Magaalada Laasa Dawaco waxay kutaal meel magaaalda Boosaaso
aan sidaa uga fogeeyn. Waxaa ka dhacday sanadkii 1999 qiso cajiib ah oo
markaa dadka degaanku ama Reer Boosaaso ay u arkayeen arrin aad u
wanaagsan oo ah in ay xaqa iyo sharafta uu leeyahay Ajigu difaaceen.
Qisadani dadka deegankaas degeni uma aysan arkeen dulmi waxayna qisadu u
dhacaday sidatan:
Waxaa iyagoo Galbeed jooga (Dirirdhabe) isjeclaaday gabadh u dhalatay
qowmiyaga Ogaadeenka ah iyo Wiil u dhashay dadka Ajigu quudhsado oo Madhibaan
ah. Si aad ah ayay isu jeclaayeen taasoo ay goosteen in aysan Keliga 5-aad ka
suura geli karin inay isku guursadaan. Waxay go’aan ku gaadheen inay cararaan
oo isla aadaan Boosaaso oo halkaa isku guursadaan.
Iyagoo baqo carar ah ayay waxay soo gaareen meel lagu magacaabo Laasa Dawaco
halkaasoo ay u tageen nin wadaad ah kana dalbadeen in uu isu xalaaleeyo.
Shiikhii iyo labadii is jeclaa baa doodi dhex martay.
Shiikhii: Sow labadiinuba muslim ma tihiin?
Wiil/Gabadhii: Haa shiikhow
Gabadhu waxay ahayd mid aad u qurux badan oon indhaha laga qaadi karin!
Shiikhii: Naa ninku waa qolama?
Gabadhii: Si geesinimo ku jirto waxay u tidhi Shiikh ninku waa
Madhibaan
Shiikhii: Isagoo yara naxsan; Adiguna yaad tahay?
Gabadhii: Ogaadeen Shiikhow
Shiikhii: ALLA MA LA BA’AY! Isagoo naxsan oo jiriirico ku jajabtay
hadalkana hashkadeeynaya buu yidhi haddiiba xaal aduun halkaa marayo isku kiin
meherin mayo!
Arrintii baa dibada u baxaday waxaana warkii gaadhay magaaladii oo dhan.
Magaaladii oo dhan baa soo qalab qaadatay sidii col ay ku duulayaan, waxaa
go’aan lagu gaadhay in naagtan guruxda badan ee DHASHII DAAROOD AH AYSAN SINA
XALAAL U AHAYN IN LAGU MEHERIYO NINKA MADHIBAANKA AH. WAXAA LA YIDHI MEHERBA
UMA QABTO EE WAXKALUU ARKI HADUUSAN TOOBAD KEENIN!
Waxaa dhawaaqay nin wadaad ah oo la yiraahdo C/llahi Aw Nur. Wuxuu wacdiyey
dadkii una sheegay waxay sameynayaa inay tahay Alle ka fogaad iyo Dulmi. Wuxuu
xusuusiyey in laban qofi isjecel yihiin martina yihiin Muslimiina yihiin. Wuxuu
xusuusiyey in Islaamku uusan qabin waxan ay Madaxya Weynta iyo Shiikhyada
magaaladaasi ka shaqeynayaan ee ay isku raaceen. Nasiib darro isagiina geeskaa
la geliyey oo la handadey, warkiisana dheg jalaq looma siin!
Xanaaq, Catow iyo Habaar buu wadaadkii meel la fariistay: “Laasa Dawacooy
roob la’aan Alle ku bad! Laasa Dawacooy dadkaaga Alle uma naxariisto”!!
Wadaadkan wanaagsan ee xaqa siday tahay u sheegay kuna dhiiraday inuu ka
hortago dulmigan soo jireenka ah 3 bilood ka dib markii qisadani dhacday ayuu
geeriyooday (Allow U Naxariiso).
Ninkii Madhibaanka ahaa ee gabadha jeclaa una soo maray rafaad safar iyo mid
nafsiyaba leh waa laga qaaday gabadhii waxaana qasab ku guursaday gabadhii nin
degan deegaankaas isgoo leh: “ NAAGI TOL MA LEH! MA MAANTEY MIDGAAN NOO SOO
XERO GELISAY! NAA SOO DHAQAAQ ANAGAA KUU TOL AHE ILEYN OGAADEEN WEYNE CARRIGA
KAMA DHOWEE”!
NAA I HORGAL XATAA HADDII MEHER KUGU DHICI LAHAA WAXBA KA MA JIREENE! SAA
HORAA LOO YIDHI CAADO LA GOOYAA CARO ALLEY LEEDAHAYE! WADAAD XUMENA WAXBA
WEYDIIN MEYNO! SOCO! SOCO!
Laga soo weriyey Farax Ali Abdi