SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Codkarnimo Qabiil ma aha

Cabdirisaaq Xuxeen
abdirisaqhusen@hotmail.com

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Dadka u ooman inay siyaasadda Soomaaliya hoggaanka u qabtaan badankoodu markay hadlayaan waxaa adag in la fahmo ujeeddadooda. Qof markii uu howl weyn oo qaran in uu qabto damcayo waxaa laga doonayaa in ay dadkiisu fahmi karayaan marka uu danahooda ka hadlayo.

Kuwii dowladdii Alle how naxariistee Maxamed Siyaad ku afbatartay markii su’aal fudud la weydiiyo waxay moodayaan in khudbad dheer laga sugayo. Sidii hanuunintii bay qaylo tannaago ah iyo hadal aan dhammaanayn ku harraadaan, laakiinse waxaaba dhici karta in ereyada ay ku hadlayaan iyo sida ay hadalka isugu xijinayaan ay qaarkood dhaammaan sida ay u hadlaan qaar ay markii hore shaqadoodu ahayd makhaayad ama baabuur oo siyaasadda ku bilaabay in ay isbaarooyin ku gudbaan waddooyinka ay shacabka lugaynaya iyo baabuurtu maraan.

Afgaroocnimada waxay kaga dareen in uusan qaarkood markii wax la weydiinayo dhuuxi karin weydiinta lagu wajahay waxa ay xanbaarsan tahay. Taas waxaa ka sii daran in aysan badankoodu labo erey toos isugu xijin karin, oo ay kalmad kasta dabadhigaan “ee” ama “yacni”!

Tusaale lagu farxo waxaa ah haddii la weydiiyo mid isbaarooyin dhigtay magaalo weyn dhexdeed weydiintaan: “Sidee lagu soo celin karaa ammaankii magaalada, maxaase qorshe ah oo aad arrintaas ugu talojirtaan?”. Wuxuu ruuxaas isbaarooyinka lihi ku jawaabayaa: “Annagu…. ee waxaannu… yacni nahay rag… ee siyaasiyiin ah, oo… maxay ahayto… ee siyaasadda iyo…yacni…. magaalada… ee joogey. Way jiraan rag yacni…. ee diiddan… ee… maxaan ku iraahdaa… yacni runta loo.. ee baahan yahay.. ee diiddan. Waannu yacni…. samaynay oo… ee annaga ayaa…. hawsha… yacni gelayna, siyaasadduna… maxaan ku iraahdaa beesha caalamka… ee qodobbo ayaannu…. yacni diidney… Dalalka… ee dunida… yacni hay’ado… maxaan ku iraahdaa caalami ah… yacni cawinada iyo haddii Alle kuu roon yahay deeqda”.

Dadka isbaarooyinka leh oo uu Rabbi sidaas afka iyo maskaxda uga malaasay aad bay u badan yihiin, oo waxay u tarmaan sida digaagga, waana dad uu hadalkoodu sharqan khali ah yahay, oo aan laftoodu fahmayn waxa ay sheegayaan.

Af soomaaliga aan qornayn oo idaacadaha laga soo daayo wuxuu badankiisu u dillaacay wax aan dhisnayn, waxaase ummadda maanta ugu afgaroocan kuwa mooryaanta iyo burcadda dalka kharribtay horbooda, oo uu mid kastaa maskaxdiisa ku qufuley in uu madaxweyne u qalmo. Waxaa taas ka sii yaab badan sida ay u qaab iyo dhismo xun yihiin qoraallada internetka lagu baahiyo iyo kuwa buugaagta af soomaaliga lagu soo bandhigo badankooda ku daabacani.

Aragti aniga ila qosol badan oo ay caadaysteen dadka wax ku tebiya bogagga internetku ayaan sheegaynaa. Fakarkaas yaabka badan oo hawada la isu xuliyaa wuxuu yahay in qofkii afka uu wax ku qoraa tayo iyo qaab xoogaa roon uu leeyahay loo maleeyo in ay xigto yihiin midka ugu codkarsan oo ugu hadal cad ugmoggaamiyeyaasha Soomaaliya isku canaadaya.

Waa qiyaas ay dad badani xilligaan wax ku cabbiraan, laakiin aad uga durugsan garasha iyo cilmiga labadaba. Aragtidaasi waxay la mid tahay in loo maleeyo in ay Magool eeddo u tahay Tubeec, oo xagga codka iyo xagga wada dhalashada la isku xiro. Haddii nin gabay badan la arko ma waxaa loo malaynayaa in uu Sayidkii ama Maxamed Gacal Xaayow edeer u yahay?! Nin kasta oo buuran oo gaaban ma madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayey ilmo adeer yihiin?! Sow lama oga in uu Maxamed Siyaad ahaa nin codkar ah oo luggooyada iyo dhagarta belaayo ku ahaa, isla markaas uu la dhashay Cabdiraxmaan Jaamac Barre oo raggiisa dhexda kaga jira!

Daliilahaas koobani waxay kaaga digayaan in qofkii xagga qoraalka hadal qeexan aad u malaysid in uu adeer u yahay oday aad idaacadaha ka maqashay asaga oo xubnaha hadalka xeerkooda marinaya.

Cabdirisaaq Xuxeen

abdirisaqhusen@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 13, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

BOGGA: MAQAALADA DADWEYNAHA... GUJI

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD