Hadaba isagoo Maraykanku ka duulaaya afkaarahaa iyo talooyinkaa ay
mufakiriintooda usoo jeediyeen ayuu intaaba ku dadalayay sidii ay uugu heli
lahaayeen fursad lagula dagaalamo Muslimka,waxayna isku dayday dowlada
Maraykanku inay nidaamyo cusub ku soo rogto aduunka kuwaasoo danaheeda
siyaasadeed iyo dhaqaalaba u adeegaya, waxaana ka mid ahaa (New World Order)
oo lagu dhawaaqay markii dagaalkii labaad ee Gacanku bilaamay,dagaalkaasoo
Maraykanka waxyaaba badan u fududeeyay, nidaamkaa cusub oo nuxurkiisu ahaa
sidii ay siyaasadaheedu u hirgeli lahaayeen, nidaamkaasii markii uu u hirgili
waayay waxa kaloo jiray nidaam kaloo sanadadan dambe uu watay Maraykanku kaa
soo ahaa waxa loogu yeedho (Globalization) oo ujeedadiisu tahay in wixii
ay doonaan dunida ku sanduleeyaan haday noqoto mid dhaqaale, mid siyaasadeed
iyo mid diineedba.
Nidaamyadaas kor ku xusan iyo kuwa la midka ahaaba waxay sheegayaan in
siyaasadaha Maraykanka loo hogaansamo.Waxaana jiray shirar badan oo loo qabtay
sidii loo hirgelin lahaa nidaamyadaas ama siyaasadahaas uu maraykanku
damacsanaa.
Waxa ka mid ahaa shirarkaas:
1. Shirkii Deegaanka oo lagu qabtay Cairo dalka Masar.
2. Shirkii Haweenka oo lagu qabtay Beijing dalka China.
3. Shirkii u dambeeyay ee WTO oo laguna qabtay Doha dalka Qatar.
Iyo qaar badan oo ka dambeeyay shirarkaa kor ku xusan oo aduunka kale lagu
kala qabtay.
Iskusoo wada duuboo shirarkaas oo dhami waxay u jeedadoodu ahayd sidii
siyaasadaha maraykanka iyo sahyoonida dunida tamarta daran ama Muslim
World-ka loogu fulin lahaa ama loogu sandullayn lahaa, waxaana u daliil ah
meelaha lagu qabanayay shirarka oo loogu tala galay.
Hadaba si wuxuu doonaayo uugu hirgalaan ayaa intaaba Maraykan wuxuu ku
dadaalayay inuu steratejiyado cusub ka samaysto meelo badan oo caalamka ka mida
gaar ahaan dunida Muslimka sida Bariga dhexe ama Badda cas, Geeska Africa iyo
Central Asia. Dagaalkii labaad ee gacankuna waxuu u fududeeyay maraykanka inuu
saldhigyo badan ku yeesho wadamada gacanka carabta iyo qaar ka mida bariga
dhexeba
Iyadoo hindisayaashaa Maraykanku ay socdaan ayaa waxa dhacay Qaraxyadii
11 Sep, si uu Fursadaa dahabiga ah uuga fa’iidaysto, siyaasadihiisii gar
darrada ahaana u hirgeliyo ayaa Bush ku dhawaaqay ka dib Qaraxyadaas
inuu qaadayo dagaalka uu ugu yeedhay(Crusade War) lagagana soo hor jeedo
Argagixisada (Muslimiinta) Dagaalkaa oo ka hawl gelidoona 60 dal,
meel uu ku dhamaanayo iyo goor uu dhamaanayana aan la saadaalin karin.
Dagaalkaas Bush sheegayna waxa lagu bilaabay Afganistan oo
Taliban ka talinaysay laguna eedeeyay inay hoy siiyeen ninkii lagu eedeeyay
Qaraxyadaas 11 Sep dhacay, dagaalkii laga waday Afganistana waxuu ku
dhamaaday in Taliban xukunkii laga qaado waxaana loona dhiibo dad uu
Marayankanku wato oo danahooda u adeega iyadoo aan dadkii masaakiinta ahaa ee
reer Afganistana wax loo qabtay ayan jirin.
Taasina waxay Maraykanka u suura gelisay inuu cagta dhigo Central Asia kuna
yeesho saldhigyo uu ciduu doono kaga duuli karo markuu doono.
Bush markii dagaalkii Afganistan socday waxuu sheegay inaanu Afganistan
ku eekaandoonin ee ay jiraan dalal badan oo iyagana talaabo taa Afganistan la
mida laga qaadi doono. dalalkaa waxa ka mida Iraq , Somalia ,
Palestine iyo qaar kale.
Laakiin marar badan ayay sheegeen inay Suuriya iyo Iran ku
jiraan dalalka maraykan u qorshaysan inuu taabo ka qaadidoono.
Dagaalkii gardarada ahaa ee Bush iyo Tony Blair ku qaadeen dalka Ciraaq
waxuu soo shaac bixiyay ujeedooyinkii u qarsoonaa ee ahaa cadaawada diimeed ay
u hayaan dadka muslimka ah.
Madax badan oo dunida Muslimka ka mida oo markii hore ku faraxsanaa in
Sadaam Hussien iyo Talibanba xukunka laga qaado,ayaa imika garwaaqsaday
ujeedooyinkii Bush ka lahaa ladagaalanka Argagaxisada,oo aan ahayn ujeedadiisu
Sadaam iyo Talibaan in xukunka qaado ee ay ahayd cidhibtirka awoodaha iyo
khayraadka dalalkaas.
Siyaasiyiin badan ayaa aaminsan in Bush imika uu wado qorshe sidii uu dib
xukunka uugu soo celin lahaa madaxdii Talibaan iyo xisbigii (Albacas) ee Ciraaq
ka talinayayba, waayo awoodoodii ayuu burburiyay,ka dib markii uu faraha kaga
gubtay dagaaladii uu ka waday Ciraaq iyo Afganistaan.
Waxaan filayaa imika in su’aashii ahayd maxuu Maraykan ka fa’iidayaa la
dagaalanka argagaxisada inay inoo u cadaatay, taasoo ah in awood kastoo Yahuudu
ka baqayso mid mid looga takhaluso uuguna horaysay Ciraaq, kuna xigidoonaan
siduu Bushba sheegay Suuriya,Iran iyo dalal kaleba sida Sacuudiga.
Maanta dunida muslimka waxuu xaalkoodu marayaa sidii Nebigu(SCW) sheegay ee
ahaa "daad xoor".
Waxaana in wax lagu qaato ah hadaladii Mahathir Maxamed uu u jeediyay
madaxda Muslimiinta shirkoodii ka dhacay dalka Malaysia,si geesinimo lehna uugu
booriyay madaxdii shirka joogtay in hordada laga kaco, hadalkaa Mahathirna
waxuu kaga dhawaajiya dalal badan oo Yurub ah, oon ogolayn in cidi runta ka
hadasho.
Gebagebadii su’aasha dad badani is waydiinayaan waxay tahay Maraykan maku
guulaysandoonaa siyaasadaha xaq darrada ah ee uu wado mise waxuu mari halkii ay
mareen quwadihii isaga ka horeeyay.
Waa su’aal jawaabteedu ay u cadaandoonto cidii ilaahay nafta u daayo.
Ilaahayna daalimka wuu u yara seeto dheereeyaa laakiin markuu qabto kama
fakado.
Wa Billaahi Tawfiiq
Ali Abdillahi Dahir
alideeq99@hotmail.com
Hargeisa