Afartan saacadood oo ismari waa ah ayaa Jimcihii la soo gabo gabeeyay waa
aqalka senateka taas oo Demoqraadiga la loodin kari waayay. Waxaadna moodaa
in ay hadda demoqraadiga ku guulaysteen dhafarkii iyo cago juglayntii
waqtigan dhow. Dadka siyaasadda indho indheeyaase waxay aaminsan yihiin in
Republicanku ay gaareen guul marka loo eego waqtiga fog waayo ujeeddooda maba
ahayn in ay hadda qasbaan demoqraadiga ee waxay ka fekerayeen waqti fog iyo
inuu madaxweynaha soo dhexgalo oo cambaareeyo demoqraadiga iyo sidii ay
hawshiisa isu soo hortaagayaan iyo inuu tuso dadka la diiday inay ahaayeen
haween ay ku jirto mid African American ah.
Republicanku ma waayin niman caddaan ah oo ay soo magacaabaan ee
magcaacbidda haweenkan waxaa ka danbaysay ujeedo dheer oo ah in la arko in
republicansku wax la rabaan haweenka iyo African Americanka weliba dadka
markaan loo danlahaa waa haweenka caddaanka ah oo ay labada xisbiba dadaal
ugu jiraan sidii ay u heli lahaayeen codkooda.
Waxaan maalmo hore ka hadlay dagaalka sokeeye ee ka dhexsocda mareykanka
consevativeska iyo liberalska. Marka aan leeyahay dagaalka sokeeye kama wado
sida kii Soomaaliya oo lagu daadinayay dhiigga Soomaalida ee waxaan ka wadaa
dagaalka afka, qoraalka, siyaasadda ee labadan qolo ka dhex socdaa. Dagaal
sokeeye oo kan Soomaaliya oo kale wuxuu maraykanka ka dhamaaday
1865 dagaalkaas oo uu ku soo baxay halyay
Abraham
Lincoln oo joojiyay addonsigii
dadka madow mideeyayna waddanka.
Dagaalkaas sokeeye waxaa laga adkaaday gobolladii koofureed ee maraykanka
. Dadka badabkood waa iska iloobeen aan ka ahayn dad ku nool koofurta
maraykanka oo weli caro ku danbayso kuwaas oo aan laga yaabin inay u
codeeyaan madaxweyne ka yimid bariga ama waqooyiga maraykanka welina wata
calankii goboladii laga adkaaday ee koofurta maraykanka (Waa kuwii uu
murashaxa madaxweynaha ee Howard Dean uu soo jiidanayay maalin dhoweyd ee ay
baabuurtooda u suran tahay calankii hore ee goboladaas). Doodda kale ee laga
soo bilaabo dagaalkaas sokeeye ilaa iyo hadda weli socotaa waa calanka la
isku haysto ee Virginia iyo Minnesota.
1865 ayuu askari ka socda Minnesota gacanta ku dhigay calankii ciidankii
la jebiyay ee ka socday Virginia ilaa maanta calankaas Minnesota waa laga fur
furi la’ yahay. Calankaasi waxa uu yaalaa xarunta taariikhda ee Minnesota, dadka dersa dagaalada ayaa waxay leeyihiin haddii ay labadaasi gobol deris
ahaan lahaayeen calankaas waa la isku dagaali lahaa. Tobankii sanoba dacwad
maxkameed ayay furtaa Virginia oo ka samri la’ calankii laga dhacay. Waa maro
duqowday ee adigaba iska qiyaas sida calanka loo qiimeeyo oo looga dhigo wax
uusan ahayn. Virginia ayaa sheegan jirtay Minnesota inay leedahay intii aanay
noqonnin state madax bannaan 1859. Minnesota oo madax bannaan oo state jira
ahayd hal sano keliya ayuu dagaalkii sokeeye dhacay hase ahaatee waxay
askarta reer Minnesota muujiyeen dagaal yahanninmo laga yaabay.
Maxay ku salaysan tahay colaaddan ka dhex socota conservativka iyo
liberalka?
Si aan u sharaxno bal aan soo qaadanno labo gabdhood oo la kala yiraahdo
Jenifer iyo Denis oo ka wada shaqeeya hal xafiis oo saaxiibo ah haddana kala
ah labadan koox ee is haya. Denis waa liberal markaan weydiiyay waxa ka
dhigay waxay ii sheegtay in waalidkeed ahaayeen liberal oo ay la dhacsan
tahay xornimada haweenka ee ilmo iska soo tuuridda iyo ilaalinta degaanka,
qofka sida uu u dhaqmo waxba igama gelin haddii uusan dad kale dhibaato u
gaysanaynin mana rabo dawlad soo dhexgasha haweenka iyo dhaqaatiirtooda;
ragga ayaa doonaya inay marwalba haweenka u taliyaan, waa inay xor u
ahaadaan inay hadday rabaan ilmaha iska soo xaaqaan.- laakiin fikraddas waa
ay dhaxashay.
Jeniifer waa conservative markaan weydiiyay waxay iigu jawaabtay
awoowayaashay ayaa ahaa conservative oo xataa awowgaygii dhalay aabahay waxa
uu madax u ahaa urur conservative ah oo waxaan ka soo jeedaa qoys ahlu diin
ah oo ma ogolin waxa la yiraahdo QowmuLuud waxaana u aragnaa inuu yahay denbi sidoo
kale ilmaha la iska soo tuurayo waxaan u arganaa denbi ama dil qof aan waxba
iska dhicin karin ama aan isdifaaci karin.
Jennifer waxaa kale oo ay ii sheegtay in ay shuuciyadda neceb tahay iyo
wax ay ugu yeertay dawlad weyn waayo dadka ilaahay ma simin dhinaca
dhaqaalaha oo waxaa weligeed jiray maskiin iyo taajir faqiirnimada looma
eedeyn karo maalqabeenka, mana doonayno dawlad qasab wax uga qaadda maal
qabeenada oo wax u dhacda masaakiinta. Masaakiinta in wax la siiyo ma diidani
ee laakiin waa inay ahaataa sadaqo iyo wax ka soo go’ay qofka maalka leh ee
aanay noqon wax ay dawladda go’aamiso. Jenifer oo hadalkii sii wadata waxay
tiri xorriyadda waan jeclahay laakiin ilmo iska xaaqidda haweenka xoriyad uma
arko. – Laakiin fikraddaas waa ay dhaxashay waxay gabdhan isoo xasuusiyeen
Soomaaliya sida xun qabiilka looga dhaqmo iyo sida loo dhaxlo xumaantiisa
indho la’aan.
Dood ku saabsan dhaqaalaha
maraykanka oo ka dhici doonta Minnesota
Ogaysiis ku socda reer Minnesota.
Dood ku saabsan dhaqaalaha iyo
shaqooyinka sidii loo badin lahaa ayaa lagu qaban doonaa St. Paul,
Minnesota. Doodaas waxaaa fooda is dari doona 4 sentor oo ka iman doona
Washinton DC. Labo waxay nqon doonaan Demoqraadi labona Republican. Waa
dood ay labada kooxood u diyaar garoobayeen muddo dheer oo ay ku soo
bandhigi doonaan qorshahooda shaqo abuuriseed, dhaqaale iyo horumarineed.
Doodaan oo dadweynaha u furan warkeeda waa kan:
Goobta: St Paul Area Chamber of
Commerce Center
Xcel Energy Conference Center
401 North Robert Street
St. Paul, MN 55101
Goorta: Isniin, November 17 keeda
saacaduna ay tahay 05:00 ilaa 06:00pm
Doodan qaran oo ah mid xiiso badan
dadweynaha albaabada waa u furan yihiin.
Qore: Wardheere
mnwardere@yahoo.com
|
Sidaas ayay dad badan u noqdeen kuwo ka tirsan kooxahaas laakiin waxaa
mudan in la xuso in ay jiraan dad badan oo maraykan ah oo aan ahayn labadaas
koox midna oo ayaga markay codeynayaan ku xisaabtama kii xiiso geliya ama
fiiriya arrimaha ay rabaan murashaxa meesha uu ka taagan yahay. Iyo kuwa aan
siyaasadba ku jirin oo aanba ogayn waxa addunka ka socda oo ilayn ninba dhan
u badiye ku dheereeya cayaaraha, muusikada iyo filimada, dadkan waxay qabiir
ku yihiin oo la socdaan yaa cayaarta badiyay, yaa hadda heesa, yaa caanbaxay
(celebrity) ama dad ku mashquulsan waxbarsho iyo dano gaar ah oo kale oo ay
leeyihiin bal aan fiirinno wiilkan aan waraystay oo kooxdan danbe ka tirsan.
Cameron waa wiil 23 jir ah oo ku nool Minnesota waxaan weydiiyay inuu ku
hadli karo luqad aan ahay ingiriisi iyo inuu aqriyo joornaal aan ahayn kuwa
Minnesota jawaabtiisa waa maya. Waxa aan weydiiyay markii uu joornaalada
Minnesota helo qaybaha uu aqriyo waxa uu ii sheegay inuu aqriyo qaybaha
madadaalada iyo sportiga.
Markii uu shaqo waayana uu aqriyo dhaqaalaha iyo meelaha jagooyinka bannan
lagu soo qoro. Markaan wax ka weydiiyay fikradda uu ka qabo dagaalada dibadda
iyo inuu qatar u arko hubka ciraaq lagu sheegay waxaa uu ii sheegay inuusan
war u hayn fikradna uusan ka qabin ee laakiin uu rumaynayo wax alle iyo wixii
ay dawladda maraykanku sheegto waayo wuxuu yiri ayadaa xogta iyo ammankaba
noo qaabilsan oo waxay sheegto uun baa jira.
Cameron keligii ma ahan dad badan ayaa sidaas la qaba oo aanan ka shakinin
waxa ay dawladdooda u sheegto Dawladda maraykanka waxay jirtaa in ka badan
labo qarni weligeedna gudaha lama soo weerarin marka laga reebo 1812 markaas
oo uu soo weeraray super powerkii waagaa jiray waa ingriiska, waxaana uu
burburiyay makataddii congresska iyo aqalkii caddaa ee waagaas ka dhisnaa
Washington DC. Dadka qaarkii waxaa ku soo dhacda Pearl Houbor iyo dagaalkii
labaad.
Dhab ahaantii maba la is bar bar dhigi karo Pearl Houbor iyo 911 - NY waayo
tan waxay ahayd qalbiga maraykanka una dhow Wall Street, qalabka warbaahintana
xaadir ayay ahaayeen oo xataa waxaa la daawaday dadkii oo isa soo tuuraya
laakiin Pearl Houbor sidaas dadka uma taaban waayo waxay ahayd xero military
oo badweyn ku dhextaal.
Arrinta ay dadweynaha maraykanka isku raacsan yihiin waa inay haystaan
dawladda adduunka ugu fiican uguna dhaqaale iyo xoog badan ilaalisana
xuquuqda aadanaha, xornimada qofka, iyo demoqraadiyadda iyo inay haytaan
dastuurka adduunka ugu fiican. Sida talyaaniga u aaminsan yahay inuu yahay
aabihii iyo aasaasihii ilbaxnimada reer galbeedka iyo diinta reer galbeedka
iyo inuu helay America (Columbus). Dagaalkana wuxuu safka hore uga jiraa inuu
ilaaliyo geedkii uu beeray oo uu ku sheego America iyo demoqraadiyadda.
Lauren oo aan la kulmay maalin roob iyo dabaylba ay jiraan isla markaasna
ku dheggan dalladda iyo tabeele weyn kuna bannan baxaysa meesha Minnesota
looga taliyo keligeed oo ka cabanayso dhibaato sharciga ku hayo gabadheeda
iyo will yar oo ay dhashay ayaa arrintaas taageertay waxay tiri ‘ Lixbilood
ayaan ku bannan baxayay roob iyo roob la’aan bal sharcigan qaldan oo qoyskaga
wax u dhimay inay saxaan wax calaacalkayga iga hoos qaaday ma arag mana aha
wax loo dulqaadan karo shaqadaydii baan lumiyaya meel fog baan ka imaadaa
waxna iima suurtoobin”.
Markaan weydiiyay ka warran habka maamulka dawladda ma ku qanacsan tahay?
Waxay iigu jawaabtay “Yes dawladda waxba ma qabto ee aniga uunbaa dadaalka la
iga rabaa iyo sabir ee ugu danbayntii waan heli waxa aan rabo – nidaamka
dhulkan Ameerika meel ka fiican ma jirto oo waan ku faraxsanahay ee waqtiga
uunbaa igu dheeraanaya. (Soomaali samirkaa ma laga heli karaa- saw waa hore
intay qori qaadato jabhad ma noqoteen madaxweyne cimrigiisa 4 sano ka hartay
ayay sugiwaayeen) marka dadka maraykanka waxaa ka wada dhaadhacsan inay
hastaan dawladdii ugu fiicnayd adduunka badankoodna ma jecla marka
madaxweynahooda lagu bannan baxo sida hadda london ka dhici rabta usbuuca soo
socda oo qaarkood waxayba leeyihhin annagaa doorannay oo uu madaxweyne noo
yahay ee ayaga maxay ka qaadi karaan?.
Liberalka: waa kuwa aan kala jeclayn sida qofku u nool yahay ama
jinsiga uu doono qowmuluud ama prochoice oo ah xornimada haweenka inay ilmaha iska
soo tuuraan iyo kuwo aaminsan in dadka danyarta ay dawladda daryeesho, ama
jecel in degaanka la dhawro iyo sababo kale waxay jecel yihiin ururrada
shaqaalaha (Unions) waxyaabo kale oo ay ogol yihiin waa jiraan.
Conservativeska: waa labo nooc oo kala ah:
Xajka ma u socotaa Sannadkan 1424/2004
Asddegso TravelWorld...
Guji halkan |
Fiscal conservative: oo ah kuwa dawladda weyn neceb iyo canshuur
ururrinteeda badan iyo barnaamijyadeeda daryeelka ee badan waxayna aaminsan
yihiin in faqiirka asaguba uu shaqaysto oo wax tabcado oo aanay dawladdu
ayaga lacag u weydiinin. Sidoo kale ma rabaan in dawladdu soo faragashato
qiimaha mushaarka ee la siiyo shaqaalaha waxayna neceb yihiin ururada
shaqaalaha (Unions) waxay jecel yihiin inay helaan lacago dawladda oo lagu
bixiyay si xun si ay dawladda u dhaleeceeyaan . Mararka qaar waxay sameeyaan
xisaabi xil ma leh qaran oo aan loo dirsan. Qoladan oo lagu xanto inay
lacagta aad u jecel yihiin ama caabudaan waxyaabo kale oo ay ku ad adag
yihiin waa jiraan
Social conservative: Waa koox badanaa aan lacagta sida kuwa kale u
jeclayn oo u badan dad diin ku xiran ama wax diin ah ku hartay oo waxay
aaminsan yihiin in rag iyo haween keliya isla noolaadaan isna guursan karaan
qoysaska noocaan ah la daryeelo kuwa aan sidaas ahayn u arka debmbiilayaal.
Schoolkana caruurtana aan loogu dhigin dadka daanyeer ayuu ka soo jeedaa .
waana pro-life oo ma oggola ilma iska soo xaaqidda umana arkaan xornimo la
siiyay haweenka ee waxay u arkaan dil la dilay caruur uurka ku jirta oo nool
oo aan is difaaci karin waxaa kale oo ay jecel yihiin inay caruurahooda
gaystaan dugsiyo u gaar ah mararka qaar si ay ugu tarbiyaystaan caruutooda
sidii ay jecel yihiin. Waxyaabo kale oo ay muxaafid ku yihiin waa jiraan.
Unionska iyo waxa ay ku soo kordhiyeen maraykanka:
Shuuciyadda oo ku soo caanbaxday u danaynta shaqaalaha iyo nacaybka
maalqabeenada ayaa qarnigii labaatanaad billowgiisii gilgishay dunida reer
galbeedka ilaa la sameeyay NATO iyo qalalaasihii Cuba iy xiriddii uu xir
xirijiray dadkii madaxda ahaa ee uu tuhmay inkii senatek u qaabilsanaa daba
galka dawladda ee la oran jiray Senator MCarthygii Wisconson laga soo dooran
jiray kaasoo xir xiray dad badan. (Waa meehsa uu hadda haysto senator
Colemanka Minnesota). Shuuciyaddii qatarta weynayd waxaa la oran karaa waxaa
hab fiican la yimid oo maraykanka ka badbaadshay Unionska.
Ururrrada shaqaalaha (Unions) waxay ku guulaysteen in maalqabeenadii loo
shaqaynayay ee capitalistada ahaa joojiyaan caruurtii u shaqaynaysay, inay
yareen saacadihii badnaa ee la shaqayn jiray inay hagaajiyaan goobaha shaqada
ama nabalgeyada shaqaalahana sugaan, inay oggolaadaan fasax nasasho, inay
oggolaadaan in shaqaalaha la siiyo fasax jirro oo aan la ruqsayn haddii ay
jiradaan, in xataa marka shaqaalaha lacag la siiyo markii ay xataa fasax
sanadeed ku maqan yihiin, in umulaha la fasaxo ee aan la ruqsayn iyo xataa
mararka qaarkood in shaqaalaha iyo caruurtoodaba waxbarasho iyo daryel
caafimaad loo helo iyo in mushaar fiican ay helaan shaqaalaha. Guulaha ay
unionska soo hoyiyeen ma la koobi karo.
Maxaa ilmo iska soo xaaqidda (abortion)ka dhigay qodob sidaas u muhiimsan
oo ay ku loolamaan siyaasiyiinta Maraykanka?
Siyaasiyiinta maraykanka waxaa hogaamiya ra’yiga dadweynaha oo qofkii
fahmi waayaa ama la socon waayaa uu haadaan ka dhacayo inkastoo ay jiraan
kuwo yar oo waxa ay qabaan soo bandhiga si daacadnimo mararka qaar ayagoo og
cawaaqibkeda. Marka laga hadlayo ilmo iska soo xaaqidda waxaa laga wadaa
codka haweenka oo badankood aaminsan abortion waayo waxay u arkaan xornimo
iyo inay waxay doonaan samayn karaan iyo dawladda oo aan amuurahooda soo
faragashanayn.
Haweenka codeeyaa ee waddanka maraykanka waa ay ku dhow yihhin 100 million
marka labada xisbiba waxay ku hawlan yihiin soo jiidashadooda. Demoqraadiga
waxay aaminsan yihiin inay u sahlan tahay inay haweenka soo jiidan karaan
ayagoo oogu baaqaan xornimada ilmo iska soo xaaqidda. Waxaa kale oo la
ogyahay in haweenku ku yar yihiin fiscal conservativenimada taas oo ah
arrinkale oo ay demoqraadiga ku jcel yihiin haweenka. Republicanka waxa ay
isticmaalaan inay haweenka ku gaadaan kaniisadaha oo yiraahdaan ilmo iska
xaaqidda xornimo ma aha waxayna had iyo jeer ku fikiraan siday u soo jiidan
lahaayeen haween badan. Arrinta senateka ee dhafarka iyo dooda waxa ka
danbeeyay waxay ahayd soo jiidasho haween .
Marka ay demoqraadiga lahaayeen saddexdan haween uma qalmaan garsoorka
waxay ka wadeen saddexdan haween ma aaminsana xornimada haweenka (abortion)
marka madaxweyne Bush uu soo magacaabay saddex haween ah republicansku waxay
tusayeen in ay haweenka jecel yihiin. Hadda waxay u muuqataa in demoqoraadiga
la loodin waayey laakiin dadka iyaasadda maraykanka odorasaa waxay leeyihiin
waxaa guulaytay republicanska waayo dadka ayay tuseen in madaxweynaha la
dhibay iyo waxay soo wadaan kuwo badan oo haween u badan markaasna uma
sahlanaan doonto inay demoqraadiga diidaan.
Demoqraadiga waxay ilaa hadda Bush u ansixiyeen ilaa 164 qof waxayna
diideen ilaa 4 keliya. Faragelinta Bush iyo canaantii uu u gaystay
Senatorrada demoqraadiga waxaa la filayaa inay saamayn ku yeelandoonto
demoqraadiga waayo dadka maraykanka ama ha necbaadaan ama ha jeclaadaan
hadalka madaxweyne Bush miisaan ayuu agtooda ka leeyahay waayo waa madax
wenynihii dalka. Ugu danbaytii republicansku waxay rabaan in ay wejiyada
bedelaan oo soo magacaabaan minority gaar ahaan haween taas oo ay filayaan in
demoqraadiga ku adkaan doonto inay marwalba diidaan.
Goormay African Americanka ka soo wareegeen Republicanska una wareegeen
Demoqraadiga?
Dadka maraykanka lixdamaadkii isbedelada ka dhacay ma yarayn ma ahayn in
African Americanka faquuqii laga daayay oo keliya iyo in la dilay madaxweyne
JK Kennedy iyo dilkii labadii hoogaamiye ee African Americanka ee Dr. King
Jr. iyo Malcom X. lixdamaadkii waxaa kale oo dhacay isbedel wayn. African
Americanka ayaa ka wareegay Republicanka una wareegay demoqraadiga waxayna
ahayd lama filaan. Waayo African Americanka waxay ka tirsanaayeen xisbigii
Abraham Lincoln (Republican) kaasoo xoreeyay addoontii madoobayd. Waxayna ka
soo qaban jireen jagooyin sare weliba mar bay ka buuxeen congresska
dhamaadkii qarnigii 19naad.
Xisbiga demoqraadiga waxaa uu ahaa xisbigii dhibi jiray African Americanka
wuxuu helay hoogaamiyeyaal fiican wuxuuna ka faa’iidaytay fursaddii civil
right movements asagoo la saftay African Americankii uu dhibi jiray.
Kacdoonkka keliya ma ahan ee waxaa lixdamaadkii is bedelay xaaladaha
dhaqaalaha iyo bulshada iyo siyaasaddaba sidaa darteed ilaa hadda dadka
African Americanka ah waxay daacad u yihiin xisbiga demoqraadiga . Suaasha la
isweydiinayaa waxay tahay maxay xaaladda African Americanka horumarka
dhaqaale iyo waxbarsho ula jaan qaadi la’dahay caddaanka? Iyo ma suurtoobi
kartaa inuu dhaco isbedelkii lixdanaadkii oo kale?
Maxamuud Nuur Wardheere
mnwardere@yahoo.com
Minneapolis, Minnesota USA.