Ururka Xallinta Mashaakilka Soomaaliyeed (UXMS)
iyo Xalka Xamar.
Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo
naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Waxaa jiray niman lagu xukumay inaysan
hadlin oo aamusin, sidoo kalana ayna istaagin oo fariisan. Nimankii hadalka
loo hayey mid ka mid ah baa yiri: ka warrama af-kala-hayn iyo jilbo-joogsi?!
Xubinnimada ururkaas waxaa shardi looga
dhigay inaad Soomaali tahay laakiinse aadan ahayn Hawiye, Daarood, Dir, iyo
Digil iyo mirfle midna, waa qabiilada qaatay tirada 4-ta ee ku jirta 4.5-ka
shirka Kenya wax lagu qaybsanayo. Madaxda ururkaas waxay iga codsadeen inaan
af-hayeen u noqdo, inkastoonan xubin ka noqin karin ururkaas, sababaha kor
lagu xussay darteed. Mala hayaa qof Soomaaliyeed oo galay meel aan magac iyo
manfac ka raacayn? Markay halkaas marayso ayaan jagada ka shakkiyey. “ma
doorshaan baa uga dhacay”.
Waxaa maskaxdayda ku soo dhacay
sawir-gacmeed (cartoon) Amiin Caamir sameeyey oo ka hadlayey BBC laanteeda
Afsoomaaliga oo markii weriyihii Soomaaliga ahaa yiri: halkani waa BBC
London, uu askari Ingiriis ah oo tuute labbisani inta weriyihii Soomaaliga
ahaa afka maro kaga xiray, uu isagu halkaas kasoo tannaagooday oo
makarafoonkii ku hadlay. Hal-abuuruhu wuxuu ka wadaa, idaacaddu waxay
fulisaa danta Ingiriiska oo waxay u hadashaa siday rabaan. Marka waxaan is
iri iskadaa magac meesha kaa raacee, amay hadhow ku dhahaan C/Waaxid baa
afka na qabtay oo na cubburiyey! Marka waxaan ku iri ma waxaad ii
jamcinaysaan “xashaf wa suu’a kaylin”, waa adoo inta timir bolol ah lagaa
gaday haddana miisaankeedii lagugu khiyaamo. Marka waxaan iri, xubin la’aan
urur iyo hadal wax kale ixtimaali kara ha isugu key darinee, ma rabtaan
inaan idiin hadlo (idin metalo)? Hana iigu yeerina af-hayeen. Sida
weriyaasha qaarkood u dhahaan: nin u hadlay kooxdaas baa saas yiri.
Inkastooy i xanuujinayso diidmadii la iidiiday inaan ururkaas ka mid noqdo
haddana waxaan i is iri haddii Xamar xal ku helayso waan yeelin codsigaas.
Xeerarka ururka
Sidaad la socotaan qabiilooyinka
Soomaaliyeed intii is lehba waxay degenyihiin degaan dhinaca isku haya,
inkastoo laga yaabo in qabiil uu meelo kala duwan degi karo. Tusaale ahaan
beesha Isaaq (reer Sheekh Isxaaq) badankeeda, degaankoodu dhinacuu isku
hayaa, si ballac ama joog ah laakiin qabiilooyinka 0.5 arrintoodu sahal
maahan. Waxay ka kala yimaadeen degaanno kala duwan. Maah-maahyo isku macno
xambaarsan ayaa kalmado aan shuqul isku lahayn loo adeegsadaa sida: canjeero/canjeelo
siday ukala korraysaa loo cunaa. Maah-maahyahaas waxaa la macnaa tan: oodo
dhacameed siday ukala korreeyaan baa loo qaadaa. Ladadaan maah-maahood ee
soo socda laftoodu waa isu dhowyihiin: luuq-luuq maroow laasim laamigaas
tagaa. Iyo: war jiraaba cakaaruhuu imaan. Weedhihii Oraahahu markay iska
horyimaadeen ayaa la isku raacay in u-hadlahoodu kala saaro (aniga). Anoo
lahaa “Alloow yey mar u bururuf tiraahdaa” ayaan waxaan go’aamiyey oraahaha
ama maah-maahyaha aan fahmo, anoo kuwa aanan aqoon “badda ku daraya”. Awood
haddii lagu siiyo ilayn badda wax waad ku dari kartaa! Marka ninkii raba in
tiisu socotoow, doorasho iyo rabitaan ku imoow.
Canjeero siday ukala korraysaa loo cunaa.
Magaalooyinka Soomaaliyeed Xamar baa u korraysa. Marka canjeelada noogu
korraysaa waa Xamar ee arrimaha Xamar aan galno. Magaaladii garannee,
dadkaan la xaalayno waa kuwama? Intaanan qodobada dhambaalka taxin, aan idin
xassuusiyo, dadka ururku la xaalayo, laguma soo xulin daacadnimo, aqoon
diineed iyo mid maaddi midna, wax-garadnimo gooni ah iyo karti gaara midna.
Kaliya waxaa la rabaa in magaaladaas xal loo helo marka ragga soo socda waa
qab-qablayaal:
1. C/Qaasim Salaad
2. Muuse Suudi
3. Maxamed Qanyare
4. Cismaan Caato
5. Xuseen Caydiid
6. Maxamed Dheere
7. Cumar Filish.
Ma garanayo, in la xiriirka nimankaas ka
dhib yartahay tan Bush iyo Zenawi iyo in kale. Isla markii aan magacyadaas
arkay ayaan cududaar soo tuurtay anoo is leh kaga fako howshaas. Waxaan ku
iri inkastoonan diinta ku fiicnayn haddana gar yar baan daystaa inta badan,
marka ma waxaad rabtaan in nimankaasi Zenawi iga iibshaan? Mid inkaar qabe
ah baa igu yiri miyaadan u jeedin inta garku le’egyahay Muuse Suudi waa
adiga kaaga gar-orgigaa ka hadlayee?! Afku ku go’, hadalkii baa igu xirmay
oo waxaan sheegaan garan waayey. Waxaan kaloo isku deyey inaan mar-marsiiyo
ka dhigto anoo leh, nimankaan aad baan wax uga qoraa oo u dhalleeceeyaa
marka waa adagtahay inay wax iga qaataane, qof kale ooy dhegaysanayaan u
dira. Waxay dhaheen Soomaalida ninkii wax dila baa wax nooleeya! Waa
oraahaha Soomaalidu ku geftay. Waxaad maqlaysaa, mid Maxamed Siyaad ama
Caydiid ama
C/hi Yuusuf leh waa niman waxna dila waxna nooleeya! Laakiin
waxaan shakki ku jirin in Diintu na bartay in Ilaahay sahalka ku bixiyo wax
uusan cunfiga ku buxin. Qur’aankana waan ku aragnay in Ilaah Nabiga (SCW) ku
leeyahay haddaad ahaan lahayd mid engegan/qalalan oo qalbi adag waa kaa kala
tegi lahaayeen oo garabkaagay banayn lahaayeen yacnii saxaabadii (RC). Waxay
ka wadaan haddaad awal si kulul ula hadashay hadda si kalsooni leh ula
warran!
Sidaad aragtaan marka
Qanyare laga reebo
inta kale waa Habar Gidir iyo Abgaal. Habar Gidir waa tee? Waxaan ku iri ma
kuwii biyiha webiga idinka gaday/iibshay baad ii diraysaan? Mid kalaa yiri
Xamar webi ma leh, biyo badeedna cidi wax kuma fasho marka hadalka naga
yaree oo shaqadaada qabso! Abgaalku wuxuu ahaan jiray dad derisnimo iyo diin
jacayl lagu yaqaan. Waagii hore, afar Faataxo ayey qaadan jireen laakiin
hadda waxaan afar malyan oo Doolar ahayn ma rabaan! Magacyada qabiilada
waxaan ka wadaa dadkooda dhibka geystay kaliya (dagaal-oogayaasha) ee qabiil
ahaan kama wado. Hadda ka dibna dantaas baan ka leeyahay.
Waxaan dadka Soomaaliyeed xassuusinaynaa in
Xamar Soomaali oo dhan degto. Sidaad aragtaan waxaan qaybtaas ku jirin
qabiilo Habar Gidir Xamar kaga guryo badan ama uga badnaa laakiin waxaan
rabnaa in qab-qablayaashaan howl noo qabtaan oo ah islaaxinta Xamar. Laakiin
qaybtu waa dambaysaa. Marka nimoowna ha u qaadan in xaq lagu duudsiyey.
Nimankaani waa dambiilayaal aan rabno inay khaladkoodi hore saxaan marka yaa
raba in dambiile loo tixgeliyo?
Hal-hayska ururku waa “war toloow colka
jooja”. Waa hadalkii Salaan Carrabeey. Waa kuwan talooyinkii ururku. Haddaad
ka jeceshahay bayaan ku sheeg:
1. Waxaa dadweynaha Xamar gaar ahaan,
iyo kuwa Soomaliyeed guud ahaan laga codsanayaa in nimankan la siiyo
xasaanad (immunity) oo faraha laga qaado intay howsha noo qabanayaan,
laguna gacansiiyo nabad-ka-dhalinta Xamar. Haddii howsha sidii la rabay
u qabtaanna, la iska cafiyo. Xeerarka ururka ayaa arrintaas
faahfaahinaya.
2. In Muuse Suudi iyo C/Qaasim u
kaadshaan maamul-samaynta Banaadir iyo furidda garoonka iyo dekedda inta
raggaas la xussay oo dhan la wargelinayo.
3. In 7-daas nin yihiin kuwo ugu
sarreeya Xamar. Ma ahan guddoomiya gobolka Banaadir laakiin waa guddi
dusha ka eegaya guddoomiyaha iyo maamulkiisa. Si wada jir ah ayey u
samaynayaan guddoomiyaha. Wax kastana waa inay toddobadooda iska arkaan,
sida furidda garoonka diyaaradaha iyo dekedda.
4. Waxaa dadweynaha laga codsanayaa
inay u furaan hal xafiis oo toddobadooduba ka shaqo galaan. Kulligood
waa isku awood oo looma fiirinayo kii qabiil, ciidan, hub ama lacag
badan. Meesha doorasho ma taal kaliya waa in Xamar nabad lagu soo
dabbaalo. Marka wax shakki ah oo jiri doona ma leh mar haddii xafiiska
dhexdiisa, si wareeg ah loo fariisto. Wixii maal ama maskax ah oo dibad
ama gudaha ka yimaada waa inay wada ogyihiin ilayn waa isku xafiise.
Teleefanka xafiisku waa inuu leeyahay toddobo “extension” oo la is wada
maqlayo.
5. In kuwooda Xamar joogaa isu
diyaariyaan inay kuwa maqan ku soo dhoweeyaan garoonka diyaaradaha ee
Xamar. Sidoo kalana waxaa dadweynaha Xamar jooga oo dhan laga codsanayaa
inay u soo dhoweeyaan nimankaas si aan horay loo arag loona maqal. Ka
warran qab-qablayaal ay Xamar ku soo dhoweeyeen boqolaal kun oo qof,
fatuurad dusha ka furanna lasoo saaray? Roog guduudanna/casna haloogu
daro haba ka raacdee. Taasi waxay naga shaafinaysaa tuhunkii iyo is-nacaykii
ku dhexjiray shacabka iyo qab-qablayaasha.
6. Waxaa dadweynaha Xamar laga
codsanayaa inaysan tixgelin haddii ganacsade ama ku-xigeen nimankaas uu
banaanka iskeeno si uu ugu raaxaysto waxa nimankaas loo yaboohay. Tani
mar bay ahayd marka Ilaahay ha waydiisteen wax kale ama ha isu
diyaariyeen jagooyinka kale ee maamulka Xamar. Ninkii isku daya inuu isa
soo taagana, hal meel toddobadaas qab-qable iyo shacabku ha uga soo
jeestaan.
7. Arrintaan waxay u muuqataa khiyaali
laakiin waxaan shakki lahayn waa arrin hal habayn wax looga qabankaro
maxaa yeelay waa arrin cad “xalaal barqaa la qashaa” marka wax laal-laab
ah ma leh.
8. Ururkaan wuxuu Ilaahay hortii ku
dhaaranayaa inuusan jirin nin ka mid ah qab-qablayaashaas oo qorshahan
og. Sidoo kale ma jiro shaqsi kale oo ka socda qabiilooyinka afartaa oo
howsha ka warqaba ilaa ay arkaan qoraalkan. Qab-qablayaasha waxaan ula
xiriiraynaa kaan u hor helno marka dhib naguma haysto kii loola hor
xiriiro. Waxaan dadweynaha Soomaaliyeed iyo iyaga laftoodaba ka
codsanaynaa inay na soo siiyaan telefoonada qab-qablayaashaas.
9. Xal u helidda Xamar kuma xirna tan
Mbagathi. Hadday qab-qablayaashu is arkaan 9 December oo xal ka fiican
kan gaaraan waan soo dhowaynaynaa, kanna waa la iska tuuri doonaa.
Hadday dhahaan waqti nasiiya dhib ma leh. Marka howsha waxaa la geli
karaa markasta ooy ku habboonaato haddii Ilaah idmo.
