Mahad waxay u sugnaatay Ilaahay subxanahu watacalaye, naxariis iyo nabad
gelyo korkiisa ha ahaato nebigeena Suuban Maxamed (C.S.W).
Intaanan u gudo gelin ama gorfayn, qoraalka aan deegtiisa daadihinaayo,
waxaan jecelahay inaan Mahad balaadhan Hawada u mariyo Maxamoud Nuur Wardheere,
runtii Aqoon uma lihi Maxamoud, balse markii aan toytoyday waa nin aqoon iyo
xilkasnimo ilaahay siiyey, waxaan inbadan akhrisan jiray qoraalada uu ka soo
tabiyo magaalada Mennipolis ee gobolka Mennisota ee dalka maraykanka oo
Soomalidu badanka u badantahay, hadaba Maxamoud waxaan akhriyey qoraal uu ku
daabacay Somalitalk dhawaan oo uu ciwaan uga dhigay Somaliland dhulkii
Soomalida Iftiinka Yaan la damin, waxaan runtii isku qanciyey inkasta oo
ilaahay caloosha aadamaha daalacdo inuu Maxamoud ka mid yahay dadka tirada yar
ee ilaahay ku galladay Aqoonta iyo daacadnimada, balse Maxamoud inyar oo aad
seegtay ayaan jecelahay inaan ugu daro qoraalkiisa, waa runoo Maxamoudow horta
nabada ka jirta Geyigaan ka dhashay ee Somaliland waa mid ilaahay subxanahu
watacalaye siiyey, uguna mahadnaqayaan, balse waxaa jirta dad waruxma tashii! l
ah oo aan la dhallan nabadda habeen oo aabad is odhanayso malaha colaada ayey
habeen wada dhasheen, kuwaasi waa kuwa jecel in geyiga beriga africa ka bixi
waayo colaadaha, waa kuwa u horseeday Somalia halaaga iyo hooga umadda haysta,
hadana waxay doonayaan inay Somaliland oo 13kii sanno ee ugu danbeeyey nabadda
alla siiyey dhex dabaalanaysa in ay cadawnimo ku jirta awgeed ku waxyeeleyaan,
lamaan yaabin falalkan argagaxisinimada leh ee ka dhacay Somaliland waayo waan
ogaa colaadda gamuursan ee ka soo butaacayso dad aanan jeclayn inaan halkan ka
sheego, Midda kale waxaad ku dartay qoraalkaaga in aanay Dawladda Somaliland ku
deg degin cidda la tuhunsanyahay, walaal waxaanu leenahay Dastuur iyo xeerar
dawli ah (Constitution and authentic regulations), kuwaasi waxay naga
xarrimayaan in aan qofna la qaban iyada oo aan lagu tuhmin ama aanu danbigu ku
cadaan (Jail without trial), taasi waa ta dawladaydu hadda ku mashquulsantahay,
hana ka biqin in cid gaar ah ama qolo gaar ah ay d! awladda Somaliland
asiibayso, waayo waxaanu aaminsanahay in aa! nay arga gaxisadu lahayn Qabiil,
Qolo, Diin, Jinsi, iyo Hadaf midna toona. dhinaca kale waxaan kaaga mahad
celinaya sida qiimaha mudanleh ee aad ugu hambalyeysay shacabka Somaliland
horumarka ay gaadheen sidoo kale saaxiib waxaanu kuu rajaynayna adiga iyo inta
jecel nabad ku wada noolanshahu in ilaahay idinku gar gaaro.
Qaybta labaad ee qoraalkayga waxaan jeclahahay inaan jawaab waafiyo u diro
nin oday ah oo aan aalaba indho gaar ah ku eegi jiray, dabcan aniga oo aan
ogaan ciduu yahay waxaa ii fududaysay Lahjadiisa inan fahmo ciduu yahay, waa
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, wuxuu ninka odayga ahi qoraal uu daabacay uga
dhigay ciwaan Magaca Somaliland waa Beer: Beerna hilibka lagu suga, xaqiiq
macnaha iyo murtidu waa iga daadagi wayday, dulucda dagalkiisana waxaan ku soo
duugiyey, darmaan uu saaxiibkay danbi weyn ka gallay, Fahad siduu qoraalkiisa
ku sheegay wuu booqday Somaliland, wuxuu qiray in Somaliland dabcan ka
duwantahay xagga amaanka iyo kala danbaynta dhamaan geyiga cidhifka beriga
africa ee ku xayndaaban balse saaxiibkay Fahad waxaan is idhi malaha Muraayad
madow ayuu xidhna markuu arkaayey hadafka shacabka oo waadaxa, Saaxibkay Fahad
waxaan u kala saari waayey in uu riyoonayo iyo in ay ka tahay Dacaayad uu
durbaan u ilaaqday (Initialization of propoganda war), Saaxiibkayow aan kuu !
bildhaamiyo Qeexitaanka ku dahaadhan maskaxda muwaadinka Somaliland ee aad ka
been fariintay, shacabka Somaliland waxay boqolkiiba boqol aaminsanyahiin
xornimadooda, qaranimadooda, iyo kaladanbaynta aad qirtay ee ay ku kasbadeen
dedaalka alla siiyey, Somaliland waxaanay dan iyo muraad ka lahayn midawga ama
ku darsiga dacal ka tirsan dalalka aanu jaarka nahay ha noqoto Ethiopia,
Somalia, iyo Djibouti, Waxaanu aaminsanahay Wada noolanshaha iyo Islaaxa
Bulshada dhexdeeda, si kale oo ka waaweyn hadaan kuugu bildhaamiyo waxaa
ilaahay igu ogyahay in shacabkan ka dhashay aanay doonayn midaw danbe oo ay la
galaan Somaliya, iyo Somaliweyn danbe oo qiiro lagu sameeyey, waxay shacabku
farta dhexda ka qaniinsanyahiin in ka badan 30 sanno oo mustaqbalkoodu dib u
dhacay, dareenka gaaxsan ee dadkaygu wuxuu diirada saaraya dal dhis, kor u
qaadida dhaqaalaha ka dib 30 sanno oo cabudhin iyo cagajuglayn ah, hanaanka
waxbarashada caalamiga ah, iyo in aanu dawlad iyo shacabba u heegan ahaano si!
danu aqoonsi beesha caalamka uga kasban lahayn hadda, waxaanu ! doonayna inaanu
nabad iyo islaax ku wada noolano walaalahayga Soomaliya, Ethiopia, iyo
Djibouti, aan ku soo gebo gebayo qoraalkaygan kooban Saaxiibkay Fahadow, "Muraayadda
Madow ee aad isku dahaadhay malaha tu Cad ayaa ka quruxsanayd eh dib ugu laabo
adiga oo xidhan dalkan ka dhashay ee Somaliland"!!!!
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.
diridhaba2001@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 1, 2003
Somaliland (Dhulkii
Soomaalida): Iftiinka Yaan La Demin:
Ingriiska uma suurtoobin inuu magac u bixiyo
dhulkaas Soomaaliyeed sida Capetown ama Freetown..
Guji Oct 30
»