w w w . s o m a l i t a l k . c o m
|
SOMALITALK
- MAQAAL
|
Dirirdhabe
Marlabaad aan ku Saxo
Salaan qiimo badan kadib.
waxaan dareemay in Maxamed Xasan(dirirdhabe)uu qalad uqaatay waanadii hufnayd
oo aan usoo gudbiyay isla markaana uu ku andacooday inaan ku been abuurtay oo
waxuuna qorin aan iri waad qortay,isagoo yiri waligay qoraal aan leeyahay kuma
sheegin ururka USC.
Haddaba ma jeclayn in hadalku uu meeshaas nala gaaro,waayo aniga runtii waano
bay iga ahayd oo waxaan ku iri nin da,yar baad tahay,ee waqtigaaga uleexi xagga
waxbarashada kadibna markaad wax soo barato waayo aragnimo kugu filana aad
yeelato inshallaahu dal ka kobcay qabiil iyo qurun baad usoo shaqo
tagin.laakiin maadaama aad tiri waad iga been sheegtay oo waligay meelna kuma
xusin ururka usc,,oo aad dafirayso qoraaladaadii iyagoo cad oo waadaxa baan ku
xusuusin waliba waxbaan laharin oo sooma min guurinayo oo garnaq waxaan udayn
inta labadeena maqaal la socota.
Intaana uguda galin cadayntayda aan kuu sheegee horta anigu ma ahi dadka ku
abtirsada ururkaas,wanaag iyo xumaan baad ka sheegtayna kuma oran ee waxaan iri
lama aasaasin 1991dii,SNMna isma soomiidaamin 1991kii ee waan ku saxay oo
waxaan iri adoo afar jir ah baa la aasaasay waxaan hormuud ka ahaa Cali
wardhiiglay,SNM waxay burco iyo hargaysa soo gashay 1988kii.
Cadayntii aan dib ugu noqdee qoraal ku soo baxay jariidada *AYAAMAHA *qaybta
qoraalada aqristaha kuna taariikhaysan 10/10/03,maqaalkaasoo cinwaankiisu ahaa
"Madasha Mbagathi,Muraadka Somaliland iyo Taariikhda mahadhada ah ? marka anoo
tixgalinaya xuquuqda aad uleedahay fikradaada iyo waxaad aaminsantahay ayaan
maadaama usoo joogay wixii dhacay ayaan kusaxayay oo ku lahaa waqtigaas mahayn
ee waxay ahayd waqtigaas,teeda labaad maadaama ay xagga shurucda aduunka ay
dambi ka tahay in wax laga sheego wadan qaranimadiisa iyo maalinta uu qadariyo
ayaan ku iri 1da luulyo ma mudnayn inaad tiraahdo waa maalin madow.
Haddaan sii faahfaahiyo oo aan ku xasuusiyo erayadaadii waxaa ka mid ahaa :Horaantii
91kii ayaa ciidamadii SNM waxay si ismiidaamisa u hujuumeem Burco Hargaysa iyo
Berbera,isla sanadkii 1991 ayaa waxuu siyaad barre si degdeg ah ka soo
ambabaxay xaruntii ethiopia ee addis ababa \marka aqristow soow wax laga qoslo
ma ahan siyaad barre oo markaas gedo ku dhuumaalaysanayay qofka soo qora wali
dowlad buu ahaa oo addisababa ayuu wafti ku joogay bal ila eega qoraalkaas aan
soo xusay,anoo marlabaad ku celinaya inaan arrimaha usoo jooganay oo ayna
sheeko nagu ahayn halka adigu aad ilmo yar ahayd.
waxaa kaloo ka mid ahaa maqaalkaaga *Urukii SNM waxay ugacan haadiyaeen
jeneraal caydiid oo aan cudud meleteri lahayn waqtigaas waa 19991kii,halka ay
jariidada Jamhuuriya ay qortay markii siyaad barre laga kicinayay xamar SNM
meelna ma haysan oo waxaa u cudud sheegtay taliskii barre,marka waa su,aale
maadaama aadan usoo joogin waxaan ku iri taariikhaha dib uraac,nasiib darose
waad dhibsatay
Teeda labaad waxaad ugoodisay walaalaha maamula websitka SOMALITALK.COM.oo aad
tiri mar dambe wax kuma soo qorayo,waa yaab,arrinkaagu soo ma ahan caruurta
tiraahda: caanaha cabi maayo hadaan waxaas la isiin,haatan ma iyagaa asxaan
weyn noo sameeyay oo maalkooda iyo muruqooda noo galiyay websitka aanu kusoo
gudbisano aaraadayada mise iyagaa faaiido nagu qaba,waa su,aal utaal inta
daalacata websitka.
Mar labaad aan kusaxee qoraalkaagii udambeeyay ee cinwaankiisu ahaa *Dumarka
iyo saxaafadda *xaggee ku hilmaantay wariyadda Farxiyo Cali qaajo,mise waad ka
ruqsaysay BBCda.
Wabilaahi Towfiiq
Aden Xaaji Maxamed
adengas@hotmail.com
REER SOOL, SANAAG BARI & BUHOODLE GACMO FURAN
[Diridhaba]
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 15, 2003
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
..
FOGAANTA U DHEXAYSA
MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|
>>
Usheeg Asxaabtaada
|
|
|