SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - TORONTO
Soomaalida Toronto oo Musharax Daahir Taageertay

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

Galabnimadii Axadda bisha October 12 ka ahayd Soomaali ka badan 200 oo ruux ayaa ku qabtay xaflad lagu taageerayey Musharax Maxamed Daahir Xasan oo u tartamaya duqa degaanka waqooyiga Etobicoke uga qayb galaya golaha dawladda hoose ee Magaala weynta Toronto, ee dhacaysa 10 November 2003. Waa jago xambaarsan xil weyn oo leh miisaan siyaasadeed, magac iyo fursad wax loogu qaban karo bulshada ku nool degaanka Soomaalidu ku badan yihiin.

Ujeeddada shirka loo qabtay, waxay ahayd in la gaaro labo arrimood oo muhiim ah, labadaa oo kala ahaa:

1. In Soomaalida Toronto tusto Musharrax Maxammed Daahir Xasan in ay si niyad sami iyo daacad ku dheehan tahay u garab istaagayaan, gacanna u siinayaan, raallina uga yihiin in uu tartantka ku galo kor-u-qaadista magaca iyo sharafta ummadda Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan magaca reer Kanada, ka sii gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed ee reer Toronto. Arrintaa waxaa ka hadlay waayeel, dhallin iyo culumo. Dhammaan Musharraxa si hufan ayey u garab istaageen, u dhiirragaliyeen, uguna duceeyeen.

2. In musharraxa loo aruuriyo dhaqaale uu tartanka ku galo. Dhaqaalahaasna lagu daboolo, kharashka tirada badan ee ku baxaya xafiiska musharraxa, abaabulka iyo kicinta Soomaalida, kulamada lala kulmayo ummadaha kale ee degaanka Soomalida la wadaaga, dicaayadda (daabacaadda looxaanta iyo qoraallada la qaybinayo) iwl. Arrinta dhaqaale aruurinta Shiikh Adan Maxammed Ciise oo habsami u hagayey hawshaas Ilaahay u sahaley, lacagtuu rabey inuu qabto iyo kii suura galka ula ekaa dadka goobtaa joogey labadaba, dhaqaale ka badan ayaa muddo gaaban, si deeqsinnimo iyo hagar la’aani ku jirto, goobtii loogu aruuriyey. Dad badan ayaa baxshay kiiba $1000, qaarna waa ka badiyeen. Mahadi ha gaarto dhammaan walaalihii taageeradaa, qaddar kasta ha le’ekaatee, gacan ka geystey, oo ay ugu horreeyaan gabdhaha Soomaaliyeed ee reer Toronto.

Waxaa kale oo xusid mudan, degaanka Musharrax Maxammed Daahir ka tartamayo oo ay ka mid tahay xaafadda caanka ah ee Dixon, in uu ka soo galay doorashadii barlamaanka gobalka Ontario ee dhacaday 2 October 2003, nin la yiraahdo Dr. Shafiq Qaddiri, oo noqday ninkii ugu horreeyey ee Muslin ah oo gala barlamaan Kanada leedahay, ama ha noqdo mid gobal ama mid Federal. Ilaahii qaaddir ahaa awooddiisa ka sokoy, libintaa taariikhda gashay waxaa soo hooyey Soomaalida Toronto ee sida hagar la’aanta ah ugu soo gurmatey Dactoorka u habar wacday.

Musharax Maxammed Daahir 10 sano in ka badan ayuu bulshada Soomaaliyeed ee Reer Toronto u adeegayey. Waa soosaaraha Radio-ga Codka Beesha Soomaalida Toronto iyo TV-ga Muuqaalka Soomaalida.

Su’aal, faallo wax kastoo ku saabsan qoraalkan, la xariir qoraaga:

Burhan Jama burhanj@lycos.com

Xafiiska doorasha Daahir Mohamed

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 13, 2003

Dayaxgacmeed Cusub oo Loo Diray Hawada
Dayaxgacmeedkan oo ay Yurub hawada u direen... Guji

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD