SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Booqashadii kornayl C/hi oo la Bogaadiyey

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

 

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Waxaa la sheegaa in mar nin Sheekha ah oo ka hadlayey Sakada uu yiri geela sadaqo laguma leh, isagoon hadalkii dhamayn baa waxa ka kacay dad dhowr ah oo ahaa kuwa aan warka sugin markaasay dadkii ku dhaheen geela sadaqo lagama rabo laakiin hadday sugi lahaayeen hadalka sheekha oo ahaa sadaqo lagama rabo geela shan tuldood ka yar.

Hadda waxaan ka baqayaa in taageerayaal badan oo C/hi markay arkaan cinwaanka maqaalka dhahaan: C/Waaxid waa “toobad keenay” oo waakaas hadda C/hi ammaanaya! Waxaa dhici karta taageerayaasha kale oo aan boggagga Soomaalida akhrinteeda fursadda u helin inay falanqeeyaan waxa ku khasbay C/Waaxid inuu saacaddan “toobad keeno”. Qaar waxa dhici karta inay yiraahdaan:

1. Carta iyo C/Qaasim bay is-qabteen, arrimo la xiriira lacag uu ka waayey.

2. Inuu Gaalkacyo taguu rabaa marka waa inuu kornaylka cafis waydiisto.

3. Runtii buu hadda ogaaday iyo in qolyaha Xamar yihiin kuwo aan la dhinac istaagin karin.

4. Boggag ka mid ah kuwa Puntland baa qabiilkiisii u diiday oo hadda wuxuu rabaa inuu qabiilkiisa dib loogu ogolaado.

5. Xafiiskii Puntland ka furatay Washington DC baa howlo badan qabtay oo muddo ka yar asbuuc keenay inay ku qalqaaliyaan in C/Waaxid ina-adeerkiis dhinac istaago.

6. C/Waaxid oo naftiisa u baqay markuu arkay siyaasiyiin badan oo Kenya lagu dilay.

7. Iyo hadalo kale oo faro badan.

Inta aanan u gelin dantayda waxaan rabaa inaan xassuusiyo in Allaah kaliya leeyahay mulkiga wax kasta, Kaligiisna uu maamulo caalamka.

Sidaad la socotaan waxaa kulmay booqashadii lagu sheegay in kornaylku kaga tagay Puntland iyo roobab ka da’ay meelo ka mid ah Puntland. Saan horay ugu soo arartay, joogidda C/hi iyo maqnaantiisu roobka shuqul kuma leh, Ilaah baa raxmaddaas keenay. Aniga waxaan jeclahay waxa la yiraahdo “tafaa’ulka”. Tusaale ahaan waxaan aamminsanahay in dagaal-oogayaashu aysan nabad keeni karin. Waxaan rajaynayaa haddii dadka akhyaarta ahi isu yimaadaan inay heshiin karaan. Waligay waxaan ku taami jiray in dadka Puntland iyo konrnaylka lakala fogeeyo. Joogistiisa kaliya ayaa dhib nagu haysa. Inkastoo abaarta Ilaah keeno, shantii sano iyo xoogaagii uu Puntland haystay waxaa halkaas ka jiray abaaro ba’an waxaan rabi lahaa inuu halkaas yimaado hogaamiye Ilaah iyo muslimka jecel oo kheyr aakhiro iyo mid adduunba Ilaah noo waydiiya.

Soomaalidu horay bay “Tafaa’ulka” u taqaanay. Waxaa la sheegaa in markii askarta Sayidku dileen Sheekh Awees, uu Sayidku gabay ku yiri:

candho dagoble goortaan dilnaa roobku noo da’aye

Marka hadda markuu kornaylkii naga duulay baa roobkii noo da’ay. Ilaahoow adaa mahadleh.

Arrinta kale waxay tahay sida ku cad waraysigii uu siiyey Hornafrik madaxweyne ku-xigeenka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi wuxuu sheegay inuu kornaylku yiri waxaan gaarayaa Dubai. Meel kale ma xussin. Xukuumadda C/hi intooda badan looma sheegin safarkiisa, kii loo sheegayna wuxuu u dhego duleelay iyadoo Dubai la leeyahay. Waxaa markiiba arrinta Dubai sheegay Allpuntland oo rabtay inay sheekada loo sheegay madaxweyne ku-xigeenka sharci ka dhigto. Waxay ugu darnayd markii Mudugonline sheegtay in “madaxweynuhu” u socdo Malaysia ama Indonesia. Waxaa warar lagu kalsoonyahay sheegeen in uu shalay joogay Thailand. Hadday arrintaasi run noqoto waxaa la iswaydiinayaa:

1. Maxaa kornaylka ku khasbay inuu ku-xigeenkiisa iyo xukuumaddiisa ka qariyo inuu Thailand aadayo?

2. Maxaa ogaysiiyey safarkiisa Asia Mudugonline oo u diiday inuu ogaado ku-xigeenkiisa?

3. C/Qaasim markuu Malaysia u socday wuxuu sii sheegay muddo ka hor inuu haysto martiqaad uu ka helay ra’iisalwasaarihii hore ee Malaysia kadibna waa uduulay. Sidoo kale C/Qaasim markuu Libya u socday waa la ogaa waliba markii loo diiday inuu Balidoogle ka baxo. Sidoo kale Muuse Suudi iyo golihiisu waxay sii sheegeen inay u socdaan Libya. Daahir Riyaalaha Somaliland markuu u socday Senegal iyo Jibouti wuu sheegay.

4. Taageerayaasha C/hi waxay sheegaan in dadka ugu dambi badan Soomaaliya ay yihiin C/Qaasim iyo qab-qablayaasha Xamar, iyaguna markay safar rabaan ma qariyaan ee maxaa geesi/halyeey C/hi ku khasbay inuu ku-xigeenkiisa iyo wasiiradiiska ka qariyo?

5. Hadduu Thailand caafimaad u aaday ha ogaado inay Thailand ahayd meeshii ay ku dhinteen labadii gabdhood ee madaxa iskaga dhegenaa ee u dhashay Iran.

Waxaan filayaa inuusan qofna moogayn khilaafka siyaasadeed ee ka jira Puntland khaasatan kan u dhaxeeya C/hi iyo xukumaddiisa. Hadday arrinta Thailand run noqoto waxaan filayaa inay run tahee waxay noqonaysaa “kala-bax kitaabkaa qaba”.

Ogaada markii kornaylku rabay inuu yimaado London sanadkii hore waxaa taageerayaashiisa iyo boggagga taageeraa sheegin inuu rabo inuu ka qaybgalo xafladdii ka dhacday Maraykanka ee lagu xussayey sanadguuradii kasoo wareegtay qaraxyadii ka dhacay Newyork iyo Washington. Marka ma dhici kartaa in sheekadu taas oo kale tahay? Kaliya markaas waxay noo tilmaameen Galbeed haddana Bari.

Marba haddaan booqadashii kornaylka baraare ka qaadnay (roob) waxaan jeclaan lahaa inuu safarkiisa sii dheereeyo oo uu sii maro Tunisia, Tanzania ama Trinidad.


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | Nov 14, 2003

 QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID


Wada-shaqayntu Waa Furaha Guusha.. GUJI

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo  Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD