Waayeel wiilkiisa la dardaarmayey baa waxaa laga sheegay inuu
yiri 'maandhow rag hortii ha caban.' Duceqabaha Dirirdhabe oo ka jawaabaya
maqaalkii walaalkeen Aden Mohamed uu ku dareensiiyey runta iyo xaqiiqada iyo
sida akhristayaashu u arkaan hadalladiisa is-nasaqaya ayaa hal mar wuxuu isku
qasay qaylo iyo cabaad.
Wuxuu yiri "
weerarka uu qoraagu igu sameeyey (personal attack) waa mid u taalla bogga
Somalitalk, oo aan la yaabay sida tafatirahu usoo gudbiyey ama u ogolaaday
qoraalkaasi, haddii taasi sii socotana waxaan ballan ku qaadaya in aanu qoraal
aan leeyahay oo danbe ku soo bixi doonin shabakadda somalitalk."
Dirirdhabe waxaa muuqata inuusan aqoon u lahayn macnaha
dhabta ah ee saxaafaddu xambaarsan tahay iyo waxa editorial aspect-ga la
yiraahdo. Tifatiruhu xaq uma laha haddii la raaco shuruucda saxaafadda inuu
qoraal ra'yi u ah akhristihiisa uu siduu doono ka yeelo, qaybina ka tago,
qaybina soo saaro, waa siduu wiilku jeclaaye.
Ducaqabe Dirirdhabe ma oga in Somalitalk aysan isaga u
baahnayn ee uu isagu u baahan yahay Somalitalk waayo meel uu wararkiisa ku
daabacdo wuu u baahan yahay, Somalitalk waa inaysan ka aqbalin hanjabaaddiisaan
is maqiiqinta ah. Qoraallada yarku qoro ma lahan wax ka fiirsi ah, waana uun
mar ku soo dhac. Sababtoo ah marka qoraal aad qorayso waa inaad maanka ku
haysaa in qoraalkaaga uu aqrinaayo nin kaa aqoon badan iyo nin kaa aqoon yar
intaba.
Taladu sideedaba adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola, sidaas
darteed qaado oo u dheg raarici taladii adeerkaa Aden Maxamed ku siiyey ee
ahayd "halka aad ka soo qorayso qoraalada xumaanta iyo necaybaka xambaarsan
fadlan home workaaga ka shaqee,oo iskuulkaaga iska dhigo."
Ka dhaaf walaalaha wada dhashay fadqalalada aad ka dhex
abuurayso. Ka jooji dabka holcaaya ee aad baasiinka ku sii shubayso. Qabiil ku
hadalka iyo qurunka xun ee qabyaaladda meel isaga aas, illeyn nin yar baa tahay
oo mustaqbal leh, mustaqbalkaaguna qabiil iyo goboleysi midna kuma dhex jiree.
Muqdisho iyo Garoowe waxaad ku sifeysay meel lama-galaan ah,
waxaase in la is weydiiyo mudan maxay ku kala duwan yihiin magaalooyinka
Soomaalidu maanta deggan tahay dhinac walbaba. Ma qaar baa Tel Aviv ah, qaarna
ma Quddus baa, qaarna ma Kashmir baa? Su'aashaas jawaabteeda adigaan kuu daayey.
Dirirdhabe waxaad ku andacootaa badanaa suxufi baan ahay,
haddana gobollada Sool iyo Sanaag waxaad ula hadlaysaa sidii nin xubin ka ah
guurtida Somaliland oo waxaad leedahay "walaalayaashada Sool iyo Sanaag Beriyo
waxaanu idinleenahay Gacmo furan kusoo dhawaada, dalkiina kaalaya oo maamula la
shaqeeya dadkiina, umadeena danteeda dhinac uga soo wada jeesta. waxaanan
ilaahay ka beryaya in uu sida xaqqa ah ilaahay inna waafajiyo." Bal is caddee
adigu waxaad tahay,
Ducaqabe hadalladaada is waafaji oo yeysan kelmadaha iyo
sentence-yadu isaga kaa dhex qaldanaan oo aysan kaa hoos bixin. Analenna
Tonelli yaa ka yiqiinnay Pakistaan? Haddii aqalka aad kirada ugu jirto laga
yiqiinnay macnaheedu ma ahan in guud ahaan Karachi, Islamabad iyo Lahore dadka
jooga wada yaqiinneen.
Waxa Hargeysa yaalla waa ognahayoo waa beeshii Cigaal ka
geeriyooday oo awood dhaqaale ku maquuninaysa inta yar ee baa ba'ansan,
adduunkuna taasuu ka war hayaa, waana tan hor taagan in loo aqoonsado qabiil
goob xaartay. Ku hadalkaaga laab-la-kaca iyo fudeydka ah ayaa keenay niaad ku
tilmaanto 1-da July maalin madow, taasoo amakaag ku wada ridday magac Soomaali
inta ku abtirsata, welina taasaa dhegahayaga ka sii guuxaysa.
Maxamed Axmed Maxamuud
London, UK
yariisow65@yahoo.co.uk