Xayawaanku wuxuu la joogaa oo uusan ka agtegin cidii
dhaqaalaysata, u naxda ee ay la joogaan. Xayaawaaanka kuwooda la rabeeyey iyo
kuwa Dab joogta ahba arrintaa waa ka siman yihiin oo marka kuwa duur joogta ah
la rabeeyo oo tababar dheeraad ah la siiyo waxaa loo isticmaalaa masraxyo kala
duwan oo lacag laga sameeyo. Kuwa dadka la dhaqmaana qofkii raaca waa yaqaanaan
oo waa u hiloobaan, kamana cararaan oo way jecelyihiin. Geelu waa yaqaanaa geel
jiraha raaca waana usoo ololaa haddii uu in muddo ah waayo oo uu bidhaantiisa
arko.
Biniaadamku xayawaanka garashada oo keliya uun buu dheeryahay,
haddii uusan sida saxda ah u isticmaalina waaba ka sii hooseeyaa.
Haddii xayawaankii aan garaadka lahayn gartay inuu jeclaado
qofkii uu ka helo kuna jeclaado dhaqanka wanaagsan, la noolaanshaha faraha
badan iyo u naxariisashadaba maxaa u diiday in Soomaalidu arrintaa garato?
Maxaa ku kalifay inay duudsi iyo takoor ay walaaladood kula dhaqmaan? Maxaa u
diiday diir naxid iyo jaceyl? Ma xayawaan garaad leh baanu nahay mise mid
garaad la’?
Xayawaankuba wuxuu na jeclaaday isagoo aan nakala soocin oo
aan nagaraneyn cid aanu nahay ee maxaa u diiday Soomaalida inay iska daayaan
kala qoqobida iyo sheeka xariirta ee ay qofka ku jeclaadaan ama ku nacaan
shaqsiyadiisa, akhlaadiisa, diintiisa iyo dhaqankiisa. Sow xayawaanku managama
wacna maadaama aysan aqoon xadgudub! Waxaan filayaa in caqliga saliimka ahi uu
ina tusayo in aysan jrin wax marmarsiiyo ah oo loo heli karo takoorida faraha
badan ee dhinac walba leh ee lagula dhaqmo dadyow kala duwan oo ku nool
Soomaaliya. Dad badan baa waxay qabaan in lays cafiyo oo hadda iyo wixii ka
danbeeya xalaal laga noqdo xumihii ay awoowayaashood ku sameeyeen dadka
Midgaanka, Tumaalka, Yibirka, Jareerta, Gabooyaha, Yaxarka iwm. Laakiin waxaanu
ognahay in qof walba uu ka dhashay qabiil ka mid ah qabiilada Soomaalida oo uu
u taliyo nin Kaaba qabiil ah oo cilmi aakhiro iyo mid aduun aan shaqo ku lahayn
ee ku maamula fikirkiisa iyo wixii uu ka soo gaaray awoowayaashii (waa jiraan
kuwo Eebe xikmad ku manaystay waase yar yihiin) waxyaabaha kaliya ee lagu
tirtiri karo caadadan xun waa iyadoo GUUR TAKOORKA la joojiyo! waa arrin aad u
fudud. Laakiin waxaan xusuusinayaa dadka qaba in lays cafiyo Kaaba qabiilka iyo
qabiilada isla weyn ee Ajigu ma ogol yihiin in lays guursado oo lays dhexgalo?
Dhalinyaro farabadan oo wakhtigan joogta ayaan aaminsaneyn
takoorida walaalahood oo ku leh anigu waxba igama gelin qabiilkeyga! haddii
aysan waxba kaa gelin ood u
aragto inaad madax banaan tahay way ku goynayaane maka maarmi
kartaa?
Waxaan shaki ku jirin nina inuusan ka maarmeyn hooyadii,
aabihii, walaaladii iyo qabiilweynihiisa. Markaa haddaba anigu waxaan qabaa in
arrintu aysan xalismi karin inta aanu ku tiirsan nahay Kaaba qabiilka lagu
cararayo marka garta la gooynayo kaasoo aan cilmi sii ridan lahayn! waayo
haddii ay qabiilada soomaalidu dad aqoon leh ay ka dhigan lahaayeen madax
dhibka wadanka haystaaba intaa masoo gaareen!
MARKAA HA LAYS CAFIYO MA XUMEE SIDEE BAY AJIGU IYO DADKAY
TAKOORAAN ISUGU SOO DHAWAAN KARAAN!
Waxaan walaalayaal idiin soo bandhigayaa qiso aad iiga
yaabisay oo uu nin walaalkeen ah ii soo diray. Waxaad ogtihiin in dagaalkii
labaad ee YURUB (DUNIDA!) ay gumeystihii dadbadan oo Soomaali ah kaxeysteen si
ay ulasoo dagaalamaan. Markaa qisadani waxay ka sheekeynasaa Nin soomaali ah
iyo Xooleheeni oo dagaalka isugu yimid iyo wixii dhexmaray!
Waan ku sallaamay,
Hassan Farah Hassan
From: Hassankoonbe@aol.com
Date: Mon, 29 Sep 2003 06:05:26 EDT
Subject: ALLAYLE WAA RUNTA
To:
eediran@yahoo.com
Waa maqaal xambaarsan xaqiiq, ninkii raba in uu ka baxo
riyadana uu ka helayo waaya aragnimo iyo aqoon dheerada,
Allayle aniga waxaad ii kordhisay garasho hore aanan u haysan
in kastoo aan ahay nin qabyaalada aan jeclayn hadana qoraalkaagu wuxuu ii sii
bayaamiyay in qab yaalada somaalidu tahay ruwaayad nin waalan qoray oo aan
lahayen dhamaad kuwa metalayaana yihiin soomaali.
Waxaase cajaaib ah sida aad u sharaxday xiriirka ka dhexeeya
dadkan jilaya ruwaayadan dhererka badan iyo xoolahooda dhakada modow, dib
markaan ugu fiirsaday ama u xusuustay xoolaha soomaalida waxay leeyihiin
dabeecado badan oo kuwa dadka soomaaliyeed ah. Maalin maalmaha ka mida oo laga
joogo illaa 20 sano waxaa iiga sheekeyey sheeko Awoowgay oo dhintay Illaahay ha
u naxariistee.
Wuxuu yiri: ”aniga iyo rag aad u tira badan ayaa waxaa nala
saaray markab waxaanu ahayn ciidamadii talyaaniga, waxaan ahaa wiil yar oo aan
da’ wayneyn cid soomaali ah aniga ayaa ku jiray hurintii aan ka midka ahaa.
Siduu markabkii noola sii socday,oo hadba bad bad noogu
dhiibaysay goor ay tahay qorax dhac ayuu markabkii ku xidhay magaalo aan
waynayn oo ku taal woqooyiga ITALI, isla markii aan berriga u degnay waxaan si
deg-deg ah
u raacnay baabuur waaweyn oo ku wa ciidanka ah.
Waxay magaaloba magaalo noo dhiibtaba waxan soo gaadhnay
goobtii aan degi lahayn, waa teendhooyiin tiro badan.
Ciidan badan ayaa jooga, mar kale waxaan noqday ayuu yiri
awoowgay nin keligii ah waayo cid kaloo Soomaali ah ma joogin kaamka. 5
maalmood kadib, waxaa kaamka soo gaaray laba baabuur oo xoolo siday si deg-deg
ah ayaa baabuurtii loogu furay albaabada oo xoolihii looga soo daadiyay.
Waxaase yaab iyo ashqaraar noqotay markay xoolihii oo dhami igu soo
carareen oo afarta gees igaga soo urureen illaa iyo aan
waayeyba meel aan ka baxo, waa ay ciyayaan buu yiri awoowgay oo aamusi maayaan
midba midka kale ayuu rabaa in uu ka soo boodo yimaadana agtayda isagoon neef
kale u ogolayen in
uu galo dhexdayada. Saaxiboow awoowgay markiiba wuu fahmay
inay yihiin xoolihii Soomaaliya wuxuuna ii sheegay in ay (xayawaanku is
yaqaanaan hadba in tii wadaagta
nolol) taasi oo aan anigu u fahmay in awoowgay ujeedo dhamaan
nooluhu waa xayawaan waxayna kala yihiin dad iyo duunyo, wixii ciidan joogay
xerada way soo wada bexeen daawasho ayaa loo soo baxay iyadoo qofba wax ku
sheegay arrinkii na dhex maray aniga iyo xooleheena.
- 1. Qaar waxay yiraahdeen nin kani waa nin la hadla xoolaha
- 2. Qaarna waxay yiraaheen maahe waa sheekhii xoolaha
- 3. Qaarna malaha isagaaba ah xayawaan
- 4. Qaarna waa shaydaan
- 5. Qaarna waa macallin..
Aniga iyo xoolihii sidii naloo kala saari lahaa waxay keentay
in uu dagaal dhex maro ciidankii iyo xoolihii soomaalida. Sheekada waxaan ku
xusuustay qoraalkaaga iyo waaya aragnimada aad u leedahay dadkaaga somaaliyeed,
sidoo kale Saxiib waxaan jeclahay in aan kuu mahad celiyo
waayo qofka caqliga wanaagsan aad ayuu u caawin karaa
soomaalida maanta waayo dadkeenu waa jaahiliin Aqoontu
way ku yar tahay waa in wax la baraa wax loo sheega,oo
loo dul qaataa. Mana jiro qof dhashay isagoo qalad
samaynaya amaba ku sameeyey caloosha hooyadiise qofku markuu koro qalad wuu
sameeyaa in kastoo soomaalidu waxay samaynayso aan la orankarin waa qalad
keliya waayo waa xad dhaaf, waa wax caqliga ka weyn toodu. Hadana anigu waxaan
ku ad kaysanayaa waxay u samaynayaan falalkan waa jaahilnimo aqoon la’aan.
Walaal waxaa tihiin aqoonyahanada soomaali maanta wax u
bartay ee caawiya si awlaada dambe u noqoto kuwo aan is dilin,is caayin,is
ciqaabin,is ciribtirin,is cadaadin.
waxaan kaloo xusaya sidaad u sifaysay qabyaalada soomaalida
markaa tiri waa abtirsiin dheer oon laheyn meel ay gasho,
dadka kalena waa 4 magac se leh meel ay galaan
waa khayaali qabyaalada soomaalidu, dadkan waxay u baahan yihiin
in cawaanimada laga saaro, mugdiga ay ku jiraan laga saaro, waxay ila tahay
waad garanaysaa qof xanuunsanayaa wuxuu u baahan yahay
waa dawo, waa dabiib, waxaana dabiibi kara wax garadka, Saaxiib qoraaladaada
waan akhriyaa waana dawo Soomaali u baahantahay.
United kingdam
Hassan,
C/Rahman Eelay
eediran@yahoo.com
QORAALADII HORE EE EELAY