DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo
Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.
- Ø Dagaalo dhex maray Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya iyo Ciidanka
Gumaysiga Itoobiya.
- Ø Doorashooyinka Itoobiya waxba ma dhaamaan kuwii dawladadihii hore
- Ø Kanbaniyada ganacsiga ee TPLF oo lcag badan oo dayn ah lagu yeeshay
- Ø 127 wariye oo Itoobiya lagu xidhay
- Ø Magaalda Addis Ababa oo qiimaha sonkortu cirka isku shareeray
- Ø
Jeexidda xadka
Itoobiya iyo Eritereya oo dib loo dhigay
Ø Barnaamujkii aanu ku soo qaadanaynay waxyaabihii ugu waaweeynaa ee G/Afrika
ka dhacay iyo waliba suugaan halgameed.
Dagaalo
dhex maray Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya iyo Ciidanka Gumaysiga Itoobiya.
Sida uu noo soo tabiyay wariyaha Radio Xoriyo
ee ku sugan magaalada Nusdariiqa Maxamed Cabdi Nuur, waxuu dagaal ba,an ku
dhexmaray badhtamihii Bishan aynu ku jiro ee Oktoobar Meeygaago oo aan sidaas
uga fogayn Nusdariiqa Ciidamada dagaalyahamiinta Xoreeynta Ogaadeenya iyo
ciidamada gumaysiga Itoobiya.
Dagaalkaas oo laysu adeegsaday noocyada hubka
darandooriga u dhaca ee kala duwan ayaa waxaa ciidamada dulmiga waheshada ee
gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 10 Askari oo ay ku jireen Labo sargaal oo mid ka
mid ah lagu magacaabi jiray Captan AYALE, oo ka mid ahaa saraakiisha ku can
baxday dhibaatada ay dad weynaha u geystaan iyo waliba Labaxidigle kale oo aanan
magaciisa helin waxaana halkaas lagaga dhaawacay 21 Askari oo kale.
Isla xiligaas dagaal ku dhex maray ciidamada
Xoreeynta Ogadenya iyo ciidamada cadawga Itoobiya Karin-Cagaag oo u dhaw
magaalada Goday waxaa Ciidamada cadawga Itoobiya lagaga adilay 3 Askari tiro
kale oo aan lasoo xaqiijina waa lagaga dhawcay.
Sidoo kale Garoonka oo ka tirsan gobolka doolo
dagaal ku dhexmaray ciidamada Itoobiya iyo ciidamada Jabhada wadaniga Xoreeynta
Ogaadeenya ayaa waxaa ciidamada wayaanaha lagag dilay 4 Askari waxaana lagaga
dhaawacay 7 Askari oo kale.
19/10/03 iska hor imaad dagaal oo ku dhex maray
ciidamada dagaalyahaniinta Xoraynata Ogaadeenya iyo ciidamada cagajiidka
Itoobiya meesha lagu magacaabo Jiiq waxaa ciidamada gumaysiga lagaga dilay 5
Askari waxaana laga dhaawacay 6 Askari oo kale.
Sida oo kale dagaal labada dhinac ku dhex maray
Qorati oo ka tirsan Dagmada Ararso waxaa ciidamada gumaysiga lagaga dilay 1
Askari.
20/10/03 dagaal ay ku qaadeen dagaalyahamiinta
wadaniga xoreeynta ogaadeenya ciidamo Itoobiyaan ah oo Laandheer ku sugnaa ayay
kaga dileen 2 Askari waxayna kaga dhaawaceen 3 Askari oo kale.
Sida oo kale dagaal mir ah oo ay ciidamada
xoreeynta Ogaadeenya ku qaadeen Xerada ciidanka gumaysiga Itoobiya ee dagmada
Awaare ayaa waxay kaga dileen 2 Askari waxayna kaga dhaawaceen 5 Askari oo kale.
21/10/03, dagaal ku dhexmaray tuulada Gabagabo
Labada dhinac ee Ciidamada Xoreeynta Ogaadeenya iyo ciidamada gumaysiga Itoobiya
ayaa ciidamada gumaysiga lagaga dilay 3 Askari waxana lagaga dhaawacay 4 Askari
oo kale.
26.10.03 dagaal dhabagal ah oo ay
dagaalyahamiinta xoreeynta Ogaadeenya ku qaadeen ciidamo Itoobiyaan ah oo
marayay Miir Xagaaf oo u dhaw magaalada Qoriile ee gobolka doolo ayaa waxaa
ciidamada doolka ku jooga Ogaadeenya lagaga dilay 3 Askari tiro kale oo aan la
xaqiijina waa lagag dhaawacay.
Dagaalada ay Ciidamada wadaniga Xoreeynta
Ogaadenya ku hayaan ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa dhaawac culus oo khalkhal
iyo jaha wareer ku abuuray u gaystay ciidamada xaqdarada iyo cadaadiska ku
caanbaxay ee Itoobiya
Doorashooyinka Itoobiya waxba ma dhaamaan kuwii
dawladadihii hore.
Sida aanu ka soo xiganay wakaalda waraka
Ogaadeenya Warbixin ku saabsan daraasaad lagu sameeyay geeddi socodka dawlada
Itoobiya 12kii sano ee ugu danbeeyay, oo uu soo diyaariyay Macadka Iklingdhal oo
ku yaalla wadanka Holland, ayaa si wayn loogaga hadlay dimuqraadiyada, xuquuqul
insaanka, doorashooyinka iyo saxaafadda xorta ah ee Itoobiya.
Warbixintani waxay caddaysay in dawlada ka
tilisa dalka Itoobiya ayna waxba kaga duwanayn xukuumadihii hore ee Xayle Salasi
iyo Migistu Xayle Maryam, marka la eego dhinaca doorashooyinka. Sababatoo ah
xukuumadihii Xayle Salase iyo Mingistu waxay sheegi jireen inay doorashooyinka
la qabto 99% ku guulaysteen, xisbiga hadda Itoobiya ka taliyana wuxuu sheegaa
inuu doorashooyinka 95% ku guulaysto.
Dhinaca xaquuqul insaanka waxay warbixintu ku
tilmaantay heerka uu maraayo mid aan loo dul-qaadan karin. Dhinca saxafada xorta
ah marka la fiiriyo warbixintu waxay sheegtay in xukuumada EPRDF ay oggolaansho
saxaafadeed siisayay markii ay wadanka qabsatay 182 Jaraa,id oo todobaadle ah
iyo 543 wargays oo maalin le,ah, waxaana hadda ka soo hadhay oo kaliya 19
Magazine iyo 74 wargays, taasoo macneheedu yahay in xukuumada EPRDF ay cadaadis
wayn saaratay dhinaca saxaafada xorta ah.
Warbixintu waxay kaloo intaa ku dartay in
aqoonyaniinta Itoobiya ay dawladaha reer galbeedka ah ee Itoobiya caawiya ka
codsadeen inay ka fiirsadaan oo waliba u dhabba-galaan in dhaqaalaha ay bixiyaan
aan loo adeegsanin dagaal lagu qaado dalalka dariska ah iyo cabudhinta dadka ka
soo horjeeda xisbiga wadanka ka taliya.
Kanbaniyada ganacsiga ee TPLF oo lcag badan oo
dayn ah lagu yeeshay.
Wargayska Reporter ayaa qoray bishan Okt, 28dii
in sharikadaha ganacsiga ee u ururka TPLF uu leeyay lagu yeeshay lacag dayn ah
oo gaadhaysa ilaa iyo 1 Bilyan oo Birr. Lacagta dulsaarka ah ee lagu leeyahay
ayaa iyaduna gaadhays 170 Malyun oo Birr.
Baniga Dhexe ayaa gudoomiyaha sharkada EFRT
Sibahat Nega ka codsaday in sharikadu ay lacagtaas si degdeg ah isga bixiso,
haddii kale maxkamada lagu dacwaynayo.
Sharikadaha uu ururka TPLF la wareegay markii
ay dawladii Dhergigu dhacaday waxaa ka mid ahaa Mesfin Engineering Construction,
Rugta ganacsiga ee Gunau, Warshada Daawooyinka ee ADDIS, Warshada Sibidhka ,
Warshada Dharka iyo Wakaalda Gaadiidka ee Itoobiya, waxayna sharikadahaasi dalka
soo gelin jireen faa’iidooyin badan oo kala duwan intii uuna ururka TPLF la
wareegin.
127 wariye oo Itoobiya lagu xidhay
Wariyaha magaalda Addis Ababa u jooga Wakaalada
Wararka Ogadniya ayaa sheegaya in madaxwaynaha Ururka Wariyayaasha Itoobiya
Kifle Mulat uu shir jaraa’id qabtay, kaasoo uu ku sheegay in dawlada Itoobiya
xabsiga dhigtay suxufiyiin ay tiradoodu gaadhayso 127, wuxuu kaloo sheegay in
dalka ay ka baxsadeen in ka badan 35 suxufi. Shirkan jaraa’id oo ay ka soo qayb
galeen suxufiyiin caalami ah wuxuu Kifle Mulat intaas raaciyay in suxufiyiinta
dalka ka baxsaday iyagana ciqaab kulul la marin lahaa haddii ay dalka sii joogi
lahaayeen.
Xukuumada Meles Zenawi waxay ku caan baxday
cabudhinta saxaafadda, waxaana si wayn loo ciqaabaa suxufiyiinta sida xorta ah
wax u qora ee falanaqeeya siyaasada xukuumada.
Magaalda Addis Ababa oo qiimaha sonkortu cirka
isku shareeray
sida aanu ka soo xiganay WWO waxa cirka isku shareeray qiimaha sonkorta ee
magaalda Adis Ababa, kadib markii ay dawladawayaanahu xadkii Ogadaniya iyo
Somaliya u dhaxeeyay. Qiimaha sonkorta waxaa circa kusii shareeray kadib markii
ay xukuumada A.A. ay shati gaar ah usiisay shaqsiyaad gacan saar laleh dowlada
TPLF kaganac siga sonkorta Itobiya, kuwaasoo kuguul daraystay in ay daboolaan
baahida dadwaynaha.
Wararku waxay intaa ku darayaan in qiimaha
sonkorta hadda kohor u ahaa 4 Birr halkii kilo meesha uu hada kayahay 12 Birr
kiiladii, taas oo micnaheedu yahay in uu qiimaha sonkortu kordhay 300%,arintan
oo ay dadwaynaha ku nool magaalda A.A ay aad ula yaabeeb.
Waxaana lawada Ogsoonyahay in ay dawlada
wayaanhu uu musuqmaasuqu meel walba ka galay oo ay rabaan in xataa askartooda
caadiga ahi ay mudo yar gudahood ku taajiraan oo ay hantida dad wayaha dhacaan
iyaga oon wax dhib ah u soo marin.
Jeexidda xadka Itoobiya iyo Eritereya oo
dib loo dhigay.
Calaamadaynta xadka dheer ee u dhexeeya
Eritereya iyo Itoobiya aya la sheegay inayna sidii qorshuhu ahaa u dhici doonin,
sidaas waxaan jamcihii soo dhaafay kasoo xigtay Qaramada Midoobey. Calaamadaynta
xadka Itoobiya iyo Eritereya, oo hadda ka hor laba mar dib loo dhigay, ayaa
haddana dib uga dhacday bishan oktober oo la rabay in la dhammeeyo, hase yeeshee
Ergada Qaramada Midoobey u qaabilsan xallinta khilaafka xuduudda ee Itoobiya iyo
Eritereya u dhexeeya ma ayna sheegin xilliga xadka la calaamadayn doono.
Wakiilka gaarka ah ee Ergada Joseph Legwail,
ahna madaxa ciidamada Qaramada Midoobey ee nabad ilaalinta u jooga Itoobiya iyo
Eritereya ayaa hadda ka hor sheegay inayna suuragal ahayn in bishan la
calaamadeeyo xadka labadan dal kala qaybiya. Haddana waxaa jamcihii dib u
dhiciddan sugay afhayeen Ergada u hadlay.
Itoobiya ayaa ku gacan saydhay go’aankii ka soo
baxay Ergada Qaramada Midoobey ay u xilsaartay xallinta khilaafka xuduudeed ee
Itoobiya iyo Eritereya, waxayna go’aanka Ergada diidday, ka dib markii magaalada
Bademe la siiyay dalka Eritereya.
31.10.003
Dhoodi Danwaa
raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay
15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha! 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
....KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
|