SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 Shir Caalami ah oo Xawaaladaha ku Saabsan oo Lagu Qabtay London

Jaamac Cabdi
Dahabshiil uk
jama_a_a@hotmail.com

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

 Bangiga Adduunka iyo hay’adda dalka Ingiriiska u qaabilsan caawimada dibadda ee loo yaqaanno DFID ayaa shir caalami ah oo socday 9-10kii Oktoobar ku qabtay magaalada London. Shirkaasi waxa kasoo qayb galay wufuud ka kala socotay 58 dal, baananka lacagta, hay’ado caalami ah iyo jaamacado ku yaalla Ingiriiska iyo Mareykanka.

Ujeeddada shirku waxay ahayd in la isu keeno dalalka iyo hay’adaha deeqda bixiya, waddamada lacagta loo diro iyo baananka lacagta lasii mariyo si loo fahmo nidaamyada kale duwan ee xawaaladaha iyo sidii istiraatajiyad wada jir ah loogu sameyn habsami u sococdka lacagaha xawaaladaha.

Shirkadda Dahabshiil ayaa ahayd ta qudha ee Afrika laga marti qaadey oo warbixin dhulalka Soomaalida ku saabsan halkaasi kasoo jeedisay. Ku-xigeenka Guddoomiyaha Shirkadda, Cabdirashid Maxamed Siciid, oo ka qayb galay shirka ayaa wuxuu sheegay in shirkaddoodu ka warrantay sidii nidaamka xawaaladuhu u dhismeen, qaabka ay imika u shaqeeyaan iyo muhimadda lacagaha xawaaladdu u leeyihiin dhaqaalaha Soomaalida.

Waxyaalihii shirka laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa doorka lacagaha xawaaladuhu ka qaataan dhaqaalaha iyo horumarka dalal badan oo dunida saddexaad ka mid ah. Lacag u dhaxaysa $70 ilaa $100 Bilyan ayaa lagu qiysaasay in dadka dibadaha ka shaqeystaa ay u diraan dalalka ay ka yimaaddeen. Lacagahaasi waxay aad uga badan yihiin deeqda dalalka soo koraya la siiyo oo dhan.

Waxaa laga hadlay shuruucda dirista lacagaha lagu soo rogay intii ka dambeysay September 11, iyada oo si gaar ah loo xusay dhibaatooyinkii dhaqaale ee Soomaalida kasoo gaadhay xayiraaddii lagu soo rogay shirkaddii Al-Barakaat. Waxaa shirka laga soo jeediyey talooyin ay ka mid yihiin in shuruucda cusub ee lasoo rogay aanay noqonin kuwo waxyeela habsami u socodka xawaaladaha.

Shirkani oo ahaa kii ugu horreeyey ee beesha caalamku kaga wada hadasho lacagaha xawaaladaha waxaa la isla gartay in hay’adaha iyo dalalka deeqda bixiyaa ay ka hawl galaan sidii loo kordhin lahaa waxtarka horumarineed ee lacagahan, daraasaddooda iyo sidii loo fududeyn lahaa gudbinta lacagaha

Jaamac Cabdi
Dahabshiil uk
jama_a_a@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 15, 2003

 

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD