SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - BOOSAASO
Madaxweynaha DGPL col. C/lahi Yusuf oo Shahaado Qalin jabis ah Gudoonsiiyay arday Gabdho ah oo kabaxay Machadka Cafimadka

Cawaale Jaamac Salaad | Somalitalk | Bosaso somalia
jamnaf87@hotmail.com
 | October 12, 2003

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......


waxaa xaflad balaaran lagu qabtay machadka kalkaaliyaasha caafimaadka xafladaaas oo lagugudoonsiinayay aradaydii ka qalan jabisay machadka waxaana gudoonsiiayay shahaadooyinka madaxwaynaha dowlada goboleedka puntland md.c/laahi yuusuf axmed, xafladdaas oo ay ka sooqayb galeen madaxada dowlada PL, waalidiinta ,hay'adaha, iyo ururada Bulshada.


Ugu horeentii xaflada waxaa lagu furtay aayado qur'aan ah, waxaana ku xigay warbixin ku saabsan taariikhada macahdaka oo uu soo jeediyay Gudoomiyaha machadka caafimaadka Prof.C/rasaq Xasan Xuseen, waxana oo sheegay in ay ardaydani yihiin aradaydii ugu horaysay ee ka qalanjabisay machadka caafimaadka waxqabadkoodana la soo tijaabiyey oo isbtaalka Boosaaso ay wax badan ka shaqeeyeen hadana diyaar u yihiin u adeega bulshadooda iyo in ay jaamacado galaanba.

Waxa Prof.C/rasaq mahadcelin u soo jeediyay Madaxwaynaha dowlada gobaleedka PL C/laahi yuusuf iyo wafdi uu hugaaminayo, shaahada bixinta daraadeed u yimid magaalada boosaso.

Kaddib waxaa ka hadlay goobta wasiirka caafimdaadka DGPL Siciid caduur halkaas oo mahad celin u soo jeediyay ardayday iyo maamulka machadaka, waxana uu kahadlay xaalada caafimaadka PL. Waxana uu ku soo dhaweeyay wasiirku hadlka madaxwaynaha DGPL Md.C/laahi yuusuf oo ugu horeentii u soo jeediyay mahadnaq balaaran maamulka machda Gaar ahaan Pro.C/rasaaq, kadib waxa oo ku dhiirigagaliyay ardayda in ay waxabartaan aysana waxbrashada ka harin. waxana uu balanqaaday in ay ardaydayda macadaka ay ka wada shaqeenayaaan dhamaan dagmooyinka PL waxbarsho jaamacadeedna looraadinayo. ugu danbeentii waxaa xaflada soo xiray Madaxwaynaha dowlada goboleedka PL. Waxayna ku dhamaatay jawi wanaagsan iyo xaalad aad u qurxoon

cawaale jaamac salaad somalitalk bosaso somalia
jamnaf87@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 12, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD