SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Puntland xafiis abaaraha la tacaala ma furan kartaa

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

 

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Soomaalidu waxay tiraahdaa hadday riyo sayn/dib leeyihiin dabadooda bay ku dadan lahaayeen. Dadkii Puntland iyo xoolahoodii biyo la’aan bay u dhamaadeen, baabuurtii iyo shidaalkii biyo lagu dhaamin lahaana waxaa isku waardiyeeya kornaylka. haddii biyo loogu qaadilahaa inta baabuur oo uu isku waardiyeeyo deegaanadda abaartu saamaysay intuu hadda joogay Puntland isagoo iskaga dhexgooshayey Boosaaso iyo Gaalkacyo wax badan bay tari lahayd.

Qofkii aan aqoon caqliga kornaylka iyo taageerayaashiisa waxaa dhici karta markuu akhrinayo cinwaanka ah Puntland oo xafiis ka furatay Washington DC inuu u qaato inuu yahay xafiis horumarineed oo ay ugu talogaleen abaaraha iyo kaalmooyinka kale ee Puntland loo raadinayo laakiin qofkii yaqaani saas uma hordhaco.

Yaan Washington xafiis ka furan karin, magacaad rabtaan siiye? Soow idinkii dhihi jiray afhayeenka SRRC ee USA jooga, Yamayska, IWM. soow Maraykan may joogin? Ma markii aad shirkii wax ka soo waydeen baad rabtaan inaad dadka ku cabsigelisaan inaad xafiis Marykan ku leediyihiin? Ka warran haddii Dahabshiil, Dalsan, Amal iyo xawilaadaha kale dhahaan intaas oo xafiis baan Maraykan ku leenahay? Ma Somaliland bay arrintaasi cebsi gelinkartaa? Ma C/Qaasim? Ma Muuse Suudi? Ma Maxamed Cabdi Xaashi? Mise idinkaa Maraykanka wax cusub oo uusan Somaaliya ka ogayn ku kordhinaya ilayn annagu dadkoo dhan baan ka caqli badanahee?

Haddaad dhihi lahaydeen xafiis bassaasid iyo ruufyaanimo baan Washington DC ka furanay micney samayn lahayd laakiin ma filayo in taasi Maraykanku idiin dirsanayo kadib markii hogaamiyihiinu ku sheegay Puntland inay belaayo joogto iyo markii niman Carab ah oo ka shaqaysta Boosaaso aad tiraahdeen waa aragagixiso oo Itoobiya la geeyey ka dibna wax lagu waayey. Marka waad ku dhacdeen inaad ruufyaamiin noqotaan. Maraykanku waa yaqaan maahmaahyaha Soomaaliyeed ee ah nin hooyadiis qorrax u jiiday aayadii hoos ma hariyo. Marka haddaad Mudug iyo Bari argagixiso ku sheegteen cidna Xamar iyo Kismaayo wax idin ka waydiin mayso. Marka imisa qaxooti ah oo niman iyo dumar leh xafiisyo ku leh Maraykan?

Taageerayaashu waxay xafiiskaas ku sheegeen inuu yahay mid u doodaya arrimaha Soomaaliweyn! Sheekh la oran jiray Maalik Binu Diinaar (RC) mar uu ka hadlayey qofka cilmiga barta ee aan ku camal falin, inuu yiri xikmad baa nasoo gaartay dhahaysa wuxuu la mid yahay qof inta xaabo/qoryo doontay isku xirtay xirmo, damcayna inuu qaado kadibna qaadi waayey oo ay ku cuslaatay dabadeedna inta xarigii ka furay kusii darsaday qoryo dheeraad ah si uu u qaado. Marka waxaan leeyahay qoladaas haddeer oola joogo waxaa heshiin la’ golihii wasaaradaha ee Puntland iyo waliba kornaylka iyo ku-xigeenkiisa. Marka haddaad arrintiina wax ka qabanwaydeen ma midda Soomaalida kale baad wax ka qaban kartaan?

Teeda kale iyadoo abaartaas lagu jiro inaad dadka canshuurta ku kordhisaan ma dow baa? Maxaadse dadkii dan yarta ahaa guryahooda u jajabiseen? Dadkan iyo xoolahan biyo la’aanta u dhimanaya waa dadkii ay ka yimaadeen wiilashii uu kornaylku ku qabsaday Boosaaso oo uu ku galay dagaaladii Qayaadsame, Dhuudo iyo meelo kale.

Imisa qof baa cuduro ugu dhintay Puntland? Waxaad maqlaysaa dadkii Jariiban iyo Garacad ma haystaan dhakhaatiir. Waxaa naloo sheegay in halkaas garoon diyaaradeed oo caalami ahi ka furanyahay! Xaggee ka yimaadeen diyaaradaha Puntland oo ku degeya Garacad? Mase lahayaa diyaarad wada dad rayad ah oo u dhashay degaankaas oo Garacad ku degtay? Waxaa kaaga daran waxaan xassuustaa xaflado lagu qabtay Hilton, Nairobi oo loogu dabaal-degayo garoonkaas halka aan filayo in magaaladu aysan isbitaal fiican lahayn amaba aysan isbitaal lahayn. Marka arrimaha aargoosatada lama mooga laakiin tan dadka waa wax kale. Waxaan ku talin lahaa nimanka kheyraadka degaankaas gurtoow, dadka udhisa dhowr qol oo dadka lagu daaweeyo, dumarkuna ku umulaan iyo dhowr qol oo iskuul ah.

Waxaa dhici karta in dad u qaato isku dir. Saas ma ahan tuulooyin ku yaal Mudug oo ka yar Garacad, xagga istiraatijiyaddana kaga liidata ayaa dadweyne Soomaaliyeed oo dibadda u badani ka dhiseen iskuulo qiimo badan, kulleejooyin carruurta lagu xareeyo, dugsi Qur’aan, masaajidyo, waxaa kaloo la wadaa ceelal biyo iyo isbitaalo. Tuuladaas waa meel xoolaha ku fiican laakiin waxaa arrinta laga bilaabay dadka ka dib baa duunyada loo gelayaa. Marka Mudugta kale sida Jariiban iyo Garacad waa in ay waddadaas maraan oo ay iskuulka, isbitaalka iyo ceelka ka bilaabaan. Ka dib jidad, dekedo, garoon diyaaradeed, IWM baa loo geleyaa. Magaalo aan qof muslim ahi degenayn muhiim maaha in masaajid laga dhiso ilaa la helayo dad masaajidka isticmaalaya. Lama dhihi karo masaajid in la dhiso buu ka soo horjeedaa isagoo og fadliga masaajidka ee waxaan leeyahay baahidu way kala horraysaa. Marka dadkii jidka ama dekeda loo dhisayey hadday dhamaadaan yaa istimaalaya?

Marka hadda oo ay degaankii ka jirto abaaro ba’an oo la rabay in Ilaah loo qayshado ilayn abaarta Maraykan iyo Yurub nagama saari karaane waxay rabaan inay dadka ku harowsadaan xafiis baan Maraykan ka furanay. Imisa qof oo reer Puntland ah baa Minneapolis xafiisyo ku leh? Wallee dadweynihii Puntland hurdada ka kace. Marka dadku hakala doorteen inay dekedooda iyo hantidooda isticmaalaan ama inuu kornaylku suu rabo ka yeelo iyaguna oon u dhintaan.

Marka haddaan wax ku cibroqaadanayno waxaad mooddaa in nala leeyahay adduunka Ilaah baa iska leh. Nolosha dadka reer miyiga ah iyo waliba in badan oo ka mid ah tan magaalo waxay ku xirantahay roob. Yaa roobka keena?

Maskaxda kornaylka iyo taageerayaashiisa aad bay uga fogtahay fidrada iyo caqliga suuban maxaa yeelay iyadoo Ramadaan lagu jiray bushashka masaakiinta Gaalkacyo laguma burburiyeen. Sidoo kale bishaan baraykaysan ee Ramadaan waxaa la rabay in dadweynaha Puntland maskaxda ku hayaan inay meel qiimo badan guryo ka dhistaan, jannada. Ilayn qofkii dadkaas iyo duunyadaas abaartu haysto la tacaala waxaa loo rajaynaa meel roon. Qofkii waddooyinka kale oo khayrka wax ku bixiyana, Ilaah agtiis waa ka helayaa. Marka waa nasiib-darro iyadoo Ramadaan lagu jiro inay maskaxdooda Maraykan ku xiraan iyagoo uga dan leh dad ku cabsi geliya. Marka qof walba waxaa lala soo saaraa qiyaamaha qofkuu jecelyahay. Yaa raba in Bush iyo Sharon lala soo saaro?

Kaaga daran dadweynaha reer Puntland, waxaan taageerayaasha C/hi ahayn wax kama maqlaan. Waxaan kula talinayaa inay dadweynahu abuubulaan shirar ay uga arrinsanayaan arrimahooda guud iyo gaar ahaan abaarahan dadka ku habsaday. Hadday suurtogal tahay Axadda beri ah oo bisha Miilaadigu ku beegantahay 9/11/03, odayaasha iyo dadweynaha ku nool dibadaha ha is arkeen si looga hadlo dhibaatooyinkaas haddii kale marka kornaylka iyo taageerayaashiisu isagu kiin yeeraan suga.


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | Nov 8, 2003

 QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID


Wada-shaqayntu Waa Furaha Guusha.. GUJI

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo  Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD