SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - NABADDA
Ha laga weynaado Aflagaadada

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 Asalaamu calaykuma wa raxmatullaahi wa barakaatuh.

Inta ka tiba, walaalah ardaaga somalitalk, waxan jeclaystahay in arin baryahanba shabakaddiinna soo labaa noqonayaysay wax ka idhaa.

Waxay ku saabsantahay qoraalada uusoo tebiyo qoraa magaciisa la yidhaa, Maxamad Cabdi Xasan(Diridhaba).In uu qaladaad dhacay xagga taariikhda mar uu ka hadlayay, muran kama jiro. Ujeedada qoraalkayganna ma aha inaan saxo, maxaa yeelay ragbaa hortay saxay, sida ninka la yidhaa Aden Maxamad.

Haddaba ujeedada qoraalkaygani wuxuu daba joogaa ragga u jaawaabay Diridhaba, magac ay adeegsadeen . Aden Maxamad qoraalkiisii hore iyo kan danbebe tiro seddex jeer ayuu adeegsaday magaca (Dirirdhabe), ninnka la yidhaa Maxamad Axmad Maxamuud, isna wuxu adeegsaday isla magaca (Dirirdhabe) shan jeer. qoraagan danbe qoraalkiisa la magac baxay, " Dirirdhabe Rag Hortii ha Caban", ayaya magacyadaa labahdilay ku jiraan.Ninkan ay daba taaganyihiin naanaystiisu waa " Diridhaba" ma aha " Dirirdhabe" , maxaayeelay ka hore waa magac, halka kan danbe ka yahay cay badheedh ah oo fawaaxisha ah.

Bal aan fasiro kan danbe wuxuu ka koobanyahay laba eray oo la isku dhajiyay, waana sidan: Dirir, oo ah roob xiliyada roobbowga da'a, sida dirir cawleed, dirir sakaaro.

Halka erayga: dhabe, yahay cay fawaaxisha la macano ah erayga ingiriisiga ah " fucker". Labada nin ee maqaalada kala qorey, af-aqoon la'aani umay gayn inay eraydaa adeegsadaan, waayo waxa qoraaladooda ku cad sida labaduba ugu talax tageen, aqoon heer sare ahna u leeyihiin af-soomaaliga.

Haddaba walaalayaal, waxaan garan waayi haddii iyagu sidaa u badheedheen inay erayo fawaaxish ka buuxo , wallaooda kale ee Soomaaliyeed soo hor dhigaan, sharaftoodii iyo teennii midna dhawri waayeen, ma waxaad garan waydeen idingu inaa waabisaan, oo xilka idinka saaran wax daabicista gudataan?

Anigu shakhsiyan, waan ka xishooday inaan labadaan nin maqaaal ugu jawaabo, maxaayeelay, nin caytamaya haddaad adna la caytanto, waxba isma dhaantaan, kafadda ay saarayihiinbaan la saarnaan lahaa!

Waxaan jecelahay in nabardaa la dhayo oon la dhayalsan.

Wa billaahi towfiiq.

Mohamoud Hassan mgabiley@yahoo.ca

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 16, 2003

 »  Dirirdhabe Rag Hortii Ha Caban [Mohamed]
»  Dirirdhabe Marlabaad aan ku Saxo [Aden]
 

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD