SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Bosaso, Soomaaliya: Xeebta BaddaCas  ee Afrikada Bari

Dr. Caydaruus iyo Ciise Dhollowaa oo ay Lasocdaan Weriyaal Katirsan ABC-TV (Australia) oo Ku Sii Jeeda Boosaaso

Waa socdaal hordhac u ah Barnaamij Dhakhaatiir lagu geyndoono Boosaaso sanadka 2004.

Warbixintii: SomaliTalk.com | Jimce Nov 28, 2003

Waxaa Australia maanta oo Jimce ah ka dhoofaya Dr. Caydarus Musse Faarax iyo Ciise Maxamud Dhollowaa oo ku sii jeeda magaalada Bosaaso, ee dalka Soomaaliya, si Dr. Caydruus uu cisbitaalka Bosaaso u joogo, waxna ugu qalo mudo 20 cisho ka badan. waxaa labadaas nin socdaalkooda ku weheliya, sadex qof oo ka socda mid kamid ah televisionada waddanka Australi, si ay film Documentary ah uga duubaan howshaas Dr. Caydaruus ee cisbitaalka Bosaaso.


Dr. David, Dhollowaa iyo Xaaskiisa oo sawirka laga qaaday ayagoo joogey Bosaso

Dr. Caydarus Musse Faarax

Qaybta Qalliinka ee Cisbitaalka Bosaso

Gudaha Cisbitaalka Bosaso

Garoonka diyaaradaha ee Bosaso

Socdaalkan oo laga shaqaynayey muddo sanad iyo bar ka badan wuxuu suurta gal noqday markii Dr. Caydarus Muuse Faarax aqbalay codsi ku saabsan sidii uu cisbitaalka Bosaaso u tegi lahaa, qaliinada lafahana ugu samayn lahaa. Dr. Caydaruus wakhtiga uu joogo Bosaasona waa mid uu u huray dadkiisa iyo dalkiisa hooyo.

Dr Caydaruus Musse Farax waa, MD, FCS(South Africa) Orthopedics, (with additional clinical fellowship of Adult reconstructive Surgery & Sports Medicine), oo uu ku samayey Jaamacada Toronto, ee waddanka Canada. Caydaruus wuxuu hada dhakhtar ka yahay waddanka NewZealand.

Barnaamijkan oo muddo laga soo shaqaynaayey wuxuu cisbitaalka Boosaaso ka soconaya mudo lagu qiyaasay ilaa 25 cisho. Waxaana si waadda jir ah uga soo wadda qayb qaatay cisbitaalo shisheeye ah iyo hay'ad Soamaliyeed. Waxaana si lixaad leh uga qayb qaatay Dr. Cabdulaahi Saciid aw-Musse oo ah gudoomiyahay guudo cisbitaalka ee Bosaaso oo isagu waddanka Australia dhowaan ku tegey shir wadda tashi ah kaas oo dhexmaray isaga, Dr. Caydaruus, Ciise Dhollowaa, hay'ado iyo madax cisbitaalo ku yaala waddanka Australia. Shirkaasina wuxuu fure u noqday hawshan.

Sida Ciise Dhollowaa noo sheegay barnaamijkani waa "Pilot Project" hor dhac u ah in halkaas la geynkaro dhakhaatiir shisheeye, kuwaas oo samayndoona qaliino waa weyn, sanadka soo socda ee 2004.

Saddexda qof ee Dr. Caydaruus iyo Dhollowaa kuweheliya safarka waxay ka socdaan Telefeshinka Australia ee ABC, gaar ahaan barnaamijka TV-gaas u qaabilsan arimaha dibada loo yaqaan 'Foreign Correspondence', taas oo inta ay Boosaaso joogaan ay filim ka duubi doonaan cisbitaalka Boosaaso iyo sida ay hawsha qalliinku uga socoto.

Mar aan waraysanay Ciise Maxamud Dhollowaa oo  arinkan hay'ada uu isagu madaxda ka yahay ee SOMHEEDO (Somali Health Education and Economic Development Organisation) isku soo dubaridey, wuxuu noo sheegay in barnaamijkani yahay mid aad iyo aad ummadda Somaliyeed qiimo ugu fadhiya. Sababta oo ah Dr. Caydaruus waa nin aqoon sare u leh qaliinada noocaan oo kale ah, ayaa Ciise noo sheegay.

Ciise Dhollowaa oo hadalkiisa soo koobayey ayaa yiri "waxaa hawshani ku suurta gashay, talada Allah, isaga ayaana mahad iyo cisba muddan, maadaama uu noo sahaly wixii aan ka barinay."

Ciise Dhollowaa waxaa lagala xiriiri karaa:
imfarah@students.latrobe.edu.au

Safarkii Hore ee Dhollowaa Kumaray Garoonka Hargeysa.. Guji

Waxaa qoraalkaan isku soo dubaridey
Maxamed Cali
Minneapolis, MN, USA

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 28, 2003.

Maxaa Gaaca Biyo Jawleh: waa meel maal gelin u baahan...


WARARKII HORE EE BOSASO:

Bishii August ee 2003 ayey ahayd markii Wasiirka Waxbarshada ee DGPL iyo Wefti uu hogaaminayey ee Jaamacada Bariga Africa ay booqasho ku tageen dalka Austrila,[ Halkan ka akhri sidii loo soo dhoweeyey waftigaas]

Bishii Janaayo 2003 ayey ahayd markii Wafti Kasocda Jaamacadda Latrobe University (Australia) ay Booqasho Kuteen Jaamacadda Bariga Afrika, Bosaso. Waxaa waftigaas hogaaminayey Dr. David Dorward, ka socdey African Research Institute,((ARI), Latrobe University, Australia. [eeg warbixintii waftiga Booqday Boosaaso]

Bishii Janaayo ee sannadkan 2003 ayey ahayd markii magaalada Minneapolis, USA sida weyn loogu soo dhoweeyey wafti ka socdey Jaamacada Boosaaso, waftigaas oo reer Minneapolis uga xog-waramay heerarkii kala duwanaa ee ay Jaamacadu soo martay iyo waxa ay hadda higsaneyso [Eeg warbixintii waftiga Minneapolis Booqaday].

1dii Bishii Febraayo ee 2003 ayey ahayd markii shir ballaaran magaalada Toronto loogu qabtay wafti kasocdey Jaamacada Boosaaso, shirkaas oo ay soo qabanqaabiyeen Guddiga Saaxiibada Jaamacad Bariga Afrika ee Ontario.[Eeg warbixintii Toronto].

26kii Janaayo 2003 ayey ahayd markii Kulan aad u ballaaran oo dadkii ka hadlay ay kamid ahaayeen Dr. Xasan Cali Mire, C/isaaq Maxamuud Dareewal iyo waftiga Jaamacada Boosaso lagu qabtay Atlanta, Georgia [eeg warbixintii Atlanta, USA]

Bishii Febraayo ee 2002 ayey ahayd markii Ciise Dhollowaa booqday Jaamacada Boosaaso, waqtigaas waxaa Dhollowaa warbixin siiyey CabdiRisaaq Sh. Axmed  oo ah Macalin dhiga Luuqada Carabiga kana mid ah xubnaha Gudiga Maamulka Jaamacada. Waxaa C/Risaaq sheegay in ay u baahan yihiin dadka Somaliyeed ee awooda u leh in ay ka caawiyaan dhinacyada waxbarashada, iyaga oo noqonaya macalimiin yimaada jaamacda sanadkiiba hal mar, si ay wax u baraan ardadaas.

Bishii Febraayo ee 2001 ayey ahayd markii Garsooraha 1aad ee maxkamadda darajada 1aad ee magaalada Bosaaso Sh. Maxamed Cabdi Awaare uu beeniyay warbixin ku saabsan laba haween ah oo isku guursaday Bosaaso oo maxkamaddu ku xukuntay in la dilo, warkaas oo ay markii hore ay BBCdu werisey oo beenoobey [Akhri warbixintii wargeyska Sahan..]. Isla Bishii febraayo ee 2001 ayey ahad markii BBC-du sheegtay in la afduubay Marwada Madaxweynaha BL Xaawo Cabdi Samantar (ciridyaanbo) iyo Dr. Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo ka mid ah guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Buntilaan, warkaas oo BBCdu werisey oo beenoobey... [Eeg warbixintii Maxamed-Deeq Cabdulqaadir].

Hadal Abuuray Dood Kulul..... GUJI

Jaamacadda Boosaaso Waxaa Loo Dhisay Kobcinta Aqoonta
Sidaas waxaa yiri Ciise Dhollowaa oo jawaab ka bixinayey hadalkii Prof. Samatar ee ahaa GUJI.. 
 

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah

Dr. Caydarus Musse
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD