w w w . s o m a l i t a l k . c o m
|
SOMALITALK
-
WARBIXIN
|
QARAX WEYN OO
KALE OO KA DHACAY MAGAALADA ISTANBUL
Waxaa soo ururiyey:
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
ISTANBUL: Waxaa qaraxweyn lala beegsaday Qunsuliyadda ingiriiska ee magaalada
Istanbul iyo weliba Bangiga HSBC, dhimashada labada qarax ayaa la sheegaya
inay kor u dhaafayso 25 qof, halka dhaawaca inta tiradooda la hayo ay
gaadhays 390, qof, waxaa keliya uun ka soo wareegay muddo afar cisho ah
markii laba qarax oo noocani oo kale ah lala beegsaday laba kiniisadood oo ay
lahaayeen dadka Yuhuuda ah ee ku sugan magaalada Istanbul, Saraakiisha
turkiga ee ku sugan magaalada Istanbul ayaa xaqiijiyey in Qunsulkii u
fadhiyey waddanka Britain magaalada Istanbul uu ku jiro dad badan oo
lalaayahay ka dib qaraxa dhacay, oo la sheegayo in labadan qaraxba ay ka
danbeeyen naftooda hurayaal isku soo xidhay gawaadhi ay ka buuxan waxyaabo
qarxa, dad goobjogayaal ahaa oo arkaayey labadan goobood ee qaraxu ka dhacay
ayaa sheegaya in ay arkayeen gawaadhi xawaare sare ku socda oo duqeeyey
gaydhadhka qunsuliyadda ingiriiska iyo weliba bangiga HSBC.

Ra'isal wasaaraha ingiriiska oo shir jaraa'id ay wada qabanayeen Madaxweyne
Bush oo booqasho ku jooga waddanka ingiriiska ayaa sheegay in qaraxyadani
aanay ka joojin doonin dagaalkoogu ay kula jireen waxay ugu yeedhan
Argagixisada, Weriyayaasha ku sugan magaalada Istanbul ayaa ku soo waramaya
in ay magaaladu wareer gashay ka dib markii isgaadhsiintii magaaladu ay
go'day, goobaha ay qaraxyadu ka dhaceena lagu arkaayey khasaare weyn oo
gaadhay, hosptaladana ay buux dhaafiyeen boqolaal qof oo dhaawac ah,
waddooyinka ayaa dhamaanba laga xidhay gawaadhida si loogu baneeyo dhooliyaha
wada dhaawaca iyo dhimashadaba, saraakiisha turkiga ayaa ka gaabsaday inay
xaqiijiyaan dhimashada iyo dhawacu cidda uu u badanyahay, isku soo wada duubo
tani waxay muujinaysa necaybka loo qabo maraykanka iyo ingiriiska iyo weliba
yuhuudu inuu ku sii xoogaysanayo wadamada islaamka.
QARAXII HORE EE KA DHACAY MAGAALADA ISTANBUL,
TURKIGA
Waxaa soo ururiyey

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.
diridhaba2001@hotmail.com
Nov 21, 2003
QORAALADII HORE EE DIRIDHABA
Bush oo Difaacay
Weerarka uu Dalkiisu ku Qaaday Ciraaq
Warbixintii Maxamed "Diridhaba"...
Guji.. Nov
19
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
...
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
|
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|
>> Usheeg Asxaabtaada
|
|
|