SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Sudan: al-Turabi oo xabsiga laga soo daayey

Hogaamiyaha Islaamiga ee Sudan, Hassan al-Turabi oo mar ay siyaasadda saaxiibo ku ahaan jireen Madaxweyne al-Bashir ayaa xabsiga laga soo daayey.

Soo deynta ay dowladda Sudan haatan ay soo deysey siyaasiga weyn Hassan al-Turabi waa tallabo muhiim ah oo dowladda Sudan ay qaadey.

Soo deynta al-Turabi waxa ay u muuqataa iney tahay gilgilaad ku timid dowlad looga bartey kali talisnimo oo caddadis weyn uu ku saaran yahay iney isbedello ay sameyso.

al-Turaabe oo tabanaan sano laf-dhabar u ahaa siyaasadda Sudan, markii la soo daayey waxa Khartum ku soo dhaweeyey dad aad ugu reyaaqsan soo deyntiisa oo u sacab tumayey.

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Hassan Al-Turabi oo leh idiyaloojiya Islaami oo xag-jira, laba sanadood ayuu xabsiga ku soo qaatey, ka dib markii uu lunshey awoodiisi siyaasadeed oo al -Bashir uu ka gacan sareeyey.

Haatan dowladda Sudan ee al-Bashir ayaa cafisey Hassan al-Turabi, xisbigiisa Popular Congress Party-na xayiraaddii ayaa laga qaadey.

Tallaabadani sida iska cad waxa loogu talagaley in adduunka lagu maqashiiyo in Sudan ay isbadeshey. Sudan waxa cadaadis weyn oo lagagag dalbanayo iney joojiso xarigyada Siyaasadeed kaga imaanayaa Mareykanka iyo dowlado kale.

Wakhtiga lala beegsadey siidaynta al-Turaabi waa mid muhimad gaar ah leh, haatan waxa ay dowladda Sudan aya iskudiyaarineysaa iney saxiixdo heshiis guud oo ay la galeyso mucaaradka koonfurta Sudan oo la doonayo in lagu soo af-jaro dagaalka sokeeyey ee Sudan ee socdey labaatanka sano.

Waxana jira walaac ay dowladda Khartum ka qabto iney taageero caalamiya ka heli weyso miiska wadaxaajoodka.

Waxana muuqata ineysan aad u kala caddeyn doorka ay siyaasadda maxaliga ka cayaarayaan arimahaas oo dhan.

Turabi, waa shakhsi weli cabsi galin kara oo khoof ku haya dowladda Islaamiga ee al-Bashir, soo deyntiisuna waa tallaabo khatarteeda leh.

Laakin dowlada Sudan waxa ay qaadey tallaabooyin ay ku hormarineyso wax ka qabadka geeddi socodka nabdda Sudan, iyadoo mucaaradiinta muxaafidka ah ee sida al-Turabi oo kalena aad mooddo in gees lagu riixey, calala aqal wakhtiga haatan la joogo.

turaabi aya mar ahaa ninka isleh awooda ugusaraysa sudan,lakiin markii danbe wuxuu xidhidh lasamaystay hogaamiyaha mucaradka ah ee spla john garang,ardayda iyo dadka taageersan sh/xasan al-turaabi ayaa aad ubooqday halka uudegnyahay turaabi

diryaariye:c/risaaq adan dalamr
dalmar203@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 14, 2003

Dayaxgacmeed Cusub oo Loo Diray Hawada
Dayaxgacmeedkan oo ay Yurub hawada u direen... Guji

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD