DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo
Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.
- Ø Roobkii Dayrta oo la waayay.
- Ø
Jaamacada Baaxir
daar oo laxidhay
Ø Shir wayn oo ay yeesheen Jaaliyada Eritrea ee Minnesota.
Ø Xohayaha guud ee Qaramada Midoobay oo codsaday in wakiilka soomaaliya uu
sii wado hawsha uu hayo.+
Ø Golaha Amaanka oo go,aan ka soo saaraya arimaha Soomaaliya.
Ø Riwaayad ay soo saareen Xooxda halgan oo ka hadlaysa dhibaatada
Gumaysiga iyo Suugaan halgameed.
Roobkii Dayrta oo la waayay.
Roobkii Dayrta ee di, i jiray inta u dhaxaysa
bilaha oktober iyo desember ayaa laga waayay gobollo badan oo Ogadenya ka mid
ah, waxaana laga cabsi qabaa in gobolladaas ay macaluul ba, ani ka dhacdo,
sidaas waxaa war-saxaafadeed ku sheegtay hay, adda Badbaadada Carruurta ee The
Save Children UK.
Roobka Dayrta, oo lagu waday inuu billowdo
bishii oktober, ayaan gobollo badan ilaa iyo hadda ka curanin, taasoo ka dhigan
in dhibaatooyin waawayni ay gobolladaas ku soo fool-leeyihiin.
Meelaha ay dhibaatadu ku sii badan tahay waxay
yihiin gobollada koonfureed ee Ogadenya, oo ay ku jirto Godey, waana gobolladii
uu dhaawac xun ka soo gaadhay aabrihii 2000. Haddii aan toddobaadyada soo socda
roob ka di, ina waxaa laga cabsanayaa inay ka dhacdo mid la mid ah dhibaatadii
2000 Ogadenya ka dhacday.
Roobka Dayrtu wuxuuna ka di, in toddoba ka mid
ah sagaalka gobol ee Ogadenya ka kooban yahay, taasoo ka dhigan in dhibaato aan
la qiyaasi karin ay la soo gudboonaan doonto dadwaynaha iyo xoolahaba haddii uu
Jiilaalku u soo galo, iyadoon roobkii Dayrta la helin.
Sida ay warbixintu sheegtay roobka Dayrtu wuxuu
ugu roon yahay dhinaca Jigjiga. Meelaha ugu darana waxaa ka mid ah gobolka
Shinniile.
Hay, adda Badbaadada Carruurta ayaa sheegtay
inay hadda quudiso dad ay tiradoodu gaadhayso 330.000 oo qof.
Abaarihii Ogadenya ka dhacay sannadihii
1999-2000 waxaa ku naf-waayay dad gaadhaya 100.000 oo qof, sida ay sheegtay Hay,
adda Badbaadada Carruurta ee UK.
Caawimooyin xad-dhaaf ah ayaa Itoobiya lagu
siiyaa abaaraha ka dhaca gobollada kala duwan ee hoos yimaadda, hase yeeshee
caawimooyinkaasi ma gaadhaan dadkii loogu talagalay, taasoo keentay in dalalka
deeq bixiyayaasha ah intooda badani ay ka caga-jiidayaan taageerada Itoobiya.
Hay, ada hawlaha bani, aadamnimada u qaabilsan
dalka Maryaknka ee USAID ayaa dhawaan xukuumadda Itoobiya ka codsatay inay
qaabkeeda maamul dib u-habayn ku samayso, si ay suuragal u noqoto in si
wanaagsan loo maamulo kaalmooyinka la siiyo oo la gaadhsiiyo dadka tabaalaysan.
Jaamacada Baaxir daar oo laxidhay
Sida aanu ka soo xiganay wakaalada wararka
Ogaadeenya ciidammada nabadsugida ee xukuumadda Meles Zenawi ay albaabada u
xidhay jamaacadii ku taallay magaalda Baxardaar.
Jaamacadda Baxir-dara waxaa la xidhay, ka dib
markii ay aradaydu isu diyaariyeen mudaharaad ay kaga soo horjeedeen qorshe ay
dawlada EPRDFtu hirgelinayso iyo nolol xumida ay ardaydu ku jirto.
Ciidamada nabadsugida ee EPRDF ayaa u daatay
xaruntii Jaamacadda, si ay uga hortegaan in ardaydu ay is-uruursadaan, taasoo
keentay in ardaydii jaamacadduna ay xarunta jaamacadda ka cararaan oo ay ku
xaroodaan kaniisad magaalada ku taalla, si ay uga badbaadaan jidhdil loo gaysto
ama in xabsiga loo taxaabo.
Xukuumadda Meles Zenawi waxay argayda u argataa
cadow xoog badan oo ka soo horjeeda, sidaas darteed waxay had iyo gore kula
kacdaa falal bani, aadamnimada ka baxsan, sida jidhdil, xabsi, dil iyo
xadgudubyo kale oo xaquuqal insaanka ka dhan ah.
Waxana la wada ogsoon yahay in 40 arday ay
dawlada Wayaanuhu ku dishay bishii April ee sannadkii 2001 Jaamacadda Addis
Ababa, oo iyaduna xidhnayd muddo sannad ka badan, ka dibna la furay iyada oo
nabadgelyadeeda aad loo adkeeyay.
Dhinaca kale ugu yaraan 2400 oo arday ayaa
iyagun bannaanbax ku sameeyay ka soo horjeedka wasaarada waxbarashada ee
xukuumadda Itoobiya, kuwaasoo loo waayay fasallo ay wax ku bartaan iyo hooy ay
seedaanba labadaba, waxaana bannaanbaxaas qasab ku kala kexeeyay ciidammada
nabadsugidda ee Meles Zenawi, oo xabisga u taxaabay 7 ka mid ah ardaydii
bannaanbaxaysay.
Shir wayn oo ay yeesheen Jaaliyada Eritrea ee
Minnesota.
Shir wayn oo ay Jaaliyada Eritriya ee ku nool
magaalda Minnesota ee carriga Maraykanku ay yesheen bishan toddobaadkii hore
ayaa aad looga dhaleeceeyay dawlada Wayaanaha oo la sheegay inay rabto inay
rayul caalamaka khaldo oo ay majaro habaabiyaan taariikhda wadanka Eritriya.
Shirkan waxaa soo qaban qabanqaabiyay laba nin
oo ah hogaamiyayaasha dadka Eritriyaanka ah ee dhalashada Maryknaka haysta, oo
la kala yidhaahdo Dr Braket iyo Mr. Dawit.
Labadan nin waxaay ka mid yihiin dadkii aadka
ugu soo halgamay wadanka Eritriya markii uu xornimadiisa u dagaallamayay,
waxayna halkaas ka jeediyeen warbixin ku saabsan mushikilka ka taagan xuduuda
Itoobiya iyo Eritiye.
Warbixintaas, oo socotay muddo sadex saac ka
badan, waxay ku saabsanayd eshiiskii Algers iyo go, aankii uu soo saraay guddiga
soohdinta ee Ethio-Eritre.
Shirkaasuna waxa lagau soo gabagabeeyay baaq ay
soo saartay Jaaliyada Minnesota ee Eritriya, kaasoo ah:
1. Inayna marab aqbalaynin fikrada kooxda
budhcadda ah ee wayaanha oo ay taageerayaan shaciyada calaamiga ah iyo go’aanka
ka soo baxay guddida soohdinta ee Ethio-Eritre.
2. Waxay shirkaas ugu mahad naqeen dawlada
Eritriyaa, taasoo si fiican u difaacday qaranimada wadanka Eritriya.
3. Waxa kale oo ay isku raaceen in u qof waliba
maaliin kasta u ugu deeqo 1 Dollar agoontii ay waalidiintood ay ku geeriyootay
dagaalkii wadanka Eritriya lagaga xorayanayay gumaysiga Abasiniya.
Xohayaha guud ee Qaramada Midoobay oo codsaday
in wakiilka soomaaliya uu sii wado hawsha uu hayo.
Sida aanu ka soo xiganay shabakada Internetka
ee Qoraxay Online Xog-hayaha guud ee Q/Midoobay ayaa gaarsiiyay Golaha Ammaanka
in uu doonayo xil kordhin loo sameeyo ergeygiisa gaarlka ah ee u qaabilsan
arrimaha Soomaaliya Winston Tubman.
Warqad uu u diray Golaha Ammaanka ayuu Kofi
Annan ku sheegay in ilaa iyo dhamaadka 2004-ta Winston Tubman uu siihayo
jagadiisa isagoo sheegay inuu kaalin weyn ka qaatay intii la magacaabay Tubman
gacan siinta dib u heshiisiinta Soomaalida isagoo xiriiro la sameynaya kooxaha
kala duwan ee Soomaaliyeed iyo dhinacyada ay arrinta Soomaaliya quseyso.
Ergeyga xog-hayaha guud ee Q/Midoobay u
qaabisan Soomaaliya dalka Laybeeriya oo laf ahaanteeda dagaalo sokeeye ka jiraan
ayaa isaguna gacan siiyay dadaalka IGAD dadaalka ay ugu jirto dib u heshiisiinta
Soomaalida, waxaa la filayaa in ay ogolaadaan Golaha Ammaanka mudo kordhinta
xilka Winston Tubman.
Golaha Amaanka oo go,aan ka soo saaraya arimaha
Soomaaliya.
Golaha Ammaanka ee Q/Midoobay ayaa bishan ka
doodaya isla markaana go'aan ka soo saaraya xaalado ka jira Qaarada Afrika oo
horyaala Golaha, iyadoo uu bishaan gudoomiye u yahay golaha safiiirka Angola
Imael AbraaoGaspar Martins.
Qaarada Afrika ayaa howlaha bishaan ee Golaha
Ammaanka ugu badan waxyaabaha uu ka hadlayo inkastoo aysan ka marneyn Barriga
dhexe iyo Afganistaan, wuxuu safiirka Angola sheegay in uu goluhu ka doodi doono
xalaada Soomaaliya, Koongada dimuquraatiga ah Afrikada dhexe, Laybeeriya iyo
Cote d'lvoire(Ivory Cost), wuxuu kaloo goluhu ka hadli doonaa xaalada Itoobiya
iyo Ereteriya.
Xaalada Soomaaliya ayaa go'aano laga soo saari
doonaa, kuwaas oo khuseen doona shirka Kenya ka socdo kooxaha Soomaaliyeed,
xaalda hubka ku soo qulqulaya Soomaaliya iyo wakiilda Soomaaliya u jooga
qaramada midoobay oo dib loofiirin doono.
11.11.003
C/Nuur Sh. Mohamed
raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay
15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha! 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
....KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
|