SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - PAKISTAN

PAKISTAN OO DEEQ WAXBARASHO U FIDINAYSA DIBLOMASIYIIN CIRAAQIYIIN AH

 
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.

diridhaba2001@hotmail.com

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

ISLAMABAD: Saraakiil ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee waddanka Ciraaq, ee dhawaan la magacaabay ayaa soo gaadhay waddanka Pakistan, iyada oo dawladda Pakistan u fidin doonta Deeq waxbarasho oo la xidhiidha Hawlaha Diblomasinimada, Machadka u qaabilsan Adeegidda Arrimaha Dibadda ee waddankan Pakistan (Pakistan Foreign Service Academy institute), ayaa bixin doona casharada, waa Xubnahii ugu horeeyey uguna tirada badna ee ka yimaadda waddanka Ciraaq ee ku qaata waddankani Pakistan deeq waxbarasho oo sidani oo kale ah kadib markii laga tuuray xukunka Madaxweynahii hore ee Ciraaq Saddam Xuseen lix bilood ka hor, Codsiga deeqdan waxbarasho waxaa dawladda Pakistan usoo gudbiyey Golaha dhawaan la magacaabay ee ciraaq ka taliya, waxaanu ku yimid dedaal ay u galeen saraakiisha maraykanka ah ee ku sugan waddanka ciraaq.

Ka dib markii taalladii Saddam Xuseen lagu soo riday waddanka ciraaq, Safaaradda Ciraaq ku lahayd Islamabad, waxay isku bedeshay xafiis diblomasiyadeed, waxaana maamulka safaaradda si ku meel gaadh ah loogu dhiibay ninkii isagu ahaa Safiir ku xigeenka, si kasta ha ahaate, barnaamijkan waxbarasho ee dawladda pakistan ugu deeqayso kooxdan diblomasiyiinta ah ayaa wuxuu iskugu jiri doona maaraynta Dhaqaalaha Caalamiga ah, (International Economics management) Siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga ah,(Political and international relations) Shuruucda Caalamiga ah (International Law) iyo barashada ururada Caalamiga ah ( International Organizations), wuxuuna socon doona muddo laba bilood ku siman, kooxdan waxaa safaro kala duduwan loo gayn doona magaalooyin ka tirsan waddanka Pakistan, sida Xarunta Ganacsiga ee Karachi, Lahore, Rawalpindi, Multan, Faisalabad, iyo magaalooyin kale.

RA'ISAL WASAARAHA MALESIA MAHATIR MOHAMED OO HAWLGAB GALAY

Kulalumpur:- Boqorka Waddanka Malesia Sirajuddin Putra Jamalullail ayaa u dhaariyey Cabdilaahi Badawi inuu noqdo Ra,isal Wasaaraha Waddanka Malesia, Qasriga Madaxtooyada iyo warfaafinta ee Magaalo Madaxda Kulalumpur, Awoodda uu mahatir Mohamed wareejinayo ka dib 22 sanno oo uu xukunka hayey waa mid aad iyo aad ugu muhiim ah bulshada Malesia waayo 40%, dadka reer Malesia may dhalinin ama dunidaba may joogin markii Mahatir uu xukunka la wareegay,

Mahatir Mohamed wuxuu xukunka waddanka Malesia hayey Nus ka dib intii ay xornimada heshay waddanka Malesia, isaga oo ah hogaamiyayaasha ugu xukunka dheera qaaradda Asia waxaa lagu xasuusan doona sidii uu malesia uga soo qaaday dhulka una gaadhsiiyey dhaqalaheeda meesha ugu saraysa, waxaa kale oo Mahatir si weyn loogu xasuusan doona Sida geesinimada leh ee aanu uga gaban inuu yidhaahdo hadalada Maankiisa ku jira, wuxuu ahaa nin codkar ah oo aan la gabban wuxuu ! is bido, isaga oo mar walba ka difaaca reer galbeedka dimuqradiyadooda, gashaankana u adkeeya xukunkiisa waddanka malesia, Isaga oo xidhna Dhar Tunik madow, iyo weliba dharka dhaqanka ee waddanka Malesia, wuxuu Ra,isal Wasaaraha Cusub Mudane Cabdilaahi Badawi ballan qaaday inuu xukunka uu la wareegay si fiican u gudan doono, Wariyayaasha ku sugan Magaalo Madaxda Kualalumpur ayaa sheegaya in Bulshada Reer Malesia si kala duwan u turjumayaan Hawlgabnimada Mahatir Mohamed, Qaarkood ayaa sheegaya inuu ahaa Geesi aan gabban malesia na u horseeday barwaaqo iyo horumar, qaar ayaa leh wuxuu ahaa nin aan la isku hallayn karayn iyaga oo farta ku fiiqaya Mu,maraadkii u u sameeyey Ra,isal Wasaare Ku xigeenkiisi hore Anwar Ibrahim, qaarkoodna aabay ka aamuseen.

si kasta ha ahaate muddo hadda laga joogo dhawr todobaad markii u ka socday shirkii dunida Islaamku Magaalada Kulalumpur ayaa wuxuu Mahatir Maxamed ka jeediyey qudbad halkaasi ku sheegay in "Yuhuudu ay ahayd 12 milyan oo qof " Mahatir wuxuu yidhi "6 Milyan waxaa xasuuqay reer Yurup" lixdii ! milyan e e kale ee soo hadhay ayaa hadda waxay isticmaalayaan qaar kale inay dhiigooga iyo maskaxdooda u daadiyaan loona adeegsanaya sidii islaamka cadow looga dhigi lahaa" Hadalka Mahatir oo siyaabo badan loo fasilay wuxuu cadho weyn ku abuuray guriga cad ee maraykanka oo Mahatir ka codsaday inuu raali gelin hadalkaa ka bixyo iyo weliba dawlado badan oo reer yurub ah sida dawladda Germany,

Si kastaba ha ahaatee wuxuu Mahatir oo la weydiiyey siduu u arko xukunkan uu ka degayo ka dib 22 sanno wuxuu yidhi "Maalintaydii waan qaatay, waa markii siyaasiyiinta Reer Malesia ay iyaguna awooda qaban lahaayeen,", %60 dadka reer malesia waa dadka asalkoogu iska leh waddanka ee la yidhaahdo Malayga, %40 ka kalana waa chinese iyo hindi, usoo haajirtay dhulka. si kasta ha ahaate waxaa bilawday hadda malesia saaxad cusub oo siyaasadeed iyo hogaamiye cusub, waxaa la eegaba waa siduu uu mareeyo xukunka waddanka Malesia.


MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.

diridhaba2001@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 1, 2003

QORAALADII HORE EE DIRIDHABA


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 

Sool iyo Somaliland Yaa Ugarnaqa [Assad]

DUX LA'AANTA DAWLADDA CUSUB EE RIYAALE
iyo dibin daabyada dadweynaha ... Guji June 7
  

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


 Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD