SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
SOOL XAAK BAANU KA SIINAY CALYADA C/WAXID!!! 

Qore: A.Dirir
burashadley@hotmail.com

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Aadamigu waxyaabaha Illaahay kaga duway xoolaha waxaa weeye adeegsiga caqliga iskastoo garashaduna ay ku xiran tahay qofka inta uu Eebe gesho.

Haddaba, waxaa la yiraahdaa in xilliyada adag ay dadku kala miirmaan, si sahlanna lagu kala garto shaqsiyadda qofka uu leeyahay.

Tusaalana waxaa ah oday ka mid ah reer Puntland oo lagu magacaabo Kol. Cali Baadiye oo maqaalo uu qoray  darteed uga baxay suuqii siyaasadda ee Pl!.

Haddaba, Kol. Baadiye oo la dhashay Kol.Moxamed Sheeekh cisman (Ciro) oo ka  madax ahaa inqilaabkii 1978ka ayaa qoraaladiisii ku baaqeen  in reerkiisa ay noqdeen sidii reer Diinigii Mareexaan oo kale, sidaas darteedna ay waajib tahay in lala dagaalamo lalana jihaado!.

Maantana  Koloneelkii wuxuu daba rucleenayaa kii dartiis uu reerkiisii uu u aflagaadeyey oo ah madaxweynaha PL.

Taasna , waxaad ka garan kartaa haddii nin siyaasi baan ahay lahaa ay sidaas ka suurtoowday, maxaad ka fileeysaa in kuwii ka da'da yaraana ay sameenayaan?

Si kastaba ha ahaatee Carte ka dib, reer PL waxaa lagu arkay dhaqamo aan horay loogu arag oo ay ka mid yihiin iyagoo qaarkood laheynba dareen wadaninimo iyo mid diineeed intaba .

Sidaasna waxaa u leeyahay waxaa ay tahay markaan arkay :-

1. King Kong oo intii aan laga soo ceyrinin Carte ka hor  ku tilmaamaya ciidamda daraawiishta Pl in ay yihiin amxaaro isagoo is -iloowsiinaya gumeysiga ka jira koonfurta siibana Kismaayo!.

2. Moxamed Cabdi Yusuf oo shirkaan Kenya ilmada beenta ah iskaga keeenay oo  jariidad ka soo baxda magaalada Tilburg (Hoolland)  oo maxali ah uu sheegay si uu iskaga  gado C/qasim darteed  in (Awrtable) iyo Leelkasaba illaa iyo maanta ay gumeystaan Majeerteenka inkastoo la wada ogsoon yahay in Xaji Diriye Xirsi uu ahaa ninka Daroodka oo dhan ugu arimin jiray nus qarni ka hor magaalada Xamar. Maalin dhoweydna wuxuu  ka lahaa Xamar in Pl ay ku khaldan tahay ku dhawaaqidda gobolka Cayn si nin arriminta PL ay khuseeyso.

3. Waxaa iyaduna markhaati ma doonta ah in nin kale oo isaguna qaxooti ku ah Ingiriiska Zakariye wareysi uu siiyey "shabakad Internet ah" uu ku yiri ,"Shirka Kenya waxaa ka maqan 5 gobol oo Somaliland ah", taasoo macnaheedu la yaqaano!.

4. Hadda ka horna isaguna Jaamac Cali Jaamac ayaa si daneystinimo ah u yiri in Pl uu u yahay madaxweyne balse Sool iyo Sanaag ay ka tirsan yihiin S/Land! . Taasna maanta ayuu miraheedii hayaa oo cid kaleba daayoo kuwii soo dirsaday ay iska fogeeyeen xataa ninkuu ku lahaa "Qanyare  Waa Ii Hiiliyey "  ayaa leh Jaamac awalba waa la isticmaalayey ee waxba ma aheyn!

Guud ahaana, waxaa yaab leh sida ay ku suurtoowday in daka qaarkiis ay hal mar ay sheegaan labo arimood oo iska soo horjeeda sida Somali kala goyn iyo wadaninimo, muslinnimo taam ah iyo tafaraaruq & munaafaqnimo, xaqnimo iyo xaqdarro, daraawiishta Pl oo askarigoodii dilay ninka u dhashay Jareer wenye dilka ku fuliyey iyo mooryaanta C/qasim ee caanka ku ah dulmiga iyo sheekada Ibnil Muqiira iyo Sool.

Sideey ahaataba waxaaa marnaba leyska indha tiri karin in qofkii u hiiliya midnimada dalka uu muujiyey wadanininmo isagoo fuliyeynna wixii diintu fartay sida aad ka garan doonto Aayadda ah , "Wa Ictasimuu Bi Xabli Laahi Jamiican W alaa Tafaraquu".

Aakhirkiina, mar haddaanu aragnay kuwii da'da iyo garashadaba dhaamay C/waaxid oo ay u cadaatay in reerkooda dhexdiisa ayan waxba ka noqon karin waxyaabaha  ay ku kacayaan iyagoo cid qaban kartana ayan jirin , soo marka in aanu walaalahayaga uu u gafo ay ogaadaan in isaguna waxba ka duwaneyn kuwa aan kor ku soo qaatay, sidaasna raali nagaga noqdaan.

A.Dirir
burashadley@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 17, 2003  

Nayjeeriya oo Hawada u Dirtay Dayaxgacmeed
Markii taariikhda ugu horeysey ayey Nayjeeriya hawada u.. Guji Oct 13

Dayaxgacmeed Cusub oo Loo Diray Hawada
Dayaxgacmeedkan oo ay Yurub hawada u direen... Guji

 

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD