SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
RADIO - XORRIYO
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo  

 

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay

  • Ø Nin ay walaalo yihiin wasiirkii hore ee gashaandhiga Itoobiya oo xoolihiisii la xaraashayo.
  • Ø Buuq ka taagan Jaamacada Addis Ababa.
  • Ø Xubno TPLF ah oo qaabkii wax loo doortay ka biya-diiday.
  • Ø Ciidamo Itoobiyaan ah oo weeraray tuulo ku taala xadka Kenya.
  • Ø Biyaha oo afrika ku yaraadaa waxay sii kordhinaysaa macaluusha.
  • Ø Barnaamujkii aanu ku eegi jiray wax yaabiihi ugu waa waynaa ee Todobaadkan iyo Geeska Afrika iyo waliba suugaan halgameed.

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

 Nin ay walaalo yihiin wasiirkii hore ee gashaandhiga Itoobiya oo xoolihiisii la xaraashayo.

Sida aanu ka soo xiganay wakaalada wararka Ogaadeenya waxaa ay Maxakamada dhexe ee Itiibiya Go,aamisay in mudo 30 bari ah lagu xaraasho xoolihii u lahaa gaashaanle Waldhe Silaase, oo ah nin la dhashay wasiirkii hore ee gaashaandhiga Itoobiya Siya Abraha.

Wararku waxa kaloo intaas ku darayaan in Waldha Silaase laftiisu uu ku jiray xabsi guri ilaa iyo intii walaalkii la xidhay.

Waxay dawlada Meles Zenawi la dagaallamaysaa dadka siyaasiyan uga soo horjeeda, tanina waxay makhraati u tahay inuu kaligii taliye Meles ku dadaalayo sidii uu u samaysan lahaa sababo u kula dagaallamo dadyawga u isleeyahay way kaa soo hor jeedaan.

Waxaana lawada ogsoonyahay in rag badan oo madax ka ahaan jiray xukuumada Meles ay hadda jeelka ka buuxaa.

Buuq ka taagan Jaamacada Addis Ababa.

Shir wayn oo ay ardayda jaamacada Addis Ababa yeesheen ayaa waxa dhinaca macalimiinta uga soo qaybgalay la-taliyaha madaxwaynaha Jaamacada Addis Ababa Samuel Asafa, waxayna ahayd sida caadada ah marka ay ardaydu sidan oo kale u gadoodaan oo ay shir noocaas oo kale ah isugu yimadaan inuu ka soo qayb galo madaxwaynaha Jaamacada Prof. Idhiriyaas Ishete, hase yeeshee ka soo qayb gal la’aantiisu waxay ardayda jamaacda ku dhalisay cadho wayn.

Gudoomiyha gudida ardayda Mesfin oo shirkaas ka hadlay ayaa aad u canabaareeyay habka ay dawlada wayaanuhu rabto inay ku soo rogto waxbrashada, taasoo ay ardaydu kharashka ay wax ku baranayaan ay iska bixin doonaan. Mesfin waxa u yidhi “sanad kasta waxaa arday walba oo jaamacda wax ka barta lagu yeelanayaa lacag gaadhaysa ilaa 7000 oo Birr, ardayga ugu yarina wuxuu wax bartaa 4 sano , markaas arday kasta waxaa lagu yeelanayaa dayn dhan 28.000 oo Birr, taas oo ay dawladu rabto inay iska bixiyaan markii ay shaqo helaan. Mesfin wuxuu intaa raaciyay inay taasu dhib wayn ku tahay ardayada, sababta oo ah inay dayntaas iska bixiyaan waxay ku qaadanaysaa mudo dhan 10 sano.

Waraku waxa kale oo u intaa ku darayaan in qaar ka tirsan ardayda jaamacada Addis Ababa oo iyaguna halkas ka hadlay ay sheegeen inayna awalba fiicnayn raashinka jaamacada laga cuno, qololka la seexdo, maktabada iyo tayada tacliinta intaba. Marar badan oo hore ayay ardayda Jaamacada Addis Ababa gadood sameeyeen, ka dib markii xuquuqdooda ay xukuumadu ku xadgudubtay, waxaana ku dhintay dad aad u farabadan isku dhacyadii ugu denbeeyay ee dhex mara ardayda iyo ciidamada cabudhiska ee xukuumada Meles Zenawi.

Xubno TPLF ah oo qaabkii wax loo doortay ka biya-diiday.

Wargayska Indian Ocean ayaa sheegay in doorashooyinkii ay TPLF qabsatay badhtimihii bishii sebtember ee lasoo dhaafay aysan xubno badan oo Golaha Dhex ka tirsani ku qanacsanayn.

Dadka aan ku qanacsanayn doorashooyinkaas waxa ka mid ah xaaska kaligii taliye Meles Zenawi oo lagu magacaabo Azeb Gola, waxayna rabtay in iyadana lagu soo daro xubnaha G/dhexe ee TPLF, taasoo ay ku guul darraysatay, waxay wararku sheegayaan inay haddda cadho u joogto wadanka Maraykanka.

Xubnaha cusub ee lagu soo daray Golaha Dhexe ee TPLF waxaa ka mid ah xaaskii safiirkii hore ee Itoobiya u fadhiyi jiray wadanka Sweden Roman Gabre Silase oo Meles Zenawi uu muddo shan sano ka hor ah ka mamnuucay inay siyaasada dhex gasho.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo weeraray tuulo ku taala xadka Kenya.

War aanu ka soo xiganay wakaalada waraka Ogaadeenya ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ahi ay soo weerareen tuulo ku taala xadka ay Kenya la wadaagto Itoobiya, halkaas oo ay ku dileen 3 qof.

Afayeenka booliska wadanka Kenya Mr. King’ori Mwangi ayaa sheegay in 40 qof oo dirayska ciidamada Itoobiya labisani ay soo weerareen tuulada la yidhaahdo Anan oo ku taala dagmada Mooyaale.

Afhayeenku wuxuu kaloo sheegay in arintaas badhitaankeedii la bilaabay. Wararku waxay intaa ku dareen in agagaarka Moyaale ay tahay meel ay had iyo jeer dagaalo ka oogan yihiin, laakiin Mr. Mwangi u sheegay inay hadda boolis badan la geeyay halkaas si ay nabad galyada u sugaan.

Dhinca kale mar safiirka xukuumada Itoobiya u fadhiya wadanka Kenya oo arintaas wax laga waydiiyay ayuu diiday inuu wax faallo ah ka bixiyo.

Biyaha oo afrika ku yaraadaa waxay sii kordhinaysaa macaluusha.

Biyaha Afrika ee sii yaraanaya ayaa la sheegay inay sii kordhinayaan macaluusha hadda ka jirta qaarada Afirka, waxaana laga cabsi qabaa in dadyowga Afrikaanka ahi ay ku noolaadaan macaawimada uu aduunku ugu deeqo oo kaliya, sidaasna waxaa sheegay culimo Saynsisga ku xeel dheer.

Warku waxuu intaa ku daray in digniintan wadamada Afrika loo digayay lagu sheegay shir wayn oo mudo shan cisho aha soconaayay oo lagu qabtay magaalada Nairobi.

Shirkani waxa lagag wada hadlay sidii xal loogu heli lahaa ama loo maarayn lahaa dhibaatooyinka Togaga, roobabka iyo masiibooyinka ka yimada daadka iyo waliba sidii loo dhimi lahaa macaluusha.

Warbixintu waxaay kaloo sheegtay inay si aad ah u kordhayso tirada dadka Afrika, taasoo keenaysa baahida biyaha inay aad u korodho marka loo eego dunida kale , tasoo ka dhigan inay dad dhan 523 Malyun oo qof ayanan helaynin biyo nadiif ah sanadka 2025, hadii aynan dawladaha Afrika biyaha maal galinin.

Khabiiradani waxay kaloo sheegeen in wax soo saarka Afrika uu hoos u dhici doono 23% taasoo ay keenayso biyo yaraantu. Waxana 3 jeer kor u kici doona soo iibsashada raashiinka oo noqonaya 35 Malyun oo tan, muddada 23 sano ah ee soo socda, sidii baahida jirta loo dabooli lahaa, arrintaasina waxay kor u qaadaysaa isku hallaynata macawimada dibada.

07.11.003

Dhoodi Danwaa


raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com 



Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha! 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk  

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD