Burburkii Soomaaliya ka dhacay iyo dagaaladii jabhadaha iyo biliqadii
dhacday markii la riday dawladdii Soomaaliyeed ee u danbaysay Jaamacadaha ma
noqon kuwo loo naxariisto. Jaamacadda waxay ka mid ahayd halbawlayaashii lama
huraanka ahaa ee qarankii soomaaliya hase yeeshee cagta ayaa la mariyay.
Waa ilaah mahaddii oo Muqdisho oo indhaha isku haysata kuna caan baxday
sharci la’aan, nabad la’aan, iyo qafaalashoba waxaa ilaahay ka soo saaray
aqoon yahanno Soomaaliyeed oo naftooda iyo maalkoodaba u huray soo celinta
Jaamacaddii Qaranka ee Muqdisho.
Naftooda hurayaashaas waxay Mogadisho University albaabada u fureen
sanadkii 1996. Waxyaabaha ay qabteen ma soo koobi karo laakiin waxaa ka mid
ah .
Inay soo saaraan aqoonyahanno caafimaad kuwaas oo umadda ka dabooli doona
baahida caafimaad ee bulshada.
Inay soo saaraan aqoon yahanno macalimiin ah kuwaas oo ubadka soomaaliyeed
ka haqabtiri doona xagga waxbarashada
Inay soo saaraan aqoonyahanno culuumta computerka iyo maamulka kuwaas oo
la filayo inay wax ka taraan maamul wanaagsan oo ay Soomaaliya yeelato13 sano
oo indho la’aan ah ka dib.
Inay jaamacaddu wado Community Education joogto ah taas oo u furan
qofkasta oo waxbarasho jecel.
Mogadisho University waxaa kale oo ay wadaa wacyigelin bulshada
soomaaliyeed dhexdeeda ah si ay u hakiso qubashada dhiigga Soomaaliyeed una
carbiso umadda inay heshiiyaan oo dawlad wanaagsan mustaqbalka yeeshaan.
Dhowaan jaamacaddu waxay waxay xustay maalinta nabadda adduunka oo Soomaaliya
oo kale wax weyn ka ah ama looga baahan yahay.
Waxaa kale oo ay dhowaan jaamacaddu heshiis la gashay Jaamacd kale oo
Sudan ku taal si ay isaga kaashadaan waxbarashada sare ee MA ama Ph. D of
Education taas oo ah guul wayn oo u soo hoyatay umadda Soomaaliyeed.
Waxaan u hambalyaynaynaa Maamulka, ardada iyo dadka taageera Mogadisho
University. Waxaanan u rajaynaynaa guul iyo inay u faa’iidayso umadda
Soomaaliyeed.
Maxamuud Nuur Wardheere
mnwardere@yahoo.com
Minneapolis, Minnesota USA.