khilaafsan dhamaan xeerarkii iyo heshiisyadii
horay loogu heshiiyay in shirka lagu wado, xataa lama tirin in ergadu dhan
tahay oo in tiradii loo baahnaa joogto la isma waydiin dadka Hall-ka soo galay
dhamaantood ma ergaa mise dadkii Mbagathi joogay oo dhan weeye, mabaadiida
shirka waxaa ka mid ahayd “Consensus” lama tixgalin, anigu waxaan u arkaa
wadadii iyo qaabkii lagu ansixiyay Axdiga KMG ah in aysan sax ahayn”
Hadalkaas Prof.Gaandi ka sokow kooxdaan bulshada rayidka ah
sidoo waxaa magaalada Nairobi laga dareemayay dhaqdhaqaaqyo ay ku doonayeen in
shirka la badbaadiyo sida ku cad qoraalo isdaba joog ah oo ay soo saareen ayay
waxay ku baaqayeen in shirka la hakiyo lana joojiyo awood qaybsiga ay ku
dhawaqeen guddiga farsamada IGAD dibna loogu laabto Axdiga KMG ah, loona hawl
galo sidii uu shirku ku noqon lahaa mid loo dhan yahay, qolyaha lagu tilmaamo
in ay taageeraan siyaasada Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya ayaa markasta
dhaliila kooxdan , ayagoo cambaarayn joogto ah dusha kaga tuura qaabka iyo
arrigtidooda siyaasadeedba, kooxdan bulshada rayidka ah ayaa waxaa la dhihi
karaa waa kooxda kaliya ee aan ka tirsanayn kooxaha siyaasada Soomaaliya, isla
markaasna shirka ku leh saamayn balaaran, qaar kood ayaa waxaa la sheegayaa in
ay hanjabaado iyo caga-juglaynba kala kulmaan qolayaha arragtidooda dhaliila,
hase ahaatee waxaan shaki ku jirin in ay kooxdani sumcad iyo amaan badanba ka
dhex heshay bulshadda Soomaaliyeed intooda fiyow ee udiriraya in la soo celiyo
karaamadii iyo qaranimadii ay ummadda Soomaaliyeed lahayd.
Qoraal ay ku saxiixnaayeen inka badan boqol qof oo ah ergada
rasmiga ah ee shirka Soomaalida ahna dadka xaqa u leh inay ka qaybqaataan dooda
Axdiga KMG ah sida u dhigan xeerka shirka, ayay waxaa ay ku sheegen ayagoo ah
ergadii rasmiga ahayd ee shirka ka qaybgalaysay in ayasan jirin meel ay uga
qaybqaateen ansixinta Axdiga KMG ah, taas oo dharbaaxo ku noqtay qolyihii ku
andacoonayay in ay ergada shirka inteeda badan joogtay maalinkii Axdiga KMG ah
la meelmarinayay.
Waxgarad iyo siyaasiyiin ka tirsan beesha Hawiye oo muddo
sadex casho ah shir uga socday Hotel-ka 680 ayaa waxaa ay soo saareen
baaq ay ku dalbanayaan in shirka la hakiyo si loo badbaadiyo shirka, loona
xaqiijiyo inuu shirku noqdo mid loo dhan yahay, gaar ahaan waxaa ay carabka ku
dhufteen in la joojiyo dhaqdhaqayada awood qaybsiga, iyo in dib loogu laabto
Axdiga KMG ah oo aan ilaa hadda la isku raacsanayn, warqad taas xigtay oo ay
soo saareen dhawr casho kadib ayay waxaa ay sheegeen odayaashaas Hawiye hadii
aan 48 saac gudahood jawaab lagu siin ay shirka kabixi doonaan, talaabadaas
ayaa waxa ahayd talaabo soo xoojisay baaqyada lagu doonayay in shirka lagu
badbaadiyo si ay uga soo baxaan himiladii uu shacabka Soomaaliyeed ka faliyay.
Konton qof oo isugu jira siyaasiyiin, aqoonhayano, odayaal
iyo waxgarad kalaba oo ka tirsan beesha Sade (Daarood) ayaa ayaguna ku baaqay
in shirka la hakiyo gaar ahaan awood qaybsiga iyo in dib loogu laabto Axdiga
KMG ah, ayagoo beesha caalamka ka dalbaday in shirka la badbaadiyo si loo helo
dawlad loo dhan yahay.
Warqad kuwaas la mowqif ah ayaa waxaa soo saaray siyaasiyiin
iyo wax garad ka tirsan beesha Daarood oo ayaguna qaatay mowqifkaas mid la mid
ah.
Jabuuti: Mowqifkii dowladda Jabuuti qaadatay ayaa waxaa
uu ahaa talaabo ay ku farxeen dhamaan inta ka soo horjeeday sida wax u socdeen
amaba ku baaqaysay in shirku noqdo mid loo dhan yahay, waxaanan shaki ku jirin
in talaabadiii uu qaaday Danjire Ismaaciil Guulaal iyo war murtiyeedkii uu
magaalada Nairobi ka soo saaray 25th September 2003 in ay ahayd talaabo wax
wayn ka badashay geedi socodkii shirka oo dhan iyo aragtidii laga qabay
go`aaankii 15Sep2003 lagu ansixiyay Axdiga KMG ah oo ay dadbadani u arkeen inuu
go`aankaas yahay mid la mid ah “Mindi uus ku tagtay”
Danjire Ismaaciil oo ka hadlayay go`aan kaas kadib markii uu
ku dhawaaqay in ay hakiyeen ka mid ahaanshihii guddiga farsamada IGAD asagoo u
waramayay Idaacada BBC-da ayaa waxaa uu yiri “
Waxaan uga baxnay arin aan u arragnay in ay halbowle u tahay arrimaha shirka,
sababtoo ah ujeedooyinkii shirkaan loo qabtay ama ay IGAD ugu xilsaartay
dalalka safka hore waxaa ay ahayd in la dhiso dowlad loo dhan yahay, oo
Soomaali oo dhan kulmisa sidaas darteed go`aanka uu ku dhawaaqay danjire
Kipligat ma ahayn go`aan uu nagala tashaday ama ay isku raacsanaayeen guddiga
farsamada IGAD, waxaana la burburiyay dadaal aan usbuucyo wadnay oo aan ku
doonaynay in uu shirku noqdo mid loo dhanyahay iyo in shirka dib loogu soo
celiyo xubnihii ka maqnaa, sidaas darteed dawladda Jabuuti ma taageerayso
go`aan aan loo dhamayn ama keeni kara in Soomaaliya colaado ka soo
cusboonaadaan”.
Talaabada Jabuuti ayaaa waxaa dad badani u arkayeen in ay
tahay talaabo halisgalin karta sharciyadii uu shirku ku socday maadama ay tahay
dowlad ka mid ah sadexdii dowladood ee loo xilsaaray dhexdhexaadinta Soomaalida
iyo maamulka shirkaba, tilmaan cad ayuu ahaa go`aankii ay dowladda Jabuuti ku
joojisay ka qayb qaadashadeedii hawlihii guddiga farsamda IGAD oo muujinaysa
heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka u dhexeeya dowladdaha safka hore ee ayaga
loo xilsaaray in ay Soomaalidda nabad dhex dhigaan, indheergarad Soomaaliyeed
ayaa marar badan ku baaqa in IGAD la heshiisiiyo ka hor intaysan Soomaalidda
heshiisiin.
Sikastaba arrintu ha ahaatee go`aankii dowladda Jubuuti ayaa
taageero ku biiriyay baaqyadii iyo talooyinkii ka hadlayay in loo baahan yahay
in shirka la badbaadiyo lana saxo qaladaadka iyo caqabadaha soo wajahay shirka,
waxaana go`aan kaas kadib la dareemayay in dad badani garaysteen baahida loo
qabo in shirka la badbaadiyo.
Dadaalkii lagu doonayay in lagu hakiyo shirka.
Maalmo kadib markii ay ku dhawaaqday dowladda Jabuuti
go`aankeedii ay ku hakisay xubunimadeedii guddiga farsammda IGAD, ayaa waxaa
soo if baxay warar sheegayay in ay wakiilada beesha caalamka ama qolyaha loo
yaqaan IPF-tu shir ay la yeesheen danjire Kipligat ay u soo jeediyeen in shirka
la xiro mudoo sadextodobaad ah si la iskugu dayo in mar kale dib loogu laabto
madaxda shirka kamaqan si ay uga soo qaybgalaan shirka, ayadoo maanka lagu hayo
wax ka qabashada qodobadii markii horeba keenay in ay dib ugu noqdaan
Soomaaliya kuna dhawaaqaan in shirkii fashilmay.
Waxaan shaki ku jirin in tan iyo markii lagu dhawaaqay in
loo gudbay wajigii sadexaad ee shirka, ayna shirka iskaga baxeen hogaamiyaal
muhiimad wayn ugu fadhiyay ka qaybqaadasha shirka iyo meelmarinta wixii ka soo
baxaba ay jireen culaysyo badan oo soo wajahay gudoomiyaha shirka danjire
Kipligat, culaysyadaas oo gudoomiyaha uga imaanayay dhinacyo kala duwan, dib u
laabashadii Madaxwayne C/qaasim iyo wafuudii wehelisay iyo dhaqadhaqaaqyadii ay
ka bilaabeen gudaha Soomaaliya, talooyinkii beesha caalamka, baaqyadii ay soo
saarayeen beelaha iyo aqoonyahanadda Soomaaliyeed ee iskugu jiray ergooyinka
iyo goobjoogayaasha kalaba iyo go`aankii Jabuuti oo dhoobadii si fiican u sii
qooyay, markii intaas oo dhan la isku daro, waxaa muuqatay in ay danjire
Kipligat ay soo wajahaday xaalad adag oo siyaasadeed oo aan la iska indha tiri
Karin, una baahan in si deg deg ah loo xaliyo ama loo maareeyo si taxadar leh ,
sababtoo ah dhamaan dadka baaqyadan soo saarayay waxaa ay dareensanaayeen in
koox ka mid ah kooxaha Soomaaliya ay isku qaabaysay in ay kaligeed maamulato
hilbaha Hashii Soomaaalida oo dhan ka dhaxaysay, ayna 11-ka bilood wax ka
karinayeen, taas oo in dheer garad badan ku abuurtay dareen ah in haddii ay
hashu ku socoto wadada la marsiisay 15Sep2003 ay ka dhalan karto dhibaatooyin
iyo colaado la mid ah kuwii ay dadka Soomaaliyeed soo mareen sagaashameeyadii.
Haddaba danjire Kipligat asagoo ka jawaabayay baaqyadaas,
sida muuqatayna uu dareensanaa in caqabad wayn ka horayso, gaar ahaan marka uu
damco inuu soo bandhigo qorshaha lagu doonayo in shirka lagu hakiyo oo ay si
wayn u diidanaayeen Kooxda SRRC oo u arkaysay in talaabo kasta oo lagu hakinayo
shirka in ay tahay mid lagu wiiqayo guushii ay gaaren 15Sep2003 waa sida ay
inta badan SRRC-du qabtee, ayuu danjire Kipligat waxaa uu bilaabay xeelad uu
gollaha S.R.R.C. ku dareensiinayo culayska siyaasaadeed ee soo wajahay, kulan
uu la yeeshay guddiga hogaamiyayaasha intooda ka joogta oo ay u badan yihiin
gollaha SRRC ayuu waxaa uu hogaamiyaasha Soomaalidda ka codsaday in ay talo ka
soo siiyaan dhawr qodob oo uu ku tilmaamay danjire Kipligat in ay muhiimad u
leeyihiin geedi socodka nabada, qodobada uu danjire Kipligat u soo gudbiyay
hogaamiyaasha Soomaalida ayaa waxaa ugu muhiimsanaa 1- sida lagu keeni karo
madaxda ka maqan shirka 2-In inta madaxdaas la keenayo uu shirku sii xirnaado
iyo inuu siisoconayo, 3- In ay madaxda Soomaalidu kulan ku yeesheen meel
Nairobi ka baxsan si ay dhexdooda u gaaraan is afgarad arrimaha ay isku hayaan.
Warqad ay hogaamiyaasha Soomaalida intooda wax ka
meelmarisay Axdiga KMG ah 23Sep2003 ay ugu jawaabeen gudoomiye Kipligat, ayay
waxaa ay ka bixiyeen sadexdaas qodob jawaabo ah, waxaa ay soo dhaweeyeen in la
raadiyo madaxda ka maqan shirka, ayna wakiilada beesha caalamku xil iska
saaraan sidii ay ku keeni lahaayeen, waxaa ay si qayaxana u diideen talaabo
kasta oo lagu joojinayo shirka ayagoo ku tilmaamay in lagu jilaafaynayo habsami
u socodka hawlaha shirka waa sida ay hadalka u dhigeene, waxaa kale oo ay
warqadaas ku sheegeen in ay soo dhawaynayaan in madaxda Soomaalida la iskugu
geeye meel gooni ah oo ay kuwada hadlaan tasiilaadka arintaasna waxaa ay u soo
jeediyeen in ay qabtaan guddiga farsamada IGAD iyo wakiilada beesha caalamka.
Ma ahayn jawaab lala yaabo in ay gollaha SRRC iyo intii la
aragti ahba ay gaashaanka ku dhuftaan aragti kasta oo tibaaxaysa in shirka la
hakiyo taasoo sida aan horay usoo sheegnayba ay u arkaan dube lagu dhufanayo
qufulkii ay xireen, balse waxaa si cad u muuqatay inuusan danjire Kipligat ka
helin jawaabtii uu doonayay ee uu rabay inuu iskaga fududeeyo culayska
siyaasadeed ee soo wajahay, guud ahaan jawaabtaas waxba kama badalin jawigii
cakirnaa ee ay xaaladda shirku ku sugnayd.
Mar labaad ayay danjire Kipligat ku kaliftay inuu si rasmi
ah ugu soo bandhigo hogaamiyaasha Soomaalidda in uu doonayo in shirka la hakiyo
mudo sadex todobaad ah si loo keeno hogaamiyaasha kale ee shirka ka maqan, soo
jeedintaan dambe ayaa waxaa aqbalay Xasan Abshir Faraax iyo Cabdalle Deerow
Isaaq oo siday ku sheegeen warqad ay u direen gudoomiye Kipligta 01Oct2003 ku
sheegeen in ay aqbaleen soo jeedintiisa la xiriirta in shirka la joojiyo mudo
sadex usbuuc ah si waqti dheeeraad ah loo siiyo hogaamiyaasha ka maqan shirka,
waxaa asna tilaabadan dambe taageeray Maxamed Qanyre Afrax sida uu ku sheegay
waraysi uu siiyay Idaacada Iqra F.M qaybteeda Afka Soomaaliga ee xarunteedu
tahay magaaladda Nairobi, balse waxaan wax iska badalin sida muuqatay qoraal ay
isla 01Oct2003 ay kooxda SRRC-du u direen gudoomiye Kipligat ayagoo adeegsnaya
magaca gudiga hogaamiyaasha, mowqifkii ay qabeen ee ay ku diidanayaayeen,
talaabada lagu joojinayo shirka.
Danjire Kipligat ayaa ugu dambayntii waxaa uu 7 th
October 2003 qoraal uu soo saaray ku sheegay qodobo ay ka mid ahaayeen in la
dhimayo ergooyinka shirka oo tiradooda uu ku sheegay 801 ergay oo lagu
soo koobi doono 400 ilaa 500 danjire Kipligat ayaa waxaa uu
qoraalkaas xaafiiskiisa ka soo baxay ku sheegay in ay erga dhimistu qaadan
doonto labo ilaa sadex usbuuc, asagoo sheegay in hawlaha shirkuna dib u
bilaaban doonaan 21Oct2003, sidoo kale waxaa uu ku xusay qorlaakiisaas in ay
socdaan dadaalo lagu doonayo in hogaamiyaasha shirka ka maqan dib loogu soo
celiyo oo ay iska kaashanayaan wakiilada beesha caalamka iyo guddiga farsamada
IGAD.
Dadka sida fiican u la socda shirka Soomaalidda ayaa waxaa
ay go`aan kaas danjire Kipligat ku tilmaameen xeelad siyaasadeed oo uu ku
doonayay inuu ku qanciyo dhinacyada kala duwan ee qaarna u ololaynayaan in
shirka la hakiyo inta ay shirka dib ugu soo laabanayaan madaxda ka maqan shirka,
halka ay qaarka kalena doonayaan in la dhamaystiro hawalaha shirka lana
dadajiyo qaybsiga xildhibaanada si loo guddo galo dhismaha baarlamaanka KMG ah,
waxaa muuqatay in danjire Kipligat uu ergada Soomaaliyeed ee ku sugan madasha
shirka u furay cashar cusub oo ay waayahan ka raysteen, waa darsiga ku saabsan
doodaha ergada oo ay dad badani xasuusan yihiin sidii dooda ergadu shirka
Soomaalida u ragaadisay intii uu ka socday magaalada Eldoret, haddaba sida
muuqata danjire Kipligat asagoon si rasmi ah u sheegin in shirkii la joojiyay,
sababna aan uga dhigin in loo joojiyay hogaamiyaasha shirka ka maqan, ayuu
haddana waxaa uu ku guulaystay in ay dad badani aaminaan in shirka loo joojiyay
madaxda maqan, sabab aan taas ahayn oo loo joojin karay ayaan muuqan,
arrimahaas oo dhan ayaa loo arkayay xeelad uu danjire Kipligat ku doonayay inuu
isku dayo in uu dhinac kasta qanciyo si aysan u dudin, sababo macquul ah oo
loogu garaabi karo danjire Kipligat inuu sidaas u xeeladaysto ayaa muuqatay,
maahan wax dad badan ka qarsoon in uu danjire Kipligat ku dhex maashooday kala
fogaanshaha dhexyaala hogaamiyaasha siyaasada Soomaalidda ee dan biday in
shaqsiyaad ajaanib ah u kala dab qaadaan ama isku soo jiidaan amaba markii loo
baahdaana kala fogeeyaan, ayagoon wado dheer u marin.
Gollaha SRRC dhankooda ayaa go`aankaas dambe ee danjire
Kipligat waxaa ay u fahmeen xeelad siyaasadeed oo lagu marsiinayo qorshihii ay
mudada hortaagnaayeen ee ay ku diidanaayeen in shirka la hakiyo, qoraal uu soo
saaray gudoomiyaha SRRC ee xiliga wareeg ah, Hilowle Imaam 08Oct2003 ayuu waxaa
uu ku sheegay in qaybsiga xildhibaanada gollaha shacabku uu marayo heer
gabogabo ah wuxuuna ku xusay dhamaan beelaha Soomaliyeed heerka ay beel kasta
umarayso qaybsiga tirada xildhibaanada, warqdaas ayaa waxaa ay ahayd fariin ay
gollaha SRRC-du ay ku muujinayeen meesha ay wali ka joogaan in la hakiyo shirka
oo ay ku tilmaameen inuu heer gabogabo ah marayo, waxaa kale oo ay ahayd fariin
ay u dirayeen dhamaan inta qabta in shirka la hakiyo la iskuna baadigoobo
Soomaalida, si ay shirka uga soo baxaan guulihii laga filayay, balse waxaa
muuqata in ay Gollaha SRRC-du inta badan awaamiirta ka qaataan quwado shisheeye
oo sida muuqata xooga saaraya in aysan shirkaani ka soo bixin dowlad loo dhan
yahay oo hanata dalka Soomaaliya oo dhan, kooxda SRRC-du waxaa ay ka hadlayaan
inuu qaybsiga xildhibaanadu marayo heer gabogabo ah oo uu qarka usaaran yahay
sida ay qabaan in xili dhaw lagu dhawaaqo baarlamaanka KMG ah,ayadoo aad dhanka
kale arkaysid qaar ka tirsan Hogaamiyaasha Siyaasada ama kuwa loo yaqaan
saxiixayaashii Eldoret oo aan laba soconba in ay jiraan dad ku mashquulsan
dooda qaybsiga xildhibaanada, oo aysanba wax wakiilo ah oo uga qaybgalaya
qaybta aan dirsan amaba aan aqoonsanayn Axdiga tilmaamaya qaybta tirada
xildhibaanada taas oo marqaati cad u ah in ay hal kooxihi tahay waxa ku
mashquulsan qaybsiga xildhibaanada,waxay u muuqataa maahmaahda oraynaysa “
nin-ba dhan u baday” iyo “ninba taagtii ha talaabsado”.
Saamaynta shir madaxeedka Kampala iyo go`aankii labaad ee
Jabuuti
Intii lagu jiray go`aankii uu Danjire Kipligat ku hakiyay
shirka ee uu ku tilmaamay in ergooyinka lagu dhimayo ayaa waxaa soo ifbaxay
warar sheegayay in ay dhici karto in shirku ku sii jiro hakinta gaar ahaan inta
uu ka dhamaanayo shir madaxeedka urur goboleedka IGAD oo ka dhacaya dalka
Uganda 24 ilaa 26 bishan October, waxaana bilowday dhaqdhaqaaq ay kooxda SRRC
iyo qolyaha ay isku aragatida yihiin sida TNG garabka Xasan Abshir iyo Deerow
iyo qaar katirsan Kooxdii horay loo oran jiray G-8 balse kala qaybsantay oo uu
ka mid yahay Mowliid Macaane ay ku doonayeen in ay ku helaan fursad ay uga
qaybgalaan shirka, si ay u caabiyaan aragtida siyaasadeed ee u madaxwayanaha
Dowlada KMG ah shirkaas la tagi doono oo asaga si rasmi ah loogu martiqaaday
shirka, waxayna qoraal ay soo saareen horaantii bishaan ku sheegeen inuusan
Madaxwayanaha Dowlada KMG ah C/qaasim Saalad Xasan xaq ulahayn inuu shirkaas ka
qaybgalo asagoo matalaya Soomaaliya waxayna ku eedeeyeen inuu jilafaynayo
shirka Soomaalida uga socda dalka Kenya oo ay ku tilmaameen inuu heer gabogabo
ah marayo, ayagooo ku tilmaamay sheegashada C/qaasim Salaad Xasan uu sheeganayo
madaxwaynanimda mid khilaafsan Axdigii iyo dastuurkii lagu soo dhigay dalka
Jabuuti oo tilmaamaya in ay mudadii DKMG ah dhamaatay.
Waxaan shaki ku jirin in martiqaadkii Madaxwayne C/qaasim
Salaad Xasan lagu martiqaaday shir Madaxeedka IGAD uu ahaa dharbaaxo
siyaasadeed oo ku dhacday kooxaha ka qaybgalaya shirka Soomaalida gaar ahaan
intooda wax ka meelmariyay Axdiga KMG ah ee lagu dhawaaqay 15October 2003 kuna
qanacsan heerka uu shirku marayo, gaar ahaan waxaa xusid mudan in shirka lagu
martiqaaday uu yahay shirkii urur Goboleedka IGAD oo ah ururka maamulayay
shirka Soomaalida oo laga filayay in ay noqdaan qoloda ugu horaysa ee taageerta
go`aamada shirka balse waxaa cadaatay in go`aankii 15October 2003 uusan helin
taageero siyaasadeed guud ahaan beesha caalamka gaar ahaan urur goboleedka
IGAD, waxaana muuqata in la garaystay inuu shirku yahay mid aan loo dhamayn
qaladna aan ka marnayn una baahan in wax laga qabto.
Waxaana jirta in ay hogaamiyaasha kooxaha ee kusugan
Mbagathi ee ayagu sida xun uga carooday martiqaadka uu madaxwayne C/qaasim ka
helay shir madexeedka IGAD, lagana soo xigtay in ay heleen martiqaad todobo
xubnood ah oo shir madaxeedka Kampala uga qaybqaadan doona si kor joogta ah
balse wararkaasi ma ahayn kuwo si rasmi ah loo xaqiijiyay, waxayna dad
xog-ogaalihi sheegayaan in ay isku dayeen codsadeena in ay shirka uga
qaybqaataan si kor joogto ah ayagoo uga gol leh in ay aragtidooda gaarsiiyaan
madaxda halkaas ku kulmaysa, hase haatee aan wax jawaab ah laga siin
codsigoodaas, waxayna ugu dambayntii shirka u direen ayagoon wax martiqaad ah
haysan sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo sadex xubnood oo uu
hogaaminayo Gen Morgen oo ay wheliyaan Mowliid macaane oa matalaya kooxdii la
oran jiray G-8 iyo Cabdalle Deerow oo matalaya TNG garabka ka soo horjeeda
madaxwayne C/qaasim.
Goobjoogayaasha Caalamiga ah ayaa laftooda waxaa ay culays
saareen sida ay sheegayaan warar ka ag dhaw sidii looga faa`iidaysan lahaa
shirka Kampala oo ah shirka kaliya ee ay madaxda IGAD go`aan rasmi ah uga gaari
karaan sidii xal loogu heli laaha ismariwaaga shirka ka taagan, waxaana soo
badanayay wararka tibaaxayay in ay jiraan soojeedimo ay wakiilada beesha
caalamku ku doonayaan in shirka gabi ahaantiisba loo raro dalka Ugandha amaba
si KMG ah loogu qabto dalka Ugandha kulamo u gaar ah madaxda Soomaalida si
dardar cusub loo galiyo loogana gudbo ismari waaga iyo rajada sii dhimaynaysa
ee uu shirku ku sugan yahay.
Waxan shaki ku jirin in ay indhaha dhamaan madaxda
Soomaalida dhinacyadooda kala duwan, ergada iyo dowladaha daneeya arimaha
Soomaaliyaba gaar ahaana kuwa shirkaan sida joogta ah uga mashquulsan amaba
dhaqaalaha ku bixiya ay ku sii jeedaan shir Madaxeedka Kampala, waxaana la
aaminsan yahay in shirka Kampala yahay rajada kaliya ee u harsan shirka
Soomaalida ee sanad jirsaday.
Arinta si kastaba ha ahaatee shir madaxeedkaan ayaa ku soo
beegmay xili ay dowladda Jabuuti si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay ka baxday
xubinimadeedii ay uga midka ahayd guddiga farsamada IGAD ee ayagu ahaa kuwii
loo xilsaaray dhexdhexaadinta Soomaalida iyo hagida iyo maamulka shirkaba,
dhawaaaqa xiligan ee dowladda Jabuuti ayaa waxaa laga bixiyay aragtiyo kala
duwan gaar ahaan xili lagu sii jeedo shir madaxeedka IGAD fikradaha ugu badan
ayaa waxaa ay tibaxaayan in ay dowlada Jabuuti fariin iska sii hormarinayso si
ay umuujiso inuusan shirkii mudadii halka sano socday uusan gaarin guulo
lataaban karo ama lala hortagi karo madaxdii markii horeba ku heshiisay
qabashadiisa, wuxuuna wasiirka arimaha dibada Jabuuti Cali Cabdi Faarax hadal
uu 19October 2003 ka soosaray arinkaas ku sheegay mowqifka dowladiisa
.kaa oo ah in ay dowladda Jabuuti, ay gabi ahaanba ka baxday
gudiga farsamada IGAD oo ay dhamaadkii bishii September ku dhawaaqday in ay
hakisay xubinimadii guddigaas.
Wasiirka ayaa sheegay in ay dowladda jabuuti in mudo ahba
isku dayaysay sidii looga gudbi lahaa xaaladaha qalafsan ee shirka soo wajahay,
balse aan arimahaas waxba laga qaban.
Wasiirka ayaa sidoo kale waxaa uu tilaamay in ay ahayd
sababihii shirkaan loo qabtay in la helo dowlad loo dhan yahay, taas oo ahayd
ayuu yiri arrintii loo xilsaaray wasiirada arimaha dibada ee IGAD shir
madaxeedkii Khartuum ee sanadkii 2002.
Wasiirka dowlada Jabuuti ayaa waxaa uu ku tilmaamay in ay
wax laga qoomameeyo tahay in danjire Kipligat kaligiis iska qaatay go`aan aan
waafaqsanayn hawshii loo xilsaaray gudiga farsamada IGAD taas oo carqaladaysay
rajadii ay Soomaalidu ka qabtay in la gaaro wada xaajood taabo gal ah oo ay ka
dhalan karto xal siyaaasadeed oo nabad buuxda keena.
Sidoo kale waxa uu Cali Cabdi Faraax, wasiirka arimaha
dibada Jabuuti ku sheegay qoraalkiisaas in madaxweynaha dalka Jabuuti iyo
asaguba ay wadahal kala yeesheen caqabadaha shirka soo wajahay, madaxwaynaha
dalka Kenya iyo wasiirka arimaha dibada ee Kenya, gaar ahaan shir madaxeedkii
ururka Midowga Afrika ee ka dhacay Maputo, hase ahaatee balimihii iyo
isfahamkii ay labada dhinac arintaas ka yeesheen aan waxba laga fulin.
Qoraakaas ayaa sidoo kale waxaa lagu xusuy in aysan dowladda
jabuuti koox iyo qabiil gaar ah oo Soomaaliyeed taagerayn, balse ay dowladda
Jabuuti sii wadi doonto dadaalkeeda ay ku baadi goobayso sidii Soomaaliya looga
dhalin lahaa dowlad loo dhanyahay oo ay Soomaalida oo dhan ku midaysan
yihiin.asagoo dhinaca kalena sheegay in aysan ka qaybqaadanayn go`aan kasta oo
keeni kara in ay Soomaaliya colaado dib ugu soo cusboonaadaan.
Qoraalka Cali Cabdi Faarax oo dheera ayaa waxuu ugu
dambayntii ku baaqay in hogaanka shirka lagu wareejiyo ururka Midowga Afrika.
Go`aan kaan labaad ee Jabuuti ayaa waxaa uu sii fogeeyay
rajadii laga qabay in ay dowladaha saf kahore mowqif mid ah ka qaataan xal u
helida dhibaatada Soomaaliya, wuxuuna xoojinayaa fikradihii ku baaqaysay in
shirka laga bixiyo gacanta dowladaha safka hore.
Gebo-gebo:-
Waxaan soo gaarnay gabagabadii qormadaan, waxaan u
malaynayaa in aan si fiican uga soo sheekaynay dhacdooyinkii iyo xogihii ku
saabsanaa shirka Soomalidda, gaar ahaan intii ugu dambeysay oo aan qormadan
sida gaark ah ula beegsnay, haddaba anigoo ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee sida
wayn u jecel in uu shirkan Soomaalidda uga socda dalka Kenya guulaysto, oo aan
haddana dareensanahay baahida aan u qabo in ay Soomaaliya ka dhalato dowlad
Soomaaliyeed, nasiibna aan u helay inaan shirkaan si joogto ah ula socday ilaa
maalinkii uu ka furamay magaalada Eldoret oo aanka mid ah dadkii Soomaaliyeed
ee 15-october,2002 ka qaybgalay xafladiii lagu furayay Shirka ee uu furay
Madaxwaynihii Hore ee dalka Kenya madaxwayne Moi, waxaa nasiib daro ah in aanan
maantay qabin rajadii aan maalinkaas ka qabay inuu shirku guulaysto, waxaana
dhici karta in aan maalinkaas ka rajo fiicnaa maantay oo ay halsano ka soo
wareegtay sanadguuradii furitaankii shirka Soomaalidda.
Waxaa mar kasta ii muuqda qodobo dhawr ah oo aan
aaminsanahay inay yihiin kuwa sii yareeyay rajadii aan ka qaybay in ay shirkaan
ay ka dhalato dawlad loo dhan yahay, waxaa dhici karta in dad badani marka ay
aqrinayaan ama ay arkaan erayga “loo dhan yahay” aysan si fiican u fahamsanayn
ee ay si aan taxadar lahayn uga gudbaan hase ahaatee qofkii si fiican u sii
dhuuxa erayga “loo dhan yahay” waa uu dareemi karaa macnaha wayn ee uu eraygaas
xambaarsan yahay, gaar ahaan marka si gaar ah loo eego duruufahanaga gaarka ah
hadaan nahay Soomaali, oo ah kala qoqobnaanta iyo kala googo’a saameeyay
dhamaan 18-kii gobol ee Soomaaliya, oo aysan waxba ka qaban Karin dowlad aan
loo dhamayn oo ay dhisaan qaar ka tirsan kooxaha Soomaaliya oo aan dhaafi Karin
gobol ama laba gobol oo ay xoogaa maleeshiiyo ah ku haystaan, waxaana indhaha
dadka Soomaaliyeed u sii muuqda meeshii ay ku dambaysay dowladii ay soo dhiseen
in ka badan sadex kun oo qof oo Soomaali ah kana koobnaa dhamaan qaybaha ay
bulshada Soomaaliyeed ka kooban tahay.
Rajada Ilaahay lagama quusto balse marka aad aragtid
mowqifka aan isbadalka lahayn ee gollaha SRRC, dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed iyo
tilaabooyinka ay qaadeen hogaamiyaashii ka baxay shirka, kala qaybsanaanta
lixaada leh ee ka dhex oogan guddiga farsamada IGAD, shaqsiyaad badan oo
muhiimad wayn ulahaaa geedi soocdka shirka oo niyad jab ay kala kulmeen qaab
socodka shirka dartiisa kana tagay shirka, kaalinta beesha caalamku ku leedahay
shirka oo intii muddo ahba lagu tilmaamay kaalin daciif ah amaba aan
gaarsiisnayn heerkii loo baahnaa ee ay wax uga qaban lahaayeen caqabadaha
shirka burburin karay, go`aankii ay dowladda Jabuuti gabi ahaanba uga baxday
guddiga farsamada IGAD, arrimahaas oo dhan markaad si fiican ugu fiirsato waxaa
kuu soo baxaysa inuu uu shirkaani labo uun mid ku dambayn doono .
In ay shirka ka soo baxdo dowladd ay dhiseen hal koox oo ka
mid ah kooxaha Soomaaliya ku hardamaya ayna ku kala qaybsanyihiin dowlladaha
dariska ah iyo aduun waynhuba, sida dhacday markii la soo dhisay dowladii uu C/qaasim
Saalad Madaxwaynaha ka ahaa iyo dowladaas oo la timaada natiijooyin xun xun oo
ay ugu horeeyaan dagaalo sokeeye oo dalka ka qarxa, sababtoo ah ayadoon ilaa
hadda la dhisin wax dowlad ah ayaa waxaa gudduha Soomaaliya laga soo sheegaya
dhiilo colaadeed iyo hub aruursi hor leh oo deegaanada qaarkood ka jirta
salkana ku haysa khilaafka siyaasadeed ee ka dhexeeya hogaamiyaasha isku
afgaran waayay meelmarinta Axdi KMG ah oo uu dalku yeesho.
In shirka sida ay dad badaniba u ololaynayaan hakad lagaliyo
lana baadi goobo fikrado iyo aragti cusub oo lagu badbaadinayo in uusan shirku
burburin amaba looga baaqsanayo in lagu dhiso dowlad aan loo dhamayn, meesha
kaliye ee hada sida wayn looga dhursugayo in ay fikradaasi ka dhalatana waa
shir madexeedka IGAD ee ka dhacaya dalka Ugandha, haddii ay fikradahaas dambe
hirgalaan waxaa muuqanaysa inuu shirka Soomaaliddu waqti kale oo dheer
qaadanayo waxaana suurta gal ah in shirka waji kii hore ka badalan loo yeelo,
sababtoo ah hogaamiyaasha ka maqan shirka ma aqoonsana Axdiga KMG ah ee la
meelmariyay 15Sep2003 taasna ayaa waxa ay sababaysaa in mar kale dib loogu
laabto ama dib u eegid lagu sameeyo Axdiga KMG ah, waaba hadii ay
hogaamiyaashaas ogolaadaan in ay dib ugu soo laabtaan wadahadaladda Soomaalidda
uga socda dalka Kenya.
Ugu dambayntii qof walba oo Soomaali ah oo xilkas ah
dareemayana meesha uu marayo dalkiisii, lana socda heerka ay kala taagan yihiin
hogaamiyaashaii looga fadhiyay in ay dadkooda u turaan 13sano kadib waxaa
mas`uuliyadi kasaaran tahay inuu baadi goobo fikir kasta oo lagu samatabixin
karo dalka iyo dadka Soomaaliyeed ee maantay ku soo ururay maahmaahda ah
“Ceelna uma qodna Cidna uma maqna
W.Q. C/shakuur Cali
Mire
Qoraa iyo weriye goobjooge u ahaa shirka halkii sano ee uu
socday.
Contact. Email
shakuur111@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 23, 2003
Afeef: Fikradda qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
FOGAANTA U DHEXAYSA
MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
|
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|
>>
Usheeg Asxaabtaada
|
|
|