ISTANBUL: Ugu yaraan waxaa dhintay 20 qof iyada oo inta tiro ahaan la hayo
uu dhaawacu kor usii dhaafayo 200 oo qof, ka dib markii laba gaadhi oo
isbiimays ahi ay weerar qaraxa ku soo qaadeen kiniisado ay yuhuudu ku leedahay
magaalada Istanbul oo wakhtigaasi ay ku dhex cibaadaysanayeen.
Saraakiisha Turkiga ee ku sugan magaalada Istanbul ayaa sheegay in ururka
Alqaacida uu gacan weyn ka gaystay qarxinta kiniisadahani ay yuhuudu lahayd,
Wasiirka Arrimaha dibadda ee turkiga ayaa sheegay in ay ku lug lahaayeen
qaraxyadan gaystay dhaawaca ururo siduu sheegay xidhiidh caalami ah la leh
ururka Alqaacida, sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha AbdulKadir Aksu ayaa
sheegay in aanay meesha ka saarayn in Osama binladen iyo ururkiisa alqaacida ay
gacan saar la leeyahiin bartilmaamedyada lala beegsaday dadka yuhuuda ah waa
siduu hadalka u dhigaye, Wasiirka oo sharaxaad ka bixinaya sida qaraxyadu u
dhaceen ayaa wuxuu yidhi "Waxaa suuro gal ah in dad naftooda hurayaal ahi ay
gawaadhida la socdeen ama lagu hagaayey aaladaha gacanta ee loo yaqaan "Remote
controls" kuwaasi oo loo adeegsaday in lagu qarxiyo kiniisadahani".
Wasiirka Caafimaadka ee Turkiga Recep Adkag ayaa sheegay in dhimashada inta
tiradooda la haya hadda ay gaadhayso ilaa 20 qof halka dhaawacu uu kor u
dhaafay 200 oo qof, dhimashada iyo dhaawacyadani oo ka kala dhacay laba
bartilmaameed oo labaduba ahaa kiniisado ay dadka yahuuda ahi ku cibaadaystaan
ayaa mid waxaa loo yaqaanay Neve Shalom oo ku taallay bartamalaha faras
magaalaha magaalada Istanbul, ta kalana waxaa loo yaqaanay "Beit Israeli" oo ku
taallay degmooyinkia Sisili ee magaalada Istanbul, labada qarax oo aan wax
sidaasi ahi u dhexayn. sida wararka ka soo baxaya Xukuumadda Turkigu sheegayso
waxaa dhimashada iyo dhaawacaba ay u badan yahiin dadka ku sugna dibadda
kiniisadaha, oo ay ku jireen ilaaladii booliska ahaa ee ku sugna barxadda
kiniisadaha, Waxaa iyaduna dhinaca kale ka soo baxaya in urur aad u xag jira oo
xidhiidh la leh waddanka Iran uu sheegtay qaraxyadani, balse masuuliyiinta
Turkigu waa ka gaabsadeen inay wax faahfaahina ka bixiyaan iyaga oo sheegay in
uu baadhitaan ku socdo falkani.
WARARKA UGU DAMBEEYEY KA
AKHRI HALKAN... GUJI
English:
Twin Car Bombs Kill at Least 20 in Turkey
