SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
Madaxweyne Bush oo Difaacay Weerarka uu dalkiisu ku qaaday Waddanka Ciraaq iyo ciidamada maraykanka iyo british-ka ah ee ku sugan ciraaq.

FAALADII MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)                            
KARACHI, PAKISTAN.
diridhaba2001@hotmail.com

 

The Queen and President Bush at Buckingham Palace                           

Madaxweyne Bush oo dhex mushaxaya qasriga Buckingham Palace

Iyada oo uu ku guuda jiro maalintii ugu horaysay ee booqashadiisa uu ku joogo waddanka Britain, ayaa Madaxweynaha dalka Maraykanka George W. Bush wuxuu qudbad ka jeediyey Guriga martida ee magaalada London (London Banquiting House) Madaxweyne Bush oo ay dhegaysanayeen dad aad u farabadan oo hoolka ka soo xaadiray oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha dibadda ee ingiriiska Jack Straw isaga oo hadlaya wuxuu yidhi “Ingiriiska iyo maraykanku waxay leeyahiin hadaf qudhaata oo ay ku difaacan xorriyadda iyo karaamada bulshada caalamka”

                                
Madaxweyne Bush oo qudbadiisi ugu horaysay ka jeedinaya London
.

Madaxweyne Bush oo difaacaya weerarkii uu dalkiisu ku qaaday dalka Ciraaq wuxuu yidhi “ Wuxuu caalamku khatar u ahaa argagixisada oo adeegsanaysa keligood taliyayaasha inay gacanta ku dhigaan hubka halista ah ee Chemicalka iyo Biological-ka si ay ugu weeraraan dadka jecel nabadda iyo ilbaxnimada (Civilization)” Bush oo taa sii faahfaahinaya wuxuu yidhi “Kuwa neceb dimuqradiyadda waxaanu ku arkayna indho dheer, murankooduna keliya wuxuu sii kordhinaya khatar horleh oo ku soo biirta caalamka” Bush oo sii hadlaya wuxuu yidhi “Masuuliyad weyn ayaa dhabarkeena saaran oo aynu ku difaacayno dimuqradiyadda oo lagala horyimid dagaal cad, haddii aynu indho furan ku eegno waynu kaga takhalusi doona” Madaxweyne Bush oo ka hadlaya dalka ciraaq wuxuu yidhi “Keligii taliyahii Saddam Xuseen wuxuu caalamku u samray tobaneeyo sanno inuu ku xakameeyo hubka halista ah ee uu ku khatar gelinaayey dunida, balse hadda waxaanu ogaanay in wakhti kale oo la siiya keliya ay khatar ka soo jeedo” isaga oo arrintaa ku sii nuuxnuuxsanaya wuxuu yidhi “Yaa odhan kara Ciraaq way liidata saddam Xuseen la,aantii isaga oo xasuuqayey shacabkiisa”, dhinaca kale Madaxweyne Bush wuxuu tacsi u diray amaana u jeediyey ciidamada boqortooyada ingiriiska ee jooga waddanka ciraaq, oo uu ku tilmaamay halyeeyo difacaaya xorriyadda iyo madaxbanaanida 

Mudaharaado qorshaysan

Waxaa maalinta khamiista ah la saadalinaya in inkabadan 100,000 oo mudaharadayaal ahi iskugu soo baxaan magaalada london, mudaharadayaashaasi oo ka soo horjeeda imaatinka Madaxweyne Bush kuna dhaliilaya Weerarka uu dalkiisu ku qaaday Waddanka Ciraaq ee uu ka danbeeyey, ayaa la filaya inay noqdaan mucaradadii ugu badnayd ee hogaamiye Maraykan ahi kala kulmo waddanka ingiriiska, iyada oo sida dadka siyaasadda u dhuundaloola sheegayaan uu Madaxweyne Bush eedi doono booqashadiisani hadda uu ku joogo waddanka ingiriiska.

     
 
Meelaha la filaayo in Mudaharadadu Ka dhacaan magaalada London

Sawirad: Google search

BOOQASHADA MADAXWEYNE BUSH EE WADDANKA UK
Waa faallo dheer oo uu soo diyaariyey Maxamed 'Diridhaba'.. Guji

WARARKII UGU DAMBEEYEY EE BOOQASHADA BUSH KA AKHRI  HALKAN... GUJI

 
Waxaa soo diyaariyey Faaladani

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)


KARACHI, PAKISTAN.


diridhaba2001@hotmail.com

Nov 19, 2003

QORAALADII HORE EE DIRIDHABA


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

 Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD