SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Is-barbardhigga booqashadii Muuse Suudi ee Libya iyo tii kornayl C/hi ee Thailand

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

 

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Sidaan la socono labada hogaamiye waxay ka mid yihiin ragga u tartamaya jagada madaxweynanimada Soomaaliyeed. Taageerayaasha C/hi waxaa dhibaysa oo kaliya is-barbardhigga labada hogaamiye iyagoo u arka in kornaylka meel looga dhacay. Ra’yigayga waxaan halbeeg uga dhigayaa dhacdooyin furan oo qof kasta oo Soomaali ahi arki karo dabadeedna waxaan u daynayaa dadweynaha Soomaaliyeed inay kala saaraan labadaas hogaamiye. Labada hogaamiye hadaladii ay BBC-da ka sheegeen wax bay u dhintay oo dadweynaha Soomaaliyeed waxay ka qaateen labadoodaba tallaabooyin taxadar leh.

Safarkii ugu dambeeyey ee Muuse Suudi ku aaday Libya wuxuu horay usii watay ergo ay ku jiraan ku-xigeenadiisa sida Barre Hiiraale (Marreexaan, Daarood), Xaabsade (Raxanweyn), Cismaan Caato (Habargidir, Hawiye), Jaamac Cali Jaamac (Harti, Daarood), Cumar Jees (Absame, Daarood) iyo wafdi kale. Wuxuu rabo ha uga dan lahaado laakiin halkaas waxaa ka muuqda sawir ah in ay halkaas ka joogaan dad ka socda qabiilooyin waaweyn oo Soomaaliyeed. Muuse safarkaas inuu ka qariyo ku-xigeenadiisa iyo golahiisee waxaa lagu shaaciyey warbaahinta caalamka halka hogaamiyaha Puntland uu xittaa ka qariyey ku-xigeenkiisii. Waa ninka uu dadka ku dhaho isagaan Puntland kusoo dhaafay.

Puntland waa geyiga C/hi xukumo, waxaa degen dad u badan Daarood sida Harti, Leelkase, Awrtable iyo kuwo kale. Waxaa sidoo kale degen Carab Saalax, Madhibaan iyo qolooyin kale oo ay dhici karto inaysan Daarood ahayn. Waxaa la sheegaa markii C/hi ka baxayey Gaalkacyo inay horay u sii raaceen labo wasiir oo ka mid ah xukuumaddiisa waa Axmed Ceegaag (Ciise Maxamuud, Majeerteen) iyo Shaahdoon (Cali Saleebaan, Majeerteen) oo kala ah wasiirka xannaanada xoolaha iyo wasiirka kalluumaysiga sida ay ukala horreeyaan. Waxaa la sheegaa inuu labada wasiir kaga tegay Dubai. Waxaa la ii sheegay inuu ka dhuuntay Shaahdoon oo uusan waxba u sheegin. Waxaa la caddeeyey inay Thailand u raaceen labo nin oo lagu sheegay Ismaaciil Xaaji warsame iyo C/Weli Cali Taar. C/hi iyo labadoodu waxay isla yihiin jufo hoose oo ka mid ah Cumar Maxamuud oo la yiraahdo Faarax Shurwac. Waxaa la sheegaa inay Thailand markay tageen heshiis qarsoodi ah la galeen kalluumaysato la rabo inay ka howgalaan Puntland.

Waxaa Dadweynaha Puntland u caddaatay in dooddii Maxamed Cabdi Xaashi ee ahayd inuusan C/hi cidna la tashan, ay run noqotay. C/hi uma sheegin Maxamed Cabdi inuu Thailand u socdo iyo heshiiskaas qarsoodigaa midna. Waxaan shakki ku jirin in Maxamed Cabdi Xaashi isagoon qori qaadan sidoo kalana aan caytamin guul gaaray. Mowqifka uu qaadan doono Maxamed Cabdi Xaashi waan arki doonaa.

Heshiiskii ay galeen Hitler iyo Stalin ayaa lagu sheegaa inuu ka mid ahaa kuwii ugu khiyaanada badnaa ee labo hogaamiye kala saxiixdaan. Waxaan caddayn heshiiskay kala saxiixdeen Cadde Muuse iyo C/hi waxa saldhig looga dhigay? Dadweynaha Puntland markii hore caleemo qoyan bay ku soo dhoweeyeen laakiin waxaa isla bilowgiiba muuqanaysay C/hi oo aan fulin qodobadii heshiiska iyo Cadde oo ku samraya arrintaas.

Taageerayaasha Cadde waxaad mooddaa inay ka caqli badanyihiin kuwa C/hi markay u ogolaadeen in C/hi iyo labo ilmo-adeeradiis ah Thailand tageen, oo heshiis qardoosi ah soo galaan halka Cadde uu shafka u garaacay inuu C/hi si nabad ah ugu soo noqon doono Puntland.Arrintaasi waxay dhaboobaysaa haddii C/hi Puntland dib ugu soo noqdo. Waxaad mooddaa in Cadde Muuse leeyahay nin raba inuu Soomaaliya madaxweyne ka noqdo waa kaas. Waa farshaxanadii Amin Caamir oo kale oo qofkasta akhrin karo. Waa arrintaas waxa Carabtu u dhihi jirtay ninkii aan lahayn la-taliyeyaal fiican waa nin biyo maquufay/maquuray.

Waxaan filayaa in Cadde iyo taageerayaashiisu aysan iloobin dhibta ay leedahay xaqdarrada iyo cabburinta shacabka maxaa yeelay way soo dhadhamiyeen. Marka hadduu Cadde diyaar u yahay inuu C/hi sii hayo bilaha soo socda haddii Ilaah idmo, Cadde ha ogaado dadweynaha kale ee Puntland inay diyaar u yihiin inay gaaraan rabitaankooda. Sidoo kale waxa ku dhacay shacabka Puntland iyagaa isu geystay. Iyagaa mar C/hi saaray haddana iyagaa soo ceshaday. Marka waddankii oo abaar in isaga iyo asxaabtiisu udhuuntaan Thailand idinkaa isu keenay. Waxaan aaminsanahay hadduu dhowr maalmood naga maqnaado inuu roob di’i doono idinka Ilaahay.

Sidaad la socotaan dadku waa inuu xisaabtamo. Xisbiga mucaaradka ee waddankan Britian waa tory party (conservative) waxay cayrsheen hogaamiyahoodii la oran jiray Ian Duncan Smith markay qiyaaseen inuusan ku guulaysan karin doorashada ra’iisul wasaaranimada ee soo socota. Yaa cayrshay? Waa xubnihii mucaaradka khaasatan kuwii baarlamaanka ku jiray. Anigu marar badan baan talo usoo jeediyey dadweynaha iyo ergada Puntland ee Kenya joogta inay C/hi ceyrshaan intaan xisbiga mucaaradka Britian saas yeelin laakiin talooyinkaasi waxay ku dhaheen dhego xiran. Sidoo kale waxaa la dhahaa ninkii madaxa gidaar ku garaaca isagaa madaxu dakhramin.

Marka ninka inta ka dhuuntay wasiiradiisii, horay usii watay labo nin oo ilmo adeeradiis ah, Puntland ma udoorankartaa inuu isu soo sharraxo madaxweynanimo? Puntland ma aqaan laakiin dad kale waxaasi kama suurtoobi karaan. Marka waxaa maalmahan isha ku haynayaa Puntland iyo dadkeeda. Haddii C/hi sii wato hogaankiisa waxay noqonaysaa in buug laga qoro dadka deegaankaas.

Marka Muuse Suudi iyo C/hi kee baa si fiican wafdigiisa u xushay?

 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | Nov 15, 2003

 QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID


Wada-shaqayntu Waa Furaha Guusha.. GUJI

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo  Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD