SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - GURMAD

ABAARTA KU HABSATAY DHULKA SOOMALIDA IYO KHATARTA KU SOO FOODLEH SHACABKA

 
waxaa soo tabinayay
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.
diridhaba2001@hotmail.com

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 
Waxaa abaar lama filaan ahi ku dhufatay gobolo dhawr ah oo ka tirsan dhulka Soomalidu degto, gaar ahaan gobolada beriga Somaliland, iyo gobolo ka tirsan maamul Goboledka Puntland, abaartan oo lagu qeexay ama lagu tilmaamay inay sababtay Roobabkii xilliga dayrta oo aan si wanaagsan u da'in, ayaa waxaa qarka u saaran boqolaal kun oo Soomali ahi inay u tabalaysmaan, xoolo tiro badanna ay u leetan, abaarta hadda dilaacday oo ah mid hor dhac ah waxay u baahantahay dabaqabashadeeda inkasta oo ilaahay wuxuu keenaba loogu shugri naqo oo aan amuuraha ilaahay sinaba loo celin karin,

hadana iyada oo aynu ku jiro Bishii barakaysnayd ee Ramdaan, waxaa looga baahanyahay dadka Ganacsatada Soomaliyeed, Qurba jooga Soomalida, iyo weliba hantilayda Soomalida inay taakuleeyan boqolaalkun oo walaalahood ah oo Soomaliyeed oo ku tabaalaysan khatarta ay Abaartani wadato, Sida wararka ka soo baxaya Wasaaradda Arrimaha miyiga iyo deeganka ee Somaliland qeexday waxaa lagu qiyaasay in ka badan 150,000 oo qof oo Soomali ah ay abaartani si ba,an u haleeli doonto, iyada oo looga cabsi qabo dhimasho iyo weliba cuduro badan oo ay abaartu ku reebto dadkaa walaalaheen ah ee tabalaysan, sidoo kale waxaa looga cabsi qaba 1.5 milyan oo xoolo iskugu jira adhi, geel, iyo lo' ba in ay ku leetan khatarta abaartani, waxaa dhamaanba gudhay ceelashii iyo dhaamamkii waraabka xoolaha iyo dadkaba, waxaa dhamaanba engagay dhulka oo isku bedelay saxaro (Desert) meelo ka tirsan gobolada Somaliland ee Sool, iyo Sanaag iyo weliba Togdheer, iyo gobolada Beri ee Puntland, waxaa la sheegaya in dad badani ay u guurayaan meelo ka yar baadqabta oo ku siman xuduudka Ethiopia,

waxaa saadashu tilmaamaysa in 45 cisho ee inagu soo socda haddii aan gurmad loo fidin dadkeena walaalaha ah ee Soomaliyeed ay khatar ba’ani ku soo foodleedahay, waxaa caado ah in xilligani oo lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan magaalooyinka waaweyn ee dhulka Soomalidu degto ha noqoto Jamhuuriyadda Somaliland, Maamul Goboleedka Puntland, Gobolada Koonfurta Soomaliya, Dhu lka Ismaamulka Soomalida ee Ethiopia , dhulka xeebta ku dhereran ee Jamhuuriyadda Jibouti, uu qiimaha raashinka lagu kala iibsado ama lagu kala gato kor u kaco iyada oo loo aaneeyo wakhtigan Ramdaanta oo dadku aad u isticmaalan raashinka, taasi waxay ku keliftay kumanaan qof oo Soomaliyeed oo miyiga ka iman jiray una soo xoolo iibgeyn jiray magaalooyinka in aanay awoodin ama tahlin inay gataan ama iibsadaan raashin ku filan, waxaana taasi dhaliisheeda iska leh ganacsatada Soomalida oo dayacay Walaalahood kana doorbiday faa’idada ay ku qabaan ganacsigooga, khatarta abaartani keliya kuma sinaan doonto nolosha dadkeena Reer miyiga ah (Nomadic Population) balse waxay si ba’an u saamayn doonta magaalooyinka waaweyn oo laga dareemi doono, Hilibka oo kor u kaca, raashinka oo qaaliyooba, sarrifka lacagaha shilingka Somaliland ama Somaaliya oo kor u kaca (Inflation), iyo weliba ceelasha biyaha u keena magaalooyinka oo gudha ama biyo yaraan ba’ani ku dhufato,

waxaa la dareemi doona xoolo badan oo loo soo foof geeyo magaalooyinka waaweyn dhex qaadana dariiqyada magaalooyinka taasi oo sababi karta nadaafad darro iyo weliba xanuuno badan oo ku dhaca xoolaha oo cunaya bacaha iyo weliba khashinka daadsan magaalooyinka, hadaba waxaan usoo jeedinaya Baaq dheer Qurba Jooga Soomaliyeed, Ganacsatada Soomaliyeed, Hantilayaasha Soomaliyeed, in aynu dadkeenan tabalaysan intii karaankeena wax u qabano ka sokow (clsoe than the united nation aid working agencies and international aid support programs we have to help our brothers and sisters effected by the drought) haayadaha qaramada Midoobay iyo weliba gurmadka caalamiga ah ee beesha caalamka, walaalayaal inaga ayaa dadkan ka xigna cid walba, waa dadkeenii, waa hooyoyinkeen oo kale, waa adeeradeen iyo ayeeyooyinkeen oo kale, waa caruurteenii, waa hantidii dadkeenu ku taagna (Life Stocks), iyada oo weliba lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan waxaan usoo jeedinlahaa dadkaa aan kor ku xusay in ay sameeyan sanduuq caalami ah oo la sameeyo urur deg deg ah oo hawshaa u duurgala isna xilqaam a iyada oo loola baxaayo Sakaatul Fidri, waayo maanta cidkale oo inaga xigta oo ay ku waajibtay sakaatul fidrigu ma jirto, cid inaga lacag badani maanta ma jirto, cid inaga hanti badani ma jirto ee walaalayaal ha la iska daayo gacan adaygo walaalaheen ha loo gurmado.

 

N.B: Waxaan soo gudbin doona dhawaan dhaawacyada ay durtaba abaartani u gaysatay dadkeena tabaalaysan. La soco.

ILAAHAY AYAA MAHADLEH

WA BILAAHI TAWFIIQ.

WALAALKIIN

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)


KARACHI, PAKISTAN.


diridhaba2001@hotmail.com

QORAALADII HORE EE DIRIDHABA


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


 Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD