DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo
Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.
- Ø Ururka macalimiinta aduunka oo Meles canbaareeyay.
- Ø Laba xisbi oo macaarada ku ah EPRDF oo midoobay.
- Ø Khabiir aaminsan in lacagta Itoobiya lagu caawiyo ay dab sii shidi
doonto.
- Ø Ciidamad Qaramada Midoobey ee xadaka Itoobiya iyo Eritrea oo la
xabadeeyay.
- Ø Urur xuquuqul insaan ah oo xukuumada Addis Ababa dhaleeceeyay.
- Ø Faallo: Xadgudubyada ay xukuumada Meles ku samayso bulshada rayadka ah.
- Ø Suugaan halgameed iyo waliba waxyaabo kale oo aad ka heli doontaan.
Ururka macalimiinta aduunka oo Meles
canbaareeyay.
Sida aanu ka soo xiganay WWO Ururka
Macalimiinta Adduunka oo saldhigiisu yahay magaalda Brussels ee wadanka Belgium
ayaa bishii oktober 24dii warqad canbaarayn ah u diray ra’iisal wasaaraha
Itoobiya Meles Zenawi.
Warqadan uu ururku Meles u soo diray wuxuu si
aad ah ugu canbareeyay sida ay dawlada Itoobiya ula dhaqnto macalimiinta
Itoobiya oo 5tii bishii oktober loo diiday bannaanbax ay qaban lahayeen, oo kaga
canabayeen xadgudubyada ay xukuumadu ku hayso macalimiinta, waxaana
bannaanbaxaas loo diiday, iyagoo waliba soo maray hay’adihii ku shaqa lahaa
oggolaanshaha bannaanbaxyada nabadgelyada ah.
Ururka Macalimiinta Adduunku wuxuu waraqadaas
canbaaraynta ah ku qoray in tallaabada noocaas ahi ay lid ku tahay sharciga
caalamiga ah ee u yaalla Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO), wuxuuna xukuumada
Meles Zenawi ka dalbay inay si degdeg ah u joojiso falalka bani, aadamnimo
darrada ah ee bulshada rayadka ah ay kula dhaqanto, sida dilka, afduubka,
jidhdilka, xabsiga iyo shaqo ka caydhinta, wuxuuna xukuumada ugu baaqay inay
shaqooyinkoodii ku soo celiso boqollaalka macalimiinta ah ee sida sharci darrada
ah shaqooyinkoodii looga caydhiyay.
Ururka macalimiinta adduunka, waxaa xubno ka ah
ilaa iyo 26 Malyun oo qof oo isugu jira macalimiin iyo shaqaalaha meelaha wax
lagu barto ka shaqeeya, waxaana hoos yimaadda urur-hoosaadyo 315 ka kooban,
kuwaasoo ka hawlgala 161 waddan oo adduunka ka tirsan, waxaan xubin ka ah Ururka
Macaliimiinta Itoobiya.
Laba xisbi oo macaarada ku ah EPRDF oo midoobay
Ururka Midowga Itoobiya iyo Xisbiga
Dimoqraadiyada Itoobiya ayaa waxay ku jiraan maalmahan shir wayn oo ay albaabdu
u xidhan yihiin, kaasoo ay kaga wada-hadlayaan sidii ay u midoobi lahaayeen.
Wararku waxay intaas ku darayaan in labadan
urur ay si wadajir ah uga soo horjeedsanayaan xukuumada Meles, si ay uga
guulaystaan doorashooyinka soo socda, waxayna ku taljiraan inay midnimadooda
labo bilood guduhood ku xaqiijiyaan.
Labadan xisbi waxay sheegeen inayna macquul
ahyn in dadwaynaha Itoobiya ay hal xisbi oo kaliya u afduubnaadaan.
Arintani waxay cabsi wayn ku abuurtay ururka
EPRDF oo aan kal sooni ka haysanin inta badan shacbiga Itoobiya.
Khabiir aaminsan in lacagta Itoobiya lagu
caawiyo ay dab sii shidi doonto
Waraysi ay la yeelatay Wakaalada Wararka
Eritrea nin khabiir ku ah arimaha dhaqalaha waxaa uu ku sheegay in dhaqaalaha uu
hadda Midowga Yurub ugu deeqo xukuumada Itoobiya uu ka dhigan yahay in dib loo
huriyo dagaallada xaqdarrada ahaa ee xukuumada Addis Ababa ay ku qaado dalalka
deriska la ah.
Ninkaas khabiirka ahi wuxuu kaloo yidhi; “Maxay
ka dhigan tahay in Midowgar Yurub uu hadda xukuumada TPLF ugu deeqo lacag dhan
3.8 bilyan oo birr, iyadoo la wada ogyahay in xukuumada TPLF ay jabisay
sharciyada caalamiga ah”.
Kahbiirkani wuxuu kaloo sheegay in beesha
caalamku ay xukuumada Itoobiya u caawiso sidii ay dalkeeda u horumarin lahayd,
laakiin iyadu waxay dhaqaalaha lagu caawiyo u isticmaashaa inay dalalka dariska
la ah ku weerarto iyo inay ku cadaadiso dadyowga raba inay aayahooda ka
tashadaan.
Wuxuu kaloo intaas raaciyay in Itoobiya ay ka
mid tahay wadamada adduunka ugu liita dhinaca horumarka, iyadoo waliba adduunku
uu ugu deeqo macaawanooyin aan la qiyaasi karin.
Ciidamad Qaramada Midoobey ee xadaka Itoobiya
iyo Eritrea oo la xabadeeyay
Warar degdeg ah oo naga soo gaadhay xadka
Itoobiya iyo Ertrea ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay rasaas oodda kaga
qaadeen ciidamada Qaramada Midoobey ee nabad sugidda u jooga xuduuda Itoobiya
iyo Eritre.
Wararku waxay intaas ku darayaan in ciidamada
xukuumada Itoobiya ee xuduuda ku sugani ay rasaas ku fureen ciidamada Qaranmada
Midoobey markii ay u soo gudbeen dhinca Itoobiya, ka dibna ay saldhigoodii dib
ugu laabteen.
Arintani waxay makharati u tahay in dawlada
Itoobiya ayna maraba u hoggaansamaynin sharciyada caalamiga ah, isla markaana
ayna ku talajirin in khilaafka xuduuda lagu dhammeeyo hab nabadgelyo oo
waafaqsan sharciga caalamiga ah.
Dadka siyaasada Itoobiya indha-indheeya ayaa
sheegaya in xukuumada Itoobiya ay ka shaqaynayso sidii ay mar kale u billaabi
lahayd dagaal xuduuda ku saabsan, si ay u soo afjarto cadaadiska ka haysta
dhinaca go’aanka xuduuda ee ka soo baxay Qaramada Midoobey, kaasoo ay xukuumada
Itoobiya ku gacan saydhay.
Urur xuquuqul insaan ah oo xukuumada Addis
Ababa dhaleeceeyay
Sida aanu ka soo xiganay wakaalada waraka
Ogaadenya, Golaha Xuquuqul-insaanka Itoobiya ee marka magiciisa la soo gaabiyo
la yidhaado EHRC ayaa sabtidii Booliska u adeega xukuumada Meles ku eedeeyay
inuu garaacay oo buundo dheer ka soo tuuray suxufi can ah oo qoray maqaallo
daaha ka rogaya xaqiiqda dhabta ah ee maamulka TPLF ee talada dalka gacanta ku
haya.
Ururrada daneeya xuquuqda suxufiyiinta ayaa
marar badan xukuumada Itoobiya ku eedeeyay inay si wayn ugu xadgudubto xuquuqda
suxufiyiinta, isla markaana ay cadaadiso saxaafada gaarka.
Golaha Xuquuqul-insaanka Itoobiya EHRC wuxuu
soo daabacay sawirrada suxufiga lagu magacaabo Araya Tesfa-Mariam, oo 28 jir ah,
kaasoo uu Boolisku horraantii bishii oktober aad u garaacay, ka dibna ka soo
tuuray buundo uu dheerarkeedu 5 mitir dhan yahay.
Suxufigan waxaa dhibaatadan loo gaystay, k adib
markii uu diiday inuu sheego cidda uu ka soo xigtay maqaal si wayn uga hadlay
siyaasada TPLF, oo uu ku soo qoray wargayska toddobaadlaha ah ee Ethiop.
Golaha Xuquuqul-insaanka Itoobiya EHRC ayaa
sheegay in dhibaatada suxufigaas loo gaystay ay meel ka-dhac wayn ku tahay
xuquuqda bulsho iyo midda bani’aadamka labadaba, isla markaana ay lid ku tahay
xorriyada saxaafada.
04.11.003
C/Nuur Sh. Maxamed
raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa
Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7:
30PM waqtiga Afrikada.
Faallo: Xadgudubyada ay xukuumada Meles ku
samayso bulshada rayadka ah
Ra, iisal wasaaraha xukuumada Itoobiya Meles
Zenawi wuxuu madal kastoo uu ka hadlo ku celceliyaa in Itoobiya ay
dimuqraadiyadi ka jirto, dadwaynaha Itoobiyaanka ahina ay ku raaxaystaan nimcada
dimuqraadiyada ee la bilatay maamulka uu madaxda ka yahay ee EPRDF.
Meles Zenawi, si uu dunida inteeda kale u
indha-tiro, wuxuu mar kasta eed dusha kaga tuuraa xukuumadihii isaga ka
horreeyay, oo uu ku tilmaamo inay ahaayeen xukuumado musuqmaasuq ku dhaqmi jiray
oo dhibaatooyin waawayn soo gaadhsiiyay dadwaynaha Itoobiya, isla markaana si
wayn dalka Itoobiya uga wiiqay dhinac walba, hadday noqon lahayd dhinacyada
dhaqaalaha, caafimaadka, nabadgelyada, xuquuquul-insaanka iyo xorriyada gaarka
ah ee dadka intaba.
Dadka indha-indheeya siyaasada Iyoobiya ayaa
rumaysan in Meles Zenawi uu mar kasta ku faano libin aanuu wali soo hoyinin,
lagana yaabin inuu maalin maalmaha ka mid ah soo hoyiyo.
Tan iyo intii ururka TPLF uu xoogga ku qabsaday
talada dalka Itoobiya waxaa maalinba maalinta ka denbaysa ka soo badanaya
xadgudubka dhinac walba ah ee xukuumadu ay ku hayso dadka rayadka ah. Waxay
xukuumadu si joogto ah ugu tumataa xuquuqda shacbiga Itoobiya iyo xuquuqda
shucuubta kale ee Itoobiya ay gumaysato, sida soomaalida Ogadenya.
Waxaa la wad-qiray in xukuumada Meles Zenawi
ayna haba yaraatee waxba kaga duwanayn xukuumadihii Xayle Salase iyo Mingistu
Xayle Maryam, dhinaca ku tumashada xuquuqda bulsho iyo midda siyaasadeed ee
dadwaynaha iyo ku xadgudubka xuquuqda bani, aadamka.
Waxaana arrintaas daliil u ah canbaaraynta aan
kala go, a lahayn ee ururrada maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ahiba ay xukuumada
Addis Ababa u soo jeediyaan.
Canbaaraynaha noocan ah ee xukuumada Itoobiya
loo soo jeediyo ma aha kuwa kala go, a, waxaana eegga ugu denbeeyay Golaha
Xuquuqul-insaanka Itoobiya oo xukuumada ku eedeeyay inay jidhdil xun u gaysatay
mid ka mid ah suxufiyiinta caanka ah ee qora maqaallada lagu dhaleecaynayo
siyaasad xukuumada Meles Zenawi, waxaana suxufigaas la jidhidilay oo
dhibaatooyin badan loo gaystay, ka dib markii uu diiday inuu daaha ka rogo
ciddii uu ka soo xigtay xogaha dhabta ah ee uu maqaalladiisa gundhigga uga
dhigay.
Waxaa Golaha Xuquuqul-insaanka Itoobiya ka
horreeyay oo iyaguna marar badan xukuumada Itoobiya ku dhaleeceeyay xadgudubyada
ay suxufiyiinta u gaysato iyo cabbudhinta ay saxaafada ku hayso Urururka
Suxufiyiinta Itoobiya, oo markii uu xukuumada Itoobiya ka quustay u qayshaday
Ururka Wafidiyeenada Adduunka iyo waliba beesha caalamka inteeda kale.
Waxaa kaloo isaguna muddo hadda toddobaad laga
joogo warqad dheer oo canbaarayn ah u soo qoray keligii taliye Meles Zenawi
Ururka macalimiinta Adduunka, oo saldhigiidu yahay magaalda Brussels ee carriga
Belgium.
Ururka Macalimiinta Adduunka waxaa xubno ka ah
ilaa iyo 26 milyan oo qof oo isugu jira macalimiin iyo shaqaalaha ka shaqeeya
goobaha wax lagu barto, waxaana hoos yimaadda urur-hoosaadyo ka kooban 315 urur,
kuwaasoo ka hawlgala 161 waddan oo adduunka ka tirsan.
Warqadan uu ururku Meles u soo diray wuxuu si
adag ugu canbareeyay sida ay dawlada Itoobiya ula dhaqnto macalimiinta Itoobiya
oo 5tii bisha oktober loo diiday bannaanbax ay qaban lahayeen, oo ay kaga
cabanayeen dhibaatooyinka xad-dhaafka ah ee xukuumadu ay ku hayso macalimiinta
iyo tallaabooyinka ay macalimiintu u arkaan in xukuumadu ku wiiqayso
waxbarashada, iyadoo u danaysanysa ashkhaas gaar ah oo xukkumada gacan saar la
leh, kuwaasoo furtay hay, ado gaar ah oo waxbarashada qaabilsan.
Ururka Macalimiinta Adduunku wuxuu waraqadaas
canbaaraynta ah ku qoray in tallaabooyinka noocaas ahi ay lid ku yihiin sharciga
caalamiga ah ee u yaalla Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO), wuxuuna xukuumada
Addis Ababa ka codsaday inay si degdeg ah u saxdo sharciyada u yaalla, si ay u
waafajiso sharciyada caalamiga ah ee dunida oo dhan ka dhexeeya.
Ururku wuxuu Meles Zenawi si toos ah uga dalbay
inuu aqoonsado sharciyada Ururka Macalimiinta Itoobiya, isagoo raacaya sharciga
ururrada shaqaalaha adduunka.
Arrimaha kalee Ururka Macalimiinta Adduunku uu
xukuumada Itoobiya ka codsaday waxaa ka mid ah inay sida ugu dhakhsaha badan u
fasaxdo lacagaha ay ka xannibtay Ururka Macalminiita Itoobiya, isla markaana ay
u oggolaato inuu xafiisyadiisii dib u furto oo hawlihiisii si caadi ah u qabsado.
Ururka Macalimiinta Adduunku wuxuu xukuumada
Meles Zenawi ka dalbay inay si degdeg ah u joojiso falalka bani, aadamnimada ka
baxsan ee bulshada rayadka ah ay ku hayso, sida dilka, afduubka, jidhdilka,
xabsiga iyo shaqo ka caydhinta, wuxuuna xukuumada ugu baaqay inay
shaqooyinkoodii ku soo celiso boqllaalka macalimiinta ah ee sida sharci darrada
ah shaqooyinkoodii looga caydhiyay.
Ururka Macaliminta Adduunku wuxuu xukuumada
Addis Ababa ugu hanjabay inuu il gaar ahaaneed ku eegi doono, isla markaan u
dhabba geli doono inay fuliso sharciyada caalamiga ah ee xuquuqda shaqaalaha iyo
in kale, wuxuuna sheegay in xadgudub kasta oo ay xukuumadu samayso uu bulshada
caalamka u gudbin doono.
Diyaareiye
Ahmed Gaal, eri
..........................................
raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay
15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha! 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
....KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
|