Doorka uu Waalidku kuleeyahay Barbaarinta Ubadka.

Culimada, cuqaasha, aqoonyahannada iyo
suugaanyahannada ka hadlay madasha: Sawirka SomaliTalk Oct 11, 2003 |
Barnaamij aad uhabaysan oo si heer sare loo soo
agaasimay ayaa caawa oo bishu tahay Okt,11 uu ka dhacay masjidka Imam Shaafici
ee gobolka Minnesota, magaalada Minneapolis (USA).
Barnaamijkan waxaa soo qabanqaaibyey
masuuliyiinta masjika, waxaana ka hadlay culimo iyo aqoonyaho iyo wax garad
kale oo ku nool Minneapolis, Minnesota.
Ugu horayn waxaa aayado quraana ku furay
barnaamijka wiil aad uda’yar oo la yiraahdo CabdiRashiid Maxamed. Waxaa kadib
ka hadlay Maxamed Aadan (Guhaad) oo sheegay
qaabka uu barnaamijku usocon doono.
Waajibaadka Waalidka Kasaaran Korinta iyo
Tarbiyadda Carruurta: [Sheekh C/raxmaan
Sheekh Cumar]
Barnaamika waxaa ka qaybgalay Sheekh C/raxmaan
Sheekh Cumar oo ka hadlay tarbiyadda ubadka iyo cidda masuuliyadaas iska leh oo
uu sheikh C/raxmaan ku sheegay marka hore in hawshaas tarabiyada ay utaal
waalidka, kaddib macallinka ubadka wax udhiga ama dugsi quraan ha udhigo ama
iskuulada kale ha udhigee, sidoo kale waxaa tarbiyada wax ku leh qaraabada ,asxaabta
iyo deriska inkastoo dalalkan aan usoo qaxnay ay adag tahay in deris iyo
macallin ama asxaab ay qayb ka qaataan tarabiyada.
Waxaa waalidka looga baahan yahay in uu la
socdo dhaqdhaqaaqa caruurtiisa, waa in waalidku uu ka war qabaa waxbarshada
caruurta, akhlaaqada caruurta, saaxiibada caruurtiisa xitaa waa inuu yaqaanaa,
caruurtiisu yay saaxiib la yihiin.
Sida kaliya aad saaxiib unoqon kartaan adiga
iyo ubadkaaga inay tahay in waaliku xiriir fiican la leeyahay ubadkiisa.
Waalidku waa inuusan kumashquulin oo qura inuu koriyo ubadka oo dhar iyo cunto
uun uu udoono caruurta, waxaa kale oo laga doonayaa waalidka in culays uu saaro
ka warqabka ubadka haday noqon lahayd iskuulka, goobaha lagu ciyaaro iyo
asxaabta ubadkiisaba.
"Waxaa dhici karta in qaar
waalid ah ay yiraahdaan: aniga rooti miyaan u raadiyaa mise waan
tarbiyeeyaa carruurta, waxaa taas jawaab u ah labada waa lagaa rabaa (rooti
iyo tarbiyad)"
Sheekh C/Raxmaan |
Waxaa hubaal ah hadii waalidku uu taas ku
dadaalo in ubadkaas toosintiisa illaah kula garab galayo. Sidoo kale ubadka waa
inaan loo ogolaan inay wakhti dheer galiyaan fiirsashada TV, waa in wakhti uu
leeyahay ubadku uu marna ku fiirsado marka uu wax ku barto xilina uu ka qayb
qaato shaqada guriga ka socota oo ubadku uu waalidkii kaalmeeyo. Sheeekh C/raxmaan
oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri haddaan Soomaali nahay waxaa suurowda in
waaliku uusan wax xil ah iskaba saarin inuu ka warqabo iskuulka ubadku dhigto,
inuusan la socon meesha uu aado ubadkiisu, inuusan aqoon saaxiibka ubadka,
inuusan la socon manhajka loo dhigo ubadkiisa. Ugu dambayn wuxuu ku soo
gunaanaday in looga baahan yahay waalidiinta Soomaaliyeed in ay kudadaalaan ka
warqabka ubadka si loo badbaadiyo ubadkeena Soomaaliyeed.
Sheekh C/Raxmaan wuxuu tusaaleeyey sida ay u
fududahay in ubadka lagu tarbiyeeyo Soomaaliya taas oo carruurtaada ay wixii
xumaan ah ka celinayaan deriskaaga, macallimiinta iyo qofkii arkaaba, laakiin
dhulkaan aan usoo guurey taas waa ka duwan yihiin, sidaas daraadeed waa in
waalidku had iyo jeer la socdaa ubadkiisa. Waxana uu tilmaamay in ay dhacdo in
waalidku ay carruurta u raraan xaafad cusub ayagoo aan ka fiirsan in halka ay u
guurayaan ay leedahay iskuul ku haboon carruurtooda, taas oo weliba ay
carruurtii la kulmi doonaan deris cusub, deegaan cusub iyo saaxiibo cusub taas
oo keeneysa in wax barashadoodii hoos u dhacdo.
Micnaha Dugsi ama Iskuul: [Muxiyadiin Cali]
Muxyadiin Cali: waxa uu xusay in ay
haboontahay in ilmuhu la joogo hooyadiis ilaa ugu yaraan 4 sano jir, isla
markaasna waxaa haboon in aan ilmaha labarin luqad ajnabi ah ilaa ay
gaarayaan 12 sano. |
Waxaa hadalkii qaatay Muxiyadiin Cali oo ka
hadlay micnaha iskuul, maxaa lagu bartaa?.
Muxyidiin waxa uu faalo dheer ka bixiyey sida
ay muhiimka utahay in waalidku ka warqabo waxyaabaha lagu dhigo iskuulada,
maadooyinka uu ubadkaagu qaato, sidee kuyahay waxbarshada ubadkaagu. Hadaba waa
in waalidku ay iskuulka aad ugu xiraadaan oo xiriirka macalimiinta iyo maamulka
iskuulka ay aad isaga warqabaan.
Sidoo kale waalidku waa inay ogaadaan in
waalidiintu ay awood leeyihiin oo maadooyinka ay san rabin ama aan faa’iidada
ulahayn ubadkooda ay ka joojin karaan, in macalinkay u’arkaan inuusan akhlaaq
ahaan ama tayo macalin ahaan uusan wanaagsnayn inay xaq uleeyihiin waalidku
inay codsan karaan in macalinkaas la bedelo, waase goorma .Waa marka waaliku ay
samaytaan gudi waalidiin iyagoo isku xiran.
Muxiyadiin wuxuu kula taliyey waalidiinta
Soomaaliyeed in ay ubadkooda geystaan iskuulada charter iskuulka la yiraahdo,
iskuuladaasoo ka tayo fiican kuwa la yiraahdo Public iskuulka. Haddii aydin
charter school awoodin carruurtiin ageysta iskuulada leh barnaamijka loo yaqaan
"Bilingual" oo ay Soomaali wax ka dhigaan.
Iskuulku waa goobta ilmaha lagu baro dhaqanka
iyo diinta, wixii la doono halaguu sheego laakiin dugsiyadu waa meesha
carruurta lagu baro dhaqanka ayuu yiri Muxyadiin. Waxana uu tusaale u soo
qaatay Oday Soomaaliyeed oo ka fogaadey xaafadaha ay Soomaalidu deggan tahay
sidaas darteedna ay carruurtiisii dhex galeen dhaqan kale, maalintii dambena ay
carruurtiisii lasoo bexeen dhaqan iyo fikrado qalaad.
Arini Nagu Dhacaratey: [Cismaan Ducaale]
Waxaa misna lagu soo dhaweeyey gabayaagii
caanka ahaa ee reer Minnesota ay wada yaqaaneen Cismaan Ducaale, runtii aad baa
loogu nastay gabaygii Cismaan Ducaale mararka qaarna waxaad arkaysay inta badan
dadkii meesha isug yimid oo uu dhiigooda dhaqaajiyey gabayaa Cismaan oo
dhafoorka haysta.
Aad ayaa dhagta loogu wada raaricinayey
gabaygaa Cismaan Ducaale. Cismaan wuxuu gabaygiisii ku bilaabay erayadan:
Dhawaaq iyo qaylo culus......... anigu
dhiilaansidaa
Soomaalay dhego la'eey......... midaan hoos dhuganineen
Bulshadan wada dhoohaneey... intaad dhaaha furataan
Dhanbaalkan ufiirsataan... halkaan dhacadiidno iyo
Dabadeed dhinacyada bal eeg.... ma saasaan dhawranaa
Miyaan ruux dhiidhiyiyo.... qof dhiig lihi inaku harin
Qurbahaan dhalan dhodk aah.. iyo dhuyaalka
usoo maree
Colaada ka dhuunta oo.. dhalaanka wax soo bartiyo
Dhaqaale ka keen lahayd... maxaa belo noo dhinayd
Waxaan dhegeheenu maqal... maxaa ceeb nagaga dhacay
Waa taa nagu dhacarateen... kuwada dhaandhaame
Dadkii dhabanada hayee... miyaan ruux dhiidhiyiyo
qof dhiig lihi inagu harin..
Humaag dhanteed ah iyo... dhalaalkii lagu
hungow
Dheduu roobkii noqdoo... ceelkaan dhaanka uraree
kasoo dhur biyaha lahayn... dhan qalan baa loogu go'ay
Dhul iyo ciid baan lahayn.. dhir iyo doog baan lahayn
Badweyn dheer baan lahayn... dhaqaale aduunyo iyo
DHismiyo beeraan lahayn... qaxooti dhuyaal ah iyo
Gacmaha inan dhiibsano.. baryad dhuuniga cuno
Dhigeen nagu wiirsadaan... khalqigu nagu dhaygagaan
Dhuunyaalaa noo bedeley.. arini nagu dhacaratee
Miyaan ruux dhiidhiyiyo.... qof dhiig lihi inaku harin
...Gabaygaas oo dheeraa tududcsiisa u dambaysa
waxay ahayd sidan:
Qurbaa dhallin baa lanimi... dhalaan ubadaan
lanimi
badhkood waakuba dhasheen.. hadii ay naga dhumaan
ifkana waa dhaxal la'aan.. dhegxumo aan naga hadhayn
Dharaarta qiyaamahana... cadaabtoo lagu dhacoo
inagu dhacadiidsanee... waxa jira dhalangedoon
naraha iyo dhaawacyada.. hadaynaan wadjir dhayin
Hooyadu dhakhtar bay ahayd... reerkiyo qoyskii dhisnaa
haween dhaqankii kunoqon... dhigtiyo udub noo ahaa
Wallee qayla dhaanta timi... bulshooy hada waa dhayale
Waxaa xigi dhiilo weyn... midii lagu dhiman lahaa
Gabayga oo dhamaystiran oo qoraal ah waxaan
isku diyi doonaa in aan mustqabalka dhow soo daabaci doono insha Allah.
Waa imisa Tarmuuskaas?: [Maxamuud Jaamac (Tima
jilic)]
Waxaa hadalkii hadan qaatay macalin ka mida
macalimiinta dugsiyada sare ee gobolka wax ka dhiga waa bare Maxamuud Jaamac (Tima
jilic) ugu horayn wuxuu dadkii barnaamijka ka soo qayb galay uu weydiiyey
su’aal xisaaba, waxayna su’aashaas oo aad loola yaabay oo barrahaas uu
weydiiyey dadka waa tan.
Waxaanu ahayn sadex qof, waxaan tagnay dukaan,
waxaa joogay inan yar. Waxaan weydiinay wiilow waa imisa tarmuuskaas, wuxuu
yiri waa sodon. Sidii baan ku bixinay sodonkii oo tarmuuskiina ku soo qaadanay.
Markaan ka soo baxnay dukaankii ayaa waxaa dukaankii soo galay odaygii lahaa
dukaanka, wiilkiisii buu weydiiyey aabe nimankii sii baxayey maxay gateen.
Wuxuu yiri aabe tarmuus bay gateen, oo meeqaad ka siisay. Wuxuu wiilkii ku
warceliyey aabe sodon, odaygii baa yiri maandhow tarmuusku waa labaatan iyo
shane uceli nimanka shan oo ka daba gee.
"Ubadka Soomaaliyeed guud ahaan weli
waa kuwo dhego nugul oo dadka texgeliya oo akhlaaq wanaagsan, laakiin ma
haystaan waalid kawarqaba".
Maxamuud Jaamac (Tima
jilic) |
Wiilkii baa ragii sadexda ahaa ka daba yimi oo
inta laba shillin lacagtii qarsaday oo nimankii sadexda ahaa kala siiyey kiiba
hal shillin.
Hadaba hadii ninkiiba uu markii hore bixiyey
toban shillin, imisaa ka maqan qofkiiba?.
Su’aashaas akhristayaashana jawaabtooda waa
laga sugayaa. Timajilic wuxuu aad ugu dheeraaday sida looga baahan yahay in
waalidku uu kudadaalo sidii uu uga gargaari lahaa casharada la soo siiyo ee la
rabo in guriga lagala soo shaqeeyo, isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu
yiri waxaa ubadka Soomaaliyeed dhib ka haystaa ka caawinta casharada guryaha
looga baahan yahay inay uga soo shaqeeyaan, sidoo kale ubadka Soomaaliyeed waxaa
aad ugu yar oo loo baahan yahay in wax laga qabto ayuu yiri barruhu in ubadka
Soomaaliyeed ay aqoontoodu aad uliidato, akhlaaqdoodu ay ka sii
darayso, diintoodu inay sii daciifayso, wuxuu waalidka kula taliyey in ubadka wax
weyn laga qabto oo ubadka aan la dayicin. Timijilic wuxuu yiri ubadka
Soomaaliyeed hadii lagu dadaalo waxaan qabaa inay ka horayn lahaayeen caruurta
kale, waa hadii ay helaan kaalmo guriga ah iyo wacyi galin joogta ah oo waalidku
la daba taagan yihiin. Bare timajilic wuxuu aad u guubaabiyey waalidka
Soomaaliyeed inaysan ku fiicnayn xiriirka macalimiinta ee ay meesha iska
qaadaan oo ubadka guryaha ka kaalmeeyeen oo waalidka aqoontiisu hoosayso ha geeyo ubadkiisa meelo lagu caawiyo ubadkiisa oo lagala
shaqeeyo casharada guriga loogu soo diro.
Tima jilic oo aad uga qoslinayey waalidiintii
masjidka isugu yimid habeenkaas ayaad moodaa in aad loola dhacsanaa
mawduucayadii uu ka hadlayey oo aad utaabanayey waalidiinta iyo ubadkaba.
Tima jilic waxana uu tusaale u soo qaatay
arday lagu qiyaasay 120 oo ay ahayd waalidkood in ay yimaadaan habeenkii
kulanka macallimiinta iyo waalidka in ay dugsiga yimaadeen laba waalid oo qura.
Baraarujinta Waalidka: [Saciid Saalax]
Waxaaa isna hadalkii qaatay barre kale oo
Soomaaliyeed ahna abwaan caana waa Saciid Saalax Axmed. Saciid wuxuu hadalkiisa
ku bilaabay salaanta islaamka oo uu afsoomaaliyeeyey, taasoo dad aan horay ugu
aqoon afsoomaali ahaan ama ubad badan oo Soomaaliyeed oo salaanta iskaba daayey
aan xitaa afkaba ku fiicnayn ama sii iloobaya ayaa aad ufiirinayey markii uu
barre Saciid Saalax afSoomaaliga ku lahaa ama ku fasirayey micnaha soomaali
ahaan Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu.
Saciid Saalax wuxuu ka sheekeeyey ,qiimaha
tacliinta ay leedahay iyo sida ubad badan oo maanta jooga dalkan iyo dalal
kaleba ay nasiibka uheleen aysan uga faa’iidaysan sidii la rabay. Saciid Saalax
wuxuu sheegay inuu waxbarasho inbadan uu ku soo jiray wuxuuna sheegay in
muddo afartan sanno ah uu ku soo dhex jiray macalinimo (40 sanno)
Wuxuu yiri barre Saciid waxaan maclin noqday
anoo ka yar labatanaan(20 sanno ka yar), Saciid wuxuu yiri garta marka aqoonta
aan uleeyahay arday iyo macalin iyo meel wax lagu dhigaba. Siciid wuxuu aad
ugudheeraaday micnaha dhabta ah ee aqoon oo ka soo unkanta guri marka hore
intuusan ardaygu kaiman aqalkoodii.
Cunto siisay oo dhar siisay, ma ku dartay
xisaabta in wixii uu waxbarashada uga baahdo aad la garabtaagantahay, waa qalab
aqooneede sida buug, qalin iyo wixii kale ee uu ubahado waxbarshadiisee.
Siciid wuxuu yiri waxan maalin maalmaha ka
mida udiray ardaydaydii cashar guri ah in ay soo qoraan buugaagta gurigooda
taal oo aysan ku jirin buugta ardaygaas leeyahay ee guriga yaal. Waxaa adkaatay
in ardaygii uu gurigoodii ka soo helo buug aan ahayn kan uu ubadku
leeyhay. Waxaa gurigii laga helay oo qura hal kitaab quraana iyo haday ubadato
hal Computer oo weliba alle ogyahay in aqoon loo adeegsado. Taasi waxay ku
tusaysaa in aqoontu sida ay tahay aynaan ufahansanayn, ama aan mudnaan gaara la
siin aqoonta ama ardaygaba aan iraahdee.
Siciid Saalax wuxuu aad ugu booriyey waalidku inaysan turjubaan ka dhigan ubadkooda ee ay doontaan turjubaan kale, si
buu yiir waalidku uu uhelo macluumaadka dhabta ah hadii kale ardaygu ama
ubadkaagu waxaa suuro gal ah inuusan si dhaba ugu turjumin waalidkii. Hadaba
waalidku haduu xitaa ubaahdo tarjumaad ha weydiisto maamulka iskuulka. Sidoo
kale waxaa jira waalid uhaysta in hadii ubadkoodu uu ku hadlo had iyo jeer afka
Ingiriisiga ama afka meeshaas uu hadba joogo inuu xariif kunoqonayo, sidaa
darteedna ay waalidkaas door bidayaan inuusan ubadkoodu ku hadlin
afSoomaali. Wuxuu yiri waxaan ku boorin lahaa waalidka sidaa aaminsan in aysan
ahayn wax jira taas , loona baahan yahay in ubadka lagu dhiiri galiyo inaysan
afkooda iloobin oo ay had iyo goor ku hadlaan afkooda. Bare Saciid wuxuu yiri
caruurtiina ku dhiiri galiya af Soomaaliga isagaana ka badinaya ardayga kale ee
hal luqada yaqaana waana wax hore loo soo arkay in ardayga yaqaan hal luqad iyo
wixii ka badan inuu ka tayo waxbarsho fiican yahay ardayga hal luqad yaqaan.
"Carruurta
ku dhiiri geliya luqadooda Af-Soomaaliga"
Siciid Saalax |
Siciid Saalax wuxuu ku soo gabagabeeyey in
ubadka lagu baro guriga afkiisa hooyo ee Soomaaliga si buu yiri ubadku xitaa
aysan udhumin dhaqankiisa iyo xuruufta qaar xitaa inuusan ku dhawaaqi Karin
sida xarafka (X) marka ay ku dhawaaqayaan ay ugu dhawaaqaan (H) meeshii
al-xamdu uu oran lahaa ayuu yiraahdaa al-hamdu waana ila aragteen baan filayaa
siiba macalimiinta dugsiga quraanka kariimka ayaa ila arkay baan filayaa.
Waxana uu xusay safar uu ku tegey Yurub, gaar ahaan wadamada loo yaqaan
Iskaandaneefiyanka (Sweden, Denmark, Norway, Finland...) in uu shir kula kulmay
74 (toddobaatan iyo afar) macallin oo dhiga luqada Afka Soomaaliga, taas oo ku
amaanay Soomaalida halkaas deggan.
Siciid Saalax wuxuu yiri markii waalidku noogu
imaan waayey iskuulada ayaan anagoo macalimiinta Soomaalida ah ayaan degaanada
aan degan nahay ku martiqaadnaa maamulka iskuulka iyo macalimiinta kale ee
ajnabiga ah si waalidku bal xitaa hadii degaankoodii la yimidna ay usoo
xaadiraan. Hadab waalidka waxaan ku baraarujinayaa inay soo xaadiraan shirarka
iskuulka ee kulamada macalimiinta iyo maamulka si loogu sharxo heerka
ardaygiisu/ardayadiisu tahay wax barasho ahaan, akhlaaq ahaan iyo soo xaadirid
iskuulka siduu ardaygaasi usoo xaadiro iskuulka.
Siciid Saalax waxa uu sheegay in dugsiyada loo
yaqaan dugsiyada dadweynaha (ama public school) in ay yihiin meelaha laga soo
saaro dadka wadanka hoggaamin lahaa, waase haddii ay waalidku ka warqabaan oo
la scodaan ubadkooda. Waxana uu tusaale usoo qaataday qiso ay qortay gabar u
dhalataya madowga maraykanka oo shegtay in markii ay dugsiga dhiganeysey ay
ayeeyadeed ku qoran jirtey ii akhri wixii dugsiga lagaaga soo dhigay si aan
kaaga dhegeysto, kaddibna qof, waxay gabadhaasi sheegtay in ayeeyadeed ay geyn
jirtey maktabadaha oo ay dhehi jirtey akhri buugaagtan. Gabadhii waxay sheegtay
in markii ay gaartey heer jaamacadeed ay ogaatey in ayeeyadeed aysan waxna
qorin waxna akhriyin. Taasi waxay tusaale u tahay dadka yiraahda luqada meesha
wax lagaga barto maganeyno ama aqoon malihi sidaas darteed carruurtayda xagga
waxbarashada kama taageeri karo... waataas ayeeyadii aan waxna qorin waxna
akhrin jirin ay gabadheedii noqotay qoraaga....
Siciid Saalax hadal xigmad ah oo uu sheegay
ayaa ahaa: Saddex ayaa ilmaha saamayn kuyeesha, saddexna wa ka koraa ama ka
kobcaa:
Saddexda Saamaynta kuleh
...Guriga iyo inta uu joogo
...Waxbarashada oo Iskuulka ah
...Bulshada ama bay'adda ku xeeran
Saddexda uu ka kobco
...Jirka oo dhisma
...Caqliga oo Kobca
...iyo Laxawga (Caqiidada)
Farriin iyo Talo kusocota Soomaalida W/A
Ugu dambayntii sheekh kamid ah culimadii
madasha martida u ahayd ayaa Soomaalida soo gaarsiiyey farriin uu ka sidey
muslimiintii dalka uga soo horeeyey, kuwaas oo sheegay in ay haboon tahay in
intii la awoodo Soomaalidu gobol wada deggaan oo meel wada deggaan, taas oo
fududayn doonta in gobolkaas ay Soomaalidu ka noqon doonaan booliiskii,
macallimiintii, isla markaana kasoo gelayaan baarlamaanka. Waxaan uu tusaale u
soo qaatay magaalo kamid ah Maraykanka oo hadda saamacadaha codka dheereeya
lagu adamo sababtoo ah waa gobol ay ku badan yihiin dad muslimiin ah, sidaas oo
kale ayaa meeshii aad ku badataan ugu yeelan kartaan saamayn ayuu yiri, waa
haddii la isku duubnaado ubadkeenana lasiiyo muhiimad weyn maadaama ay yihiin
raasamaalka ugu weyn ee aan haysano.
Waxa kale oo madasha laga akhriyey farriin ay
soo tebisey hooyo Soomaaliyeed oo sheegtay in waagii ay dugsiga ka dhiganeysey
magaalada Jawhar oo
95 km ujirta Muqdisho in aabeheed uu iskuulka
iman jirey maalmo kala duwan, waxaana dhacday ayey tiri in aan maalin derbiga
ka boodey oo iskuulka ka dhuuntay, waxaa Allah qadarey in aabahay uu iskuulka
maalintaas yimid oo iga waayey. Maalin kale ayaan sidii oo kale iskuulka ka
dhuuntay, waxaana isla maalintaasi kusoo beegantay in aabahay uu iskuulkii
yimid oo iga waayey. Maalintii dambe ayaa arday iskuulka ka tirsan isku
ballansadeen in aan iskuulka u goyno, anigu taas waa ka diidey saaxibaday
waxaana u sheegay in aan ogahay wax aysan ayagu ogeyn.. Halkaas waxaa ka
muuqata sida aabahaas Soomaaliyeed saamaynta weyn ugu yeeshay gabadhiisii
lasocodkeeda, waana taas maanta ayadoo hooyo ah inooka sheekaysay qisadaas
kudayashada mudan...
Gabagabadii barnaamijka waxaa loo mahad
celiyey qaar kamid ah goobaha ganacsiga Soomaaliyeed oo ku deeqay sharaabkii (cabitaan)
iyo cunto fudud oo lagu nastay intii aan la gelin salaadii cishaha...
Waxaa xiriirinayey barnaamijkan Maxamed
Maxamuud oo ah runtii dhalinta aad isugu hawla sidii uu masjidka ugu soo xiri
lahaa dhalinta Soomaaliyeed ee aan ku xirayn masaajida ee uu weliba barnaamijyo
ugu abuuri lahaa.
Wixii farriin iyo talo ee loo dirayo masjidka
Shaafici ee Minnesota oo ah goobtii kulanka lagu qabtay waxaa loogu hagaajin
karaa CabdiQani
qardhaawi@yahoo.com
Waxaa qoraalkaan toos usoo tebiyey Cusmaan
Axmed
isxaaq@yahoo.com
Waxaana sawir qaadista iyo dib u
habaynta ka qayb qaatay Maxamed Cali
somalitalk@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 12, 2003
Allaa weyn ninkii aaminaa awoodleh.
Maxaa Xal u ah Ubadka Soomaalida
Qurbaha?
AF-SOOMAALIGA OO QARKA
USAARAN KASUULIDDA LUQADAHA AFRIKA
DHIBAATOOYINKA SOO WAAJAHA UBADKA
IYO HOOYOOYINKA SOOMAALIYEED MARKAY YIMAADAAN DALKA DENMARK
CABSIDA LAGA QABO MUSTAQBALKA CARUURTA SOMAALIYEED EE KU SOO
BUTAACAYA DALALKA GALBEEDKA
Sweden: Gabdho
Soomaaliyeed oo Xijaabkoodu Muranka Dhaliyey
Waa Qaaraan aan Qabiil iyo Qadarin-Qoys toona
ku Qotomin": Kulankii ardayda
Soomaaliyeed ee Minnesota ayaa waxaa..
Guji..
..
FOGAANTA U DHEXAYSA
MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|