1. Haddaan dhihi lahaa
Dirtu ma degto Punltand, magaca maqaalkaagu micnuu samayn lahaa. Waxay
ahayd inaadad ugu badnaan tiraahdid C/Waaxid oo qabiilkii Dirta aan
xussin markaasna waxaad rabtid falkisid. Marna erayga dafiraad meesha ma
soo gali karo. Makala saari kartaa tuhun iyo dafiraad? Anigu Mudugonline
waan ku eedeeyey dafiraad maxaa yeelay magacaygii iyo qabiilkaygii bay
isu diideen laakiin anigu ma qabiilka Dir baan soo hadal qaaday? Marka
horta cinwaankaagu “waa mar loo noqay”.
2. Teeda kale anoo
samaynaya tirokoob ama cilmi baaris ku saabsan qabiilooyinka Puntland
dega haddaan Dirta ka tagi lahaa waxaa suurtogal ahayd inaad tiraahdid
muxuu uga tagay, tuhunkaaguna meeshuu rabo buu kula gali karay.
3. Hadda lafteeda maad
caddayn inaad qabiilkaas tahay iyo in kale ilayn anigu e-mail iyo magac
jawaab iskagama qori karo. Dir ahaan kuulama kaftami karo oo waxaa dhici
karta inaadan qabiilkaasba ahayn.
4. Maqaalka waxaan ku
xussay inay jiraan qabiilooyin aan Daarood ahayn oo aan qaar magacaabay
waxaanan soo qoray (iyo qabiilooyin kale oo ay dhici karto inaysan
Daarood ahayn). Runtii markaan maqaalka qorayey waxaan is iri waxaa
dhici karta qabiilooyin kale oo aan aqoon inay halkaas degaan marka si
aan cududaar u helo ayaan sidaas yeelay laakiin markaas Dir maskaxdayda
waa ka maqnayd.
5. Walaalkeen wuxuu
yiri Dirtu waxay degtaa gobollada Puntland oo dhan min Sanaag Bari ilaa
Waqooyiga Mudug. Runtii kuma xeel dheeri sida loo kala degenyahay
Puntland laakiin walaalkeen isagaa macluumaadkaas na siiyey. Haddii
Dirtu gobollada Puntland degto, Cabdullaahina ku sheegtay inay reer abti
u yihiin muxuu C/hi Dir u qabtay? Wasiirada iyo Wasiir ku-xigeenada ma
ku jiraan? Golaha baarlamaanka yeey ku leeyihiin? Guddoomiyayaasha
gobollada iyo degmooyinka wax maka heleen? Madaxda ciidamada wax maku
leeyihiin?
6. Qabiilooyinka aan
soo taxay uma soo tixin ammaan, qof kasta oo maqaalkaas akhriyey wuu
garanayaa in magaalku ku socdo booqashadii C/hi ee Thailand, anoo
caddeynaya in sidii Muuse Suudi u xushay waftigiisa ka macquulsanayd
sida kornaylku yeelay. Sheekadu waxay u dhacaysay idinkoo intaas oo
qabiil ah oo soo taagan baa C/hi sidaas yeelay marka ma waxaad rabtay
inaan canaanta ku daro Dir ilayn meesha baarlamaan iyo ergo kuma
qaybinayne?
7. Maaddaama reer
adeerkay ku hungoobeen ka hadalka qolodayda, adiguna waxaad xustay cidda
C/hi iyo ani reer abtiga noo ah. Awal baan sheegay reer Mudugii inay
bilaabeen sheeko aan looga horrayn marka adoo sheegtay inaad Boosaaso
joogto, ma waxaad furaysaa furin ku cusub kaftanka Soomaalida sida inaad
tiraahdid reer abti baa la taageray iyo saas?
8. Dagaalkaad xustay ee
dhexmaraya Dir iyo Marreexaan waa dagaal sokeeye. Ilaah baa laga
magangalaa fidnada noocaas ah. Marka iyadoo Ramadaan lagu jiro in sheeko
noocaas ah maskaxdaada ku soo dhacdo waa arrin yaab leh. Anigu waxaan
leeyahay Ilaahoow dagaalkaas qabooji oo dadkaas ehelka ah, dariskana ah
nabad waarta dhexmari. Miyaadan ogayn in Diri Daarood reer abti u tahay
waa adiga C/hi inay reer abti u yihiin xussee? Waxaan shakki ku jirin in
qofina uusan jeclaadeen inuu qab-qable abti ama qaraabo la noqdo hadduu
awoodo marka magaran waxaad Dir iyo C/hi iskula doonanaysid?
9. Haddii xuska Dir aan
uga tagay dagaalka ay reer abtigay kula jiraan dartiis, Daaroodka aan
soo xussay intooda badan waan ka tagi lahaa kadib markii iyaga iyo reer
adeerkay dagaal dhexmaray, mana heleen cid dambe oo aan wax ka qoro
ilayn qabiilooyinka Soomaaliyeed intooda badan waan is dagaalnee.
Waraaqahaan C/hi ka qoray way badanyihiin waligayna reer abtigiis wax
kama sheegin marka maxaa maanta igu khasbay inaan reer abtigiis usoo
dhigto?