10. Waxay keenaysaa in
qab-qablayaashaasi maalmo guduhood ku noqdaan kuwa dadka loogu
jecelyahay, iyo waliba iyagoo mara meeshay rabaan iyadoon cidna
waardiyeyneyn. Hadday lacag u bukaanna, bal suurayso dhakhliga dekedda
iyo Garoonka kasoo xaroonkara? Teeda kale dadweynaha Soomaaliyeed waa u
diyaar in loo uruursho maalaayin Doolar hadday lacag doon yihiin ee may
lacagta iyagoo ku sharfan qaataan inta intii shilin la siiyo haddana
lagu caayayi lahaa saxaafadda adduunka? Ogoow kii u qaba in arrintiisu
qarsoodi tahoow, mar kale feker.
11. Dadweynaha iyo qab-qablayaashaas
waxaan ka codsanaynaa inaysan dabogelin cidda fikraddu ka timid ee ay ka
raacaan waxa fiican. Sidaad aragtaan waxaa fikradda iska leh
qabiilooyinka laga badanyahay (0.5). Haddii fikraddani shaqayso waa
inaan Ilaahay ku mahadino, dadkaas la yassana, dadka lala soo simo oo
Ilaahay looga baqo, maaddaama ay maanta keeneen fikrad aad u qiimo badan.
12. Ururkani wuxuu qab-qablayaasha ka
codsanayaa inuusan midkoodna ka madax-taagin arrintaan oo uusan oran ma
hebel baan hor fariisanayaa. Waa inaad hor-fariisataa khaasatan
haddaadba tihiin dad isku qolo ka soo jeeda.
13. In qab-qablayaashaasi halyeeyo
noqdaan waxaa ka xiga hal mar ooy dhahaan waan aqbalnay codsiga ururkan
dabadeedna hal xafiis wada fariistaan.
14. Ururkani wuxuu jeclaanlahaa, in
nimankan hal hotel loo xiro ama guri kale oo weyn oo laga heli karo
toddobo qol ooy kala jiiftaan iyo hal hall oo xafiis u noqda. Marka waa
in inta arrinta Xamar caga-dhiganayso aan loo kala kicin oo ay hal
xafiis wada fariistaan, hoy aan kala fogayna seexdaan si aan loo oran
nin hebel, dowlad ama qof hebel baa wata.
15. Haddii arrintani shaqayso waxay
noqonaysaa in Soomaaliya oo dhan mudo yar wax looga qabto sida iyadoo
loo yeero cidda Puntland, Somaliland, Jubba, Hiiran Baydhabo, iyo weliba
gobollada kale xukunta. Kama wado qab-qable ka mid ah toddobadan iyo mid
xukuma Somaliland baa isku qeyb helaya ee waxaan rabnaa in waddanku
maalmo yar gudahood nabad noqdo haddii Ilaah nala garabgalo.
16. Markii Xamar ama Soomaaliya xasisho,
dadku iyagaa qofkey rabaan dooranaya.
17. Waxaa dhici karta in la is yiraahdo
muxuu ururku arrinta marka hore ugu bandhigi waayey qab-qablayaashaas.
Ururkan muhiimadda koowaad waxaa u leh dadweynaha, marka “wixii la
qariyo qurun baa ku jira”. Marka waxa dhici karta in shacabka laftiisu
arrintan diido marka haddii shacabku ka biyo-diido waxay noqonaysaa in
ururka dib u eego bayaanka.
Wuxuu urururku rajaynayaa Ilaahay idanki,
in arrintani ka shaqaynayso Xamar iyo Soomaaliya oo dhan iyadoo uusan jirin
qof ama qabiil gooni ah oo maxsuulka iyo wanaaga ka soo baxa arrintaas gooni
u sheegan kara maaddaama howsha si wada jir ah loo qabtay. Qaabkani waa
qaabka loo xalliyo arrimaha qabiilka ku saabsan. Mar hadduu jiro qof ama
qabiil haya arrin tan ka fiican, ha keeno waa la raacayaaye.
Affeef: waxaa la ii fasaxay in maqaalka
qaabkaan rabo idin ku soo gaarsiiyo laakiin ujeeddada ururku sidii loogu
talagalay ahaato.
Mahadsanidin.
WABILLAAHI TOWFIIQ
WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 29,
2003
»C/waaxid
oo Dafiray Beel Degta Puntland
[DhegoCade]
QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID
Wada-shaqayntu
Waa Furaha Guusha.. GUJI
|