SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
FAALLO: BOOQASHADA MADAXWEYNE BUSH EE WADDANKA BRITAIN

FAALADII MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)                            
KARACHI, PAKISTAN.
diridhaba2001@hotmail.com

Madaxweyne Bush ayaa wuxuu soo gaadhi doona goor danbe maalinta salaasadda magaalo madaxda Waddanka Britain ee London, halkaasi oo amaanka aad iyo aad loo adkeeyey, muddo ku siman 15 sanno waddanka Ingiriiska ammaankiisa sidan looma adkayn magaalo ka tirsan, waxaa dibadda loo soo saaray 15,000 oo ciidamada booliska ah iskuguna jira askarta ka hortagta mudaharadada, danbibadhayaasha, khabiiro ku tashasusay argagaxisada, dab damiyayaasha, ciidamada nabad gelyada waddooyinka, iyo ilaalooyinka gaarka ah ee loogu tallo gallay inay ilaaliyaan dhismayaasha,


Ciidamada amaanka oo ilaalinaya aaga xafiiska Ra,isal Wasaaraha ee Downing Street

cutubyo askartaas ka tirsan ayaa lagu xeeray qasriga boqortooyada ingiriiska ee magaalada london ee loo yaqaano Buckingham Palace, halkaasi oo Madaxweyne Bush uu ku qaadan doono seddexda cisho ee uu joogo waddanka Britain uguna marti noqon doono boqoradda waddanka Ingiriiska Queen Elizebeth, warar isa soo taraayey oo sheegayey in argagixiso ku tallo jirto inay beegsato bartilmaameedyo ka tirsan magaalada london si loo khalkhalgeliyo booqashada Madaxweyne Bush iyo weliba Mudaharadayaal tiradoodu kor u dhaafayso 100,000 (boqol kun oo qof) ayaa ku kelifay xukuumadda Tonny Blair inay qaadato go,aankan aan hore loo arag ee lagu adkeeyey dhamaan amaanka magaalada london.

Massive security for Bush visit
Xarunta Boqortooyada ingiriiska oo amaankeeda la adkeeyey

Madaxweyne Bush oo la filaayo inuu soo gaadho magaalada London waxaa ku sugaaya gegida diyaaradaha ilaa 30 gaadhi oo ku qalabaysan aalado kala duwan, kuwaasi oo loogu tallo gellay inay iska xijiyaan qaraxyada, hubka garnaylada ah ee gacanta laga rido iyo weliba rasaasta fudud ee lagu soo rido, gaadhiga madaxweynaha waxaa gudahiisa ku qalabaysan aalado ay ka buuxan neefta oxygenta ah oo loogu tallo gallay in laga xidho hubka khatarta ah ee chemical-ka iyo Biological-ka waaba haddii lagu soo weeraro eh, waxaa kale oo usii diyaar ah gawaadhi ku qalabaysan noocyadii ugu danbeeyey ee hawlaha caafimaadka ah ha noqoto, qasnado dawooyin ah, sariiro kala gedisan oo gawaadhida ku dhex xidhan, iyo weliba kaga darane dhiig loogu tallo gelay in madaxweynaha lagu shubo haddii aabay wax ku dhacaan,

Weedhaha ay mudaharadayaashu kala hortagi doonan madaxweyne Bush
Maalinta salaasada ah.
 
waxaa kale oo la socda DNA da madaxweynaha oo loogu tallo gelay in la xafido haddiiba ay wax ku dhacaan ama xanuuno kula soo booda ahi asiiban, lama ogaan karo gaadhiga uu madaxweynahu la socdo iyada oo soddonka gaadhi oo isku nooc ah iyo weliba lixdameeyo gawaadhida qufulan ah la isa soo daba iyo hor gelin doono ilaa uu ka soo gaadhayo qasriga uu ku degayo ee Buckingham Palace, oo ay ku sugayaan qoyska boqortooyada sida Queen Elizebeth, inankeeda Amiir Charles, iyo caruurtiisa, waxaa kale oo ku sugaya Ra,isal Wasaaraha ingiriiska Tony Blair iyo xubno ka tirsan golahiisa wasiirada sida wasiirka Arrimaha Dibadda Jack Straw, iyo weliba hogaamiyaha cusub ee xisbiga mucaaridka ah ee Conservativeka ingiriiska Mickeal Howard, Madaxweyne Bush wuxuu ku qaadan doona Buckingham Palace muddo seddex maalmood ah isaga oo ra,isal wasaaraha ingiriiska kala xaajoon doona arrimaha ugu danbeeyey ee waddanka ciraaq oo carqalad badani ka taagantahay iyo weliba ajandayaal cusub oo labada dal ku dardar gelinayaan sidii ay xukunka waddanka ciraaq ugu wareejin lahaayeen, waxaa kale oo ay ka wada hadli doonan xidhiidhka u dhexeeya waddanka maraykanka iyo midawga yurub,
 
President George W. Bush and British Prime Minister Tony Blair shake hands after they conclude a joint news conference at the Camp David, March 27, 2003. "The United States and United Kingdom are acting together in a noble purpose. We're working together to make the world more peaceful; we're working together to make our respective nations and all the free nations of the world more secure; and we're working to free the Iraqi people," President Bush said. White House photo by Paul Morse
Madaxweyne Bush iyo Ra'isal Wasaare Tonny Blair oo la filaayo inay dhawaan ku
Kulmaan magaalada London.
 
sidoo kale waxaa ay labada hogaamiye isla soo qaadi doonan arrinta beriga dhexe oo maalmahan ugu danbeeyey degenayd ka dib markii uu Ra,isal wasaaraha cusub ee falastiin Abu Cala uu aqlabiyad uu ku maamuli karo ka hellay golaha sharci dajinta ee falastiiniyiinta, iyo weliba sidii loo dardar gelin lahaa ajandahii maraykanku sideed bilood ka hor soo hordhigay hogaamiyayaasha Israel iyo falastiniyiinta ee uu ugu magaca dharay "Road Map" dhabahii khariiradda, isku soo wada duubo waxaad ka dheegan karta labadan hogaamiye culays weyn oo siyaasadeed oo haysta iyadoo labada ninba waa George W. Bush iyo Tony Blair eh ay fooda ku soo hayaan dooroshooyinkii guud ee labadooda dal, iyaga oo maskaxdooda ay ka dhex guuxayso sidii ay ugu babac dhigi lahaayeen axsaabta Dimuqradiga iyo conservative ka oo halhaysyo badan la hor yuurura.

WARARKII UGU DAMBEEYEY EE BOOQASHADA BUSH KA AKHRI  HALKAN... GUJI

 
Waxaa soo diyaariyey Faaladani

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)


KARACHI, PAKISTAN.


diridhaba2001@hotmail.com

Nov 18, 2003

QORAALADII HORE EE DIRIDHABA


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

 Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD