SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Edna oo Puntland eedaysay siduu kornaylku u eedeeyey

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

 

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

Ilaah baa mahadleh. Nabedgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Markii uu Nabigu (SCW) Makkah furanayey ayaa la waydiiyey daarta uu Makka ka degi doono. Nabugu (SCW) wuxuu yiri oo Caqiil ma nooga tagay daar? Micnaha Caqiil Binuu Abii Daalib oo markaas gaal ahaa ayaa iibsaday daarihii ilmo C/Mudhalibkii muslimka ahaa ee hijrooday.

Marka kornaylku ma uga tagay Puntland ammaan iyo sharaf toona? Haddii isagii oo Puntland xukuma uu BBC ka yiri Galdogob iyo Bacaadweyn oo Mudug ah waxaa godod ku leh argagixiso sidoo kalana Shimbiraale ku sheegay meel aragagixiso. Warbaahinta iyo afhayeenada kornaylku maxay arrintaas ka dhaheen? Inkastoo Edna iyadun markeeda Puntland eedaysay iyadoo qiratay inaysan wax caddayn ah hayn, maxaa iyada gooni looga rabaa?

Xabaal-qodayaal (qab-qablayaal) iyo umulisooyin kee ku habboon inay wasiirro noqdaan? Dad baa ku caaya inay umuliso ahayd. Anigu ma aqaan shahaado ay haysato laakiin sida mucaaradkeedu sheegayaan waxaad mooddaa inay dhigeen booska kalkaalisada (nurse). Haweenay umuliso ah ayaa ka shaqo fiican qab-qablayaasha usoo tagaan inay dad dilaan. Umuliso wax bay caawisaa oo waxay isku daydaa haddii Ilaah la garab-galo inay hooyo iyo ilmo kala badbaadiso marka waa qof usoo taagan caawimaad halka dagaal-oogayaashu ay usoo taagan yihiin dil iyo burburin.

Waxaa jiray heshiiskii Xudaybiya in Abuu Jandal (RC) oo ka soo fekaday Quraysh oo soo gaaray halkii heshiiska. Markaas waxaa Quraysh u saxiixayey heshiiska aabbihiis oo markaas mushrik ahaa. Odaygii wuxuu codsaday in heshiiska laga bilaabo in wiilkiisa Makkah loo cesho. Marka Cumar Binu Khidaab (RC) baa isku deyey in Abuu Jandal uu aabbihiis dilo isagoo seeftiisa ku soo dhowaynaya Abuu Jandal laakiin Abuu Jandal ma fahmin taas ilayn hadduu aabbihiis dilo cidna mag uma haysateen, labana isma waydiiseene. Cumar (RC) waxaa laga sheegaa inuu yiri “danna Rajulu bi abiihi” oo ah ninku wuxuu ku bakhaylay aabbihiis. Marka hadday Edna u turtay qoladeedii oo ay eeddii dusha ka saarto dad awal uu hogaamiyahoodu horay u eedeeyey maxaa laga rabaa? Marka Puntland waxay halaq-mareen u noqotay qab-qablayaasha waa sida Soomaalidu u dhahaan wixii xunba xaawaa leh.

Maxaa Somaliland ka hortaagnaa inay isku dayaan inay goosasho ka hadlaan ka hor 1998? Arrinta ugu wayn waxay ahayd uma furnayn inay dhahaan Koonfur nabadgelyo ma leh ilayn Puntland baa markaas ka nabad badnayde. Laakiin kadib doorashadii kornaylka khaasatan markuu xoogga ku qabsaday Puntland waxay noqotay meel Xamar ku siqaysa. Waa arrintaas waxaan u lahaa Puntlandeey ninkaan is-dhaafsha oo bilaha ka harsan waqtigay qoondaysteen u sii dhiiba Maxamed Cabdi Xaashi laakiin wali jawaab ma leh.

Marka is-bahaysiguu sameeyey ka sokoow waakaas shirkii Nairobi ciidda lala galay. Waakaas uu C/Qaasim ka dhigay madaxweyne. Marka waxaan sugnaa waa Puntland oo Xamar ku siqaysa. Marka Edna u diiday qoladii inay eedda dusha ka saarto.

Seddex waxyaaloodba eedaynta Edna waa ka macquulsantahay tan C/hi:

1. Edna waxay aqooni la doonaysaa qabiilkeeda (Somaliland) halka uu kornaylku madaxweyne raadin uu eedayntaas u soo jeediyey.

2. Edna waxay haysataa raadraac oo kornaylkaa uga horreeyey.

3. Waxay eedda ka leexisay qabiilkeedii oo waxay la aaday qabiil kale halka uu kornaylku eedeeyey dadka Gaalkacyood.

“Laga baray laga badi”.


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | Nov 1, 2003

 QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID


Wada-shaqayntu Waa Furaha Guusha.. GUJI

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo  Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD